Saturday, July 9, 2022
Arrin ka dhacday qolkii lagu daldalay Saadaam Xuseen iyo 'eraygiisii ugu dambeeyay'

XIGASHADA SAWIRKA,
Maanta oo kale oo caalamka laga xusayay munaasabadda Ciidul Adxa ee sanadkii 2006-dii ayaa dil lagu fuliyay hoggaamiyihii hore ee Ciraaq, Saadaam Xusee. Taariikhdu markaas waxay ku beegnayd 30-kii bishii December.
Saadaam amarka dowladda Ciraaq lagu daldalay xilli waabariga ka hor ah, kaddib markii lagu helay dambi ku saabsan inuu ku lug lahaa xasuuq loo gaystay dad u dhashay Ciraaq.
Eedeymahaas waxay la xiriireen falal dhacay in ka badan 20 sano ka hor intii uusan Mareykanka xukunka ka tuurin.
Subaxdii la fuliyay dilkiisa, muuqaal ayaa laga sii daayay telefishinka Al-Ciraaqiya ee ku hadla afka dowladda, kaasoo muujinayay Saadaam oo isagoo xiran dhar madow ay rag wajiga iyo madaxa qarsaday u wadaan qolkii lagu daldali lahaa.
Maxaa dhacay markaas kaddib?
Garsoore Ciraaqi ah, oo lagu magacaabo Munir Haddad, oo goob joog ahaa, ayaa telefishinka CNN xilligaas u sheegay in mid ka mid ah raggii daldalayay Saadaam Xuseen uu hadal ku tuuray, isagoo u sheegaya in uu ahaa kelitalis burburiyay Ciraaq.
Arrintaas ayaa islamarkiiba dood ka dhex kicisay Saadaam iyo ninkii kaxaynayay, ilaa ay markii dambe soo farogeliyeen saraakiil kale oo ku sugnayd qolka.

XIGASHADA SAWIRKA,
Kaddib markii xarigga qoorta loo geliyay Saadaam ayuu mid ka mid ah raggii daldalayay ku dhawaaqay "ha noolaado Muqtada al-Sadr," sida uu sheegay garsoore Haddad. Muqtada al-Sadr waa wadaad ka mid ah hoggaamiyeyaasha Shiicada ee Ciraaq.
Saadaam, oo ahaa Sunni, ayaa eraygiisii ugu dambeeyay ka hor inta uusan geeriyoonin ku yiri: ""Muqtada al-Sadr", isagoo codkiisa laga dareemayay inuu magaca u dhahayay si jees jees ah, sida uu faahfaahinta ku sheegay Haddad.
Garoosaraha ka sheekeynayay dhacdadan ayaa yiri: "Saadaam waxa uu u muuqday qof aysan waxba ka khuseynin xaaladda halkaas ka taagnayd. Aad baan ula yaabay. Kama uusan baqaynin geerida."
Askartii Mareykanka ee oysay markii la daldalayay Saadaam Xuseen
12 askari oo Mareykanka ah - oo loo diray in ay waardiyeeyaan Saadaam Xuseen - ayaa lagu tilmaamay in ay ahaayeen saaxiibbadii ugu dambeeyay ee uu yeeshay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq.

XIGASHADA SAWIRKAWaxay ahaayeen askar laga soo xushay ciidamada booliska ee ay tiradoodu ahayd 551 askari, kuwaasoo qaabilsanaa amniga Saadaam ilaa intii laga dilayay. Waxaa lagu naaneysayay "12-ka askari ee heerka sare ah".Mid ka mid ah askartaas, oo lagu magacaabo Will Bardenwerper, ayaa qoray buug uu u bixiyay 'Maxbuus ku jira qasrigiisa, ilaaladiisa Mareykanka ah iyo taariikhda uu ka tagay'.
Waxa uu buuggaas ku sheegay arrimo ku saabsan xiriirkii wadashaqeynta ee dhex maray Saadaam Xuseen iyo ilaaladiisii Mareykanka ahaayeen. Waxaa kale oo uu ku sharraxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha Saadaam.
Bardenwerper wuxuu qiray in markii uu Saadaam ku wareejinayay dadkii daldali lahaa ay askarta ilaaladiisa ah wada ilmeynayeen.
Friday, July 8, 2022
Thursday, July 7, 2022
Wednesday, July 6, 2022
Tuesday, July 5, 2022
Monday, July 4, 2022
Sunday, July 3, 2022
halyeygii Soomaaliyeed ee aas aasay ciidamada xoogga dalka soomaaliya
General. Daauud Cabdulle Xirsi (1924-1965) wuxuu ahaa Janaraalkii ugu horeeye ee yeelato Soomaaliya isla markaasna ahaa taliyihii ugu horeeyey ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Janaraal Daauud wuxuu ku dhashay tuulada Mareeg ee ka tirsan gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya halkaas oo uu ku dhameeye aqoontiisa Qur'aanka asagoo da' yar ah. Mudo sanad ah asagoo ka shaqaynayaa xaafiiska Talyaaniga ee degmada Buuloburde ayuu wuxuu u gudbay magaalada Muqdisho, xoogaa kahor intaan la gaarin Dagaalkii Labaad ee Aduunyada. 1943dii wuxuu ku biiray Ciidamada Booliska ee Ingiriiska oo markaas hayste koonfurta Soomaaliya, Janaral Daauud waxaa uu ka gaare shaqadiisa ilaa barre (macalin) tababare ka ah Dugsiga Booliiska ee Xamarjajab.
Daud Abdulle Hirsi داود عبد الله حرسي Daud Abdulle Hirsi | |
---|---|
![]() Aas aasihii ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed | |
Udhashay | Somalia |
Ku dhsahay | Mareeg |
Dhashay | Maajo 1924 ( 98Jir) Mareeg Galguduud Soomaaliya |
Dhintay | Abriil 1969 ( 1956–1957 jir) Moscow Russia |
Lagu aasay | Muqdisho (Qabuuraha Ciidanka xoogga) |
U daacada | Ciidanka |
Ka howl gala/Qaybta | Xooga Dalka soomaaliya |
Sanadaha shaqada | 1939-1965 |
Darajeda | Hogaanka guud ee ciidamada qalabka |
Nomberkiisa | 000B01 |
Katirsan | Xooga |
Xilli amarkiisa | 1954-1965 |
Hogaankii | Dagaalkii 1964 |
Bilado | ? |
Guursaday | ? |
Xiriir | Saraakiil Talyaani iyo Ruush |
shaqooyin Kale | Dhismaha ciidanka |