Ukraine ma iska difaaci kartaa Ruushka?
Ciidamada kaydka ah ee Ukraine ayaa ka qayb qaatay dhoolatus bishii December iyadoo xiisada kala dhaxaysa Ruushka ay cirka isku sii shareereyso
Waxaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa xiisadda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine.
Waxaa laga cabsi qabaa in ciidamada Ruushka ee la soo dhoobay xadka dalkaasi ay weerar ku qaadaan Ukrain.
Awoodda militari ee Ukraine.
Marka loo barbar dhigo awoodda militariga dalka Ruushka, Ukarine isuma dhigmaan oo waxaa ka awood badan Ruushka .
Balse dalka Ukraine ayaa 20 sano ee u dambeeyay waxay dhiseen militari oo xooggan.
Dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka ayaa taageerada militari ee ugu badan siinayay dalka Ukraine.
Tirada cidamada Ukraine ayaa sida uu qoray wargeyska ka faalooda arrimaha militariga ee globalfirepower waxaa ay gaaraysaa 200,000 oo askari oo imika howlgali kara.
Waxaa sidoo kale jira 250,000 oo ah ciidamada keydka.
Dhanka diyaaradaha dagaalka waxaa dalkaasi
ayaa ka mid ah dalalka kaalimaha hore uga jira dhanka Taangiyada iyo gawaaridda gaashaaman.
Tirada Taangiyada dalkaasi ayaa lagu sheegay 2,596 taangi, halka gawaarida gaashaaman ay tiradooda ay dhan tahay 12,303.
Tirada madaafiicda goobta ee ay haysato Ukraine ayaa dhan 10,67.
Dhanka ciidamada badda qalabka ay haysto Ukraine ayaa lagu sheegay 38 iskugu jira maraakiib iyo doomo.
Ukraine ma iska difaaci kartaa Ruushka?
Dhanka awoodda militari ma aha laba dal isu dhigmo Ukraine iyo Ruushka.
Ruushka waa wadanka labaad ee ugu awoodda badan caalamka halka ay Ukraine kaalinta 22 ay kaga jirto dhanka awoodda militari.
Haddii uushku ku soo dhaqaaqo Ukraine waxay khubarada dhanka militariga sheegayaan in aysan ciidamada Ukraine u babac-dhigi karin awoodda Ruushka.
Gaashaanbuurta Nato ma difaaci doontaa Ukraine?
Heshiis ay galeen kuma difaaci karto, maadaama Ukraine aanay xubin ka ahayn gaashaanbuurtaas. Balse Nato waxa ay xiriir dhaw la leedahay Ukraine, oo waxay heshaa hubka reer Galbeedka oo uu ku jiro lidka Javelin ee uu Mareykanku sameeyo ee loogaga hortago gantaallada taangiyada.
Haddaba, Ruushka wuxuu ogyahay in arrintaas ay horseedi karto gargaar ballaaran oo militari oo reer Galbeedka ay siiyaan Ukraine.
Madaxweyne Zelensky waxa uu Nato ugu baaqay in ay dardargeliso xubinnimada Ukraine; laakiin colaadda waxay ka dhigaysaa in Nato ay aqbasho in Ukraine lagu daro gaashaanbuurta.
No comments:
Post a Comment