https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df
Thursday, June 2, 2022
Muxuu yahay gantaalka Ruushku ka argagaxay ee Mareykanku siinayo Ukraine?
Cago-jiid badan ka dib, dawladda Maraykanka ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay u diri doonto dalka Ukraine hub casri ah oo gantaallo ah, kaas oo la doonayo in lagu xoojiyo difaaca ciidamada Ukraine ee ku sugan gobolka Donbas oo ay si ba'an madaafiic ugu garaaceen ciidamada Ruushku.
Hubkaan waxaa lagu magacaabaa M142 Himars, kaas oo ah unug guur-guura oo isku mar ridi kara gantaallo badan. Hubkani wuxuu isugu jiraa mid dhexdhexaad ah iyo kuwa riddada dheer, haddana waxaa lagu warramayaa in Aqalka Cad, uu ka gaabsaday inuu ansixiyo hubkaan, inkastoo codsiyo badan oo ka yimid Ukraine, cabsi laga qabo in loo isticmaalo dhulka Ruushka oo xaaladda dagaalku ka sii darto.
"Waxaan rumaysanahay in Maraykanku uu si toos ah oo ula kac ah uu shidaal ugu shubay dab holcaya," ayuu yiri afhayeenka dawladda Ruushka Dmitry Peskov. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergei Ryabkov ayaa horey u sheegay in hubka cusub ee Mareykanka u dirayo dalka Ukraine uu keeni karo khatar hor leh oo ah in Mareykanku dagaal toos ah uu galay dagaal.
"Wax kasta oo ah sahay hub ah waxay kordhinaysaa halista inuu dagaalka sii ballaarto," ayuu yiri Dmitry Peskov, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dawladda ee RIA.
Baqdin
Cabsida uu qabo Maraykanka ee ku saabsan sida Ruushku u qaadan karo soo dirida gantaalladan ayaa ahayd mid ay ku geedamantahay hubanti la'aan. Madaxweyne Joe Biden laftiisa ayaa isku dayay inuu sharaxo go'anakan sida uu daabacay dhawaan wargayska New York Times.Maqaalkan oo uu qoray Biden, ayaa waxa uu ku xaqiijiyay in aanay ujeedadu ahayn dalkiisa inuu colaad ka abuuro Ruushka, balse uu yahay in la xoojiyo awoodda milatari ee Kiv si loo fududeeyo xal dublamaasiyadeed oo xiisadda loo helo."Taasi waa sababta aan u go'aansaday inaan siino dadka reer Ukraine hub aad u horumarsan oo gantaallo ah iyo rasaas u oggolaanaysa inay si sax ah u garaacaan bartilmaameedyada muhiimka ah ee goobaha dagaalka ee gudaha Ukraine," ayuu yiri Biden.
Peskov, ayaa dhankiisa, ku jawaabay:- "Sahayda noocan oo kale ah" aysan ku dhiirigelin kyiv inuu dib u bilaabo wadahadalka nabada wuxuuna muujiyay in Washington ay rabto inay "la dagaallanto Ruushka ".Biden ayaa intaa ku daray in go'aankaan uu qaatay kadib markii dowladda Ukraine ay u ballan qaadday in aan hubkana lagu bartilmaameedsan gudaha dhulka Ruushka." Ma doonayno in aan Ukraine u dirno nidaamka difaac oo lagu weerari karo Ruushka," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodomyr Zelensky, oo waraysi siinayay wargays laga leeyahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Newsmax, ayaa dhankiisa waxaa uu xaqiijiyay in ujeeda gantaalladaan ay tahay kaliya in loo isticmaalo difaac.
"Dan kama lihin waxa ka dhacaya Ruushka. Kaliya waxaa na khuseeya waa dhulkeenna gudaha Ukraine," ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha Ukraine.
Maxay yihiin Gantaalladu?
