Wednesday, June 8, 2022
Nebi Muxamed: Putin ma Hindiya ayuu farrriin u diray kaddib aflagaaddadii Rasuulka (NNKH)?

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Vladimir Putin
Waddamada Muslimka ah ayaa si adag uga soo horjeestay hadalladii muranka dhaliyay ee afhayeenkii hore ee xisbiga BJP Nupur Sharma ee ku saabsanaa Nebi Muxamed NNKH, sida lagu baahiyay baraha bulshada, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay hadalladii muranka dhaliyay ee loo jeediyay Nabi Muxamed ee dowladda Hindiya.
Hadalka Putin ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay si weyn ugu faafay baraha bulshada ee Hindiya iyo dalalka Carabta kaddib markii Putin oo la talinayay Hindiya isagoo ku guda jira shirkiisii jaraa'id ee sanadlaha ahaa yiri, "Aflagaadada Nabi Muxamed waxay ku xad-gudbeysaa xorriyadda diinta taas oo dhaawacday shucuurtii muqaddaska ahayd ee dadka Islaamka."
Falcelinta hadalka laga soo xigtay Putin ayaa aad ugu baahday baraha bulshada gaar ahaan barta Twitter oo in ka badan 50 kun oo jeer la wadaagay gaar ahaan Hindiya iyo dalalka Carabta.
Isla sawirka hoose waxaa ku yaal bayaan ku saabsan Nebi Maxamed iyo Islaamka oo la soo xiganaya madaxweyne Putin, kaasoo dadka isticmaalay qaarkood ay ku sheegayaan sida Putin uu uga hadlay Hindiya.

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA
Putin iyo Boqor Salmaan
Muxuu horay Putin uga yiri Islaamka goormaa ayayse ahayd?
Sida ay sheegtay warbaahintu, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa shirkiisii jaraa'id ee sanadlaha ahaa ee 23-kii December ee sanadkii hore, waxa uu ku sheegay hadal la xiriira kaartuunkii Charlie Hebdo ee Faransiiska ee muranka dhaliyay.
Waxa uu yiri: "Marnaba qayb kama aha xeerka xornimada hadalka ee qof walba uu u heysto inuu fikirkiisa cabbiri karo."
"Aflagaaddada ka dhanka ah Nabiga waxay meel uga dhaceysaa xorriyadda diimaha, waxayna ku xadgudbeysaa dareenka dadka heysta diinta Islaamka," ayuu yiri Putin, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS.
Madaxweyne Putin ayaa carrabka ku adkeeyay in ficillada noocaas oo kale ah ay kicinayaan aargoosiga kooxo xagjir ah, sida weerarkii lagu qaaday Majalladda Charlie Hebdo ee magaalada Paris kaddib markii ay daabacday sawirro kartoon ah oo lagu dhaawacayo sharafta Nabiga (NNKH).
- Shacabka Ruushka ayuu ku boorriyay in ay dhammaantood isku tixgeliyaan dhaqamada iyo diimaha ay kala heystaan, isagoo intaas ku daray in waddankiisa uu yahay mid ku dhisan "dhaqamo aad u kala duwan" oo aan la mid ahayn dalalka kale ee caalamka.
Hase yeeshee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaan weli wax falcelin ah ka bixin khilaafka u dhexeeya Nupur Sharma iyo dalalka Islaamka ee ku qotoma Nebi Maxamed NNKH.

