https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: July 2022
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Tuesday, July 12, 2022

Recommended Recipe for you:

Log all players that killed my character

Recommended Recipe for you:

Share YouTube video to Discord

Waa kuma Soomaaligii Ka taliyay Jasiiradda Maldives?


Sheekh Siciid kii reer Muqdisho (The Sa’id of Mogadishu) oo diin fidin u tagay dhulka Hindiya, Shiinaha iyo guud ahaan bariga fog

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Sheekh Siciid kii reer Muqdisho (The Sa’id of Mogadishu) oo diin fidin u tagay dhulka Hindiya, Shiinaha iyo guud ahaan bariga fog

WQ: Cabdiwahaab Axmed Cali, Qoraa

Magaalada Muqdisho waxa ay ahayd isha aqoonta, rugta wax soo saarka iyo rabta ilbaxnimada, sida ay ku sifeeyeen dhulmareennadii tegey qarniyadii dhexe.

 Laga billaabo qarnigii labo iyo tobanaad illaa laga soo gaaro qarnigii 16-aad, waxa magaalada Muqdisho soo maamulay nidaamyo boqortooyo iyo saldannado kala dambeyay, kuwaas oo horumarro la taaban karo ka gaaray dhinacyada wax soo saarka, dhoofinta iyo aqoontaba.

 Waxa ay ahayd rug diineed iyo xarun aqoonta Islaamka iyo culuumtiisa kala geddisan laga majeerto, sida uu Yaquutal Xamawi ku sheegayo buuggiisa Qaamuuska Magaalooyinka (Mu'jam ul-Buldān).

 Markale dhulmareenkii reer Boortaqiis Duarte Barbosa oo Muqdisho tegey intii u dhexeysay sannadkii 1517-1518 waxaa uu ku dheeraaday ka sheekeynta ganacsiga reer Muqdisho iyo beec mushtarkoodii Xabagta, Fool-maroodiga iyo Dahabka ee iskaga kala gooshi jiray min Kilwa (Tanzania) Malindi (Kenya) illaa Sofala (Mozambique).

 Wax soo saarkaas maaddiga ah marka laga tago, waxaa barbar socday in ay Muqdisho wakhtiyadaas ay soo saartay aqoonyahanno cilmiga diinta fidiya, kuwaas oo afarta berji gaarsiiyay.

 Xiddigihii wakhtiyadaas Muqdisho ka soo ifay waxaa kamid ahaa Sheekh Siciid kii reer Muqdisho (The Sa’id of Mogadishu) oo diin fidin u tagay dhulka Hindiya, Shiinaha iyo guud ahaan bariga fog. Markalena noqday qofkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo bartay luuqadda Mandarin ka Shiinaha, una rogay luuqad maxalli ah, wallow aanan nuqulladii qoraalladiisa aan la helin.

 

Ragga wakhtiyadaas Muqdisho ka kacaamay waxaa kale oo kamid ahaa qofka aan rabno in aan maqaalkan kaga sheekeyno, waa Sheekh Cabdicasiis Almuqdishaawi (The Abdul Aziz of Mogadishu).

 Mar ku aaddan Dhammaadkii qarnigii 13-aad ayuu ku dhashay magaalada Muqdisho. Qoys diimeed sharaf iyo maamuus ku dhex leh bulshada ayuu kasoo jeeday nasabad ahaan.

 Markii uu noqday gaban hannaqaad ah, durba qoyskiisa waxa ay ula holladeen dugsi Quraan iyo barashada diinta. Yaraanta ayaa uu ku xifdiyay gebi ahaan baallasha kitaabka.

 Xernimo ayuu buraashadda u biyeystay oo in uu Axaaddiista iyo fiqqiga ka biya keeno ayuu goostay. Wixii uu rag u kaco rabbina uu aqbalo waa ay rumoobaane, durba waa uu ka jibba keenay, oo waa kaas soo baxay wadaad dhammeystiran oo Muqdisho iyo aaggeeda cilmiga deeqsiiyay.

