Francisco Madeira: Waa kuma diblomaasiga xuddunta u noqday khilaafka cusub ee Rooble iyo Farmaajo?
Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa muddo 48 saacadood guduhooda u qabtay in uu dalka kaga baxo wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, sida lagu sheegay warqad xalay xilli danbe ka soo baxday xafiiskaas.
Wakiilka ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in i aan dalka laga rabin iyada oo lagu eedeeyey in uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadii uu dalka u joogay. Raysalwasaaraha ayaana Midawga Afrika Ka codsaday in u yeedhaan wakiilkooda iyaga oo u hoggaansamaya go'aankiisa, soona dhaweeyey la shaqayn hoggaanka cusub ee ay magacaabi doonaan, sida uu sheegay.
Dhinaca kale, inyar ka bacdi warkaasi, Villa Somalia ayaa baahisay warsaxaafadeed kale oo kaa ka duwan oo ka hor imanaya go'aankii caydhinta ahaa ee Raysalwasaare Rooble.
Madaxweyna ayaa bogaadiyay doorka Nabad ilaalinta ee Midawga Afrika isaga oo intaas sii raacinaya in aanay jirin ogolaansho uu bixiyey oo tallaabo lagaga qaadayo danjire Madeira aannuna waxba kala socon warka soo baxay xafiiska Raysalwasaaraha.
Ma aha markii u horreysay ee xafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo kan Madaxtooyadu ay isku khilaafaan go'aamo ka soo baxay xafiisyadooda, waxaa se arrintani u muuqataa khilaaf hor leh, xilli dalku marayo xaal doorasho, taas oo dhawr jeer oo hore dib u dhac ku yimi.
Wa kuma Madeira?
Francisco Caetano Jose Madeira, oo u dhashay dalka Mozambique ayaa xilkan loo magacaabay bishii October ee 2015-kii isaga oo beddelay Maman Sambo Sidikou oo ka soo jeeday Niger.
Ilaa iyo 2010, Danjire Madira ayaa ku shaqeynayay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee iskaashiga ka hortagga argagixisannimada iyo agaasimaha Xarunta ALGIERS-Stricavers-ka ee shaqaysa daraasadda iyo cilmi baarista Argagaxisonnimada.
3 qodob oo ku saabsan hawlgalka ATMIS ee uu Golaha Ammaanka ansixiyay
Maxay tahay warbixinta ay dowladda Soomaaliya diidday ee "Guddiga Midowga Afrika"?
Francisco Madera ayaa sida oo kale soo noqday safiirka Mozambique u metalaya dhowr waddan oo Afrikaan ah, laga soo bilaabo 1984 ilaa 1989, iyo lataliyaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha dalkaas. Wuxuu xubin ka ahaa wafdiga dowladda ee wadahadalada nabada ee uu la yeeshay Renamo, kaas oo sababay in la saxeexo heshiiskii Guud ee Nabadda ee Rome ee ku aaddanaa Mozambique.
Wuxuu qabtay sida oo kale xilal wasiirnimo, isagoo ahaa, 1995 ilaa 1999, wasiirka xafiiska Madaxweynaha ee arrimaha baarlamaanka iyo, laga soo bilaabo sanadkii 2000 ilaa 2010, wasiirka xafiiska Madaxweynaha ee arrimaha diblomaasiyadeed.
Magacaabistiisa ahayd Madaxa Cusub ee AMISOM ayaa timid waqti ay isku dayeyaan in ay dadajiyaan xasilinta Soomaaliya, si ay wadada ugu xaadhaan doortaan doorashadii guud ee 2016.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa se dhawaan u codeeyay in AMISOM lagu bedelo howlgalka kala guurka ee Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Muddo 15 sano ah, askarta Afrikaanka ah waxay isku baddalayeen Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah 20,000 oo askari oo ay Qaramada Midoobay u xilsaartay inay dawladda dhexe ee taagta daran ka difaacaan Islaamiyiinta ah ka dagaalama gudaha Soomaaliya.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo la aas aasay sanadkii 2007-dii ayaa waxaa sameeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana loo xil saaray la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab oo isku dayaya in ay afgambiyaan dowladda Muqdisho ka dhisan.
Ciidamada oo laga soo aruuriyay guud ahaan Afrika, ayaa Al-Shabaab ka saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011, taasoo abuurtay xasilooni ku filan oo ay ku dhismaan hey'adaha dowladda iyo kuwa federaalka, waxaana la qabtay labo wareeg oo doorasho ah.
Shan iyo tobanka sano ee ay AMISOM joogtay Soomaaliya waxa ay dowladda Soomaaliya ka taageertay sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee caasimadda, sida garoonka diyaaradaha, dekadda iyo xafiisyada madaxda sare. Waxa kale oo ay Al-Shabaab ka saartay magaalooyin muhiim ah.
Diblomaasiyiin horay loo eryay
Sanadkii la soo dhaafay ayay xukumadda Soomaaliya dalka ka eriday ku xigeenka ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Simon Mulongo. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in Mr Mulongo uu "ku kacay dambiyo waaweyn, go'aanka dalka looga eryayna uu ahaa mid loo baahnaa in mar horeba la qaato". Mulongo wuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kaldalka ka eriday ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom seddax sano ka hor, ayadoo ku eedaysay in uu faragalin qaawan ku hayay madaxbanaannida Soomaaliya.
Go'aankan ayay dad badan ku tilmaameen mid dhiirran, marka la eego dowrka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, oo xilligii dowladihii hore, qeyb weyn ka ahaa go'aannada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.
Mr Haysom ayaa eryidiisii wax yar uun ka hor waxa uu war qoraal ah oo xafiiskiisa kasoo baxay kaga hadlay Doorashadii ka dhacday Maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa Murashaxiinta u taagnaa hoggaanka maamulkaas.
Nicholas Haysom ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dawladda federaalka ah ay faragalin toos ah ku hayso doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayna masuul ka tahay rabshadihii dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Baydhabo, arrintaas oo dawladda Soomaaliya ay qoonsatay

No comments:
Post a Comment