https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Friday, May 27, 2022

Maxaad kala socotaa gabadha Soomaliyeed ee dishay nin isku dayay inuu kufsado?

Warbaahinta dalalka carabta ayaa si wayn u hadal haysa gabadh Soomaaliyeed oo la sheegay in ay dishay nin isku dayay in uu gufsado. Gabadha ayaa la sheegay in ninkan ahaa darawal gaari ay dishay ka dib markii ay mindi la dhacday. Gabadhan oo dilka ka dib booliiska isu dhiibtay ayaa waxaa ay imika Xeer ilaalinta guud ee dalka Masar ay amar ku bixisay in la sii daayo. Baaritaanada kiiska gabadhan ayay xeer ilaalintu sheegtay in ay sii socon doonto ilaa laga soo gabagabaynayo. ilaa iyo imika booliiska dalka Masar iyo waliba warbaahinta dalkaasi ma aysan shaacin magaca gabadhan oo da;deeda lagu sheegay 15 jir. Sida ay qortay warbaahinta dalka Masar gabadha ayaa saarnayd gaari taksi ah markaasi oo darawalkii taksigaasi uu isku dayay in uu kufsado. Mindi uu ku cabsiinayay darawalka la sheegay in uu doonayay in uu kufsado ayaa la sheegay in ay gabadha gacanta u gashay ayna laabta ka galisay. Gabadhan Soomaaliga ah ayaa markii ay booliiska su'aalo waydiiyeen waxa ay qiratay in ay dishay darawalka ka dib markii uu isku dayay in uu kufsado. Baaritaan hordhac ah oo la sameeyay ka dib ayaa waxay booliiska xaqiijiyeen in falka uu u dhacay sida ay gabadha sheegtay. Ma kufsi ayaa lagu tilmaami karaa haddii ninka uu xaaskiisa qasbo? Ma kufsi baa haddii qof dumar ah ay nin xoogto? Atariisho caan ah aabaheed oo dacwad kufsi ah loo heysto Dalka Masar waxaa ku badan dhibaatooyiinka la xariira tacadiga dhanka jinsiga iyo waliba kufsiga gaar ahaan kuwa ka dhex dhaca gaadiidka dadwaynaha. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, 9 ka mid ah tobankii dumar ah ee Masar ayaa loo gaystay faraxumayn, waxaana caasimadda Masar hore loogu tilmaamay inay tahay meesha ugu khatarta badan adduunka ee ay haween ku noolaadan . Ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka ee Masar waxay si firfircoon isugu dayeen inay la dagaallamaan dhibaataynta galmada iyagoo bilaabay olole looga hortagayo tacadiyada noocan ah. Dowladda Masar ayaa dhankeeda isku dayday in dhanka shuruucda lagula dagaalamo tacadiyada loo gaysto haweenka iyo gabdhaha.

Wednesday, May 25, 2022

Wararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Awooda Badan ee Soomaaliya ee Eriteeriy...

Daawo warhadda Soodhacaya Lafta Gareen Iyo Beeshiisa Oo Hubka Qaatay Loo...

Dastuurka: Cabdiraxmaan Cabdishakuur xildhibaannimada maku waayi karaa xilka loo magacaabay?

