Thursday, June 30, 2022
FBI-da oo go'aan hor leh ka soo saartay haweeney lacag badan la goosatay

Haweeneydan oo u dhalatay waddanka Bulgaria ayaa loo raadinayaa eedeymo la xiriira inay ku lug leedahay khiyaano lagu dhacay lacagta internetka lagu kala sarrifo ee loo yaqaanno OneCoin.
Taliska FBI-da Mareyknaka ayaa haweeneydan baxsadka ah ku eedeeyay in ay adeegsatay nidaam ay ku khiyaantay dadka ay ka dhacday lacag marka la isku geeya gaaraysa $4bn (£3.2bn).
Waxaa gabadhan la la'yahay tan iyo sanadkii 2017-kii - xilligaas oo booliska Mareykanka ay soo saareen warqad fasaxaysa in lasoo xiro. Waxaa sidoo kale isla markaas la billaabay baaritaan loogu kuur galayay waxyaabaha ay samaysay.
Ms Ignatova waxa ay qayb ka ahayd maamulka shirkad lagu magacaabayay OneCoin oo howlgalkeeda billowday sanadkii 2014-kii, taasoo dadka isticmaalay u ballan qaadday in ay lacag dheeri ah helayaan haddii ay dad kale kasii iibiyaan lacagaha ay shirkadda ku shaqaynaysay.

XIGASHADA
Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in shirkaddan ay ahayd mashruuc khiyaano ah oo loo ekeysiiyay ganacsiga lacagta lagu kala sarrifo internet-ka.
"Waxa ay mashruuceeda khiyaanada ah si fiican ugu beegtay maalmihii ugu horreeyay ee la xiisaynayay lacagaha online-ka," ayuu yiri Damian Williams, oo ah Dacwad oogaha sare ee ka howl gala gobolka Manhattan ee dalka Mareykanka.
FBI-da ayaa shakhsiyaadka baxsadka ah kusoo darta liiska dadka ay sida aadka ah u raadinayso kaddib marka ay u maleyso in ay shacabka ku caawin doonaan soo qabashada qofkaas.
Taliska hay'adda ayaa bayaan ay soo saareen Khamiistii ku sheegay in ay lacag abaalmarin ah oo gaaraysa $100,000 siin doonaan qof walba oo keena xogta horseedi karta in lasoo xiro haweeneydan.

XIGASHADA SAWIRKA,FBI
Saraakiisha FBI ayaa aaminsan in Ruja ay la safarto ilaalo hubaysan
Sanadkii 2019-kii ayaa Ms Ignatova lagu soo oogay dacwad ka kooban ilaa siddeed qaybood, oo ay ka mid tahay inay ku kacday khiyaano dadweyne iyo musuqmaasuq.
Waa haweeneyda kaliya ee magaceeda uu ka dhex muuqdo liiska tobanka qof ee ay FBI ugu raadiska badan tahay.
Muddo dheer ayey dad kala duwan isku dayayeen inay sameeyaan qaab ay dhinaca Internetka ugu abuuraan barnaamijyo lacago lagu shubto, laakiin way ku guul darreysanayeen, sababtoo ah ma jirin cid aamineysay. Waxaa laga baqaa khiyaano, wayna sahlan tahay in wax la been abuuro.
Wednesday, June 29, 2022
Kaaliyihii hore ee wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsanayd Afrika, Jendayi Frazer, ayaa sharraxaad ka bixisay mowqifka uu Mareykanku ka qabay goonni-isu-taagga Somaliland, xilligii ay shaqeyneysay.

XIGASHADA SAWIRKA,MADAXTOOYADA SOMALILAND
Kaaliyihii hore ee wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsanayd Afrika, Jendayi Frazer, ayaa sharraxaad ka bixisay mowqifka uu Mareykanku ka qabay goonni-isu-taagga Somaliland, xilligii ay shaqeyneysay.
Wareysi ay Frazer siisay hay’adda madaxa bannaan ee Xiriirka Arrimaha Dibadda ee fadhigeedu yahay Mareykanka ayay ku sheegtay in dowladdeeda ay markii hore ka sii jeedday arrimaha Somaliland.
Balse waxa ay shaaca ka qaadday in wixii ka dambeeyay 2001-dii uu Aqalka Cad “il gaar ah ku hayay” hannaanka ay ku socotay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland.