‘Fidinta diinta’ xudduud iyo xeyn daab gaar ah malahan qaaciddo ah ayaa ay aaminsanaayeen culimadii iyo aqoonyahankii Soomaalida ee waayadaas hanaqaaday, oo waxa ay isku arkayeen in ay mas’uuliyad ka saaran tahay faafinta diinta iyo guud ahaan cilmiga.

 Waa sababta culima badan oo Soomaali ah ay caan uga noqdeen fidinta diinta meelo ka baxsan dhulka Soomaalida. Dhowr qofood haddii aan carab dhowno waxaa ugu koofiyad dheer sheekh Cismaan Cali Muxjin Seylici oo kutub waa weyn uga tagay ummadda Muslimka.

 Sidoo kale ardaygiisii Imaam Cabdillaahi Yuusuf Maxamed Seylici. Haka reebin Sheekh Abaadir Cumar Ariddaa oo ahaa aasaasihii magaalo cilmiyeedka Herar ee dalka Ethiopia. Sidaas oo kale culimadii xudduudda dhaafay waxaa qeyb ka ahaa Suufigii reer Baraawe Sheekh Cabdilcasiis Al Amawi iyo rag kale oo aan tiro lagu sheegin se taariikhdooda la iska hilmaamay.

c

XIGASHADA SAWIRKA,

Hayaankii Cilmi fidinta ee Sheekh Cabdilcasiis

 

Sheekh Cabdicasiis kii reer Muqdisho ayaa buraashadda u biyeystay in uu cilmigiisa dunida kale la wadaago, oo iska rido waajibka damiiriga ah ee ka saarnaa faafinta aqoonta.

 Wixii uu duur jeexo, marna badaha jibaaxo, doonidii sidday Sheekh Cabdicasiis waxa ay baroosinnada dhigatay jasiiradda Maldives ee Koonfurta qaaradda Aasiya.

 Si milgo iyo maamuus ku dheehan ayaa loo soo dhaweeyay. Dadka deegaanka iyo maamulkaba uma kala harin marxabbeyntiisa, maaddaama uu ahaa wadaad daaci ah oo dar alle iyo diin faafin u socday.

 Maxaa sahlay In uu si fudud ula qabsado Sheekh Cabdicasiis dalka Maldives?

 Su’aalaha durba maskaxdaada kusoo daaddagaya waxaa kow ka ah sidee bay isku fahmeen reer Maldives iyo sheekh Cabdilcasiis? Haddaba si aad u fahanto jawaabta su’aashaas aan dib u milicsanno xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeyay Soomaalida iyo reer Maldives.

 Abu Barakaat Yuusuf Albarbari ayaa loo nisbeeyaa in uu diinta islaamka gaarsiiyay dhulka Maldives. Wadaadkan oo diin fidin u yimid nawaaxigan ayaa la kulmay dhaqamo iyo caadooyin maangad ah oo reer Maldives ay rumeysnaayeen.

 Geed dheer iyo mid gaaban ayuu u koray sidii uu reer Maldives uga xorreyn lahaa khuraafaadka iyo kutiri-kuteynta ay aaminsanaayeen. Ugu dambeyn waa uu guuleystay oo Maldives waxa ay noqotay Jasiirad islaam oo muslimiinta lagu soo dhoweeyo.

 Inkastoo Ibnu Batuuta uu buuggiisa ku weriyay in Abu Barakaat uu ahaa Amaaziiqi kasoo jeeda Wuqooyiga Morooko, haddana dhinaca kale waxaa jira culima badan oo ku doodaya in Abuu Barakaat uu kasoo jeeday magaalada Barbara sida magaciisa ka muuqata.

 Maqaal uu ku daabacay degelka af Carabiga ee Aljazeera ayuu Cimraan Cabdullahi kusoo bandhigayaa doodda ah suurtagalnimada in uu Abuu Barakaat ahaa Sheekhii Soomaaliyeed ee Yuusuf Bin Axmed alkowneyn oo mararka qaarna loo nisbeyn jiray naaneysyada kala Sheekh Yuusuf Albarbari iyo Aw Barkhadle sida uu soo weriyay aqoonyahankii reer Taliyaani ee Enrico Cerulli.

 Xiriirka ganacsi ee joogtada ahaa ee ka dhexeeyay reer Muqdisho iyo Maldives ayaa xoojinaya sheegashada dambe ee ah in Abuu Barakaat ahaa Soomaaliya.

 Ibnu Batuuta qudhiisa, dhowr sadar ayuu kaga waramay saameynta Muqdisho ay ku lahayd Maldives. Tusaale mar uu ka hadlayay raadadka Soomaalida ee ay ku lahaayeen dhulkaas, wuxuu sheegay in xoolaha nool iyo fooxa ba reer Maldives looga soo dhoofin jiray dhanka Muqdisho.

 Xitaa haddii uusan Abuu Barakat Soomaali ahayn, Maldives waxaa abuurnaa jawi cuddoon oo cid kasta oo daneyneysa Maldives gacmo furan loogu soo dhaweynayay.

 Marka aan isku soo wada duubno, laba sabab oo muhiim ahayd ayaa u sahashay in ay Sheekh Cabdicasiis Almuqdishaawi iyo reer Maldives ay is fahmaan, waxaana ay kala yihiin:-

1.      Islaamka oo ku cusbaa; xamaasad ba’an ayeey u qabeen reer Maldives soo dhaweynta dadka muslimiinta ee dhulkooda yimaada taas waxa ay ahayd sabab macquul ah oo fududeysay is fahamkooda.

2.      Iyo saameynta ganacsi ee Soomaalida ee aaggaas. Mar haddii isu socod ganacsi oo labada dhinac uu jiray xamaasad iyo sas badan lagama qabin qofka ka imaanayay dhulka Soomaalida, maba ugu sii jirto haddii uu qofkaas dacwad iyo diin faafin u socday.

 Marka laga soo tago in uu diin barayay, sidoo kale reer Maldives waxa ay uga baahdeen in uu ka caawiyo dhanka maamulka.

 Xer ayaa loo ooday, oo cilmi faafinta ayuu halkeeda ka waday illaa markii dambe loo dalacsiiyay faqiha iyo qaadiga magaalada.

Maldive waxaa ka talinyay wadaad Soomaali ah qarnigii 14-aad

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

 

U Boqriddii Guddoomiyaha Utheemu

 

Markii uu muddo joogay Sheekh Cabdilcasiis, maamulka Maldives ayaa u gartay in laga dhigo qaadiga guud ee Jasiiradda Utheemu ee Wuqooyiga Maldives.

 Muddo ayuu u kala garnaqayay reer Utheemu iyo deegaannada ku xeeran illaa markii dambe fal samaantiisa la isla sheegay.

 Sumcaddii uu ku kasbaday kasoo dhalaaliddiisii doorka qaadinnimo waxa ay gayeysiisay in uu u dalaco guddoomiyaha jasiiradda Utheemu iyo jasiiradaha ku hareereysan.

U kala caddaalad faliddiisa dadka deegaanka waxaa dheeraa sida ay taariikhyahannadu werinayaan soo dhoweynta dadka socotada ah ee jasiiradda soo mara.

 Kulankii Sheekh Cabdicasiis Almuqdishaawi iyo Ibnu Batuuta

 Dhulmareenkii reer Marooko Abu Cabdullahi Maxamed Ibnu Batuuta wakhtigiisa oo idil waxaa uu u huray safar iyo dalmarnimo si uu wax uga ogaado buqcadaha kala geddisan ee dhulka. sagaal bilood oo kamid ah wakhtigiisa ayuu ku qaatay jasiiradaha quruxda badan ee dalka Maldives intii u dhexeysay sannadkii 1343 illaa 1344.

 Buuggiisii Socdaalladii Ibnu Batuuta, waxaa uu ku sheegay markii uu tegey Jasiiradda Utheemu ee Wuqooyiga Maldives in uu kusoo dhaweeyay sheekh lagu magacaabo Cabdilcasiis Almuqdishawi oo kasoo jeeda magaalada Muqdisho.

