https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Saturday, March 6, 2021

Friday, March 5, 2021

Qufulkii Sababay Fadeexadii Watergate Ee Galaafatay Madaxweyne Nixon-kii Maraykanka Oo 65,500 Lagu Kala Iibsaday

Qufulkii Sababay Fadeexadii Watergate Ee Galaafatay Madaxweyne Nixon-kii Maraykanka Oo 65,500 Lagu Kala Iibsaday

KWax dalka Maraykanka lagu kala iibsaday, quful sababay ceebtii siyaasadeed ee ugu waynayd dalka Maraykanka, kaas oo ka mid noqday alaabooyinkii ugu saamaynta iyo hadal haynta badnaa qarnigii tagay, meel wayna ka galay taariikhda dunida, gaar ahaan marka laga hadlayo dhawrsanaanta xuquuqda gaarka ah ee mucaaridka, kaas oo fure u noqday dhawrsanaanta Dimuqraadiyada dunida iyo dalka Maraykanka.

Qufulkan oo ahaa kii ku xidhnaa albaabkii danbe ee xarunta xisbiga Dumuqraadiga dalka Maraykanka, kaas oo koox tuug ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuurigu ay jabiyeen una dhaceen xaruntaas ee ay ka gaysteen wixii fadeexada ku noqday ugu danbayntiina sababay inuu is casilo masuulkoodi ugu sareeyay ee ahaa madaxweynaha dalka Maraykanka Richard Nixon.

Qufulkan ayaa la kala siistay 62-kun iyo shan boqol oo dollarka Maraykanka ah, waa quful iska caadi ah oo aan waxba ka waynayn qufulada caadiyan dunida oo dhan laga isticmaalo, ama albaab kasta lagu xidho, miisaanka qufulkan ayaa lagu qiyaasay (1.8 kilograms).

Laakiin dhinaca saamayntiisi uu dunida ku yeeshay iyo fadeexadii uu sababay marka laga hadlay kumanaan kilo uu ka culus yahay.

Qufulkani waxa uu ahaa kii ceebtii Watergate ee ahayd fadeexad siyaasadeedi ugu xumayd Maraykanku sababtiisa ka dhacday, ee markii la jabiyay noqday fadeexad siyaasadeed oo muddo warkeedu dunida hadheeyay isla markaana ceebtii ka dhalatay gil gishay xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka.

Markii iibka qufulkani dhacay ayay gabadha ugu saraysa xarunta lagu kala iibsaday oo lagu magacaabo, Nate Sanders ay sheegtay in qufulkii sababay fadeexadii 1972-kii gil gishay dalka Maraykanka ee loogu magaca daray, Watergate oo ceebtii ka dhalatay sababtay inuu xilka ka dego, Madaxweynihii Maraykanka ee xiligaas Richard Nixon lagu kala iibsaday lacag dhan 62-kun iyo shan boqol oo Dollarka Maraykanka ah.

Qufulkan ku xidhnaa albaabka dhismaha Watergate loogu yeedho ee xarunta guud u ah xisbiga Dumuqraadiga dalka Maraykanku, waxa uu noqday mid taariikhda gala, ficilkii lagu jabiyayna sababay in madaxweyne Maraykan oo la soo doortay ku waayo xilkiisi, istiqaaladiisana dhiibto.

Muu ahayn mid la ilaaway, oo la mid noqday qufulo tiro badan oo tuug u dhacay guri ay xadayaan ama kuwo furayaashooda la waayay oo la jabiyay, balse wuxuu noqday mid la tuuri waayay oo la xafiday muddo nus qarni ku dhowna lala sugayay in la soo bandhigo oo mar uun warkiisu ku soo noqdo warbaahinta iyo rayul caamka guud ee Maraykanka.

Qufulkan oo aan waxba ka duwaynayn qufulada kale ee caalamka laga isticmaalo ama lagu xidho albaabada caadiga ah, waxa saamaynta ugu wayn u yeelay, tuugtii ka socotay xisbiga Jamhuuriga ee habeen badhka u jabiyay si ay sirta xisbiga dhigooda ah ee Dumuqraadiga u ogaadaan, waxaanu sababay in madaxweynihii Jamhuurigu isu casilo oo uu noqday qofka ugu sareeya ee ceebta siyaasadeed ee ka dhalatay galaafato.

Qufulkan ayaa sidoo kale kor u qaaday dhawrsanaanta dumuqraadiyada iyo goobaha xarumaha xisbiyada siyaasadeed ee dalka Maraykanka iyo dunida oo dhan, waana ka furaha u noqday in xitaa waddamada kali taliyayaashu ka taliyaan aanay ciidamadoodu ku dhicin inay jabin karaan xarumaha xafiisyada u ah xisbiyada siyaasada

War saxaafadeed ay soo wada saareen Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland.


 
Horudhac:Waxaa Puntland soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya (DFS), mudane Maxamed Xasan Rooble. Waxaa wafdiga qayb ka ahaa Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee DFS, mudane Cabdullahi Abuukar Xaaji (Carab)iyo Wasiiru-dawlaha Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee DFS, mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir).Maanta oo ay taariikhdu tahay 13 Disembar 2020, waxaa kulan is afgarad ah dhexmaray madaxda labada Wasaaradood. Kulankan waxaa looga arrinsanayey arrimaha waxbarashada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta labada wasaaradood ee Puntland iyo dawladda dhexe.Waxaa la isku afgartay qodobbada hoos ku xusan

:1. In ardayda Puntland ee dhammaysay dugsiga sare loo fasaxay shahaadadii dugsiga sare ee Federaalka oo laga heli doono xarunta dhexe ee WW&TS ee dawladda Puntland iyo xarunta dhexe ee WWH&TS ee dawladda Federaalka Soomaaliya

.2. In la isugu yimaado shirweyne looga arrinsanayo arrimaha waxbarashada dalka (sida xeerka iyo siyaasadda waxbarashada, dhismaha guddiyada imtixaanaadka, manaahijta iyo kormeerka waxbarashada, IWM)

.3. Waxa ay labada wasaaradood isla qaateen in ardayda reer Puntland loo siidaayay shahaadada dugsiga sare ee dawladda Federaalka.Wabillaahi Towfiiq.Dhammaad.


ancient history

Explore the lives and works of key writers from a period that ushered in political unrest, social change and new literary forms.

Featured articles

  • ""

    Philip Pullman's introduction to Paradise Lost

    Philip Pullman first read Paradise Lost as a schoolboy and was dazzled by the sound of its poetry as he and his classmates read it aloud. Since then, he has become fascinated by Milton's tremendous powers of storytelling, and the ways in which he creates narrative tension, complex moods and vivid characters.

    Read more