https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: Who was the president of Syria who was shot in Brazil?
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Friday, September 27, 2024

Who was the president of Syria who was shot in Brazil?

 

Kumuu ahaa madaxweynihii Suuriya ee Brazil lagu toogtay?

Adib Shishakli  Madaxweynihii Suuriya ee Brazil lagu dilay

Xigashada Sawirka,Facebook

Qoraalka sawirka,Adib Shishakli Madaxweynihii Suuriya ee Brazil lagu dilay

Maanta oo ah 27 bisha Sebtember waxaa 60 sano laga joogaa markii la dilay madaxweynihii hore ee Suuriya Adib Shishakli, kaas oo Brazil uu ku toogtay nin da’yar oo Suuriyaan ahaa laguna magacaabi jiray Nawaf Ghazaleh.

Haddaba kumu ahaa Shishakli, oo kaalin muuqata ka qaatay afgambiyadii isdaba jooga ahaa ee Suuriya ka dhacay bartamihii qarnigii labaatanaad?

Adib Shishakli waxa uu ku dhashay magaalada Hama ee dalka Suuriya sanadkii 1909-kii, waxa uu ka dhashay qoys Muslim Sunni ah asal ahaannna ka soo jeeda Turkiga. Suuriya waxay xilligaas ka mid ahayd boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Shishakli ayaa wax ku bartay dugsiga beeraha ee magaalada Salamiyah, ka dibna kuliyada militariga ee Homs ayuu galay. Markii uu qalin jabiyay, waxaa uu noqday sarkaal ka tirsan Ciidankii la oran jiray ciidanka Bari, kaas oo lagu aasaasay ogolaansho dowladda Faransiiska ka yimid ee Suuriya, waxaana arrintaas ay ahayd amar lagu soo rogay Suuriya iyo Lubnaan ka dib dagaalkii 1-aad ee Adduunka.

Waxa uu caan ku ahaa mucaaradnimadii uu kaga soo horjeeday dowladdii Faransiiska iyo wadaniyaddiisa, keentay inuu helo dalacsiin iyo in loo magacaabo xilal sar sare. Waxa uu ka goostay ciidamada bariga, waxa uuna hoggaamiye ka noqday kacdoon ka dhan ahaa faransiiska oo ku sugnaa Xama, iyadoo uu qabsaday qasrigii magaalada, balse waxaa lagu qasbay in uu is dhiibo ka dib markii ciidamada Britain oo taageerayay Faransiiska ay soo faragaliyeen xaaladda.

Haddaba, mihnaddiisa millatari ee ugu horreysay waxay ku soo beegantay halgankii Suuriya ee xornimada kaga qaadatay Faransiiska, kaasoo si rasmi ah loo gaaray sannadkii 1946-kii.

Marxaladan, Shishakli waxaa si weyn u saameeyay hab-fikirkii wadaninimada, sidaas darteed wuxuu ku biiray xisbigii shuuciga ahaa ee Suuriya, kaas oo uu aasaasay Antoun Saadeh.

Kor u kicii jago qabashadiisiii

Shishakli waxa uu ka qayb qaatay afgambigii uu hoggaaminayey Xusni Al-Sacim

Xigashada Sawirka,Facebook

Qoraalka sawirka,Shishakli waxa uu ka qayb qaatay afgambigii uu hoggaaminayey Xusni Al-Sacim

Ka dib ka bixitaankii ciidamada Faransiiska ee Suuriya, waxa uu ku biiray ciidan cusub oo xilligaas Suuriya laga aasaasay gaarahaan bishii Agoosto 1, 1945-tii.

Shishakli waxa uu ka gaaray ciidanka darajooyin kala duwan, waxaana uu ka qayb qaatay dagaalkii 1948-kii dhex maray Carabta iyo Israa’iil. Intii uu dagaalka socday waxa uu la kulmay abaanduulihii ciidanka Suuriya Xusni Al-Zaim, waxaana dhex maray xiriir saaxiibtinnimo.

Dagaalkaas waxa uu ku dhammaaday guul ay Israa’iil oo markaa dhawaan soo baxday ka heshay isbahaysi ay ku midaysan yihiin tiro dawlado Carbeed ah oo ay ku jirto Suuriya.

Jabkii dagaalku waxa uu Suuriya ku yeeshay saamayn siyaasadeed oo halis ahayd, taas oo keentay in aanay ku qancin heerkii siyaasadda iyo abuuristii jawi u bislaa markaa faragelin milatari oo dhanka siyaasadda ahaa.

