https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: June 2024
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Saturday, June 29, 2024

Ethiopia, we are telling you that the country you are invading is the country that occupied a lot of land from you in 1977 until the Soviet Union supported you, Cuba, South Yemen and Libya. now they are ready to take over somali state

 soomaaliya waa dal xor ah soomaaliya waxay leedahay shacab fur furan oo dhinac walba ka dhisan 

shacabka soomaaliyeed waa dad har iyo habeen soo jeeda aanan la khiyaani karin 

itoobiya iyo soomaaliya waxaa ay isaga horyimaadeen milliteri ahaan waxaana laga gaaray guul taariikhi ah 

ka dib markii la arkay in shacabkii soomaaliyeed ay guul gaareen ayaa waxaa dhacday in itoobiya qayla dhaan u dirsato ruushka kuuba yementa koonfureed iyo liibiya ayagoo si toos ah dagaalka ugu soo biiray 

ka dibna ay soomaaliya ku khasbanaatay  iney ka baxdo dhulkii markii hore laga qabsaday   

marka itoobiya waxay ku doodaa iney iyadu guul gaartay  balse arinku sidaa ma ahan 

dadku waa dadkii wadankuna waa wadankii 1977 markasta oo ay itoobiya ku fakarto duulaan ka dhan ah soomaaliya waxaa uga soo horeeya xinjiro iyo in ay maydad faraha ku qaataan 

nama qabsan karaan nama maamuli karaan  isku diin ma nihin isku dhaqan ma nihin 

itoobiya tabarteeda ayaa la tusayaa  dadka dhahaya waa dowlad lalama dagaalami karo itoobiya waa been 

tusaale ahaan waxaa hada dagaal ka socdaa israaiil iyo xamaas  sidaad ogtihiin waa cududa bariga dhexe  waxa haystana waad aragtaan in ay horey u socon la,yihiin 

waxaan saadaalinayaa hadii dagaal uu dhaco dhexmara soomaaliya iyo itoobiya  gobolada naga maqan ayaan ka qabsanaynaa

Sunday, June 23, 2024

It is never important in your life that you spend a lot of time on social media every day




Marnaba muhiim uma ahan Noloshaada in aad Maaalin walbo waqti fara badan ku lumiso baraha bulshada hadana aadan wax uun ka akhrin Buug amaba Xitaa maqaal yar kaas oo aad wax uun ka faaiidi laheyd! Maqaal lagu daabacay Majaladda Isbaanish ka ah ee lagu magacaabo Azsalud ayaa Qoraaga lagu magacaabo Bernat Caprispina Waxa uu ku dhahay Akhrisku waa howl u muhiim ah Nolol 
Maalmeedkeena. Khubarada wax darso waxa ay ku talinayaan in qeybyar oo waqtigeena kamid ah oo 
aan ku qarashgareeyo wax aan xiiseyneeno, taas oo aan joogteyno in ay na jecleesiin doonto wax akhrinta. Hadaba waxaa halkaan ku soo gudbineynaa 12 Qodob oo muhiim u ah wax akhriska waxaana lagu ogaaday Cilmi baaris lagu sameeyay Sayniska Casriga ah: 1. Nasiino: Wax Akhrisku waa hiwaayad Cajiib ah, Cilmi baaris lasameeye ayaa sheegeysa in Qofku haduu 10 daqiiqo si dagan wax u 

akhriyo in Murqaha jirku dareemi doonaan nasiino sidookale waxa ay u fiicantahay Wadnaha, wax akhriska waxaa loo tixgaliyaa in uu yahay mid u fiican Werwerka. 2. Hurdo La’aanta: Sida badan qaarkeen waaba arkeen in markii uu qofku wax akhrinaayo uu Gam’o, Cilmi baaris ayaa ku talineysa in Wax akhrisku uu u fiicanyahay Hurdo la’aanta, Sidookale marka uu Qof wax Akhrinaayo waxa uu ka 

