https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df
Friday, May 20, 2022
Taalibaan oo amartay in haweenka Afgaanistaan ee taleefishinnada warka ka akhriya ay qasab tahay inay wajiga dataan
Taalibaan oo amartay in haweenka Afgaanistaan ee taleefishinnada warka ka akhriya ay qasab tahay inay wajiga dataan
Haweenka barnaamijyada tebiya - oo uusan wajiga u dadnayn - ayaa noqday kuwo iska caadi ah sanadihii la soo dhaafay
Taalibaan ayaa waxa ay haweenka barnaamijyada ka soo jeediya taleefishinnada Afgaanistaan iyo haweenka kalaba ku amreen inay wajiga dataan markii ay ka soo muuqanayaan shaashadaha.
Warbaahinta ayaa waxaa loo sheegay in xeerkaasi uu dhaqangeliyo Arbacada, waxaa sidaasi BBCda laanteeda afka Pashto-ga u sheegay afhayeenka booliska arrimaha diinta.
Xukunkaas ayaa waxa uu imanayaa laba todobaad kaddib markii dhammaan haweenka la amray inay indhashareer xirtaan markii ay joogaan meelaha ay dadku isugu yimaadaan amaba ay halis ugu jiraan in la ciqaabo.
Xayiraadaha lagu soo rogayo haweenka ayaa la adkeeyay - oo waxaa laga mamnuucay inay safraan iyadoo uusan la socon muxram, iyadoo la xiray iskuullada sare ee ay gabdhaha wax ka dhigan jireen.
Mid kamid ah weriyayaasha haweenka ah ee Afgaanistaan oo ka shaqeysa taleefishin maxali ah oo saldhiggiisu yahay magaalada Kabul, oo aanan doonayn in la magacaabo ayaa sheegtay inay la amakaagday warkaasi ay maqashay.
"Waxa ay na saarayaan cadaadis aanan toos ahayn si aan u joojinno barnaamijyada aan taleefishinnada ka soo jeedinno," ayey u sheegtay BBCda.
"Sideen war u akhrin karaa anigoo afka uu ii daboolan yahay? Ma garanayo wax aan sameeyo haatan - waa inaan shaqeeyaa, qoyskayga aniga ayaa u shaqeeya," ayey tiri.
Xeerkan cusub ayaa waxa uu dhaqangalayaa laga bilaabo 21-ka May, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo soo xiganaysa afhayeenka wasaaradda Farista Wanaagga iyo Reebista Xumaanta
Haweenka barnaamijyada soo jeediya ayaa waxa ay dib ugu soo laabteen warbaahinta Afgaanistaan ee Tolo News, iyadoo mid kamid ah ay wareysi ka qaaday xubin ka tirsan Taalibaan
Afhayeenka ayaa xukunkaas ku tilmaamay "talo" - mana cadda waxa ku dhici doona qofkii amarkaas fulin waaya.
"Sida ku cad xogta la soo gaarsiiyay Tolo News, amarka ayaa waxaa la gaarsiiyay dhammaan warbaahinta Afgaanistaan," warbaahintaas ayaa sidaasi tebisay.
Daalibaan-ka oo amarro adag kusoo rogay goobaha timaha lagu jarto ee Afghanistan
Maxay Taliban u mamnuucday lacagaha qalaad?
Maxay Taliban u mamnuucday lacagaha qalaad?
Ninkii Mareykanka u leyn jiray Taliban oo hadda u shaqeynaya Taliban
Go'aanka ayaa si wayn waxaa loogu dhaleeceeyay barta Twitterka, iyadoo dad badan ay tallaabadaas ku tilmaameen qaab kale oo Taalibaan ay ku dhiirigelinayaan xagjirnimada.
"Dunida waxaa la isdhaafsanayaa maskiga afka lagu daboosho si loogaga hortago cudurka Covid-19. Taalibaanna waxa ay qaybinaysaa maskiga afka lagu daboosho sida dadka loogaga hor istaago inay arkaan wajiyada haweenka weriyayaasha ah. Marka Taalibaan haweenka waxa ay u yihiin cudur." Qof dadka xuquuqda u ololeeya ah ayaa bartiisa Twitterka sidaasi ku qoray.
Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee Shamshad ayaa waxa ay baraheeda bulshada soo dhigtay mid ka mid ah weriyayaasheeda barnaamijyada soo jeediya oo mask xiran, iyadoo sawirro noocaasi oo kale ahna ay dadka kula wadaagtay barahaasi.
Waqtigii Taalibaan ay maamuli jireen Afgaanistaan 1990-meeyadii ayaa waxa ay haweenka ku qasbeen inay meelaha fagaaarooyinka ku xirtaan dharka burqada kaas oo jirka oo dhan qariya.
Dhaqdhaqaaqaasi xagjirka Islaamiga ah ayaa waxaa awoodda loogaga tuuray duullaan uu horkacayay Mareykanka oo dalkaas lagu qaaday 2001, wixii markaas ka dambeeyayna waxaa la khafiifiyay xayiraado badan oo ay hore u soo rogeen.
Haween ka soo muuqanaya taleefishinka oo wajigooda la arkayo ayaa waxa ay noqotay wax iska caadi ah.
Hasayeeshee markii ay awoodda dib ula wareegeen Agoostadii la soo dhaafay, kaddib markii ay ciidammadii shisheeye halkaas isaga baxeen, ayaa Taalibaan waxa ay ka gaabsatay inay soo saarto shuruuc cusub oo la xiriirta waxa ay tahay in haweenku ay xirtaan.
Taas waxa ay sare u qaadday rajada ah in Afgaanistaan ay markan ku maamuli doonaan qaab dabacsan.
Burqaha ayaa waxaa dhaqangeliyay Taalibaan 1990-meeyadii illaa iyo haatanna haweenku waa ay xirtaan
Haween badan ayaa waxa ay weli xirtaa burqada, hasayeeshee magaalooyinka waa wayn ayaa sidoo kale waxaa caadi ka ah inaad aragtid haween weli qamaar xiran.
Sikasta oo uu xaal ahaadase, horraantii bishan May ayaa wasaaradda Farista Wanaagga iyo Reebista Xumaanta waxa ay ku dhawaaqday in dhammaan haweenka ay tahay inay wajigooda dadaan markii ay joogaan meelaha ay dadku isugu yimaadaan, waxaana ay tilmaantay in burqaha uu yahay dharka ugu wanaagsan oo arrintaas lagu hirgelin karo.
Qofkii diida inuu amarkaas raaco waxa uu halis ugu jiraa inuu wajaho ciqaab adag.
Dumarka ayaa waxaa ilaaliya ragga qaraabadooda ah
Waa maxramkooda ama mas'uulkooda lab, qofkaas oo inta badan ah nin qaraabo dhow ah, kaas oo ku qasbanaan doona in uu ilaaliyo dharkooda, haddii kale waxay la kulmi karaan ciqaab. Waxaa loo yeeri karaa si ay u arkaan mas'uuliyiinta wasaaradda, oo ay suurtagal tahay in xitaa saddex maalmood la xiro ama maxkamad loo diro.
Iyaga oo dareemaya culayska xad-dhaafka ah ee cusub, haweenka qaar ayaa khatar gelinaya ammaankooda si ay u hadlaan.
Koox ku sugan Kabul ayaa toddobaadkan mudaaharaad ka dhigay amarka dharka, iyaga oo xiran dharka dhaqanka ee Afgaanistaan.
"Sideeddii bil ee la soo dhaafay Taalibaan waxba nooma aysan qaban marka laga reebo ilaalinta lebiskeenna. Waxaa jira xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid dhaqaale, Taalibaanna ma xallinayaan arrimahan marka hore," ayay tiri Maryam oo mudaaharaadaysay.
Haween ku sugan Afgaanistaan oo kor u haya qoraallo ay uga soo horjeedaan amarka Taalibaan ee ah inay wejiyada dabooshaan
Haween ku sugan Afgaanistaan oo kor u haya qoraallo ay uga soo horjeedaan amarka Taalibaan ee ah inay wejiyada dabooshaan
Qaar ka tirsan dibadbaxayaasha ayaa BBC-da u sheegay in markii ay isku dayeen in ay waddooyinka isugu soo baxaan Talaatadii ay ka hortageen saraakiisha Taalibaan.
"Waxay igu kallifeen in aan meel tagnaado muddo labo saacadood ah. Waxay iga qaateen taleefanka-gacanta, waxay noogu hanjabeen in ay saldhigga na geyn doonaan," ayay tiri Haajira.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment