https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Monday, January 31, 2022

Recommended Recipe for you:

Get yourself out of an awkward situation (International)

Ukraine ma iska difaaci kartaa Ruushka?

Ukraine ma iska difaaci kartaa Ruushka?
Ciidamada kaydka ah ee Ukraine ayaa ka qayb qaatay dhoolatus bishii December iyadoo xiisada kala dhaxaysa Ruushka ay cirka isku sii shareereyso

Waxaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa xiisadda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine.

Waxaa laga cabsi qabaa in ciidamada Ruushka ee la soo dhoobay xadka dalkaasi ay weerar ku qaadaan Ukrain.

Awoodda militari ee Ukraine.
Marka loo barbar dhigo awoodda militariga dalka Ruushka, Ukarine isuma dhigmaan oo waxaa ka awood badan Ruushka .

Balse dalka Ukraine ayaa 20 sano ee u dambeeyay waxay dhiseen militari oo xooggan.

Dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka ayaa taageerada militari ee ugu badan siinayay dalka Ukraine.

Tirada cidamada Ukraine ayaa sida uu qoray wargeyska ka faalooda arrimaha militariga ee globalfirepower waxaa ay gaaraysaa 200,000 oo askari oo imika howlgali kara.

Waxaa sidoo kale jira 250,000 oo ah ciidamada keydka.

Dhanka diyaaradaha dagaalka waxaa dalkaasi 
 ayaa ka mid ah dalalka kaalimaha hore uga jira dhanka Taangiyada iyo gawaaridda gaashaaman.

Tirada Taangiyada dalkaasi ayaa lagu sheegay 2,596 taangi, halka gawaarida gaashaaman ay tiradooda ay dhan tahay 12,303.

Tirada madaafiicda goobta ee ay haysato Ukraine ayaa dhan 10,67.

Dhanka ciidamada badda qalabka ay haysto Ukraine ayaa lagu sheegay 38 iskugu jira maraakiib iyo doomo.

Ukraine ma iska difaaci kartaa Ruushka?
Dhanka awoodda militari ma aha laba dal isu dhigmo Ukraine iyo Ruushka.

Ruushka waa wadanka labaad ee ugu awoodda badan caalamka halka ay Ukraine kaalinta 22 ay kaga jirto dhanka awoodda militari.

Haddii uushku ku soo dhaqaaqo Ukraine waxay khubarada dhanka militariga sheegayaan in aysan ciidamada Ukraine u babac-dhigi karin awoodda Ruushka.

Gaashaanbuurta Nato ma difaaci doontaa Ukraine?
Heshiis ay galeen kuma difaaci karto, maadaama Ukraine aanay xubin ka ahayn gaashaanbuurtaas. Balse Nato waxa ay xiriir dhaw la leedahay Ukraine, oo waxay heshaa hubka reer Galbeedka oo uu ku jiro lidka Javelin ee uu Mareykanku sameeyo ee loogaga hortago gantaallada taangiyada.

Haddaba, Ruushka wuxuu ogyahay in arrintaas ay horseedi karto gargaar ballaaran oo militari oo reer Galbeedka ay siiyaan Ukraine.

Madaxweyne Zelensky waxa uu Nato ugu baaqay in ay dardargeliso xubinnimada Ukraine; laakiin colaadda waxay ka dhigaysaa in Nato ay aqbasho in Ukraine lagu daro gaashaanbuurta.

Saturday, January 29, 2022

Recommended Recipe for you:

Make sure MyQ Garage Door is closed every hour

Baafinta Diyaaradda F35-C waxay ka mid tahay diyaaradaha dagaalka uu Mareykanka sameeyey kuwa ugu casrisan


Ciidamada badda Mareykanka ayaa wado dadaal ay ku gaarayaan goob ay ku dhacday mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ee ugu casrisan, ka hor inta uu Shiinuhu gaarin halka ay diyaaraddaasi ku dhacday.

Diyaaradda dagaalka ee F35-C oo qiimaheedu yahay $100 malyan oo doolar ayaa ku dhacday Koonfurta Badda Shiinaha kaddib marki ay la kulantay waxay ciidamada badda Mareykanka ku tilmaameen 'Cillad farsamo oo lama filaan ah' xilli ay ka duuleysay Markabka diyaaradaha qaada ee USS Carl Vinso.

Diyaaraddan ayaa ah tii ugu casrisaneed ee ay ciidamada badda Mareykanka isticmaalaan, iyada diyaaraddu ay ka sameysan tahay qalab sir ah.

Haddaba ciddii diyaaraddaasi badda ku dhacday ugu hor hesha ayaa noqoneysa mid guuleysata.

Dagaalka looga jiro helitaanka diyaaraddaasi siraha ka dambeeya ayaa ah tan ay dalalku loollanka ugu jiraan.