XIGASHADA SAWIRKA,ALEXANDER ZEMLIANICHENKO/POOL/AFP VIA GETTY IMAGES
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz Al Saud
Sawirkii hore ee Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan iyo Putin
Sawirka Putin iyo Boqorka Sacuudiga Salmaan oo haatan aad loogu wadaagayo baraha bulshada, ayaa marka la isticmaalo barnaamijka Google-ka ee dib-u-eegista sawirka ayaa muujinaya in sawirka uu yahay sanadkii 2019 markaasoo Madaxweynaha Ruushka uu booqday Sacuudiga.
Baaritaanka BBC-da, waxaan ku helnay sawirka ku baahay baraha bulshada iyo sheegashadiisa mid marin habaabin ah.
Dalalka Imaaraadka, Cumaan, Indonesia, Ciraaq, Maldives, Urdun, Liibiya iyo Baxrayn ayaa ku biiray liiska sii kordhaya ee dalalka caalamka Islaamka ee cambaareeyay hadalkaas. Horay hadalkaas waxaa u cambaareeyay Kuwait, Iran iyo Qadar waxayna u yeereen safiirrada Hindiya caradooda ka dhanka ah arrintan darteed. Sacuudiga ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalkaas Isniintii la soo dhaafay.
Diblomaasiyiinta Hindiya ayaa isku dayay inay dejiyaan dalalkan - waxay xiriir saaxiibtinimo la wadaagtaa intooda badan dalalkan - laakiin duufaantu waa mid aad uga fog intaas.
Nupur Sharma, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP), ayaa hadalkan ka sheegay dood telefishin, halka Naveen Jindal, oo ah madaxa warbaahinta ee xisbiga Delhi, uu arrintan soo dhigay bartiisa Twitter.
Faallooyinkaas - gaar ahaan tii M Sharma - waxa ay ka caraysiisay bulshada Muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay ee dalkaas, taasoo keentay mudaaharaadyo goosgoos ah oo ka dhacay gobollada qaar.
Labadan masuul ayaa raaligelin guud ka bixiyay, wuxuu xisbigu shaqadii ka joojiyay Sharmaa.
Ikraan Tahliil: Taliyihii hore ee NISA oo sharraxay sababta uu kiiska gabadhii ka tirsanayd saraakiisha sirdoonka u waynaaday

XIGASHADA SAWIRKA,IKRAAN TAHLIIL
Waxaa mar kale dib us oo cusboonaaday hadal haynta kiiska Ikraan Tahliil, oo ahayd mid ka mid ah saraakiisha Hay'adda Nabad Sugidda iyo Amniga qaranka.
Gabadhan oo madax ka ahayd qaybta dambi baarista internet-ka ayaa la wayaay dabayaaqadii bishii June ee sanadkii 2021-kii, kaddibna waxaa soo shaac baxay warar sheegaya in la dilay.
Hay'adda NISA oo ay ka tirsanayd ayaa lagu eedeeyay in ay dilkeeda mas'uul ka yihiin, inkastoo ay dhankooda iska fogeeyeen. Xog kasoo baxday Nisa ayaa lagu sheegay in baaritaanno la sameeyay lagu ogaaday inay Ikraan afduubteen Al-Shabaab kaddibna dileen.
Hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeedana beenisay inay ku lug lahayd maqnaashaha iyo dilka gabadhaas, taasoo sababtay in uu jah wareer badan hareeyo kiiskan.
Taliyihii hore ee Hay'adda Nabad Sugidda iyo Amniga Qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey, ayaa wareysi uu siiyaybarnaamijka Wariye Xasan Cadde ee telefishinka SMSSOMALI ku faahfaahiyay marxaladihii ugu horreeyay ee kiiskan.
Kiis ka duwanaa kiisaskii hore
Yaasiin Fareey oo marka uu billaabanayay kiiska Ikraan ahaa madaxa qaybta guud ee nabad sugidda gobolka Banaadir ayaa sheegay in "isaga loo xil saaray baaritaankii ugu horreeyay ee lagu sameeyay arrintan, tallaabadii ugu horraysayna uu isagu qaaday."
"Kiiskaas wuxuu aniga iga soo gaaray, maadaama aan madax ka ahaa gobolka, in Ikraan la waayay 28-kii bishii June kaddibna maadaama aan anigu gobolka joogay, taliyihii hay'addana uu dalka ka maqnaa waxaa aniga la ii xil saaray in kiiskaas aan baaritaan ku sameeyo," ayuu yiri.

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV
Yaasiin Farey
Waxa uu sheegay in xogtii baaritaankiisa oo dhammaystiran uu la wadaagay madaxdii hay'adda NISA, oo uu ugu horreeyay taliyihii xilligaas, Fahad Yaasiin, oo dalka dib ugu soo laabtay.
"Guddi baaritaan oo ka socday Maxkamadda Ciidamada iyo hay'adda Nisa ayaa si wadajir ah u baaray kiiskaas, xogta oo dhammaystiranna waxay taallaa Maxkamadda Ciidamada iyo xafiiska Hay'adda Nabad Sugidda," ayuu yiri Yaasiin Fareey.
Kiiska Ikraan ayuu Yaasiin carrabka ku adkeeyay in la siyaasadeeyay, waxyaabo badan oo been ahna laga sheegay, "ilaa hadda waxa laga og yahayna ay tahay oo kaliya in la waayay Ikraan".
Taliyihii hore ee Nisa, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay in kiiska Ikraan Tahliil uu ahaa mid ka duwanaa kiisaskii horay usoo maray ha'adda uu ka shaqeynayay.
"Wuxuu kiiskan kuwii kale uga duwanaa inuu dhacay xilli uu dalka ku jiray marxalad adag, taas ayaana kalliftay in uu kiiskan saamayn badan yeesho, laakiin aniga ma aaminsani in uu ka duwan yahay wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee wax bartay ee iyagoo nool oo caafimaad qaba u bareeray inay naftooda iyo maalkooda u huraan dalka iyo dadka Soomaaliyeed."
Taliyaha cusub ee horay qaybta uga ahaa ololaha caddaalad raadinta Ikraan
Khilaaf xoog leh ayaa ka dhashay sida loo maareeyay arrimaha ku saabsanaa Ikraan Tahliil, madaxdii hore ee Nisa ayaana marar kala duwan lagu dhaliilay in ay wax ka ogaayeen.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar warbaahinta ka sheegay inuu ka warqabo ciddii dishay gabadha xubinta sare ka ahayd hay'adda nabad sugidda Soomaaliya.
Laakiin hadda waxaa hoggaanka hay'adda Nisa la wareegay xildhibaan Mahad Salaad, oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii sida wayn ugu ololeynayay sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil.

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanadii hormuudka ka ahaa u ololeyntii sidii ay cadaalad u heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil.
Inkastoo uu kiiskan hor yaallo maxkamadda ciidamada qalabka sida, haddana dad badan ayaa ka war dhowraya tallaabada uu qaadi doono Mahad Salaad ee la xiriirta arrintan.
Muxuu kiiska horay uga yiri Mahad Salaad?
Markii bishii November uu soo baxay warka ku saabsan dilka Ikraan Tahliil ayaa waxaa uu Mahad Salaad shaki galiyay cidda ka dambeysa dilka isaga oo taliyihii xilligaasi ee Nisa Fahad Yaasiin ku eedeeyay dilkeeda.
"Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah," ayuu xilligaas ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

XIGASHADA SAWIRKA,MAHAD SALAAD
Taliyaha Nisa, Mahad Salaad
Xildhibaan Mahad ayaa marar badan ku celceliyay waqti ay doonto ha qaadatee "in Ikraan iyo qoyskeeda ay caddaalad heli doonaan".
"Qof anaga naga mid ah inta uu nool yahay insha allah kiiska Ikraan Kama hari doono inta caddaalada la horkeenayo dambiilayashii shaarka dowladeed idinku dhibaateeyay" ayuu 24 March ee sanadkan ku soo qoray bogiisa Facebook.
Wararka iska soo taraya kiiska Ikraan ayaa soo xoogaystay tan iyo markii ay soo idlaatay doorashada Soomaaliya ee madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.