Gantaalladan ayaa qayb ka ah xirmo cusub oo uu ku kacayo qarash gaaraya 700 milyan oo dollar oo Maraykanku ku taageerayo Ukraine - oo ah tii kow iyo tobnaad tan iyo markii duulaanku bilowday bishii Febaraayo - agabkaan waxaa sidoo kale ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtero, hubka lidka taangiyada, iyo baabuurta taatikada dagaalka iyo waliba agab kale oo dheeri ah. Gantaalladan casriga ah ayaa ah kuwo ay dalbanaysay Ukraine tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Hadafku waa in nidaamka M142 Himars loo arko mid ka mid ah kuwa ugu horumarsan uguna saxsan gantaallada riddada dheer ee adduunka in ka badan kuwa hadda ay isticmaalaan ciidamada Ruushka ama kuwii ay Ukraine horey u haysatay.
Hal si oo Mareykanka uu ugu biiri karo dagaalka Ukraine
Sida lagu sharaxay shabakadeeda Lockheed Martin, waa nooc la casriyeeyay, oo fudud, dabacsan oo ku rakiban nidaamka gantaalaha M270, oo la sameeyay 1970-meeyadii. Maraykanka ayaa sheegay in gantaalada uu siin doono Ukraine ay gaari karaan masaafo dhan 80 km, taas oo ka saaraysa xadiga madaafiicda loo adeegsado cadawga, isla markaana khatar ku ah, Ruushka.
Gantaalada ayaa ah kuwo lagu hagayo GPS-ka waxayna siin doonaan ciidamada Ukraine qiyaas ahaan laba jibaar ka mid ah kuwa hagaya ee M777 ee ay hadda isticmaalaan. Sida laga soo xigtay Lockheed Martin, baabuurta qaada agabka difaaca waxay qaadi karaan culays dhan lix gantaal oo ah 227mm, inkasta oo ay sidoo kale qaadi karaan gantaallo kale oo ah nooca ATACMS, oo masaafo dhan 300km jaraya ,inkasta oo Maraykanku aanu kuwaas Ukraine gayn doonin.
Si kasataba waxaa durba muuqanaya in Ruushku uu ka qaylinayo hubkaan casriga ah ee Mareykanku doonayo inuu ku caawiyo Ukraine oo Ruushku ku qaaday duullaan ka dhan ah horraantii sanadkan. Qaar ka mid ah falanqeeyaasha arrimahaan ayaa qaba in hubkaasi uu xaaladda dagaalka Ukraine uga sii dari karo taas oo Ruushka qudhiisu muujiyay kuna xusnay warbixintaan.
Cilmi-baaris: DNA lagu ogaaday gabadhii xabagtan ruugtay 6,000 oo sano ka hor
Cilmi-baaris: DNA lagu ogaaday gabadhii xabagtan ruugtay 6,000 oo sano ka hor
Walax jirta 5,700 oo sano oo laga helay xeebta Syltholm, Koonfurta Denmark
Kan waa wejiga haweeney nooleyd 6,000 oo sano ka hor, oo degganayd Scandinavia oo hadda ah Waqooyiga Yurub.
Waxaa sidaa laga ogaaday "xanjadii ay ruugtay" ee ay ka tagtay oo ah nooc xilliyadii hore la cuni jiray, taas oo culimada Seyniska u fududeysay in ay soo helaan dhiiggeeda hide-sidaha, oo ay u adeegsadeen sameynta qaab-dhismeedka jirkeeda.
Waa markii ugu horeysay oo la sawiro sida uu u ekaan karay qof aadane ah oo kumannaan sano ka hor noolaa, iyadoo aan la adeegsan lafaha iyo waxyaabo kale, ayey sheegeen cilmi-baarayaasha.
Waxay u badan tahay in midabkeedu uu maariin ahaa, timaheedana ay bunni ahaayeen, indheheedana ay buluug ahaayeen.
Dr Hannes Schroeder oo ka tirsan Jaamacadda Copenhagen wuxuu sheegay in "xanjada" - oo ay u badan tahay in ay tahay xabag ama daamur geed - ay ahayd wax qiimo u leh dadkii hore oo lagana heli karo DNA-gooda, gaar xilliyada aan la heli karin wixii ka haray aadaninii noolaa taariikh hore.
