https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: Qaramada Midoobay oo ugu baaqday Israel in ay joojiso duqeymaha ay ka wado Suuriya
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Tuesday, December 10, 2024

Qaramada Midoobay oo ugu baaqday Israel in ay joojiso duqeymaha ay ka wado Suuriya

 

Qaramada Midoobay oo ugu baaqday Israel in ay joojiso duqeymaha ay ka wado Suuriya

Syria

Xigashada Sawirka,Reuters

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la joojiyo duqeymaha ay Israa’iil ka geysanayso guud ahaan dalka Suuriya. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Geir Pedersen, ayaa saxaafadda u sheegay in loo baahan yahay in weerarrada la joojiyo.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, Israa’iil waxay qaaday boqolaal weerar oo xagga cirka ah. Waxa ay sheegtay in ay isku dayayso in ay joojiso hubka galaya gacanta kuwa ay ku tilmaantay "xagjiriinta".

Warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaya in isku daygaas militariga ay ku doonayaan in lagu baabi’iyo ciidamada cirka ee Suuriya, iyo sidoo kale nidaamka difaaca hawada.

Axaddii, ciidamada Israel ayaa la wareegay gacan ku haynta aagga ka caagan ciidamda ee u dhexeeya labada dal. (Militarigu waxa ay meesha ka saareen wararka sheegaya in ay aad ugusii durkayaan, ilaa magaalo qiyaastii shan iyo labaatan kiilomitir u jirta Dimishiq.)

No comments: