Maryan wali waxay la ildaran tahay jacayl uu ka maqan yahay aktarkii la
jilayay waxayna wakhtigeeda badankiisa ku qadataa qolkeeda iyo fikirka iyo
aramida jacayl ee soo ridatay ayay la kici kari laadahay ilaahayow qof aan
waxab ogayn ha cadaabin ,halkan guurigooda dhexdiidsana waxaa lagu
bixinayaa iyada,iyadoon waxba laga waydiin ayuu abaheed iyo hoyadeed isku
raceen in la siiyo wiil aanay is garanayn xaataa anay isku dabeecad wada
noolanshiyo dhex mari Karin waayo waxa uu ku barbaaray Siciid wadanka uk
inta badan halkan waxan dhawr usbuuc ahayn muu iman jirin. Waxa soo
dhawaatay malintii balantu ahayd waxaanu abahed u sheegay Maryan
hoyadeed Cawo inay inta ka horaysa khamiista ka dhadhiciso inanta guurka
oo ay ka sii ogalaysiiso lakiin war uma hayo inay la sooco to mid hadii raga
oo dhan lasoo safo ay isaga uun qadan lahayd waxwal oo uu yahayba Maryan
hooyadeed oo sidii loo shegay yeelaysa ayaa ugu tagtay qolkeedi iyada oo iska
dhex fadhida waxaanay ku tidhi;
Maxaa ku helay eed lajiiftaa uun horta Waxba,
waxba hooyo!
Soo kac oo igu kaalay fadhiga soona dhakso arimo ayaa ii yaale
Marki ay intaas tidhi ayay dagdag u saro kacday ugana dabatagtay Maryan
niyadeeda marna may soo gashan guur iyo wax lamida toona lakiin
maskaxdeeda waxa ka dhex guuxayay Mustafe iyo siday ugu bahan tahay
qadar yar dabadiina waxay ka daba tagtay hooyadeed intii anay fadhiisan ayay
markiiba tidhi;
Hooyo maxaa cusub ee aan kuu qabtaa
Waxba ee soo fadhiiso arin baan kuu hayaaye
Wayaahay ee maxaa jira hooyo
Hooyo Maryaneey waxa lagaadhay xiligiii aanu ka fikiri lahayn
mustaqbalkaaga iyo ciddad la waadaagi doonto markaa hooyo aniga iyo
aaboba waxaanu kula jeclaanay wiil uu dhalay oday Maxamuud Cali oo
dibada ka yimid markaa hooyo khamiista ayuu ku soo donayaa ee sidaa ula
soco hana nagu didin hooyo oo duco naga qaado
Markii ay intaas tidhi ayay Maryan qaracantay oo ay hadli Kari wayday
iyadoo aad modid in ay beerka ka naxday sida ay u hadli Kari layd ayaa tidhi
Maa nigaa la isoo donayaa…!
Haa ee hanagu didin hooyo
Maya maya maya!! Anigu Nin anan garanayn wax uu yahay ma guursanaayo
aniguna ma joogo xiligii lay doori lahaa qofka aanu nolosha wadagayno hooyo
ee iga daaya ma doonaye;
Maryan hooyadeed oo hadalka ku kulaylinaysa ayaa tidhi
Nayaa waan garanayaa waxa aad doonaysid inan yar oon nafitiisaba ku filnayn
ayaad doonaysaa inaad raacdo ma abahaa iyo familgina ayaad doonaysaa
inaad sharaftooda meel kaga dhacdo taasi suuro gal maaha,
Maryan oo naxsan ayaa tidhi
Hooyo sharaftiina meel kagama dhaacayo inan nooleeyo mooye lakiin Hooyo
hadaan anigu raali ku ahay in aan nolosha la qaybsado wiil aan aqaan wuxuu
gudi karo iyo wuxuu fali karaba maxaa ii didaaya ee I raacinaya nin anan
garanayn wax alle wax uu yahay hooyo lacag iyo dibadba waa laheelaa lakiin
sida lagu helo ayaa adag laba qof oo raali isku ah jecelna inay nolosha wada
wadagaan
Markii ay intaas tidhi ayay Maryan hooyadeed ka cadhootay sida Maryan
aanay u qarsanayn jacaylka Mustafe ee ay raalida ku tahay waxaanay ku tidhi
Anigu kuma garanaayo halkaad ku socoto ee caawa abahaa ha yimaado!!
Maryan talaa ku cadaatay waxaanay aad u ixtiraamtaa abaheed mana jecla in
ay hadalka ku celiso lakiin waxa kaga sii daran in uu abaheed arinkaa ula
yimaado iyo siday uga bixi lahayd waxaana la gaadhay habeenkii markii uu
abaheed soo hoyday ayay hooyadeed u sheegtay waxay Maryan kala kulantay
isagoon dhincna eegin ayuu Maryan oo qolkii ku dhex akhrisanaysa buug
jacayl ah inta uu ka gundhiyay gidaarka ka jaray kuna yidhi isagoo si adag ula
hadlaaya
Waan hayaa warkaaga inaad doonayso inaad sharaftayda dhulka la gasho oo
aad raacdid wiil aan waxba haysan oo aan naftiisaba ku filnayn oo aad diiday.
No comments:
Post a Comment