“Markii uu George W. Bush xafiiska yimid 2001-dii, dowladda Mareykanka uma diyaarsanayn wax siyaasad ah oo ku wajahan Somaliland. Ma aannaan lahayn mowqif ku aaddan Somaliland xilligii aan ololaha ku jirnay, haddii aan sidaas u dhigo, waayo uma hadli karo maamulkii Clinton.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Mareykanka ayaase ugu dambayn fiiro gaar ah u yeeshay Somaliland kaddib markii ay dhaceen weerarradii daaraha mataanaha ah, sida ay faahfaahisay Jendayi Frazer.
“Qorshaheenna ku aaddan Somaliland ma lahayn wax dhaqdhaqaaq ah ilaa aan si hoose u eegnay wixii ka dambeeyay 9/11 2001 oo ahayd markii lasoo weeraray dhulkeenna. Sidaas awgeed, sagaalkii bilood ee ugu horraysay maamulkii Madaxweyne Push, Soomaaliya kama aysan soo muuqanin liiska mudnaanta.
“Markii aan billaabay inaan eego anigoo kaashanaya howl-wadeennadii kale ee maamulka Bush, waxaa noo muuqatay in ay ku tallaabsadeen dimuqraaddiyad wayn iyo amni. Waxay lahaayeen afti dastuur oo loo codeeyay 2001, taasoo lagu dalbaday in lasoo celiyo madaxbannaanida, sanadkii 2003-diina, waxay doorteen madaxwaynihii ugu horreeyay ee Somaliland.
“Waxay qabteen doorashooyinkaas dimuqraaddiyadda ah waxayna sii xoojiyeen amniga. Sidaas si ka duwan, Soomaaliya waxaa ka jirtay dowlad ku meel gaar ah oo aan awood u lahayn inay cagaha ku istaagto walina la daalaa dhacaysay dagaallada qabiillada iska soo horjeeda.
“Marka farqiga u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland iyo rabitaanka beesha caalamka, oo uu ku jiro Mareykanka, ee ahayd in la taageero Somaliland wuu sii kordhayay. Waxay ila tahay waa markaas xilliga aan si buuxda ugu soo jeedsannay Somaliland,” ayay tiri Frazer.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Xilligaas ayay sheegtay in Mareykanka uu la tacaalayay kooxaha argagixisada ee halista ku hayay Soomaaliya. Ka hor inta aysan soo bixin maxkamadihii Islaamiga, waxaa jiray ururkii Al Itaxaad Islaamiya oo Mareykanku uu u aqoonsanaa argagixiso calami ah, inkastoo aan markaas loo arkeynin inay khatar ku ahaayeen dunida.
Washington ayaa sidoo kale raadinaysay meel nabad ah oo ka tirsan geeska Afrika oo ay ka wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Qaacida, xilligaasna ay Somaliland ahayd meel nabdoon oo ay isha ku hayeen, sida ay qirtay saraaladdan hore.

XIGASHADA SAWIRKA,MADAXTOOYADA SOMALILAND
Booqashadii Biixi ee Mareykanka
Si gaar ah kaaliyihii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxa ay shakhsi ahaan u rabtay in la aqbalo gooni isu taagga Somaliland.
“Aniga waxaan dareemayay in ay habboon tahay in la aqoonsado in Somaliland ay noqoto dal madaxbannaan. Waxa uu ahaa dal markii horeba xor ahaa 1960-meeyadii oo si iskiis ah ula midoobay Soomaaliya,” ayay tiri.
Muxuu ahaa Mowqifka dalalka kale ee gobolka?
Koonfur Afrika ayaa ka mid ahayd waddamada sida xoogga leh u taageerayay in gooni isu taagga Somaliland la aqoonsado.
Sidoo kale Kenya iyo Itoobiya ayaa u dabacsanaa in ay taageeraan madaxbannaanida Somaliland, sida ay wareysigan ku xaqiijisay Jendayi Frazer.
Hase yeeshee waddamada Jabuuti iyo Uganda ayaa si wayn uga soo hor jeeday mowqifkaas, sida ay hadalka u dhigtay.
Nigeriga ayaa qabtay aragti ay ku taageersanayd Somaliland.
