Waxaa maalmihii lasoo dhaafay aad ugu siyaaday magaalada Muqdisho goobaha
lagu cuno daroogada noocyadeeda kala duwan, waxaana maanta gudaha dalka laga
heli karaa inta badan noocwalbo oo daroogo ah ee dunida inteeda kale taalo.
Wadanka waxaa ay daroogada ku timaadaa 2 nooc, mid lasoo dhoofiyo iyo mid
gudaha dalka lagu beero, cilmi baaristaan waxa ay xooga saareysaa mida gudaha
lagu beero iyo halka ama goobaha lagu beero. Cilmi baaristaan waxaa sameeye
Ustaad Abdulrazak Mohamed Ahmed, waxa uuna ku soo helay natiijo muhiim ah oo
daaha ka qaadeyso halka ay kayimaadaan daroogada iyo Xashiishka lugu cuno
Muqdisho. Waxa uu ku bilaabay cilmi baaristiisii sidaan: Baaris kooban oo aan
ku sameeyay xashiishka Muqdisho ayaan ku ogaaday arimaha soo socda: BEERISTA
Xashiishka laga cabbo Muqdisho waxaa inta badan lagu beeraa tuulada Tugaareey
(Bariga Jowhar) iyo Aagga Shalambood, Jannaale, Balcad iyo Afgooye. sidoo kale
waxaa jira guryo ku yaaal Muqdisho oo lagu tacbbo daroogadan. DAABULKA:
Daroogada xashiishka waxaa lagu soo daabulaa baabuur caasiyaal (HOMEY) ah
iyada oo jawaanno lagu soo cabbeeyo isla markaaana afka hore ee jawaanka la
saaro qudaarta reexaanta iyo kabsarta si loogu ekeysiiyo qudaar. SUUQYADA
XASHIISHKA: Xashiishka waxaa loo iib geeyaa gudaha dalka inkasta oo beri
dhexdaas ah lagu qabtay badda Somaliya dooni sidda daroogo taas qiyaastii
debeadda loo dhoofin lahaa. QAYBINTA & IIBINTA: Xashiishka waxaa lagu dejiyaa
guryo ku yaal Muqdisho kadibna waxaa loo qaybiyaa goobaha lagu iibiyo oo ku
yaal Fagax, Kaaraan, miijiska suuqbacad, Afar irdoodka xamarweyne, km4, Zope,
Tabelaha Sh. Ibrahim, Weydow, Beerta jaadka & meelo kale. TIRADA DADKA CUNA
XASHIISHKA: Lama hayo numberka dadka xashiishka caba ee muqdisho waxaase la
aaminsanyahay in ay isticmaalaan ugu yaraan 150 kun oo qof kuwaaas oo isugu
jira rag iyo dumar iyo da’da 20-65 sano. MUXUU DAREEMAA QOFKA XASHIISHKA CABA?
1. Cabsi in la fahmo. 2. Khayaali iyo been iska dhaadhicin. 3. Rabitaan uu
rabo inuu xado waxyaalo qiimo liita sida kabaha iwm. SIDA LOOLA DAGAALI KARO:
1. In la ciqaabo qolada abuurta. 2. in shaqo loo abuuro dhalinyarada. 3. In la
dhiso xabsi u gooni ah dadka qaba aafada daroogada. 4. in wacyigelin baaahsan
laga sameeyo waxyeelada daroogada. 5. in ciqaab aad u adag la marsiiyo cid
kasta oo ka ganacsata xashiishka.
No comments:
Post a Comment