https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df
Friday, May 20, 2022
fanaanka cumar shooli oo maraykanka laga soo tarxiilayo
Mareykanka: Cumar Shoolli muxuu ka yiri qorshaha loogu musaafurinayo Soomaaliya?
13 Daqiiqadood ka hor
Cumar Shooli
XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL
Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cismaan Macaane oo loo yaqaannno Cumar Shoolli, ayaa walaac ka muujiyay in dalkii uu inta badan noloshiisa ku soo qaatay, carruur badanna uu ku dhalay laga tarxiilayo.
"Waxaa xaqdarra ah anigoo Mareykanka shan carruur ah ku dhalay oo ku soo koray kuna soo barbaaray, noloshayda kala barna Mareykanka joogay, in carruurteyda la iga diro oo ay halkaas ku dayacmaan," ayuu Cumar Shoolli u sheegay weriyaha BBC Somali ee Mareykanka.
Waxa uu sheegay in dacwaddiisa ay haatan meel wanaagsan marayso, oo uu u maqanyahay racfaan uu ka qaatay go'aan hore looga gaaray. Haddaba maxay tahay sababta keentay in Soomaaliya dib loogu celiyo?
"2003 ayey aheyd markii aniga iyo wiil aan saaxiibbo nahay oo wata qaad ay booliska na istaajiyeen, booliska Mareykankana qaadka maandooriyayaasha ayuu ugu jiraa walow Soomaalida uu caadi u yahay, kaddibna maxkamadda ayaa nala geeyay," ayuu yiri Cumar Shoolli
Fannaan Cumar Shoolli ayaa sheegay in hanjabaad joogta ah ay uga timaado ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya kuwaas oo farriimahooda ugu soo gudbiya baraha ay bulshada ku wada xiriiraan: "Dhowr jeer ayey isoo waceen [Shabaab] oo dhowr jeer ayey farriimo iisoo direen, oo baraha bulshada laga arki karo, dowladda Mareykankana way aragtay middaasi," ayuu yiri Shoolli.
Bulshada Soomaalida ee ku nool waddanka Mareykanka ayuu ka codsaday inay gacan ka siiyaan in dowladda aanay tarxiilin maadama uu khatar ku wajihi karo dalkiisa haddii dib loogu celiyo.
'Dowladda Mareykanka ayaa I leh meeshaas laguma gayn karo'
Waxa uu sharraxay sababta uu uga walwalyo in dib loogu celiyo dalkiisa hooyo "Waxaan uga walwalayaa dowladda Mareykanka ayaa i leh meeshaas laguma gayn karoo o ammaan kuma helaysid sababtoo ah caddaynta ayey arkeen."
"Nin waddankiisa nacaayo ma jiro, aniga waddankeyga waan jeclahay oo shanta Soomaali ayaan ahay nin reer Xamar dhalad ah ayaan ahay," ayuu sii raaciyay.
Shoolli ayaa u malaynaya in fankiisa uu gacan ka siiyay in dowladda Mareykanka aanay ku degdegin inay Soomaaliya u musaafuriso: "Sababtaas waxay aheyd inaan ahay nin fannaan ah oo Mareykanka ku soo koray, waxaan iskudayay inaan wax badan ka badelay fanka Soomaaliya."
Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed ee qarka u saaran in Mareykanka laga tarxiilo
Fannaanka caanka ah ee darbi jiifka ahaan jiray
Dowladda Soomaaliya oo xil u magacawday fannaan ka soo cararay Somaliland
Maxaa fannaanimada u dheer Faarax Murtiinle oodan ka filayn
Fannaankan ayey dhibaato wayn weli ka haysataa go'aankii dawladda Maraykanku ku soo rogtay sanadkii 2008 dii, kaas oo ahaa in la tarxiilo kaddib
markii lagu qabtay qaad sida uu sheegay.
Cumar ayaa bannaanka muddo sanada ah waxa uu ku joogay damaanad, wax uuna walwal ka muujiyay in dhawaan loo soo diri doono warqaddii lagu musaafurin lahaa.
Cumar wuxuu ka soo cararay Soomaaliya sanadkii 1996 dii oo ay dagaalo ka socdeen, wuxuuna gaaray waddanka Maraykanka.