"Waxaan dareemayay inuu jiray isbahaysi uu hoggaaminayay Midowga Afrika kaas oo taageerayay gooni isutaagga kaddibna uu Mareykanku ku biiri doono, laakiin taasi ma dhicin.” ayay sii raacisay hadalkeeda.
Tuesday, June 28, 2022
Monday, June 27, 2022
Sunday, June 26, 2022
Saturday, June 25, 2022
Friday, June 24, 2022
Thursday, June 23, 2022
Wednesday, June 22, 2022
Tuesday, June 21, 2022
Monday, June 20, 2022
Sunday, June 19, 2022
Saturday, June 18, 2022
Friday, June 17, 2022
Thursday, June 16, 2022
Wednesday, June 15, 2022
Tuesday, June 14, 2022
Monday, June 13, 2022
Sunday, June 12, 2022
Saturday, June 11, 2022
Friday, June 10, 2022
Thursday, June 9, 2022
Sidee Warqaddii sirta ahayd ee ka socotay ra'iisul wasaarihii Soomaaliya lagu gaarsiiyay Jabuuti

Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib Alle ha u naxariistee waxa uu nooga warramayaa sida uu 1968-dii warqad sir ah oo ka socotay Raysulwasaarihii Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ku gaarsiiyay Xasan Guuleed Abtidoon oo xilligaas madax u ahaa mucaaradkii gobonnimadoonka ee Jabuuti, markii dambena noqday Madaxweynaha Jabuuti.

August 25, 1966 Madaxweynihii Faransiiska Charles de Gaulle ayaa safar ku tegay dalka Jabuuti oo uu xilligaas Faransiisku gumeysanayay. Dibadbaxyo labo maalin socday ayay Madaxweyne Charles kala hortageen shacabkii Jabuuti oo sito boorar ay uga dalbanayaan xorriyad iyo madaxbannaani. Culeysyo badan ayaa Faransiiska koray, waana la baajiyay khudbad uu jeedin lahaa Madaxweyne Charles. Maalmo kaddibna, Rene Tirant oo ahaa xaakimkii Faransiiska ee Jabuuti ayaa xilkii laga qaaday September 15, 1966, waxaana lagu beddelay Louis Saget. Louis wuxuu ku dhawaaqay in ay qaadayaan afti dadweyne, oo reer Jabuuti lagu waydiinayo in ay rabaan in Faransiisku sii haysto Jabuuti iyo in kale.
Dadka Jabuuti waxay u kala baxeen Soomaali Faransiiska diiddan oo aqlabiyadda aheyd iyo Cafar doonaysay in Faransiisku sii joogo. Waayo Cafartu waxay cabsi weyn ka qabeen in haddii xurnimo la helo ay Jabuuti Soomaaliweyn ku biiri doonto, sidaasna ay Cafartu Soomaaliya ugu dhex lumaan maadaama aysan iyagu Soomaali aheyn.
Aftidii waxay dhacday March 20, 1967. Sida uu Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib ku xusay buuggiisa Taariikhda Soomaalida, Faransiisku wuu ka beensheegay natiijadii aftida, oo wuxuu sheegay in dadka Jabuuti ay 60% u codeeyeen in Faransiisku sii haysto. Natiijadaas run ma noqon karin, waayo Soomaalida oo ugu badan dadka Jabuuti waxay ku midaysnaayeed in Faransiiska laga xoroobo. Dhanka kale, Faransiisku wuxuu magacii 'Dhulka Soomaaliyeed ee Faransiiska - French Somaliland(1896-1967)' ku beddelay 'Dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciisaha - French Territory of the Afars and Issas (1967-77)', oo wuxuu meesha ka saaray magaca "Soomaaliyeed".
Dowladdii Soomaaliya waa canbaaraysay kushubashadii aftida, waxayna ka soo horjeesatay go'aankii Faransiisku ku beddelay magacii dalka. Soomaaliya waxay arrintaas horgeysay Qaramada Midoobay, waana ku guulaysatay in aan magaca dalka la baddeli karin, balse Faransiisku wuu diiday in Jabuuti laga beddelo magacii uu ula baxay, ilaa ay xurriyad ka heshay 1977.
