Dagaal ayaa la sheegayaa inuu ka socdo gobolka ugu bulshada badan dalka Itoobiya ee Oromia, kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Ciidamada Xoreynta Oromo (OLA), taas oo sii xoojineysa walaaca laga qabo amniga sii xumaanaya ee koofurta dalkaas.
Dagaal sokeeye oo 17 bilood ka socday waqooyiga Itoobiya ayaa daaha ka qaaday musiibo bini'aadannimo oo aad u ba'an oo ay kumannaan qof ku dhinteen, malaayiin kalena ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.
Maamulka gobolka Oromia ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay qaadeen weerarro muddo bil ah socday oo ka dhan ah Xoogagga Xoreynta Oromada halka kooxda OLA dhankeeda ay sheegtay in ay guulo ka gaartay dagaalladaasi.
Afhayeenka kooxda Odaa Tarbii ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ciidamada ammaanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dariska la ah la geeyay Oromia si ay gacan uga geystaan dagaalka.
Dhaqaatiirta gaajaysa oo raashiinka gargaarka safaf u galaya
Debretsion Gebremichael: Ninka magaciisu ku xardhan yahay colaadda Itoobiya
Maraykanka oo war cusub ka soo saaray dagaalka Itoobiya
Hase yeeshee, waxaa eedeeyntaasi gaashaanka u daruuray sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Soomaalida oo la hadlay BBC-da, oo la yirahdo Abdikadr Rashid, laakin waxa uu sheegay in ciidamada gobolkiisa ay geli karaan Oromia haddii loo yeero.
Xabbad-joojin bini'aadannimo oo ay ku heshiiyeen ciidamada Tigrayga iyo dawladda oo bishii hore lagu dhawaaqay ayaa loo arkay tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjarayo dagaalka sokeeye ee waqooyiga. Balse iyadoo gargaarka la sii marsiinayo gobolka Tigray aanu dabooli karin baahida gobolka, ayaa haddana waxaa jira eedeymo ah in la xannibay gargaarka.
Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan dagaallada ka socda koofurta dalka iyo inay sii murjiyaan dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa bini'aadannimo ee dalka Itoobiya uu wajahayo.
Halkee ayay iska arkeen Oromada iyo Abiy Axmed?
Markii Abiy Axmed uu noqday ra'iisul wasaaraha Itoobiya afar sano kahor, qowmiyadda Oromada ayaa dareemay in xaaladdooda ay is beddeli doonto.
Qof ka mid ah ayuu ahaa - wuu fahmayay carada qowmiyadda ugu tirada badan dalkaas kuwaas oo dibadbaxyo ballaaran gudaha dalkaas ku qabtay kahor inta uusan is casilin ninkii xilka kaga horreeyay.
Wuxuu ogaa waxa ay la micno tahay isdhaafka gacmahooda oo caan ka noqday cayaarihii olombikada ee Rio Olympics markii orod yahanka Feyisa Lilesa uu sidaas sameeyay.
"Dad badan ayaa u arkayay Abiy inuu yahay Messiah-ga,"cusub sida uu sheegay Merera Gudina, oo ah guddoomiyaha Kongareeska Federaalka Oromo ee mucaaradka ah (OFC).
Inta badan Oromada ayaa gudaha dalkooda ku dareema inay yihiin muwaaddiniin heerka labaad ah, iyagoo sidoo kale dareemay in lagu ceebeeyay dhaqankooda.
Inta badan Oromada ayaa ku nool gobolka Oromia, iyadoo dalkaasi uu u kala qeybsan yahay gobollo qabaa'ileed. Haddana Addis Ababa, oo ah caasimadda Itoobiya, oo uu ku hareereysan yahay Oromia, Qaar ka mid ah Oromada ayaa sheegay in lagu ceebeeyay inay ku hadlaan Afaan Oromoo marka ay joogaan meelaha ay bulshadu isugu timaaddo, xitaa gudaha baska.
Feyisa Lilesa oo muujinaya astaanta gacmaha la is dhaafiyo ee caanka ka noqday cayaarihii Olimbikada 2016
Waxay sido kale dareemeen in dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaanba la gacan bidixeeyay.
Waa kuma ninka laf dhuun gashay ku noqday Abiy Axmed ee hadda xabsiga laga soo daayay?
Balse Abiy ma noqon sidii ay filayeen Oromada, isagoo bilaabay inuu xirxiro siyaasiyiin badan oo qowmiyadda Oromada ka soo jeeda, waxaana ka mid ah Jawaar Maxamed.
Jawaar, oo sidoo kale siyaasi ah, ayaa bishii July ee sanadkii 2020 lala xiray dhowr ruux oo kale, kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen rabshado daba socday dilkii loo geystay fannaankii Oromada u dhashay ee lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa.
Mr Jawaar ayaa horay maxkamadda ugu sheegay in kiiskooda oo dhan uu yahay mid siyaasad salka ku haya, ujeeddada kaliya ee laga leeyahayna ay tahay sidii looga hor istaagi lahaa isaga inuu u tartamo xafiis dowladeed marka la gaaro doorashada lagu wado inay Itoobiya ka dhacdo bisha June ee sanadkan.
Muddo kaddib bishii January ee sanadkan waxay Itoobiya sheegtay in ay xabsiga ka sii deynayso Jawar Mohammed oo ah mucaarad caan ah iyo sidoo kale saraakiil sare oo ka tirsan Jabhadda Xoraynta Tigrayga (TPLF) oo xabsiga loo taxaabay ka dib dagaalkii sokeeye ee ka dhacay waqooyiga dalkaasi, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda
No comments:
Post a Comment