Sanadkii 2008 dii ayaa lagu xiray gobolka Minnesota kadib markii lagu qabtay daroogo, halkaas oo uu ku xirnaa muddo labo sano ah.
Cumar waa aabe leh xaas iyo caruur, sidoo kale walaalihiis iyo waalidkiis ayay wada dagan yihiin gobolka Minnesota.
Wuxuu bilaabay shaqada fannaanimada sanadkii 2013 kii. Heesihiisa jacaylka ah ayaa markiiba uu ku magacwayn oo ku yeeshay Soomaalida Maraykanka iyo dunida kale jooga intaba.
Cumar Shooli
Waxyaabaha aadka loogu xasuusta waxaa ka mid ah, muuqaalka hees uu soo saaray 2015 kii taas oo ay ku jirtay gabar uu qaawan yahay qayb ka mid ah jirkeeda. Arrintaas ayaa hadal hayn badan ka dhexdhalisay baraha bulshada Soomaalida.
Shooli hadda wuxuu doonayaa in dhaqdo reerkiisa, magaciisa uu wanaajiyo, dibna boorka uga jafo heesihiisa.
"Waxaan rabaa ina ahalgamo, ma awooda inaan kala maqnaano xaaskeyga iyo caruurteyd," ayuu yiri Shoolli " Kama tagi karo nolosha kaliya ee aan aqoonay waligeey".
Faahfaahin ka soo baxaysa Khasaaro ka dhashay dab ka kacay suuq ku yaalla Muqdisho
Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab xalay ka kacay suuq ku yaalo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. dabka oo kacay abaaro sideedi fiidnimo ayaa soo gaaray ilaa saqdii dhaxe ee xaley.
Goobo ganacsi oo kala duwan ayaa dabkaasi xalay ka kacay suuqa isgoyska Banaadir baabi'iyay .
Cabdiqani dhaloole agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka banaadir ayaa sheegay in dabkan sidoo kale dhaawacyo uu ka soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha dab-damiska "Qaar ka mid ah shaqaalihii ku mashquulsanaa inay dabka damiyaan aya adhaawacyo kala duwan oo fudfudud ay soo gaareen waana dhaawac la maareyn karo oo ma aha wax culeys keeni kara", ayuu yiri Mr Cabdiqani
Xaawo Axmed Yuusuf oo suuqa gubtay ku lahayd Carwo ayaa BBC u sheegtay in hantidii halkaasi u taalay ay wax yar uga badbaaday.
"Wax yar oo aan waxbo ahayn, dhar yar ayaan hadda meel geynay oo uga nimid , waana calalo yaryar oo meeshan hore yaallay gudaha lamaba galin waa bislaatay" ayay Tiri
Ganacasatada ay wax un u badbaadeen ayaa ka walwalsanaa intii uu dabka socday in laga dhaco alaabta maadama xili habeen ah ay ahayd.
Mid ka mid dadka ay dukaamada ka gubteen
Maryan jaamac Aadan waxay u soo gurmaday labo walaalaheed ah oo carwooyin uga gubteen suuqa waxa ay sheegtay in intii uu dabku socday ay tuugo rabtay in ay suuqa boobaan ay soo weerareen.
"Tuugo baangado, mindiyo iyo toorreeyo wadato ayaa na soo weerartay, dadkii soo gali lahaa xitaa iyaga ayay ka soo gali waayeen, haddii aysan ahayn ciidanka dowladda dadka ayya naga dili lahaayeen oo ay laayni lahaayeen," ayay tiri Maryan
Suuqa Banaadir ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii balaaranay maadama ganacsata ay goobahooda ganacsi u furanyihiin ilaa habeenkii xili dambe halka suuqa bakaaraha intiisa badan la xiro maqribka markii lag gaaro taa oo keentay in ay helaan macaamiil aad u badan Maxamuud C/casiis BBC Muqdisho
Taalibaan oo amartay in haweenka Afgaanistaan ee taleefishinnada warka ka akhriya ay qasab tahay inay wajiga dataan
Taalibaan oo amartay in haweenka Afgaanistaan ee taleefishinnada warka ka akhriya ay qasab tahay inay wajiga dataan
Haweenka barnaamijyada tebiya - oo uusan wajiga u dadnayn - ayaa noqday kuwo iska caadi ah sanadihii la soo dhaafay
Taalibaan ayaa waxa ay haweenka barnaamijyada ka soo jeediya taleefishinnada Afgaanistaan iyo haweenka kalaba ku amreen inay wajiga dataan markii ay ka soo muuqanayaan shaashadaha.
Warbaahinta ayaa waxaa loo sheegay in xeerkaasi uu dhaqangeliyo Arbacada, waxaa sidaasi BBCda laanteeda afka Pashto-ga u sheegay afhayeenka booliska arrimaha diinta.
Xukunkaas ayaa waxa uu imanayaa laba todobaad kaddib markii dhammaan haweenka la amray inay indhashareer xirtaan markii ay joogaan meelaha ay dadku isugu yimaadaan amaba ay halis ugu jiraan in la ciqaabo.
Xayiraadaha lagu soo rogayo haweenka ayaa la adkeeyay - oo waxaa laga mamnuucay inay safraan iyadoo uusan la socon muxram, iyadoo la xiray iskuullada sare ee ay gabdhaha wax ka dhigan jireen.
Mid kamid ah weriyayaasha haweenka ah ee Afgaanistaan oo ka shaqeysa taleefishin maxali ah oo saldhiggiisu yahay magaalada Kabul, oo aanan doonayn in la magacaabo ayaa sheegtay inay la amakaagday warkaasi ay maqashay.
"Waxa ay na saarayaan cadaadis aanan toos ahayn si aan u joojinno barnaamijyada aan taleefishinnada ka soo jeedinno," ayey u sheegtay BBCda.
"Sideen war u akhrin karaa anigoo afka uu ii daboolan yahay? Ma garanayo wax aan sameeyo haatan - waa inaan shaqeeyaa, qoyskayga aniga ayaa u shaqeeya," ayey tiri.
Xeerkan cusub ayaa waxa uu dhaqangalayaa laga bilaabo 21-ka May, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo soo xiganaysa afhayeenka wasaaradda Farista Wanaagga iyo Reebista Xumaanta
Haweenka barnaamijyada soo jeediya ayaa waxa ay dib ugu soo laabteen warbaahinta Afgaanistaan ee Tolo News, iyadoo mid kamid ah ay wareysi ka qaaday xubin ka tirsan Taalibaan
Afhayeenka ayaa xukunkaas ku tilmaamay "talo" - mana cadda waxa ku dhici doona qofkii amarkaas fulin waaya.
"Sida ku cad xogta la soo gaarsiiyay Tolo News, amarka ayaa waxaa la gaarsiiyay dhammaan warbaahinta Afgaanistaan," warbaahintaas ayaa sidaasi tebisay.
Daalibaan-ka oo amarro adag kusoo rogay goobaha timaha lagu jarto ee Afghanistan
Maxay Taliban u mamnuucday lacagaha qalaad?
Maxay Taliban u mamnuucday lacagaha qalaad?
Ninkii Mareykanka u leyn jiray Taliban oo hadda u shaqeynaya Taliban
Go'aanka ayaa si wayn waxaa loogu dhaleeceeyay barta Twitterka, iyadoo dad badan ay tallaabadaas ku tilmaameen qaab kale oo Taalibaan ay ku dhiirigelinayaan xagjirnimada.
"Dunida waxaa la isdhaafsanayaa maskiga afka lagu daboosho si loogaga hortago cudurka Covid-19. Taalibaanna waxa ay qaybinaysaa maskiga afka lagu daboosho sida dadka loogaga hor istaago inay arkaan wajiyada haweenka weriyayaasha ah. Marka Taalibaan haweenka waxa ay u yihiin cudur." Qof dadka xuquuqda u ololeeya ah ayaa bartiisa Twitterka sidaasi ku qoray.
Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee Shamshad ayaa waxa ay baraheeda bulshada soo dhigtay mid ka mid ah weriyayaasheeda barnaamijyada soo jeediya oo mask xiran, iyadoo sawirro noocaasi oo kale ahna ay dadka kula wadaagtay barahaasi.