24 Maajo 2022 Cabdiraxmaan Cabdishakuur XIGASHADA SAWIRKA,CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha u magacaabay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Balse arrintan ayaa dhalisay hadal hayn ballaaran iyo su'aalo la iska waydiinayay. Bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in murashaxii xilka madaxweynaha, ahna hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, uu madaxweynuhu u magacaabay jagadaas "kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan Abaaraha." "Magacaabidda Ergeyga Gaarka ayaa muujineysa sida uu Madaxweynuhu mudnaan gaar ah u siinayo abaaraha iyo wax ka qabashada waxyeeladeeda oo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah iyo kuwa aan aheyn intaba," ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka. Howlaha uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur qaban doono inta uu xilkan hayo waxaa ka mid ah inuu heer qaran, heer gobol iyo caalami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha, isagoo hormuud u noqon doona isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah. Balse waxaa su'aalo la iska waydiiyay sida ay isu waafaqi karaan xilkan iyo midka xildhibaannimada baarlamaanka ee uu horay u hayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sababta keentay su'aashanna waa in dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya uu dhigayo in waxyaabaha uu xildhibaan kasta ku waayi karo kursigiisa ay ka mid tahay in uu aqbalo xil aan wasiirnimo ahayn. Cabdiraxmaan Cabdishakuur XIGASHADA SAWIRKA,CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Isla su'aashan waxaan u bandhignay Abuukaate Zakariye Yuusuf, oo ah aqoon yahan ku xeel dheer cilmiga sharciga, ahna falanqeeye. "Qodobka 59-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ayaa sheegaya waxa uu xildhibaanka ku waayi karo xilka, mana ku jirto in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu kursiga ku waayi karo howsha maanta loo xil saaray. "Xafiiskan waa mid aan rasmi ahayn. Waa ergay, waxa uuna wakiil u yahay Madaxweynaha oo qof kasta wakiil ka dhigan kara, ha ahaado xildhibaan ama qof shacab caadiga ah ka mid ah. Waa xafiis aan maamul ku dhisnayn," ayuu yiri Abuukaate Zakariye Yuusuf. "Ergay afsoomaaliga waxaa lagu dhahaa qof la dirsaday oo arrin gaar ah loo wakiishay, ama arrin laga codsaday inuu dhexdhexaadis ka noqdo ilaa xad," ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xildhibaannimo helay Maxay dowladda Kenya u baajisay xafladii C/raxmaan C/shakuur ee Nairobi? Cambaaraynta Cabdiraxmaan ma diin u hiilin baa mise waa dano siyaasadeed? Cabdiraxmaan Cabdishakuur XIGASHADA SAWIRKA,CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta hadal kasoo saaray warka kasoo baxay madaxtooyada, isagoo muujiyay inuu gudan doono howsha loo igmaday. "Sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh mas'uuliyadda uu maanta ii igmaday waa mid samafal iyo tadhawuc ah, waqti cayimana leh oo loogu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu wax yeelleeyeen," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada. Muxuu dhigayaa qodobka 59-aad ee Dastuurka? Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha keeni kara in uu mudane waayo xilkiisa baarlamaanka. Sidoo kale isla qodobkaas gudihiisa ayaa lagu sharraxayaa tallaabada xigta iyo sida loo buuxin karo booskaas haddiiba ay dhacdo inuu xildhibaankii meesha ka baxo. Qaybta hore ee qodobka 59-aad, oo qeexaysa sababaha xil waayidda ayaa dhigaysa in ilaa lix qaab lagu lumin karo kursiga. 1- Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa: Xubinta oo Geeriyoota Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la'aaneed oo joogto ah. Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado. Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah. Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga. 2- Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey. 3- Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka.

Monday, May 23, 2022

Maxamed Cabdullaahi Farmaaho: Afar arrimood oo laga filayo madaxweynihii hore Villa Soomaaliya kaddib

Farmaajo iyo Xasan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta xafiiska ku wareejiyay madaxweynaha cusub ee la doortay, Xasan Sheekh Maxamuud. Laakiin dad badan waxay iswaydiinayaan tallaabada xigta ee uu qaadi doono Farmaajo.

Sida caadiga ah, madaxweynaha cusub waxa uu guda geli doonaa shaqooyinkiisa ku saabsan dhismaha dowladda, oo uu ugu horreeyo soo magacaabista Ra'iisul Wasaare, inkastoo wali aysan dhicin munaasabadda wayn ee caleema-saarka.

Balse waxaa muuqata in dhegta loo taagayo mustaqbalka madaxweynihii hore iyo waxyaabaha hadda la gudboon, maadaama uu maanTa si rasmi ah xil wareejin u sameeyay.

Haddaba kuwani waa afar arrimood oo ka mid ah waxyaabaha sida gaarka ah looga dhowrayo.

Xaguu dagayaa?

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee ay su'aashu ka taagan tahay waa halka uu saldhig ka dhiganayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shantii sano ee lasoo dhaafay hoyga madaxweynihii hore waxa uu ahaa madaxtooyada Villa Soomaaliya, isagoo hayay xilka ugu sarreeya dowladda federaalka. Balse hadda waxa uu noqday muwaadhin aanan haysanin xasaanaddii madaxweynenimada.