 Waxaa uu sidaas oo kale sheegay in uu aad ula madaddaalooday oo ay kaftameen oo ay waaya aragnimo sheekeysteen sheekha. Waxa ay u badan tahay in Ibnu Batuuta iyo Sheekh Cabdilcasiis kii reer Muqdisho ay ka sheekeysteen safarkii uu toban sano ka hor wakhtigaas uu ku tagay Ibnu Batuuta magaalada Muqdisho iyo wixii uu kala soo kulmay.

 Sidii dhaqanka Soomaalida lagu yaqaannay Sheekh Cabdicasiis waxaa uu u haddiyadeeyay Ibnu Batuuta dooni xajmi weyn oo uu safarkiisa kusii wato sida uu markale kusoo weriyay buuggiisii Socdaallada.

 

Sidaas ayuu Cabdilcasiis Almuqdishaawi Maldives iyo Utheemu ba sharaf iyo shacni ugu dhex lahaa illaa tii rabbi ay u timid.

 Masaajidka Cabdilcasiis ee magaalada Muqdisho

 Masaajidka cabdilcasiis ee degmada Cabdicasiis waa mid kamid ah masaajidda ugu qaddiimsan ee Soomaalida. Inkastoo aanan la hubin wakhtiga dhabta ah ee la sameeyay haddana waxaa loo badinayaa in uu ku aaddan yahay qarnigii Afar iyo tobanaad ee Miilaaddiga sida laga dheehan taariikhda.

 Masaajidkaan waxaa loogu magac daray Sheekh Cabdicasiis al Muqdishawi. Markale maamuuska loo hayo sheekha waxaa loogu wanqalay magaca degmada uu ku yaallo masaajidka oo ah degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaaddir.

 Sidaas ayaa ay degmada Cabdicasiis ku wadataa magaca aqoonyahankaas Soomaaliyeed ee taariikhda baalka dahabka ah ka galay balse aysan Soomaalidu aqoon.

Saturday, July 9, 2022

Recommended Recipe for you:

Sync Evernote and Todoist

Recommended Recipe for you:

Sync Evernote and Todoist

Arrin ka dhacday qolkii lagu daldalay Saadaam Xuseen iyo 'eraygiisii ugu dambeeyay'


Dilkii Saadaam Xuseen

XIGASHADA SAWIRKA,

Maanta oo kale oo caalamka laga xusayay munaasabadda Ciidul Adxa ee sanadkii 2006-dii ayaa dil lagu fuliyay hoggaamiyihii hore ee Ciraaq, Saadaam Xusee. Taariikhdu markaas waxay ku beegnayd 30-kii bishii December.

Saadaam amarka dowladda Ciraaq lagu daldalay xilli waabariga ka hor ah, kaddib markii lagu helay dambi ku saabsan inuu ku lug lahaa xasuuq loo gaystay dad u dhashay Ciraaq.

Eedeymahaas waxay la xiriireen falal dhacay in ka badan 20 sano ka hor intii uusan Mareykanka xukunka ka tuurin.

Subaxdii la fuliyay dilkiisa, muuqaal ayaa laga sii daayay telefishinka Al-Ciraaqiya ee ku hadla afka dowladda, kaasoo muujinayay Saadaam oo isagoo xiran dhar madow ay rag wajiga iyo madaxa qarsaday u wadaan qolkii lagu daldali lahaa.

Maxaa dhacay markaas kaddib?

Garsoore Ciraaqi ah, oo lagu magacaabo Munir Haddad, oo goob joog ahaa, ayaa telefishinka CNN xilligaas u sheegay in mid ka mid ah raggii daldalayay Saadaam Xuseen uu hadal ku tuuray, isagoo u sheegaya in uu ahaa kelitalis burburiyay Ciraaq.

Arrintaas ayaa islamarkiiba dood ka dhex kicisay Saadaam iyo ninkii kaxaynayay, ilaa ay markii dambe soo farogeliyeen saraakiil kale oo ku sugnayd qolka.

Saadaam Xuseen

XIGASHADA SAWIRKA,

Kaddib markii xarigga qoorta loo geliyay Saadaam ayuu mid ka mid ah raggii daldalayay ku dhawaaqay "ha noolaado Muqtada al-Sadr," sida uu sheegay garsoore Haddad. Muqtada al-Sadr waa wadaad ka mid ah hoggaamiyeyaasha Shiicada ee Ciraaq.