Afgambigii ugu horreyay

Shishakli waxa uu ka qayb qaatay afgambigii uu hoggaaminayey Xusni Al-Sacim ee lagaga soo horjeeday Madaxweyne Shukri al-Quwatli bishii Maarso 29, 1949, al-Sacim waxa uu noqday Madaxweynaha Suuriya 26-kii Juuly ee sanadkaas.

Shishakli waxa uu daacad u ahaa hoggaamiyahaas ilaa markii dambe Antoun Saadeh u gacan geliyay Lubnaan, halkaas oo lagu toogtay.

Antoun Saadeh, hoggaamiyihii xisbiga shuuciga ah ee Suuriya, ayaa magangalyo siyaasadeed ka helay Suuriya dhexdhexaadin uu sameyay Shishakli kadib.

Shishakli markii uu ka soo horjeestay tallaabadii Saadeh loogu gacan geliyay Lubnaan, hoggaamiyihii Suuriya ayaa ka ceyriyay shaqada milatariga.

Afgambigii labaad

Shishakli waxa uu ku biiray saraakiishii mucaaradka ee uu hoggaaminayay Sami al-Hinnawi, waxa ayna ku guulaysteen in ay afgambiyaan sanadkii 1949-kii 14 bishii Ogoosto, hoggaamiyihii dalka, waxaana lagu fuliyay dil toogasho ah.

Al-Hanaawi waxa uu Shishakli ku soo celiyay shaqada milatariga waxana uu u magacaabay taliye guuto.

Waxaa la sheegay in Shishakli uu sitay shaarkii uu dhiigga ku daatay ee hoggaamiyaha markii la dilay kaddibna uu u dhiibay haweenaydii uu ka dhintay Antoun Saadeh.

Afgambigii saddexaad

Waxaa la sheegay in Shishakli uu ka soo horjeestay jihayntii al-Hinnawi iyo madaxa dawladda Hashim al-Atassi, kaas oo ujeedadiisu ahayd midnimada siyaasadeed ee Suuriya iyo Ciraaq, taas oo uu u arkayay inay tahay wax jira gacanta Ingiriiska.

Markii ay midnimadu u muuqatay inay suurtogal tahay Diisambar 1949, Shishakli waxa uu sameyay afgambi, isaga oo xiray al-Hinnawi kana eryay ciidankii isaga oo lagu eedeeyay sameynta shirqool ka dhan ahaa taliskii jamhuuriyadda.

Shishakli ayaa shaaca ka qaaday xilligaas in ujeedka afgambiga uu ahaa in uu ka sifeeyo dalka wax uu ku tilmaamay ciidankii dhagar-qabayaasha.

Shishakli ayaa markii hore u ogolaaday in qaab dhismeedka baarlamaanka Suuriya uu ahaado sidii uu ahaa, waxaana xilka sii hayaay madaxweyne Hashim al-Atassi.

Inqilaabkii Afraad iyo Madaxtooyada

.

Xigashada Sawirka,Facebook

28-kii Nufeembar 1951-kii, waxaa la dhisay Xukuumaddii Macruuf Al-Dawalibi, wuxuuna diiday inuu Wasaaradda Gaashaandhigga u dhiibo Fawzi Selu, sidii ay yeeli jireen kuwii isaga ka horreeyay. Shishakli ma haysan wax kale oo aan ka ahayn in uu afgambi sameeyo maalintii xigtay oo uu amray in la soo xiro al-Dawalibi.

Iyadoo la eegayo xaaladdan adag, Al-Atassi wuu iska casilay, Fawzi Selu waxaa loo magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Muddadaas Shishakli waxa uu kala diray xisbiyadii, waxaanu bilaabay dhaqdhaqaaqii xoraynta Carabta, kaas oo ku salaysnaa fikir wadaninimo iyo fikirkii xisbiga shuuciga ee Suuriya, ka dibna waxa uu isu bedelay xisbi siyaasadeed.

Sannadkii 1953-kii, waxa uu ku baaqay in la qabto doorashooyin baarlamaan, xilligaas oo dhaqdhaqaaqa xoreynta uu ku guuleystay lixdan kursi oo ka mid ah 82 kursi. Baarlamaanka cusub ayaa Shishakli u magacaabay xilka madaxweynaha iyadoo aan lala tartamin, isagoo helay 90% codadkii la dhiibtay, wuxuuna si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynaha Juuly 11, 1953.

