https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Sunday, May 8, 2022

DEGDEG Ciidamada Ukraine oo jabiyay Ruushka, Goobo lagala Wareegay Iyo G...

Wararkii ugu Danbeeyey Warbixin Sir ah Hogaamiyihii Trump Damacsanaa inu...

Wararkii ugu Danbeeyey Maraykanka oo War Kasoo Saaray Duqaynta Culus Soo...

Wararkii ugu Danbeeyey Arimaha Ka Cusub Jabuuti itoobiya Kulanka Xaalada...

farmaajo oo qarka usaaran inu iskaga hadho tartanka doorashada | xalada ...

DEG DEG Taliye Xijaar Oo Lawareegay Awooda Doorashada Iyo RW Rooble Oo K...

DEG DEG Axmed Madoobe Oo Farmajo Uga Adkaaday Gobolka Gedo Iyo Go'aanka ...

DEG DEG Saadaq Joon oo ku Jeesjeesay Farmaajo & Xildhibaanadii Ceelwaaq ...

DEG DEG Jawabta MD Farmajo, Tartanka Kaharaya, Adan Madobe Oo Xildh Celw...

Imaaraadka oo Faragelintii ugu Weynayd Soomaaliya ka fushaday maanta | T...

Xogta Kuduugan 15 May Maalinta Doorashadu Dhacayso Musharaxiinta | Maxaa...

Daawo Muqdisho Waxa Kasocda Caawa Musharaxiin Lacago Been Abuur Ah Soo G...

Guddoonka Golaha Shacabka oo go'aan ka gaadhay xildhibaanadii Gedo

May 08, 2022
Aadan Madoobe

MUQDISHO- Qoraal ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey go’aan laga qaatay murankii ka taagnaa xildhibaanada laga soo doortay gobolka Gedo, waxaa guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ay shaaciyeen in 16-kii xildhibaan ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq inay yihiin xildhibaanada saxda ah ee meteli doona gobolka Gedo.

Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay inay go’aankoodan ay saldhig uga dhigeen maadaama xildhibaanada doorashadoodu ka dhacday degmada Ceelwaaq in lagu soo doortay hab waafaqsan habraaca doorashada ee Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Heer Federaal, iyada oo doorashadoodana ay qabteen Guddida Hirgelinta Doorashada Dadban ee heer dawlad goboleed, halka xildhibaanada lagu soo doortay degmada Garbahaaray inaanay doorashadooda qaban guddidii doorashada ee heer dawlad goboleed ee ay ahayd inay qabato.

Guddoonka golaha shacabka ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay laba qodob oo ay go'aamiyeen oo kala ah:

1. In Xildhibaanada lagu soo doortey Degmada Ceelwaag ee Gobolka Gedo inay yihiin kuwa sharci ahaan ku matalaya Gobolka Gedo Baarlamaanka 11aad, maadaama Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland uu furay Doorashada, habraaca Doorashadoodana ay qabteen Guddiga Hirgalinta Doorashada dadban ee Heer Dawlad Goboleed, halka shahaadada rasmiga ah ee xildhibaanimo ay siiyeen Guddiga Hirgalinta Doorshada Dadban ee Heer Federaal, uuna taageerey R/Waasaraha X.F.S oo ah Madaxa Doorshada Dadban ee 2021/2022, sidaa darteed aanay jirin meel laga duro habraaca Xildhibaanada lagu soo doortey degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

2. Guddoonku waxuu ku talinayaa dadka walaalaha ee Gobolka Gedo ee xurgufta siyaasadeed soo kala dhex gashay in ay khilaafkooda wadahadal ku dhameeyaan maadaama ay doorashadii dhamaatay.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka ka soo baxay golaha shacabka oo dhamaystiran.

Official Statement from Somalia's Speaker of the House
Official Statement from Somalia's Speaker of the House