Toddoba Badmaax ayaa ku dhaawacantay marki ay Isniinti diyaaraddu soo dhacday xilli ay sagxadda Markabka ay ka duuleysay ay dabada ku dhufatay xilli ay ku jirtay dhoollatus militari.

Haddaba diyaaraddi waxay ku jirtaa gunta badda, hase yeeshee waxa xiga ee dhici doona ayaa qarsoodi noqonaya. Ciidamada badda Mareykankana meysan xaqiijin halka ay diyaaraddaasi dhacday ku jirta iyo muddada ay soo saaristeeda qaadaneyso.

Shiinuhu wuxuu sheeganayaa ku dhawaad dhammaan badda Koonfurta Shiinaha wuxuuna si isdaba joog ah sanadihi la soo dhaafay uu u qaaday tallaabbooyin uu sheegashadaasi ku xaqiijinayo, isagoo diiday inuu aqoonsado xukunkii maxkamadda caalami ah ay soo saartay 2016-kii isagoo xukunkaasi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.


XIGASHADA SAWIRKA, TED ALJIBE
Qoraalka sawirka,
Ciidamada Badda ee Mareykanka iyo Philippine oo tababar ku qaadanaya Badda Koonfurta Shiinaha

Khabiirka dhinaca Amniga Qaranka ayaa sheegay militariga Shiinaha "iney aad ugu dhow yihiin" iney diyaaraddaasi helaan balse Markab uu leeyahay Mareykanka ayaa meesha ay diyaaraddu ku dhacday u soo jira masaafo loo soconaya 10 maalmood.

Waa dib u dhac aad u weyn, ayey tiri la taliye dhinaca Militariga ah, sababta oo ah sanduuqa madow ee xogta diyaaradda laga helo ayaa gubanaya ka hor inta uu Markabka Mareykanka goobtaasi gaarin, taasoo sii adkeyneyso in diyaaradda la helo.

"Mareykanka aad ayey muhiim ugu tahay inuu diyaaraddaasi helo," ayey tiri. "Diyaaradda dagalka ee F-35 ee badda ku dhacday waa diyaarad la oran karo Koombiyuutar duulaya. Waxaana loo naqshadeeyey iney xambaarto qalab aad u badan- iyada ciidamada cirka ay ku tilmaamaan inuu ku xiran qalab shiishka diyaaradda si weyn gacan uga geysanaya'."

Muuqaal laga arkayo 'sida ay u burburtay diyaaradda F-35 ee ay leeyihiin militariga UK'
Shiinuhu ma laha teknooloojiyad heerkaa gaarsiisan marka haddii ay diyaaraddaasi gacanta ku soo dhigaan waxay ku gaarayaan horumar aad u weyn, ayey tiri.

Mar ay ka jawaabeysay su'aasha ah inuu jiro dib u soo billaabashada dagaalki qaboobaa waxay tiri: "Dhammaan arrimahan waxay ku xiran yihiin cidda ay guusha raacdo, baadigoobka looga jiro dagaalkuna waa mid seddex geesoos ah oo cajiib ah."


Diyaaradda F35-C maxay gaar la tahay?

XIGASHADA SAWIRKA, GETTY IMAGES
Waxay awood u leedahay inay is hor taagto hannaanka diyaaradaha kale iyo qalabkeeda hawada ayaa diyaaraddan ka dhigaya mid ka sarreysa diyaaradaha kale ee dagaalka.
Waxay leedahay hannaan khiyaamaya amaba dhaafaya raadaarka diyaaradaha cadowga, cirka iyo dhulka.
Waa diyaaraddii ugu horreysay ee ciidamada Badda Mareykanka taaso si sahlan uga howlgeli karto hawada cadowga.
Baalasha dhaadheer iyo matoorka xoogga badan ee ay ku duushana wuxuuu sahlaya iney si fudud uga duusha markabka dushiisa.
Waxaana diyaaraddaasi ku rakiban matoorka ugu awoodda badnaa oo la saaro diyarad dagaal kuna socon karo xawaare dhan 1,200 daqiiqaddiba.
Waxayna baalasheeda ku qaadi kartaa laba gantaal iyo afar gantaal oo gudaha ah.

Austen oo horay la taliye ugu ahayd taliyaha guud ee ciidamada isku dhafka Mareykanka iyo Diblumaasi sare oo Yurub iyo Nato u qaabilsanaa waxay sheegtay iney aaminsan tahay isku day kasta uu Shiinuhu ku sheegta soo saaristasi waxay Beijing ku keeneysaa "Cadaadis kale" oo dhanka Mareykanka uga yimaadda.

Waxay sheegtay iney aaminsan tahay, iney ku soo beegantay wakhti khatar badan oo ay dad badan aaminsan yihiin ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistaan iney tahay Habacsanaan iyo Masiibo weyn.