Saadaam, oo ahaa Sunni, ayaa eraygiisii ugu dambeeyay ka hor inta uusan geeriyoonin ku yiri: ""Muqtada al-Sadr", isagoo codkiisa laga dareemayay inuu magaca u dhahayay si jees jees ah, sida uu faahfaahinta ku sheegay Haddad.

Garoosaraha ka sheekeynayay dhacdadan ayaa yiri: "Saadaam waxa uu u muuqday qof aysan waxba ka khuseynin xaaladda halkaas ka taagnayd. Aad baan ula yaabay. Kama uusan baqaynin geerida."

Askartii Mareykanka ee oysay markii la daldalayay Saadaam Xuseen

12 askari oo Mareykanka ah - oo loo diray in ay waardiyeeyaan Saadaam Xuseen - ayaa lagu tilmaamay in ay ahaayeen saaxiibbadii ugu dambeeyay ee uu yeeshay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq.

Saadaam Xuseen

XIGASHADA SAWIRKAWaxay ahaayeen askar laga soo xushay ciidamada booliska ee ay tiradoodu ahayd 551 askari, kuwaasoo qaabilsanaa amniga Saadaam ilaa intii laga dilayay. Waxaa lagu naaneysayay "12-ka askari ee heerka sare ah".Mid ka mid ah askartaas, oo lagu magacaabo Will Bardenwerper, ayaa qoray buug uu u bixiyay 'Maxbuus ku jira qasrigiisa, ilaaladiisa Mareykanka ah iyo taariikhda uu ka tagay'.

Waxa uu buuggaas ku sheegay arrimo ku saabsan xiriirkii wadashaqeynta ee dhex maray Saadaam Xuseen iyo ilaaladiisii Mareykanka ahaayeen. Waxaa kale oo uu ku sharraxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha Saadaam.

Bardenwerper wuxuu qiray in markii uu Saadaam ku wareejinayay dadkii daldali lahaa ay askarta ilaaladiisa ah wada ilmeynayeen.

Sunday, July 3, 2022

halyeygii Soomaaliyeed ee aas aasay ciidamada xoogga dalka soomaaliya

General. Daauud Cabdulle Xirsi (1924-1965) wuxuu ahaa Janaraalkii ugu horeeye ee yeelato Soomaaliya isla markaasna ahaa taliyihii ugu horeeyey ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Janaraal Daauud wuxuu ku dhashay tuulada Mareeg ee ka tirsan gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya halkaas oo uu ku dhameeye aqoontiisa Qur'aanka asagoo da' yar ah. Mudo sanad ah asagoo ka shaqaynayaa xaafiiska Talyaaniga ee degmada Buuloburde ayuu wuxuu u gudbay magaalada Muqdisho, xoogaa kahor intaan la gaarin Dagaalkii Labaad ee Aduunyada. 1943dii wuxuu ku biiray Ciidamada Booliska ee Ingiriiska oo markaas hayste koonfurta Soomaaliya, Janaral Daauud waxaa uu ka gaare shaqadiisa ilaa barre (macalin) tababare ka ah Dugsiga Booliiska ee Xamarjajab.

Daud Abdulle Hirsi
داود عبد الله حرسي
Daud Abdulle Hirsi
el
Aas aasihii ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed
UdhashaySomalia
Ku dhsahayMareeg
DhashayMaajo 1924 ( 98Jir)
Mareeg Galguduud Soomaaliya
DhintayAbriil 1969 ( 1956–1957 jir)
Moscow Russia
Lagu aasayMuqdisho (Qabuuraha Ciidanka xoogga)
U daacadaCiidanka
Ka howl gala/QaybtaXooga Dalka soomaaliya
Sanadaha shaqada1939-1965
DarajedaHogaanka guud ee ciidamada qalabka
Nomberkiisa000B01
KatirsanXooga
Xilli amarkiisa1954-1965
HogaankiiDagaalkii 1964
Bilado?
Guursaday?
XiriirSaraakiil Talyaani iyo Ruush
shaqooyin KaleDhismaha ciidanka