Tan iyo markii ay doorashada soo idlaatay, waxaa socday qabanqaabada lagu diyaarinayay guriga uu dagayo madaxweynaha ka tagay xilka.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi, ayaa warfidiyeenka u xaqiijiyay in madaxweynihii hore uu dagi doono dalka gudihiisa, dibaddana uusan u soconin.

Inkastoo aan faahfaahin buuxda laga heynin, waxaa lasoo tebiyay in Farmaajo uu kireystay guri ku yaalla waddada u dhaxaysa isgoyska KM4 iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle. Aaggan oo dadka qaar u yaqaanaan aagga qadka cagaaran, halkaas oo ay degenyihiin madaxdii hore ee dalka iyo kuwa hadda jooga qaarkood. Waa goob amnigeeda adagyahay, dadka caadiga ahna aysan galaangal u lahayn.

Xitaa qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah waxay shaaciyeen in guriga cusub ee Farmaajo uu horay u dagganaan jiray Madaxweyne dowlad goboleedyada ka mid ah.

Dhulkan oo ka sokeeya garoonka ayaa waxaa qeyb ka mid ah ku ooli jirey mac-hadkii tabobarka farsamada gacanta ee Jarmalka, balse sanadihii burburka kadib waxaa daganaa dad barokacayaal ah, kuwaas oo laga kiciyay xilligii dowladda ka horeysay tan Farmaajo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo


Filashada taageerayaashiisa

Ka hor inta uusan Farmaajo noqonin Madaxweynaha Soomaaliya iyo markii xilka loo doortay kaddibba waxaa muuqday taageero xoog leh oo uu ku leeyahay shacabka Soomaalida.

Su'aalaha ay dadka la dhacsan fikirka iyo maamulka Farmaajo iswaydiinayaan waxaa ka mid ah nooca ay yihiin barnaamijyada uu ugu talogalay, maadaama uu hadda kasoo faraxashay shaqadii mashquulka badnayd ee hoggaaminta qaranka.

Ugu yaraan waxaa laga dhowrayaa in uu shaaciyo tallaabadiisa siyaasadeed ee xigta, ilaa haddana ma muuqdo wax qorshe ah oo ku aaddan in uu dalka ka baxayo.

Waxaase la xasuustaa in toban sano ka hor markii laga wareejiyay xilka Ra'iisul Wasaaraha, inta uusan madaxweyne noqonin, uu durbadiiba aaday qurbaha. Balse hadda maadaamaa uu dalka degayo, waxaa durba taageerayaashiisa ay is weeydiinayaan qaabka madaxweynihii hore uu u jihayn doono iyo barnaamijyada ay ka filan doonaan.

Xildhibaannimo

Sida ku xusan dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya, qof walba oo noqda madaxweyne rasmi ah oo aan kumeel gaar ahayn waxa uu xaq u yeelanayaa inuu xubin joogto ah ka noqdo baarlamaanka federaalka, gaar ahaan Golaha Shacabka. Xubintaasi oo ah xubin sharafeed.

Cid kasta ayaa hadda filan karta in Farmaajo uu kasoo muuqdo hoolka shirarka ee Baarlamaanka, si la mid ah xildhibaannada kale lasoo doortay. Waxaa xusid mudan in baarlamaanka ay ku jiraan illaa 110 xildhibaan oo isaga taageersan, lana dhacsan qaab hoggaamintiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Farmaajo

Madaxweynaha hadda la doortay, Xasan Sheekh Maxamuud, oo horay mar kale xilka usoo qabtay ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa xildhibaanka kaliya ee haystay kursiga joogtada ah ee baarlamaanka.

Haddii uu Farmaajo soo xaadiro Golaha Shacabka, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee isagoo xildhibaan caadi ah uu halkaas tago.

Laakiin lama oga goorta uu bilaabi doono inuu xildhibaannimadiisa dhaqan geliyo.

Mucaarad mise Muxaafid?

Kan waxaa lagu tilmaami karaa qodobka ugu wayn ee sharraxaaddiisa laga sugayo Farmaajo.

Habeenkii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii xilka madaxweynaha ee uu ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud, Farmaajo waxa uu goobta ka sheegay in uu Alle u baryayo madaxweynaha cusub si uu howsha ugu fududeeyo, isagana uu la shaqayn doono.

