
Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in shirkaddan laga leeyahay dalka Maraykanka ee Google xafiiskeeda Ruushku, inuu qoraal u gudbiyey xafiiska diiwaanka qaranka ee Ruushka, kaas oo ay ku caddaynayso in shirkaddaasi ay gebi ahaanba kacday ama musalaftay.
Shirkadda Google ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in sababta ugu wacan in xafiiskeeda Ruushku inuu kaco inay ahayd, ka dib markii maamulka dalka Ruushku uu la wareegay lacagohoodii u yaallay bangiga, waxaana taasi keentay inaan la sii wadi Karin shaqadii ay ka hayeen dalkaas, gaar ahaan inay bixiyaan musharaadka shaqaalaha iyo bixinta kharashiyaadka kale.
Shirkadda Google oo hore u joojisay hawlihii ganacsi ee ay ka wadday dalka Ruushka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto adeegyadeeda bilaashka ah gaar ahaan dhinaca baadhista macluumaadka, Youtube, Gmail, Google Maps iyo weliba barnaamijkooda dhinaca mobile-ada iyo computers-ka Andriod.
No comments:
Post a Comment