Isbaheysiga Mucaaradka ku ahaa

Dawladdii Shishakli waxaa ka maqnaa dhammaan xisbiyadii kuwaas oo go’aansaday inay isaga tuuraan. Hashim al-Atassi waxa uu ku baaqay shir ka dhacay gurigiisa oo ku yiilay Homs bishii Ogoosto,1953, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen wakiilo ka kala socday dhinacyo kala duwan, kaas oo lagu go’aamiyay in aan la aqoonsan sharcinimada xukunka Shishakli.

Suldaan Pasha al-Atrash oo ahaa hogaamiyihii Druse ayaa taageeray go’aamadii kasoo baxay shirkaas, wuxuuna ku tilmaamay Shishakli inuu yahay kaligii-taliye ay waajib tahay inay Suuriyaanku xukunka ka tuuraan.

Waxaa sii xoogeystay khilaafkii, waxaana xabsiga loo taxaabay Michel Aflaq, Salah al-Bitar, iyo hoggaamiyaha xisbiga Hantiwadaaga Carabta, Akram al-Hawrani.

Shishakli waxa uu yiri hadal caan baxay oo ahaa: “Cadawgaygu waa sida abeeso oo kale, madaxiisu waxa uu joogaa Jabal al-Druse, calooshuna waxa ay ku taal Homs (xaruntii Haashim Al-Atassi), seyntiisuna waxaa ay taallaa Xalab oo markaa ahayd xaruunta Xisbiga dadweynaha.

Jabal al-Druse iyo jabhadii Xalab

Shishakli waxa uu billaabay cabburin iyo dhibaateynta dadkii ka soo horjeeday Jabal al-Druse, halkaas oo uu ku xiray Mansur al-Atrash, oo ahaa wiil uu dhalay Sultan pasha, kaas oo hogaaminayay mudaaharaadyo looga soo horjeedo xukunkiisa.

Ciidamada Shishakli ayaa awood u adeegsaday mudaaharaadayaashoo, waxayna arrintu isku bedeshay iska hor imaad hubeysan, iyadoo diyaarado dagaal ay duqeeyeen buurta iyo xaafadaha magaalada Sweida, taasoo sababtay dhimashada dad badan oo rayid ah.

Isla markaana waxaa Xalab ka bilowday bannaanbaxyo waaweyn oo isaga looga soo horjeedo, iyadoo koox saraakiil ah ay ku dhawaaqeen diidmo, waxayna la wareegeen dhismihii idaacadda ee halkaas ku yaallay, waxayna dalbanayeen in Shishakli uu is casilo. Waxaa si degdeg ah ugu biiray kooxo saraakiil ah oo ku suganeed Raqqa, Deir ez-Zor, Hasakah, Homs, Hama, Daraa, iyo Latakia, waxaana lagu dhawaaqay dhismaha Talisyada Waqooyi-Bari, Galbeedka iyo Bartamaha, kuwaas oo ka go'ay Taliskii Dimishiq. , waxayna diginin u direen Shishakli inuu dalka ka baxo.

Dilkii loo gaystay isagoo dibad joog ahaa

.

Xigashada Sawirka,Facebook

Waxaa la sheegay in inkasta oo ciidamadii daacadda u ahaa ay u suurtagashay in ay jebiyaan fallaagadii ka soo horjeeday, haddana Shishakli waxa uu go’aansaday in uu is casilo 25-kii Febraayo 1954-tii isaga oo u ambabaxay caasimadda Lubnaan ee Beyruut, halkaas uga sii gudbay Sucuudiga.

Suuriya gebi ahaanba ma aysan furin feelkii Shishakli, maadaama magaciisa uu soo muuqday 1956-kii markii la ogaaday shirqool afgambi oo lagu eedeeyay xisbiga shuuciga ee Suuriya iyo qaar ka mid ah saraakiishii dalka ee xilligaas. Doorka Shishakli ee uu ku lahaa ayaa la tilmaamay, inuu ahaa inuu sugayay afgambiga oo guulaysto si uu ugu laabto Dimishiq, laakiin shirqoolkii waa la kashifay.

Shishakli waxa uu Sucuudiga joogay ilaa 1957 ka hor inta aanu u wareegin Faransiiska. Seddex sano ka dib, waxa uu u kicitimay Brazil, halkaas oo uu tagay, 8 bishii April, sanadkii 1960-kii.

Shishakli waxa uu sannadihii ugu dambeeyay ku noolaa Brazil guri u dhow buundada Das River, waxaana dilay nin u dhashay Suuriya kana soo jeeday qoomiyadda al-Druse, oo lagu magacaabi jiray Nawaf Ghazaleh. Dilka ayaa dhacay 27, bishii Sebtembar, sanadkii 1964

No comments: