soomaaliya waa dal xor ah soomaaliya waxay leedahay shacab fur furan oo dhinac walba ka dhisan
shacabka soomaaliyeed waa dad har iyo habeen soo jeeda aanan la khiyaani karin
itoobiya iyo soomaaliya waxaa ay isaga horyimaadeen milliteri ahaan waxaana laga gaaray guul taariikhi ah
ka dib markii la arkay in shacabkii soomaaliyeed ay guul gaareen ayaa waxaa dhacday in itoobiya qayla dhaan u dirsato ruushka kuuba yementa koonfureed iyo liibiya ayagoo si toos ah dagaalka ugu soo biiray
ka dibna ay soomaaliya ku khasbanaatay iney ka baxdo dhulkii markii hore laga qabsaday
marka itoobiya waxay ku doodaa iney iyadu guul gaartay balse arinku sidaa ma ahan
dadku waa dadkii wadankuna waa wadankii 1977 markasta oo ay itoobiya ku fakarto duulaan ka dhan ah soomaaliya waxaa uga soo horeeya xinjiro iyo in ay maydad faraha ku qaataan
nama qabsan karaan nama maamuli karaan isku diin ma nihin isku dhaqan ma nihin
itoobiya tabarteeda ayaa la tusayaa dadka dhahaya waa dowlad lalama dagaalami karo itoobiya waa been
tusaale ahaan waxaa hada dagaal ka socdaa israaiil iyo xamaas sidaad ogtihiin waa cududa bariga dhexe waxa haystana waad aragtaan in ay horey u socon la,yihiin
waxaan saadaalinayaa hadii dagaal uu dhaco dhexmara soomaaliya iyo itoobiya gobolada naga maqan ayaan ka qabsanaynaa
No comments:
Post a Comment