"Waa arrin fiican in la helo hide-side dhameystiran oo bini-aadam ah oo wax kale laga helay oo aan ahayn lafo", ayuu yiri.
Maxaan ka garaneynaa gabadhan?
Dhammaan qaabka jirka haweeneydan ayaa dib loo sawiray, waxaana laga shaqeeyay sidii ay u ekeyd.
Waxay aad ugu badan tahay in ay ahayd ugaarato ku nooleyd Qaaradda Yurub, wayna ka yara duwan tahay dadkii ku noolaa bartamaha Scandinavia xilligaas, si la mid ah dadkaas, waxay lahayd midab maariin ah, timo bunni ah iyo indho buluug ah.
Waxaa suuragal ah in ay ka tirsanayd bulshadii ka guurtay Galbeedka Yurub ka dib markii barafka uu ka baaba'ay Waqooyiga qaaraddaas.
Sidey ahayd noolosheeda?
Waxyaabo kale oo la baaray oo DNA-ga ah waxaa lagu ogaaday in ay ku nooleyd Syltholm ee ka tirsan Lolland - Jasiirad ku dhextaalla badda Baltic ee Denmark. Hide-sidaha waxaa laga ogaaday in ay cuni jireen boolanboolada hilibkeeda.
"Waa xilligii ugu fogaa ee lagu noola nawaaxiga Denmark, natiijada baaritaanka taariikh-yahannadana waxaa lagu ogaaday in dadkii ku noolaa halkaa ay si weyn ugu tiirsanaayeen duurjoogta, xilligii la ahaa ugaratada, iyo xilligii ugu horeysay ee la billaabay beeraha iyo in xaywaannada lagu xanaaneysto guryaha ee Koonfurta Scandinavia," ayuu yiri said Theis Jensen oo ka tirsan Jaamacadda Copenhagen.
Cilmi-baarayaasha waxay sidoo kale DNA ka heleen waxyaabo ku duubnaa "xanjada".
Waxay heleen cudurro sababa qandho iyo oof wareen, iyo sidoo kale caabuqyo iyo bakteeriya badan oo sida caadiga ah laga helo afka qofka aadanaha ah, balse aan sababin xanuun.
Farshaxanisteyaal ayaa dib u sawiray haweeney loogu naaneesay "Lola"
Maxaan arrintan ka baraneynaa?
Cilmi-baarayaasha waxay sheegayaan in macluumadkan laga fahmayo sidii ay dadkii hore u noolayeen, ogaanshaha sida awowyadeen ahaayeen iyo caafimaadka.
Dhiigga Hide-sidaha laga helay xanjada waxaa sidoo kale laga fahmayaan sida caabuqyada aadanaha ay isu soo bedelayaan mudaddaas.
"Taas waxaan ka fahmeynaa sida ay u fideen iyo sida ay isu bedeleen".
Wednesday, June 1, 2022
TIMAJILIC: Dagaalka Ukraine: Mareykanka oo Ukraine u diraya h...
TIMAJILIC: Dagaalka Ukraine: Mareykanka oo Ukraine u diraya h...: Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in hubkan ay ku jiraan gantaallo riddada dhexe ah oo aad u hormarsan Mareykanka ayaa Ukraine u d...
Dagaalka Ukraine: Mareykanka oo Ukraine u diraya hub ay ku duqeyn karto magaalooyinka Ruushka
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in hubkan ay ku jiraan gantaallo riddada dhexe ah oo aad u hormarsan
Mareykanka ayaa Ukraine u diri doona gantaallo ka casrisan kuwii horay loo siiyay, si ay isaga difaacaan weerarka uu Ruushku ku hayo, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Joe Biden.
Hubkan oo ay muddo dheer codsanayeen madaxda dalka Ukraine ayaa la filayaa in uu ka caawiyo sidii ay ugu beegsan lahaayeen cadowgooda oo meelo ka fog fog looga shiishi karo.