fogaadaa in uu kafikiro Dhibaatooyinka Maalinlaha ah. 3. Fahamka Dadka kale: Cilmi Baaris laga sameeye Cilmi Nafsiga ayaa waxa ay sheegeysaa dadka sida joogtada ah wax u akhriyo in ay dadka kale u Fahmaan si fudud, sidookale in ay yihiin Dad aad u naxariis badan. 4. Dabacsanaanta: In aad hesho Neuroplasticity taas oo macnaheedu yahay Awooda ay Neerfaha isugu badalaan ayaa ah mid aad u muhiim ah waana wax laga helo wax Akhrinta, dadka wax akhriyo ayaa inta badan waxa ay helaan 
Caqli badan, Maskaxdoodana waxaa ku soo aruuro Fikrado farabadan, sidookale waxa ay awoodaan in ay xaliyaan dhibaatooyinka ka jiro hareerahooda. 5. Xasuus Kicinta: Qodobkaan oo sidhaw ulaxariiro Qodobki kahoreeye ayaa waxa uu dhiiragalinayaa in wax akhrisku muhiim yahay, waxa uu sidookale kugu dhiiro galinayaa in aad hadaba bilaawdo wax akhrin, Cilmi Baaris ayaa ku talineysa in joogteynta wax akhrinta ay tababar muhiim ah utahay maskaxda sidookale in ay qofka gaarsiin karto heer aad u 
sareeyo, Qofka joogteeyo Wax Akhrinta waxa uu helaa Xasuus dagdag ah iyo Sameynta Fiirogaar ah. 6. Qani kanaqasho Dhanka Erayada ah: Waa hubaal hadii aad wax badan akhriso, kuna Akhriso luuqado kala duwan in aad heli doonto erayo cusub marwalbo, hadii aad joogteysana waxaa Qani ka noqon doontaa xaga Erayada. 7.Guul Dhanka Xirfadda ah: Shaki kuma jiro in uu Xariir kadhaxeeyo wax akhrinta iyo guulaha dhanka Xirfada ah, Maamulayaal badn oo ka howlgala shirkado waaweyn ayaa 
aaminsan in Wax akhrintu ay qeyb weyn ka qaadatay guulahooda. 8. Horumar Dhanka Caqliga ah: Waxaa shaki la’aan ah in Akhriska badan uu Qofka kadhigo mid aad u Caqli badan Maxaa yeelay Akhriska waxa uu kor u qaadaa shaqada Maskaxda, Sida jirkuba ugu koro wax cunida ayay maskaxduna ugu kortaa wax Akhrinta badan. 9. Kordhinta Nolosha Qofka: Tan macnaheedu Ma ahan in hadii aad wax Akhriso ay sanado badan kuu kordhi doonaan ee waa in aad dadka kale ee kula midka ah 
aad ka horeyn doonto marwalbo uu akhriskaagu bato, taaso oo lamicno ah in aad ogaato waxbadan oo aysan dadka kula midka ah ogeyn. 10. Cilmi: Barashada ugu wanaagsan ee uu Qofku sameeyo waa Wax akhrinta, Isha ugu wanaagsan ee uu qofka cilmihga kahelo waa Akhriska Faraha badan, sidookale tan waxa ay meesha ka saareysaa shakigii ah in ay adagtay in wax labarto. 11. Ka Faaiideysasho Dhanka Waqtiga ah: Waayadaan danbe Dadka waqtiga ugu badan waxa ay kulumiyaan Safarka, hadii 
uu safarkaaga Qaadanaayo Xitaa 15 Daqiiqo, Wax uun Aqri, Markaas waxaa ka faaiideysatay Waqtigii yaraay sidoo kale waxaad ogaatay wax cusub oo horay kaaga maqnaay. 12. Horumar Dhanka Khiyaaliga ah: Cilmi baaris Saynis ah ayaa sheegeysa in Wax akhrisku uu furo maskaxda, Sidookale horumar xoogan ayay sameeyan dadka jecel waxyaabaha Khiyaaliga ah marka ay akhrinayaan buugaagta ka hadlo khiyaaliga.

Tuesday, June 18, 2024

ETHIOPIA'S DESIRE FOR THE SOMALIA SEA AND THE PREPARATION OF THE SOMALI PEOPLE.

