https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Thursday, February 3, 2022

Hoggaamiyihii Daacish oo lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidamada Mareykanka

Hoggaamiyihii Daacish oo lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidamada Mareykanka


Guriga lagu dilay Al-Qurayshi


Hoggaamiyihii kooxda Daacish ayaa lagu dilay howlgal xalay ka dhacay gobolka Idlib ee waqooyiga galbeed ee Syria, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Weerarka ayaa lagu beegsaday Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi, oo hoggaanka kooxda mintidiinta ah la wareegay 31-kii October 2019, maalmo un kadib markii hoggaamiye Abu Bakr al-Baghdadi uu ku dhintay howlgal ay Mareykanka ka fuliyeen isla aagaas.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in al-Qurayshi uu u dhintay si la mid ah Al-Baghdadi, isaga oo isku qarxiyey bam dilay isaga iyo xubno ka mid ah qoyskiisa, oo ay ku jiraan haween iyo caruur kadib markii ay kusoo siqeen ciidamada Mareykanka.

Waxaa sidoo kale loo yaqiin Amir Muhammad Sa’id Abdal-Rahman al-Mawla.

Howlgalka ayaa yimid xilli ay Daacish isku dayayeen inay dib usoo laba kacleeyaan, ayaga oo weeraro dhowr ah ka fuliyey gobolka.

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa kusoo degay diyaarado helicopter ah, waxayna weerareen guri ay Daacish ku laheyd Syria, ayaga oo iskudhac socday laba saac uu dhex-maray koox hubeysan, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Dadka deegaanka ayaa sheegay is-rasaaseyn xoogan iyo qaraxyo aad looga maqlay magaalada Atmeh oo ku dhow meel ku dhow xuduudda Turkey, oo ay ku yaallaan xerooyin ay ku jiraan dad kusoo barakacay dagaalka sokeeye ee Syria.

Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa sheegay in 13 qof lagu dilay iska hor-imaadka, oo ay ku jiraan lix caruur iyo afar haween ah.

Madaxweyne Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu amray weerarka “si uu ilaaliyo shacabka Mareykanka iyo xulufadeena ugana dhigo dunida meel amni ah.”

“Ayada oo ay ku mahadsan yihiin ciidamadeena geesiyada ah ee xirfadda leh, waxaan goobta dagaalka ka saarnay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi – Hoggaamiyihii Daacish,” ayuu Biden ku yiri bayaan uu soo saaray.

Intee dhan tahay awoodda militari ee dalka Imaaraadka Carabta? Intee dhan tahay awoodda militari ee dalka Imaaraadka Carabta? Intee dhan tahay awoodda militari ee dalka Imaaraadka Carabta? Ciidmada Imaaraadka

Ciidmada Imaaraadka
Xuutiyiinta Yemen ayaa waxaa ay sii xoojiyeen weerarada ay ku bartilmaameedsanayaan gudaha dalka Imaaraadka Carabta.

Falaagada Xuutiyiinta ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku qaaday Imaaraadka weeraro ay u adeegsadeen diyaaradaha Droniska iyo gantaalo.

Mareykanka ayaa imika gacan ka siinaya Imaaraadka sidii ay isaga difaaci lahaayeen gantaalada iyo diyaaradaha Dronis-ka ee Xuutiyiinta.

Hadaba intee dhan tahay awoodda militari ee dalka Imaaraadka Carabta?

Qorimadan waxaan ku eegi doonaa baaxadda ay leedahay awodda militari ee Imaraadka.

Awoodda militari ee Imaaraadka
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa dhanka dhaqaalaha si wayn uga horeeya inta badan dalalka kahliijka ee dariska la ah.

Militariga Imaaraadka ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid yihiin ciidamada ugu tababarka wanaagsan dalalka Khaliijka.

Ciidamada Imaraadka ayaa ka dagaalamay dalal badan sida iibiya, Yemen iyo Afqaanistaan.

Balse marka la eego dhanka tirada ciidamada Imaaradka ayaa aad u yar.


Dowladda Imaaraadka ayaa sanooyiinkii u dambeeyay waxa ay dhaqaala badan galisay dhanka militariga, iyada soo iibsatay hub badan oo casri ah, balse lama oga miisaaniyadda rasmiga ah ee gaashaandhiga.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa kaalinta 36-aad kaga jira caalamka dhanka awoodda militari.

Sida uu qoray wargeyska ka faalooda arrimaha militariga ee Globalfire power tirada ciidamada dalka Imaaraadka ayaa dhan 65,000.




Awoodda ciidamada Cirka
In uu dalku leeyahay ciidamo cir oo awood leh ayaa sanooyiinkii u dambeeyay ay khubarada militariga u arkayeen midda ugu muhiimsan qarnigan aanu ku jirno.

Imaaraadka ayaa waxaa sanooyiinkii u dambeeyay ay aad u xoojiyeen tayeynta ciidamadooda cirka.

Waxay Imaraadka soo iibsadeen diyaaradaha ugu casrisan waqtigan oo ay ka mid tahay nooca laga daba dhacay ee F-16 ee ay Mareykanka farsameeyeen.

Sanadkii aanu soo dhaafnay waxay Imaaraadka ka dalbadeen Faransiiska diyaaradda dagaal ee lagu magacaabo Rafale.

80 diyaaradood oo ah nooca Rafale ayay ku soo iibsanayaan qiimo marka wadarta guud la isu geeyo dhan $19.2 bilyan oo doolar.

Tirada diyaaradaha dagaalka ee ay haatan haystaan Imaaraadka ayaa dhan 554 diyaaradood.

Dowladda Imaraadka ayaa sidoo kale waxaa sanooyiinkii u dambeeyay ay xoojisay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka loo yaqaano.

Dalka Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka ay Imaraadka ka soo iibsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka.

Ciidamada cirka ee Imaaraadka ayaa sidoo kale haysta gantaalo casri ah oo ah kuwa lidka diyaaradaha.



Ciidamada gaarka ah ee Imaaradka

Awoodda ciidamada Dhulka
Dowladda Imaraadka ayaa si wayn u maalgalisay awoodda ciidamada dhulka.

Tirada taangiyada ay haystaan cidamada dhulka ee Imaaraadka ayaa Sida uu qoray wargeyska Globalfirepower waxay dhan tahay 354 taangi.

Tirada gawaarida gaashaman ee tignikada loo yaqaano ee Imaaraadka ayaa gaaraysa 9,255.

Ciidanka Imaaraadka ayaa sidoo kale leh madaafiicda goobta ee loo yaqanao Artilariga oo gaaraya 76.

Awoodda ciidamada badda
Ciidamada badda ee dalka Imaaraadka ayaan lahayn awood sidaasi u sii ballaaran.

Ciidanka badda ee Imaaraadka ayaa waxaa ay ku howlgalaan 74 isugu jira doomo iyo Maraakiib.

Imaaraadku ma laha maraakiibta dagaalka ee casriga ah sida kuwa gujiska ee badda quusa iyo kuwa diyaaradaha xanbaara.