Ilaa hadda, Mareykanku waxa uu diiddanaa in uu codsigaas fuliyo, isagoo ka cabsi qabay in hubkaas lagu duqeyn doono meelo ka mid ah gudaha dalka Ruushka.
Balse maanta oo Arbaco ah, waxa uu Biden sheegay in gargaarkan militeri uu xoojin doono saamaynta ay xukuumadda Kyiv ku leedahay wada-xaajoodka kala dhaxeeya Ruushka, haddana ay u badan tahay in xal-diblomaasiyadeed la gaaro.
Biden ayaa maqaal uu qoray oo lagu daabacay wargayska New York Times ku yiri: "Taasi waa sababta aan u go'aansaday in aan Ukraine siinno gantaallo aad casri u ah iyo rasaas u sahlaysa inay si toos ah oo cabbir saxan leh ay u beegsadaan fariisimaha ciidamada dagaalka kula jira ee ku sugan gudaha Ukraine."
Hubkan cusub waxaa ka mid noqon doona gantaallada shiishka toosan leh ee loo yaqaanno M142, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka - inkastoo uusan kala caddeynin tirada gantaallada loo diri doono Ukraine.
Gantaalladan ayaa loo adeegsan karaa duqeynta dhowr meel oo isku mar ah, waxayna gaari karaan fogaan dhan ilaa 70km (45 miles), waxayna ka tiiro dheer yihiin gantaallada ay hadda hayasato Ukraine.
Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay inay ka cabbir fiican yihiin gantaallada ay haystaan militeriga Ruushka.
Gantaal uu Mareykanku leeyahay oo noociisu yahay M142 HIMARS
Bishii la soo dhaafay, Taliyaha militeriga Ukraine ayaa sheegay in gantaallada noocoodu yahay HIMARS ee hadda uu Mareykanku u dirayo ay noqonayaan "kuwo muhiim ah" ayna u sahlayaan inay isaga difaacaan gantaallada ay Ruushka kusoo weeraraan.
Mareykanka ayaa filaya in Ukraine ay hubkan gayso gobolka dhinaca bariga xiga ee Donbas, halkaasoo uu dagaalku sida xooggan uga socdo, ahna meesha loogu adeegsan karo in lagu bar-tilmaameedsado goobaha ay yaallaan gantaallada Ruushka ee lagu duqaynayo magaalooyinka Ukraine.
Saraakiisha Aqalka Cad ayaa aqbalay in la bixiyo gantaalladaas, iyagoo sheegay inay tallaabadaas qaadeen oo kaliya kaddib markii ay Madaxweyne Volodomyr Zelensky ka heleen damaanad-qaad ku aaddan in aan loo adeegsan doonin in lagu duqeeyo magaalooyinka Ruushka.
"Uma dirayno Ukraine gantaallo ay ku weeraraan gudaha Ruushka," ayuu maqaalkiisa ku qoray Biden.
Ciidamada Ruushka taabacsan oo gantaallo ku tuuraya magaalada Yasynuvata ee gobolka Donetsk
Guntaalladan ugu dambeeyay waxay xuddun u noqonayaan hubka qiimihiisu uu ku kacayo $700m (£556m) ee lagu taageerayo Ukraine, waxaana si rasmi ah mashruucan loo daah-furayaa maanta oo Arbaco ah, sida uu sheegay sarkaalka ka tirsan Aqalka Cad.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca, hubka lidka taangiyada, gawaarida ciidamada iyo qalab kale ayaa ku jira gargaarkan oo noqonaya kii 11-aad ee uu Mareykanku siiyo Ukraine, tan iyo markii uu dagaalka billowday bishii Febaraayo.
Madaxweyne Biden oo sheegay in ujeeddadiisu ay tahay sidii loo heli lahaa xal-diblomaaisyadeed ayaa Ruushka ku dhaliilay inay sii wadaan ficillada gardarrada ah ee ay ku carqaladeynayaan wada-xaajoodka nabadeed. Waxa uu intaas ku daray in Mareykanku uusan waligiis cadaadis ku saari doonin Ukraine in ay dhulkeeda u dhiibto iyadoo ku beddelanaysa in dagaalka laga joojiyo.