 SIDAAN ARAGNAY WAXAA NALA GUDBOONINAAN KA DAGAALLANO OO AAN KA DOORANO GEERI SABABTOO ah 

annaga waan tagaynaa sii joogi mayno waxaa naga haraya waa jiilka nagu xiga marka waa inaan

jiilka naga haraya aan gobanimo uga tagnaa si ayaguna ilmahooda sidaasoo uga tagaan xorriyad 

iyo gobanimo 

itooboya maanta kuma fakarin baddeena sheegato iyada oo ay kumaqantahay dhul dhan 337,450 km iskuweer ah

waana waali ay kaga go,i karaan soomaali galbeed

itoobiya kumanyaal sano ayey ku taameysey iney badeheena xoog ku qaadato

balse hadba marka ay isku dayaan iney soo ruuqaansadaan dhanka soomaaliya 

waxaa hor israagayey xoolo dhaqato ayagoo dabada uga dhacayey ciidamada itooiya 


maanta oo uu raysal wasaare ka yahay ABII AXMED damacii itoobiya waxaa uu keenay banaanka

ayagoo siyaasiyiinta itoobiya qaar ku sheegeen inuu fashiliyey damacii qarsoonaa itoobiya 

qaar kalena ay ku sheegeen inuu itoobiya bad u soodhiciyey


Monday, June 17, 2024

the madness and dream of Ethiopia and the sleep of Somalia

 Kolka hore waxaan salamaya umada Soomaaliyeed inteeda wanaaga iyo Soomaalinimada jecel guud ahaan waxaanan Ilahay ka rajaynayaa in uu umada Soomaaliyeed meel ay joogtaba dhibka ka saaro una soo celiyo haybadii iyo sumcadii ay dunida ku lahaayeen,ha ahaato Soomalida Ogaadeenya lagu dulaynayo ama ahaato tii xorta ahaan jirtay oo aan maanta wax badan ku dhaamin kuwii gumaysiga ku hoos jiray.Intaa dabadeed waxaa maanta ii suntan Maqaalkan aan ugu wan qalay Damaca Itoobiya iyo Dareen habawga Soomaalida,

Waxaanan gogol uga dhiagyaa bal in aan ifiyo aqoonta aan u leeyahay gumaysiga Itoobiya, xadgudubka aan kala go'a lahayn ee uu ku hayo shacbka Ogaadeenya iyo sida uu aniag ii saameeyay.

Waxaan ka mid ahay da'da lagu anqariyay khadhaadhka gumaysiga iyo colaada raagtay ee joogtada ah ee ka dhalatay Damaca Abasiiniyiinta boobka iyo boolyashada ku caan baxay iyo Shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo waligood diidan in ay ogolaadaan muquunsiga, waxaan ka mid ahay dadka ku hadal bartay erayo ka dhan ah dulmiga iyo awood sheegashada oo muujinaya diidmo iyo go'aan qaadasho aan xornimo mooyee jawaab kale loo haynin waxaan ku garaad iyo caqli yeeshay mayd goglan iyo dhiig sida laagaha u duraabaya waxaa maskaxdayda ka buuxda xusuu aan marnaba iga maydhmin oo dul taagan dhacdooyin xanuun badan igu reebay oo isugu jira kuwo aan u soo joogay iyo kuwo aan taariikh ahaan u dhaxlay, dhacdooyinkaas oo qaarkood ay ka dhaceen Soomaalida dhexdeeda waxay igu leeyhihiin saamayn aan la qiyaasi karin waxaana daqiiqad walba i danqata boog aan bogsanin oo ila da'ah.

Sidaas awgeed maankayga iyo uurkayga kama baxo ku hamiga iyo baadi goobka aan ugu jiro in xal waara loo helo arimaha aan ka sheekeeyay ee raadka weyna igu leh waxaa ubaal ah in ay dadbadani ila qabaan u hanqal taaga iyo ku hawlanaanta sidii loo gaadhi lahaa madasha gobanimada waxaan iyana igu fududayn oo igu culus kudhaadashada jinsiga Soomaaliga ah gaar ahaan inta ila aragtida ah waana dhab in aan aad u jeclahay midnimo iyo wada jir Soomaali oo dhan ay wadaagto waxaanan si aad ah ugu hanweynahay in uu rabitaankaygu guulaysan doono Insha allaah,sidoo kale waxaan jeclahay in ay dadyawga Geeska Afrika ku dhaqani wadaagaan dariswanaag nabad iyo horumar iyadoo qolo waliba si xor ah aayaheeda ugu madax banaantahay laysna xaq dhawrayo.