February 1968 Raysulwasaarihii Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo u safrayay Yurub ayaa qorsheeyay in uu soo maro Faransiiska, si uu Madaxweyne Charles de Gaulle ugala hadlo aayaha Jabuuti. Raysulwasaare Cigaal wuxuu warqad u diray Xasan Guuleed Abtidoon, oo madax u ahaa mucaaradkii gobonnimadoonka Jabuuti, si uu mowqifkiisa u ogaado ka hor inta uusan Maarso 1968 kala hadlin Madaxweynihii Faransiiska.
Ma sahlaneyn in warqaddaas la gaarsiiyo Jabuuti, waayo Faransiisku si feejigan u baari jireen dadka Soomaaliyeed oo Jabuuti geleyay. Sidoo kalena, sirdoonka Faransiisku waxay si dhow indhaha ugu hayeen dhaqdhaqaada Xasan Guuleed oo inta badan ku sugnaa magaalada Carta.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Raysulwasaare Cigaal wuxuu warqaddaas u xilsaaray Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo markaas ahaa Taliyaha Boliiskii ee Woqooyi. Janaraal Jaamac wuxuu iiga warramay, sidoo kalena ku qoray boggagga 227-233 ee buggiisa Taariikhda Soomaalida iyo boggagga 89 -103 ee buggiisa The Cost of Dictatorship sidii uu warqaddaas ku gaarsiiyay Xasan Guuleed. Wuxuu yiri "February 1968 ayaan maalin dhambaal Muqdisho ka yimid ka dhex helay warqad gal ku jirtay oo ku cinwaansan 'Jamhuuriyadda Soomaaliya', kuna socoto Xasan Guuleed Abtidoon. Waxaa ku lifaaqnaa warqad yar oo aniga igu socotay, oo ay ku qran tahay 'Waxaad u xilsaaran tahay in aad warqaddaas gaarsiisid Xasan Guuleed, dhakhsana jawaab uga keentid ka hor inta aan Wasiirka 1aad ee Soomaaliyeed u safrin Yurub.''

XIGASHADA SAWIRKA,BACHRACH
Maxamed Ibraahim Cigaal oo mar soo noqday R/Wasaaraaha Soomaaliya ayaa sawirkan ku galay magaalada New York sanaddii 1968
Waxay igu noqotay xil culus. Warqaddu sid ay ahayd laguma gelin karin Djibouti, oo haddii warqad cinwaankii dowladda Soomaaliyeed leh Xasan Guuleed lagu arko dhibaato ayuu ku mudan lahaa. Waxaan go'aansaday in aan warqadda kab hoosteed geliyo. Yaan ku aammini karay tolidda kabahaas? ayaan is waydiiyay. Kabatole kasta kuma aammini karin oo wax aan ogaa in ay jireen basaasiin Faransiis.
Waxaa jirtay xarun dadka naafada ahaa lagu xanaaneeyo, laguna bari jiray tolidda kabaha, harqaanka, iwm. Waxaa xaruntaan oo ay laheyd hey'adda Save the Children maamule ka ahaa saaxiibkey Ismaacil Xaaji Cubulle oo aan aad u garanayay. Asagii ayaan u sheegay waxii aan rabay, wuxuuna igu yiri "Ii keen qiyaasta, nin aammin ah oo fiican baan u dhiiabayaye."
Kaddib waxaan is waydiiyay yaa warqadda qaadi kara oo aan kabaha u tolayaa? Waxaan raadiyay Ciise Gaboobe oo Jabuutiyaan ahaa, oo joogto ugu safri jiray Jabuuti. Wuuna iga aqbalay in uu warqaddii qaado.
- Tolmadii kabihii markii ay ku soo dhammaatay maalin gudahaaheed ayaa Ismaaciil iyo ninkii tolay guriga iigu yimaaddeen goor gabbal dhac ahayd. Si uusan kabatoluhu u shakin, ayaa Ismaaciil ku yiri "Nin Jaamac abtigiis ah ayaa waxaa haya cudur la garan waayay, oo waxa lagu la taliyey in uu ninka xanuunsan u qoro xirsixir (qardhaas) aanu ogayn, oo sidaas ayaa kabta loo gelinayaa. Warqadii baa farsamayaqaankii geliyay meeshii u bannaanayd, hortayda ayuuna ku tolay.