Waqtigii Taalibaan ay maamuli jireen Afgaanistaan 1990-meeyadii ayaa waxa ay haweenka ku qasbeen inay meelaha fagaaarooyinka ku xirtaan dharka burqada kaas oo jirka oo dhan qariya.
Dhaqdhaqaaqaasi xagjirka Islaamiga ah ayaa waxaa awoodda loogaga tuuray duullaan uu horkacayay Mareykanka oo dalkaas lagu qaaday 2001, wixii markaas ka dambeeyayna waxaa la khafiifiyay xayiraado badan oo ay hore u soo rogeen.
Haween ka soo muuqanaya taleefishinka oo wajigooda la arkayo ayaa waxa ay noqotay wax iska caadi ah.
Hasayeeshee markii ay awoodda dib ula wareegeen Agoostadii la soo dhaafay, kaddib markii ay ciidammadii shisheeye halkaas isaga baxeen, ayaa Taalibaan waxa ay ka gaabsatay inay soo saarto shuruuc cusub oo la xiriirta waxa ay tahay in haweenku ay xirtaan.
Taas waxa ay sare u qaadday rajada ah in Afgaanistaan ay markan ku maamuli doonaan qaab dabacsan.
Burqaha ayaa waxaa dhaqangeliyay Taalibaan 1990-meeyadii illaa iyo haatanna haweenku waa ay xirtaan
Haween badan ayaa waxa ay weli xirtaa burqada, hasayeeshee magaalooyinka waa wayn ayaa sidoo kale waxaa caadi ka ah inaad aragtid haween weli qamaar xiran.
Sikasta oo uu xaal ahaadase, horraantii bishan May ayaa wasaaradda Farista Wanaagga iyo Reebista Xumaanta waxa ay ku dhawaaqday in dhammaan haweenka ay tahay inay wajigooda dadaan markii ay joogaan meelaha ay dadku isugu yimaadaan, waxaana ay tilmaantay in burqaha uu yahay dharka ugu wanaagsan oo arrintaas lagu hirgelin karo.
Qofkii diida inuu amarkaas raaco waxa uu halis ugu jiraa inuu wajaho ciqaab adag.
Dumarka ayaa waxaa ilaaliya ragga qaraabadooda ah
Waa maxramkooda ama mas'uulkooda lab, qofkaas oo inta badan ah nin qaraabo dhow ah, kaas oo ku qasbanaan doona in uu ilaaliyo dharkooda, haddii kale waxay la kulmi karaan ciqaab. Waxaa loo yeeri karaa si ay u arkaan mas'uuliyiinta wasaaradda, oo ay suurtagal tahay in xitaa saddex maalmood la xiro ama maxkamad loo diro.
Iyaga oo dareemaya culayska xad-dhaafka ah ee cusub, haweenka qaar ayaa khatar gelinaya ammaankooda si ay u hadlaan.
Koox ku sugan Kabul ayaa toddobaadkan mudaaharaad ka dhigay amarka dharka, iyaga oo xiran dharka dhaqanka ee Afgaanistaan.
"Sideeddii bil ee la soo dhaafay Taalibaan waxba nooma aysan qaban marka laga reebo ilaalinta lebiskeenna. Waxaa jira xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid dhaqaale, Taalibaanna ma xallinayaan arrimahan marka hore," ayay tiri Maryam oo mudaaharaadaysay.
Haween ku sugan Afgaanistaan oo kor u haya qoraallo ay uga soo horjeedaan amarka Taalibaan ee ah inay wejiyada dabooshaan
Haween ku sugan Afgaanistaan oo kor u haya qoraallo ay uga soo horjeedaan amarka Taalibaan ee ah inay wejiyada dabooshaan
Qaar ka tirsan dibadbaxayaasha ayaa BBC-da u sheegay in markii ay isku dayeen in ay waddooyinka isugu soo baxaan Talaatadii ay ka hortageen saraakiisha Taalibaan.
"Waxay igu kallifeen in aan meel tagnaado muddo labo saacadood ah. Waxay iga qaateen taleefanka-gacanta, waxay noogu hanjabeen in ay saldhigga na geyn doonaan," ayay tiri Haajira.
Thursday, May 19, 2022
Wednesday, May 18, 2022
Subscribe to:
Posts (Atom)