https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Friday, April 1, 2022

بوتن يعلن وقف توريد الغاز الروسي للدول التي لن تسدد بالروبل | #مراسلو_سكاي

XOGTA Dal Muslim ah oo Weeraray Dal u Tageeri Jirey Ruushka,Magaalo Ruus...

3 qodob oo ku saabsan hawlgalka ATMIS ee uu Golaha Ammaanka ansixiyay

3 qodob oo ku saabsan hawlgalka ATMIS ee uu Golaha Ammaanka ansixiyay

TIMAJILIC: 3 qodob oo ku saabsan hawlgalka ATMIS ee uu Golaha...

TIMAJILIC: 3 qodob oo ku saabsan hawlgalka ATMIS ee uu Golaha...: Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u codeeyay in AMISOM lagu bedelo howlgalka kala guurka ee Afrika ee Soomaaliya (AT...

3 qodob oo ku saabsan hawlgalka ATMIS ee uu Golaha Ammaanka ansixiyay

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u codeeyay in AMISOM lagu bedelo howlgalka kala guurka ee Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Qaraarka la ansixiyay waxaa ku jira qaab-dhismeedka ciidamada, laakiin wuxuu taageerayaa dhimista 2,000 oo ciidan sanadkan. Iyadoo ay socoto xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay duulaanka Ruushka ee Ukraine, Mareykanka wuxuu soo dhaweeyay "fursada naadirka ah" ee howlgalka." Richard Mills, ku xigeenka safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa qoraal uu soo saaray ku bogaadiyay dadaallada lagu raadinayo "aragti la isku halleyn karo, oo la wadaago oo ku saabsan sidii si firfircoon looga hortagi lahaa Al-Shabaab, mas'uuliyadda amnigana loogu wareejin lahaa ciidamada ammaanka ee Soomaaliya." Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay weeraro kala duwan oo Al-Shabaab ay ka geysanayeen gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo dalka Geeska Afrika uu ka socdo geedi socod doorasho oo muddo dheer dib u dhac ku yimid. Toddobaadkii hore, weerarro mataano ah oo ka dhacay magaalada Baledwyene ayaa galaaftay 48 qof. Mareykanka, oo ah taageeraha ugu muhiimsan ee Soomaaliya, ayaa cunaqabateyn dhanka socdaalka ah ku soo rogay mas'uuliyiinta sarsare ee siyaasadda, ee wiiqaya hannaanka doorashada. Doorashada Aqalka Hoose ayaa lagu waday in la soo gaba gabeeyo Khamiistii shalay ahayd, taasoo u gogol xaareysa in Xildhibaanada ay doortaan Madaxweyne. Balse wali waxaa muuqat inuu jira dib ud hac kale iyadoo aan wali la dooraan 24 kursi oo u badan Jubaland. 1: Aasaaskii AMISOM Muddo 15 sano ah, askarta Afrikaanka ah waxay isku baddalayeen Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah 20,000 oo askari oo ay Qaramada Midoobay u xilsaartay inay dawladda dhexe ee taagta daran ka difaacaan Islaamiyiinta ah ka dagaalama gudaha Soomaaliya. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo la aas aasay sanadkii 2007-dii ayaa waxaa sameeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana loo xil saaray la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab oo isku dayaya in ay afgambiyaan dowladda Muqdisho ka dhisan. Ciidamada oo laga soo aruuriyay guud ahaan Afrika, ayaa Al-Shabaab ka saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011, taasoo abuurtay xasilooni ku filan oo ay ku dhismaan hey'adaha dowladda iyo kuwa federaalka, waxaana la qabtay labo wareeg oo doorasho ah. Maxay tahay warbixinta ay dowladda Soomaaliya diidday ee "Guddiga Midowga Afrika"? Shan iyo tobanka sano ee ay AMISOM joogtay Soomaaliya waxa ay dowladda Soomaaliya ka taageertay sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee caasimadda, sida garoonka diyaaradaha, dekadda iyo xafiisyada madaxda sare. Waxa kale oo ay Al-Shabaab ka saartay magaalooyin muhiim ah. 2: Muxuu hawlgalka ATMIS uga duwanaan doonaa kan AMISOM? waxay leedahay xawaare ka badan kuwii hore, waxayna ku baaqeysaa in amniga ay la wareegaan ciidamada milateriga iyo booliiska Soomaaliya dhamaadka 2024-ka. Muddadaas, ciidamada waa in si tartiib tartiib ah looga saaro afar waji oo kala duwan oo ku beegan howlgallada ballaaran ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Falanqeeyayaasha ayaa shaki ka qaba in jadwalkaasi la ilaalin doono -AMISOM markii hore waxaa loo xilsaaray lix bilood, waxa uuna howlgalkeedu socday 15 sano. Golaha Ammaanka ayaa u oggolaaday Midowga Afrika inay geeyaan Soomaaliya ciidammo gaaraya ilaa iyo 19,626 islamarkaana ay billaabaan in ciidammadaasi si tartiib tartiib ah u baxaan meesha lagu gaara ugu dambeyn March 2023. Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysay inay yeelato go'aanka ku aaddan qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub. Wasaaradaha arrimaha dibedda, gaashaandhigga iyo amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa hannaanka AMISOM loogu bedalayo ATMIS. Kulamo ka dhacay Addis Ababa, Qaahira iyo Muqdisho ayaa lagu soo geba gabeeyay hannaanka kala guurka. "Lixdii bilood ba mar ayaa qiimeyn lagu sameyn doonaa hawlgalka ATMIS, waxaana qiimeyntaas wadajir u sameyn doona; dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub," ayuu hadalkiisa raaciyay Danjire Bankole. Waxa uu intaa raaciyay in dalalka hadda ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay sii wadi doonaan hawshooda, balse la xoojin doono shaqada ay hayaan. 3: Maxay falanqeeyaasha yirahdeen? Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in aan horumar laga gaari karin amniga, iyadoo dalka uu ku sii jiro ismari waa siyaasadeed. Doorashada ayaa sanad ka badan dib u dhac ku yimid, waxaana loo gudbayaa sidii loo dhameystiri lahaa codeynta baarlamaanka oo isna dooran doona madaxweyne, waxaana hareeyay loolan dhanka awoodda ah oo heerkii ugu sarreeyay ee dowladnimo iyo khilaafyo kala dhaxeeya dowlad goboleedyada qaarkood. Wadashaqeyn dhexmarta Muqdisho iyo dowlad goboleedyada federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aaddan amniga ayaa sidoo kale noqon doona lama huraan si loo gaaro natiijooyinkan iyado xaaladaha qaarkood aysan jirin wax aaminaad ah.

Thursday, March 31, 2022

Recommended Recipe for you:

Get the weather forecast every day at 7:00 AM

Dagaalka Ukraine: Joe Biden oo bixiyay amar 'lama filaan ah'

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa amar ku bixiyay in lasoo bixiyo kaydka saliidda ee Mareykanka uu dib u dhigan jiray, si wax looga qabto qiimaha shidaalka ee aad sare ugu kacay. Sii daynta ilaa 180 milyan oo fuusto oo saliid ah muddo lix bilood ah gudaheed ah waa tallaabadii ugu waynayd ee uu Mareykanku abid u qaado dhinaca kaydkiisa oo la sameeyay sanadkii 1974-kii. Qiimaha saliidda caalamka ayaa hoos u djacay islamarkii uu faafay warka ku saabsan amarkan oo looga gol leeyahay in wax looga qabto sare u kaca yimid tan iyo markii uu billowday dagaalka uu Ruushku ku qaaday waddanka Ukraine. Hase yeeshee sii daynta saliiddan - oo maalin kasta lasoo saari doono qiyaastii 1 milyan oo fuusto - ayaysan u badnayn in ay si buuxda xal ugu noqoto xasaradda dhinaca tamarta ee taagan, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha. Mr Biden ayaa ballan qaaday in uu tallaabooyin kale oo dheeraad ah u qaadi doono sare u qaadista wax soo saarka Mareykanka, isagoo sheegay in sii daynta saliidda kaydka ah ay "buundo sii noqon doonto ilaa inta ka dhiman sannadka, markaasoo wax soo saarka gudaha uu sii kordhi doono". Shirkadaha ayuu ku boorriyay in ay bixiyaan lacago dheeraad ah haddii ay door bidi waayaan in ay isticmaalaan saliidda waddanka, iyagoo dowladda heshiis la galaya. Waxa uu sidoo kale ka codsaday in ay maalgashi ku sameystaan mashaariicda saliidda si ilaha tamarta Mareykanka ay u kordhaan. XIGASHADA SAWIRKA, GETTY IMAGES Warka ku saabsan qorshaha Mareykanka ayaa yimid xilli Ururka ay ku mideysan yihiin dalalka Saliidda dhoofiya ee magaciisa loo soo baaciyo (Opec) iyo xulafadiisa oo uu ku jiro Ruushka ay kulan yeesheen maanta oo Khamiis. Kaddib 12 daqiiqo oo ay wadahadal ku jireen, ururkan baaxadda leh ee ka kooban waddamada saliidda soo saara, oo loo yaqaano Opec+, ayaa sheegay in ay wali kusii socon doonaan qorshahoodii hore ee ahaa in si tartiib tartiib ah sare loogu qaado wax soo saarka. Sare u kaca qiimaha shidaalka ayaa noqday dhibaato siyaasadeed oo aad u wayn, meelaha uu saameeyayna waxaa ka mid ah Mareykanka, oo la filayo in doorashada kala barka muddo xileedka ay ka dhacdo bisha November. Mr Biden ayaa sheegay in heerka laga isticmaalayo saliidda kaydka ah uu ahaa mid aan "lasii qorsheynin". Mareykanka ayaa sidoo kale bishii March bixiyay kalabar ka mid ah saliidda cayriinka ah ee tiradeedu tahay 60m oo fuusto ee ay soo saaraan dalalka xulafada la ah Reer Galbeedka. XIGASHADA SAWIRKA, REUTERS Qiimaha ayaa hoos u dhac billaabay tan iyo markii uu amarka bixiyay madaxweynaha Mareykanka balse wali waxa uu 70% ka sarreeyaa heerka uu taagnaa sanadkii lasoo dhaafay. Adeegyada bixinta Tamarta caalamka ee dalalka loo dhoofiyo ayaa adkaa bilihii lasoo dhaafay kaddib markii ganacsiyada adduunka ay dib u furmeen markii la qaaday xayiraadihii daba socday cudurka safmarka ah ee corona. Waxaase isbuucyadii lasoo dhaafay xaaladda uga sii daray dagaalka ka qarxay Ukraine. Waxaa la filayaa in dhoofinta saliidda ee Ruushka ay hoos u dhacdo ilaa 3 milyan oo fuusto maalintiiba. Inta badan dalalka kale ee saliidda dhoofiya ayaa isugu jira kuwo haddaba heerkii ugu sarreeyay gaaray iyo kuwo aan diyaar u ahayn inay wax soo saarkooda kordhiyaan.

DEG DEG| guuldaradii ugu xumayd oo soo gaadhay reer galbeedka iyo ukrain...

بوتين يهاجم الولايات المتحدة ويؤكد وضع خطط لمعالجة آثار العقوبات

بوتين: على الدول المستوردة للغاز فتح حسابات بالروبل لتسديد ثمنه

عربي TRT البث المباشر لـ

قوات روسية تنسحب إلى بيلاروسيا.. حيلة أم تكتيك عسكري؟

DEG DEG Xog Halisa Rooble Oo Loo Heesto Cadeyn Dilkii Xildhiban Amina,MD...