Gurigaygii ayaan Ciise keenay. Kabihii ayaan ku tijaabiyay, si fiican ayayna ula ekaadeen. Nin ganacsade ahaa ayaan baabuur LandRover ahaa ka soo qaatay, oo ma rabin in Ciise baabuur Boliis lagu arko.
Isla aroortii ayaa Ciise safray, aniguna waan dabagalay anigoo weli kabihii sida. Xuduudda Lowyacaddo markii aan ku dhowaannay ayaan dhaafay, waxaana ku sii sugay dabaqa sare ee saldhiggii Boolista ee Lowyacaddo. Markii uu ii yimid ayaan kabihii siiyay. Waxaaan tusay meesha duntu ku tolnayd, oo mindi lagu sari karay marka warqadda looga la soo bixinayo.
Ciise wuxuu igula ballamay in uu saddex beri gudahaaood ku soo noqonayo. Markii saddaxdii beri la dhaafaytay welina uusan imana ayaan aad u welwelay, oo waxaan ka baqay in Ciise iyo warqaddiiba wax ku dhaceen!
Intii aan sugayay soonoqodkii Ciise iyo jawaabtii Xasan Guuleed, waxaan maalintii isku mashquulin jiray in aan soo ugaarsado. Waayo shaki ayay dhalin kartay in masuul anigoo kale ahi shan beri Lowyacaddo is ka fadhiyo. Baabuurtu waxay Jabuuti ka imanayeen galabtii. Aniguna maalin walba goortaas waxaan diyaar ku ahaan jiray guriga saldhiggii Lowyacaddo.
Nasiib wanaag, galabtii maalintii shanaad ayaa askari iigu yimid dabaqa sare, wuxuuna igu yiri "Nin Ciise la dhaho ayaa ku raba." Soo daa ayaan ku iri. Ciise oo ku faraxsan hawshi qiimaha laheyd ee uu soo qabtay ayaa markii uu ii yimidba ku dhawaaqay "Waa tan Jawaabtii" wuxuuna billaabay in uu warqaddii ka soo saaro meeshii halkii hore la galiyay.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Xasan Guuleed Abtidon, wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Jabuuti, ka dib xuriyadda.
Sannad kaddib, iyadoo doorasho baarlamaan ka dhacayso Jabuuti ayaa dawladdii Soomaaliya doontay in lacag loo diro Xasan Guuleed. Habeen annagoo dubnad ku ciyaarayna Naadigii Boliiska ee Hargeysa ayaa isgaarsiintii Taliskii Boliiska Muqdisho la iiga yeeray.
Waxaa la igu yiri "Beri subax diyaarad ayaa Boorama kuugu imanayso ee ku waabariiso'. Sidii ayaan yeelay. Waxaa timid diyaaraddii oo uu la socdo Daahir Xaaji Cusmaan, oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaraddii Arrimaha Gudaha.
Wuxuu siday boorso lacag ka buuxdo oo loogu talagalay in la gaarsiiyo Xasan Guuleed. Raysulwasaare Cigaal oo aan ogayn sidii aan warqaddiisii ku gaarsiiyay Xasan Guuleed ayaa Daahir ku soo yiri "Jaamac ayaa yaqaanna meesha loo marayo Xasan Guuleed ee lacagtaan ha gaarsiiyo."
Waxaan ku iri "Meel aan warqad marsiiyay shandad lacag ah la ma marin karo" anigoo aan u sheegin sidii aan sameeyey. Lowyacaddo ayaan tagnay annagoo lacagtii wadna oo dhowr beri joognay, lacagtiina waan gelin kari weynay Jabuuti, oo Hargeysa kula soo noqonnay kaddibna Daahir ayaa lacagtii Muqdisho ula soo dhoofay.
Haddii ay goor hore ahaan lahayd, ganacsatada Soomalida ee Jabuuti midkood ayaan lacagta u dhiibi lahayn. Kaddibna inta ku ganacsado ayuu Xasan Guuleed lacagtaas ka siin lahaa Jabuuti. Sidaas oo kale ayaana samaynay mar ay dowladdii Soomaaliya lacag u diraysay Xisbigii Movement Popular. Waxaan u dhiibnay Maxamed Jaamac Carraale oo lo' ku iibsaday, Xisbigiina lacagtii qiimaheeda ku siiyay Jabuuti