Maalmihii xigayba waxa uu madaxweynaha baddalay kusoo dhaweeyay xafiiska madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Durbana waxaa muuqday in ay soo idlaatay xiisaddii siyaasadeed ee labada mas'uul horay uga dhaxaysay

Afhayeenka madaxweynihii hore, Cabdirashiid Maxamed Xaashi, oo wax laga waydiiyay qorshaha Farmaajo, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Universal ku yiri: "Madaxweynuhu dalka ayuu joogi doonaa, markiisii horeba nin nabad doon ah ayuu ahaa haddana wuxuu noqon doonaa nabad doonkiisii, oo ah inuu umadda isu dumo iyo inuu mar walba ka shaqeeyo wanaagga."

Waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in Farmaajo uusan kasoo hor jeedsan doonin dowladda hadda xilka kala wareegtay.

"Qorshaha marna kuma jirto wax mucaarad ah iyo wax arrimahaas ku saabsan, muhiimaddu waxay tahay in sidii uu markii horeba madaxweynuhu ku baaqay uu barbar istaagayo dowladda cusub iyo madaxweynaha cusub," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qudhiisa ayaa khudbaddii uu maanta ka jeediyay xil wareejinta kusoo hadal qaaday isla mowduucan. Waxa uu u muuqday inuu taageerayaashiisa ugu baaqayay inay la saftaan dowladda cusub.

"Shacabka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo taageerada ay i siiyeen shantii sano iyo sida dhow ee walaaltinnimada leh ee ay noola shaqeeyeen. Waxaana rabaa inaan la dardaarmo oo aan ku dhaho waa inaad la shaqaysaan madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud.

"Doorashadii way dhammaatay, hadda waxaa la galayaa waqti shaqo, shaqada uu hayo madaxweynuhuna wuxuu u qabanayaa umadda Soomaaliyeed, sidaas darteed, aan ku garab galno, u midowno, ku taageerno, maxaa yeelay waxaan nahay dal kasoo kabanaya burbur aad u qota dheer," ayaa ka mid ahaa erayada uu kusoo gabogabeeyay khudbaddiisa.

Madaxweynihii isaga ka horeeyay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed bilaabay labo sano kadib markii uu Farmaajo xilka joogay,

DEG DEG Xasan Sh Oo Garacay Saciid Dani,Kenya U Cararay,A/Madoobe Damu J...

Maxa sababay gacan ka hadalki xildhibaanada ee golaha wakilada somaliland ?

Daawo Talaabada lagaqaadayo Taliyeyaashii Mw Farmaajo Ushaqeeyey Dhibkan...

Saturday, May 21, 2022

Maxaa keenay inuu 'kaco' xafiiskii shirkadda Google ee dalka Ruushku?

Shirkadda Google ayaa sheegtay in xafiiskeeda ku yaalla dalka Ruushka uu awoodi waayay inuuiska bixiyo mushaharaadkii shaqaalaha iyo lacagihii ku baxayey alaabooyinka uu adeega ku bixiyo, waxaana shirkaddu ay sheegtay inay haatan xeraynayso in xafiiskaasi uu kacay ama uu musalafay.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in shirkaddan laga leeyahay dalka Maraykanka ee Google xafiiskeeda Ruushku, inuu qoraal u gudbiyey xafiiska diiwaanka qaranka ee Ruushka, kaas oo ay ku caddaynayso in shirkaddaasi ay gebi ahaanba kacday ama musalaftay.

Shirkadda Google ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in sababta ugu wacan in xafiiskeeda Ruushku inuu kaco inay ahayd, ka dib markii maamulka dalka Ruushku uu la wareegay lacagohoodii u yaallay bangiga, waxaana taasi keentay inaan la sii wadi Karin shaqadii ay ka hayeen dalkaas, gaar ahaan inay bixiyaan musharaadka shaqaalaha iyo bixinta kharashiyaadka kale.

Shirkadda Google oo hore u joojisay hawlihii ganacsi ee ay ka wadday dalka Ruushka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto adeegyadeeda bilaashka ah gaar ahaan dhinaca baadhista macluumaadka, Youtube, Gmail, Google Maps iyo weliba barnaamijkooda dhinaca mobile-ada iyo computers-ka Andriod.