Mar uu si toos ah uga hadlayay halista ku saabsan in hubka nuclear-ka loo adeegsado Ukraine ayuu Biden yiri: "Waqti xaadirkan uma jeedno wax calaamad ah oo muujinaya in Ruushka uu damacsan tahay tallaabo noocaas ah." Balse waxa uu ka digay in haddii ay taasi dhacdo ay noqon doono tallaabo aan la aqbali karin oo la imaan doona "cawaaqib-xumo aad u daran".
Wax yar kaddib markii uu Biden ku dhawaaqay arrintan, saraakiisha Militeriga Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda qaabilsan isticmaalka hubka nuclearka ay ku guda jiraan tijaabooyin ku aaddan sidii ay u howlgali lahaayeen, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee Interfax.
Goor sii horraysay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa Reer Galbeedka ku eedeeyay "inay Ukraine ku qulqulinayaan hub" waxa uuna sheegay xamuul kasta oo ah hub loo wado Ukraine uu bar-tilmaameed sharci ah u noqon doono Moscow.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dalalka ku jira isbahaysiga Nato ay "ku ciyaarayaan dab" marka ay hubka u dirayaan Ukraine.
Saturday, May 28, 2022
Friday, May 27, 2022
Maxaad kala socotaa gabadha Soomaliyeed ee dishay nin isku dayay inuu kufsado?
Warbaahinta dalalka carabta ayaa si wayn u hadal haysa gabadh Soomaaliyeed oo la sheegay in ay dishay nin isku dayay in uu gufsado.
Gabadha ayaa la sheegay in ninkan ahaa darawal gaari ay dishay ka dib markii ay mindi la dhacday.
Gabadhan oo dilka ka dib booliiska isu dhiibtay ayaa waxaa ay imika Xeer ilaalinta guud ee dalka Masar ay amar ku bixisay in la sii daayo.
Baaritaanada kiiska gabadhan ayay xeer ilaalintu sheegtay in ay sii socon doonto ilaa laga soo gabagabaynayo.
ilaa iyo imika booliiska dalka Masar iyo waliba warbaahinta dalkaasi ma aysan shaacin magaca gabadhan oo da;deeda lagu sheegay 15 jir.
Sida ay qortay warbaahinta dalka Masar gabadha ayaa saarnayd gaari taksi ah markaasi oo darawalkii taksigaasi uu isku dayay in uu kufsado.
Mindi uu ku cabsiinayay darawalka la sheegay in uu doonayay in uu kufsado ayaa la sheegay in ay gabadha gacanta u gashay ayna laabta ka galisay.
Gabadhan Soomaaliga ah ayaa markii ay booliiska su'aalo waydiiyeen waxa ay qiratay in ay dishay darawalka ka dib markii uu isku dayay in uu kufsado.
Baaritaan hordhac ah oo la sameeyay ka dib ayaa waxay booliiska xaqiijiyeen in falka uu u dhacay sida ay gabadha sheegtay.
Ma kufsi ayaa lagu tilmaami karaa haddii ninka uu xaaskiisa qasbo?
Ma kufsi baa haddii qof dumar ah ay nin xoogto?
Atariisho caan ah aabaheed oo dacwad kufsi ah loo heysto
Dalka Masar waxaa ku badan dhibaatooyiinka la xariira tacadiga dhanka jinsiga iyo waliba kufsiga gaar ahaan kuwa ka dhex dhaca gaadiidka dadwaynaha.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, 9 ka mid ah tobankii dumar ah ee Masar ayaa loo gaystay faraxumayn, waxaana caasimadda Masar hore loogu tilmaamay inay tahay meesha ugu khatarta badan adduunka ee ay haween ku noolaadan .
Ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka ee Masar waxay si firfircoon isugu dayeen inay la dagaallamaan dhibaataynta galmada iyagoo bilaabay olole looga hortagayo tacadiyada noocan ah.
Dowladda Masar ayaa dhankeeda isku dayday in dhanka shuruucda lagula dagaalamo tacadiyada loo gaysto haweenka iyo gabdhaha.
Wednesday, May 25, 2022
Dastuurka: Cabdiraxmaan Cabdishakuur xildhibaannimada maku waayi karaa xilka loo magacaabay?
24 Maajo 2022
Cabdiraxmaan Cabdishakuur
XIGASHADA SAWIRKA,CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha u magacaabay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Balse arrintan ayaa dhalisay hadal hayn ballaaran iyo su'aalo la iska waydiinayay.
Bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in murashaxii xilka madaxweynaha, ahna hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, uu madaxweynuhu u magacaabay jagadaas "kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan Abaaraha."
"Magacaabidda Ergeyga Gaarka ayaa muujineysa sida uu Madaxweynuhu mudnaan gaar ah u siinayo abaaraha iyo wax ka qabashada waxyeeladeeda oo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah iyo kuwa aan aheyn intaba," ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.
Howlaha uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur qaban doono inta uu xilkan hayo waxaa ka mid ah inuu heer qaran, heer gobol iyo caalami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha, isagoo hormuud u noqon doona isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah.
Balse waxaa su'aalo la iska waydiiyay sida ay isu waafaqi karaan xilkan iyo midka xildhibaannimada baarlamaanka ee uu horay u hayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Sababta keentay su'aashanna waa in dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya uu dhigayo in waxyaabaha uu xildhibaan kasta ku waayi karo kursigiisa ay ka mid tahay in uu aqbalo xil aan wasiirnimo ahayn.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur
XIGASHADA SAWIRKA,CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR
Isla su'aashan waxaan u bandhignay Abuukaate Zakariye Yuusuf, oo ah aqoon yahan ku xeel dheer cilmiga sharciga, ahna falanqeeye.
"Qodobka 59-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ayaa sheegaya waxa uu xildhibaanka ku waayi karo xilka, mana ku jirto in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu kursiga ku waayi karo howsha maanta loo xil saaray.
"Xafiiskan waa mid aan rasmi ahayn. Waa ergay, waxa uuna wakiil u yahay Madaxweynaha oo qof kasta wakiil ka dhigan kara, ha ahaado xildhibaan ama qof shacab caadiga ah ka mid ah. Waa xafiis aan maamul ku dhisnayn," ayuu yiri Abuukaate Zakariye Yuusuf.
"Ergay afsoomaaliga waxaa lagu dhahaa qof la dirsaday oo arrin gaar ah loo wakiishay, ama arrin laga codsaday inuu dhexdhexaadis ka noqdo ilaa xad," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xildhibaannimo helay
Maxay dowladda Kenya u baajisay xafladii C/raxmaan C/shakuur ee Nairobi?
Cambaaraynta Cabdiraxmaan ma diin u hiilin baa mise waa dano siyaasadeed?
Cabdiraxmaan Cabdishakuur
XIGASHADA SAWIRKA,CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta hadal kasoo saaray warka kasoo baxay madaxtooyada, isagoo muujiyay inuu gudan doono howsha loo igmaday.
"Sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh mas'uuliyadda uu maanta ii igmaday waa mid samafal iyo tadhawuc ah, waqti cayimana leh oo loogu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu wax yeelleeyeen," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Muxuu dhigayaa qodobka 59-aad ee Dastuurka?
Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha keeni kara in uu mudane waayo xilkiisa baarlamaanka.
Sidoo kale isla qodobkaas gudihiisa ayaa lagu sharraxayaa tallaabada xigta iyo sida loo buuxin karo booskaas haddiiba ay dhacdo inuu xildhibaankii meesha ka baxo.
Qaybta hore ee qodobka 59-aad, oo qeexaysa sababaha xil waayidda ayaa dhigaysa in ilaa lix qaab lagu lumin karo kursiga.
1- Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:
Xubinta oo Geeriyoota
Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la'aaneed oo joogto ah.
Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.
Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.
Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn
Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga.
2- Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey.
3- Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka.
Subscribe to:
Comments (Atom)