Maxaa diyaaraddan dagaal ee Mareykanka ay uga baqayaan dalalka caalamka?
Waxaan shaki ku jirin inuu Shiinaha diyaaraddan uu u baahan yahay, iyada oo ay dhici karta basaasnimada dhinaca interneetka ah iney xog badan ay ku heleen xog ku saabsan waxa ay diyaaraddan ka sameysan tahay, qaabka ay ku shaqeyso iyo teknooloojiyadaha loo adeegsaday, ayuu yiri Bryce Barros oo ah falanqeeye arrimaha Shiinaha ahna nin si weyn ula socda amniga mashruuca truman.

"Waxaan u maleynayaa inay rabaan inay arkaan qaybaha dhabta ah ee diyaaradda, si ay si fiican ugu fahmaan sida loo sameeyey ayna u ogaadaan dhinacyada ay ka nugushahay."

Bayaan ka soo baxay ciidamada Badda Mareykanka waxaa lagu sheegay howlgalka diyaaraddaasi lagu soo saarayo inuu socdo wixi ka dambeeyey marki ay cillad "diyaaraddaasi ku timid" xilli ay ka duuleysay Markabka USS Carl Vinson.


Qoraalka Muuqaalka,
Badda Koonfurta Shiinaha maxaa loogu dagaallamaa?

Haddaba helitaanka diyaaradda siduu u socdaa?

Koox ka socota Kormeeraha Badbaadinta iyo quusitaanka ee Maraykanka ayaa bacaha ku dhejin doona qolofka diyaaradda oo si tartiib ah loo buufin doono si burburka diyaaradda dusha sare ee badda loogu soo saaro.

Howshaasi waxay noqon doontaa mid adag haddii burburka diyaaradda uu yahay mid firirsan.

Diyaaradda badda ku dhacday ayaana loo badinayaa in ay ku hubaysnayd ugu yaraan dhawr gantaal oo ay ku sidday baalasheeda iyo gudaheeda taas oo sidoo kale adkayn karta soo saaridda diyaaradda.


XIGASHADA SAWIRKA, GETTY IMAGES
Qoraalka sawirka,
Markabka diyaaradaha qaada ee USS Carl Vinson

Waxaana jira tilmaamo muujinaya cidda ku guuleysaneysa loollanka Militari ee socda.

1974-kii xilli uu dagaalki qaboobaa uu taagnaa, CIA-da Mareykanka waxay si qarsoodi ah ku soo jiidatay markab uu Ruushka leeyahay oo ku dagay xeebta Hawaii iyada oo adeegsatay qalab cajiib ah.

Laba sano kaddibna Militariga Shiinaha ayaa si qarsoodi ah ula soo baxay Markab uu Ingiriiska lahaa oo ku dagay xeebtaha bari ee Shiinaha.

Muxuu yahay hubka uu Mareykanka mamnuucay ee Turkiga uu ku adkeystay inuu helo?
Waxaa sida oo kale la rumeysn yahay inuu Shiinuhu gacanta ku dhigay burbruka diyaaraddii sirdoonka Mareykanka ee "Stoalth", oo ku dhacday werarki 2011-kii lagu qaaday goob uu ku sugnaa Osama Bin Laden.

"Waxaan hubnaa iney ciidamada Shiinuhu arkeen qalabka saaran iyo barnaamijyada ay diyaaraddaasi ku shaqeyso", ayuu yiri Barros.

Ilaa iyo hadda waxaa rekoorka badbaadinta waxyaabaha badda ku dagay haysta diyaaraddii gaadiidka ciidamada badda ee Mareykanka oo badda Philipine ku dhacday, gunta baddana laga soo saaray 2019-kii.

Waxaana diyaaradaasi laga soo saaray moolka badda oo gaaraya 5,638 mitir.

Fursadda kale ee Mareykanka hortallo waxay tahay iney diyaaraddaasi dagaalka halkeeda ku burburiyaan si ay gacanta Shiinaha ugu dhicin.

"Waxa ugu fudud ee la sameeyn karo waxay noqon doontaa in la burburiyo" ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada.

Balse waddadaasi looma maleynayo iney noqoto tan ugu dhow in la tixgeliyo, waxaase la hubaa in dadaal xooggan looga jiro sidi diyaaraddaasi badda ku dhacday loo soo saari lahaa.

Wararkii ugu Danbeeyey Cida Kadanbaysay Ciidamada Baladweyne & Gorgor Xo...

XOGTA: Turkey oo Awood kale oo Cajiib ah lasoo baxay kadib Diyaarihii Ba...

Turkiga oo Soo Bandhigay Hub Casri Ah oo Hawada Kala Xidhay | Xulashada ...

Xogta Dahsoon Diyaarada F-35 ee ku dhacday badda Shiinaha

Wararkii ugu Danbeeyey Cida Kadanbaysay Ciidamada Baladweyne & Gorgor Xo...