https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df
Friday, April 1, 2022
Berri oo sabti ah waa soon inshaa allaah
Assalaamu calaykum dhammaan umada muslimiinta meelkasta oo ay joogaan waxaa sucuudigu baahiyey in berrito ay tahay soon
ilaahay ha nawaafajiyo kheyrkeeda inshaa allaah
TIMAJILIC: 3 qodob oo ku saabsan hawlgalka ATMIS ee uu Golaha...
TIMAJILIC: 3 qodob oo ku saabsan hawlgalka ATMIS ee uu Golaha...: Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u codeeyay in AMISOM lagu bedelo howlgalka kala guurka ee Afrika ee Soomaaliya (AT...
3 qodob oo ku saabsan hawlgalka ATMIS ee uu Golaha Ammaanka ansixiyay
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u codeeyay in AMISOM lagu bedelo howlgalka kala guurka ee Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Qaraarka la ansixiyay waxaa ku jira qaab-dhismeedka ciidamada, laakiin wuxuu taageerayaa dhimista 2,000 oo ciidan sanadkan.
Iyadoo ay socoto xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay duulaanka Ruushka ee Ukraine, Mareykanka wuxuu soo dhaweeyay "fursada naadirka ah" ee howlgalka."
Richard Mills, ku xigeenka safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa qoraal uu soo saaray ku bogaadiyay dadaallada lagu raadinayo "aragti la isku halleyn karo, oo la wadaago oo ku saabsan sidii si firfircoon looga hortagi lahaa Al-Shabaab, mas'uuliyadda amnigana loogu wareejin lahaa ciidamada ammaanka ee Soomaaliya."
Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay weeraro kala duwan oo Al-Shabaab ay ka geysanayeen gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo dalka Geeska Afrika uu ka socdo geedi socod doorasho oo muddo dheer dib u dhac ku yimid.
Toddobaadkii hore, weerarro mataano ah oo ka dhacay magaalada Baledwyene ayaa galaaftay 48 qof.
Mareykanka, oo ah taageeraha ugu muhiimsan ee Soomaaliya, ayaa cunaqabateyn dhanka socdaalka ah ku soo rogay mas'uuliyiinta sarsare ee siyaasadda, ee wiiqaya hannaanka doorashada.
Doorashada Aqalka Hoose ayaa lagu waday in la soo gaba gabeeyo Khamiistii shalay ahayd, taasoo u gogol xaareysa in Xildhibaanada ay doortaan Madaxweyne. Balse wali waxaa muuqat inuu jira dib ud hac kale iyadoo aan wali la dooraan 24 kursi oo u badan Jubaland.
1: Aasaaskii AMISOM
Muddo 15 sano ah, askarta Afrikaanka ah waxay isku baddalayeen Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah 20,000 oo askari oo ay Qaramada Midoobay u xilsaartay inay dawladda dhexe ee taagta daran ka difaacaan Islaamiyiinta ah ka dagaalama gudaha Soomaaliya.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo la aas aasay sanadkii 2007-dii ayaa waxaa sameeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana loo xil saaray la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab oo isku dayaya in ay afgambiyaan dowladda Muqdisho ka dhisan.
Ciidamada oo laga soo aruuriyay guud ahaan Afrika, ayaa Al-Shabaab ka saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011, taasoo abuurtay xasilooni ku filan oo ay ku dhismaan hey'adaha dowladda iyo kuwa federaalka, waxaana la qabtay labo wareeg oo doorasho ah.
Maxay tahay warbixinta ay dowladda Soomaaliya diidday ee "Guddiga Midowga Afrika"?
Shan iyo tobanka sano ee ay AMISOM joogtay Soomaaliya waxa ay dowladda Soomaaliya ka taageertay sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee caasimadda, sida garoonka diyaaradaha, dekadda iyo xafiisyada madaxda sare. Waxa kale oo ay Al-Shabaab ka saartay magaalooyin muhiim ah.
2: Muxuu hawlgalka ATMIS uga duwanaan doonaa kan AMISOM?
waxay leedahay xawaare ka badan kuwii hore, waxayna ku baaqeysaa in amniga ay la wareegaan ciidamada milateriga iyo booliiska Soomaaliya dhamaadka 2024-ka.
Muddadaas, ciidamada waa in si tartiib tartiib ah looga saaro afar waji oo kala duwan oo ku beegan howlgallada ballaaran ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Falanqeeyayaasha ayaa shaki ka qaba in jadwalkaasi la ilaalin doono -AMISOM markii hore waxaa loo xilsaaray lix bilood, waxa uuna howlgalkeedu socday 15 sano.
Golaha Ammaanka ayaa u oggolaaday Midowga Afrika inay geeyaan Soomaaliya ciidammo gaaraya ilaa iyo 19,626 islamarkaana ay billaabaan in ciidammadaasi si tartiib tartiib ah u baxaan meesha lagu gaara ugu dambeyn March 2023.
Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysay inay yeelato go'aanka ku aaddan qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub.
Wasaaradaha arrimaha dibedda, gaashaandhigga iyo amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa hannaanka AMISOM loogu bedalayo ATMIS. Kulamo ka dhacay Addis Ababa, Qaahira iyo Muqdisho ayaa lagu soo geba gabeeyay hannaanka kala guurka.
"Lixdii bilood ba mar ayaa qiimeyn lagu sameyn doonaa hawlgalka ATMIS, waxaana qiimeyntaas wadajir u sameyn doona; dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub," ayuu hadalkiisa raaciyay Danjire Bankole.
Waxa uu intaa raaciyay in dalalka hadda ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay sii wadi doonaan hawshooda, balse la xoojin doono shaqada ay hayaan.
3: Maxay falanqeeyaasha yirahdeen?
Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in aan horumar laga gaari karin amniga, iyadoo dalka uu ku sii jiro ismari waa siyaasadeed.
Doorashada ayaa sanad ka badan dib u dhac ku yimid, waxaana loo gudbayaa sidii loo dhameystiri lahaa codeynta baarlamaanka oo isna dooran doona madaxweyne, waxaana hareeyay loolan dhanka awoodda ah oo heerkii ugu sarreeyay ee dowladnimo iyo khilaafyo kala dhaxeeya dowlad goboleedyada qaarkood.
Wadashaqeyn dhexmarta Muqdisho iyo dowlad goboleedyada federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aaddan amniga ayaa sidoo kale noqon doona lama huraan si loo gaaro natiijooyinkan iyado xaaladaha qaarkood aysan jirin wax aaminaad ah.
Thursday, March 31, 2022
Subscribe to:
Posts (Atom)