Waxaan si kooban u guud maray una muujiyay sooyaalkayga nolosha adag u badan waanan garwaaqsanahay in ay waajib igu tahay in aan Illahay ku mahadiyo,waxaan liqayaa wax badan oo aan nolashayad kula kulmay iyo waxa laabtayda ka hugmaya waxaanan ogahay waxbadan oo aan jeclahay in uu ay dad badani tabayaan hortayna looga dhaartay dadbadan oo ay labada waalid ee aniga i dhalay iyo labadoodii waalid ka mid yihiin oo intuba sidayda oo kale aysan ku caano dhamin nolosha caadiiga ah oo ay dadku si iskumid ah ugu baahanyihiin waxaana shacabka Ogaadeenya laga xayuubiyay xoriyada ay xaqa u leeyihiin ee lala soo dhasho llahayna uu Aadamaha gudoonsiiyay iyadoon cidna cid looga wakiil dhigin.

Arimahani waxay qasab ka dhigeen in loo hawl galo ka gun gaadhsita yoolka looga guurayo noloshan xaalufka iyo oolinka ah ee ay la dariska yihiin shacbka Ogaadeenya waxaana si xidhiidh ah u socda halgan hubaysan oo lagu doonayo xoriyada ay Ogaadeenya u oomantahay wuxuuna weerar iyo difaac u dhexeeyaa Isticmaarka dhiigyacabnimada ku barbaaray oo haysta gardaro kalkaalyo dulmiga ugu garbeeya iyo diidmo qayaxan oo ay kala hor jeedaan jiilal kala dambeeyay oo ka soo dhex baxay shacabka lihiinta iyo tayada badan ee Ogaadeenya isuna qori dhiibay waxaana ilaa eegga socda halgan soo jireen ah oo aan wax xoriyad kayar ku hakanaynin.

Sida taariikhda laga bartay gumaysigu wuxuu leeyahay u jeedo fog oo uu marwalba cusboonaysiiyo wuxuu ku dadaalaa in uu dayr ku wareejiyo damaciisa iyo laacdin dheeridiisa wuxuuuna bulashada uu gumaysto u kala sameeyaa qoqobe uu ku kala ilaaliyo kuna kala qaybiyo maskaxdooda, maalkooda iyo muruqooda wuxuuna kala dagaalamaa in ay xoogooda mideeyaan kadibna ay iskaga faydaan xanuunka, dulmiga iyo boobka uu ku hayo bulshada uu ka dul baxaay.

Geeska Afrika qalalaasha ka bixi waayay waxaa la ogyahay in aan Itoobiya lala wadaagin waxaa kale oo xaqiiqo ah in aysan maranba ka qancaynin yoolkeeda in loo awood sheegto mooyee,damaca waalan iyo hungiriga aan indhuhu la soconin waa wax ay Itoobiyaanku ka simanyihiin oo ay dhaqan u leeyihiin sikasta oo ay qoomiyado kala jaad jaad ah u yihiin isuna neceb yihiina waxay ka midaysanyihiin dhul boobka kamana dhargaan dhiiga dadka doonistooduna kuma eka dhulka ay gumaystaan ee Ogaadeenya waxayna aaminasnyihiin in ay iyagu asal ahaan leeyihin gabi ahaanba dhulka Soomaalidu dagto waligoodna way ku taamayeen in ay calankooda ka taagaan wayna u rumawday riyadii mudada dheer ay naawilayeen Soomaali oo dhana waxaa maseeyay isku sina u bah dilaya askar Tigeer ah oo aan xabada iyo kutumashada xuquuqda mooyee caqli kale lahayn.

Isticmaarku sida la ogyahay umada uu gumaysto wuxuu ku beeraa fikirkiisa waxaana xambaara kuwo uu ku rabaystay khidadiisa iyo xeeshiisa u aasan una laylaymay oo uu dhiigooda xulay iyaguna isu haysta in ay sidii caadiga ahayd u fikirayaan waxayna u sahlaan in uu darbi walba ku jabiyo iygaoo marwalba dadkooda u looga waraabaha waxna aan ula hadhin oo dabada iska maray aakhirkana wuxuu abaal uga dhigaa in uu gawraco ama uu god ku rido,gumaysigu marka uu gacanayrihiisa sidaas u bahdilo ee uu meel ku hubsado maxaa xiga?

Mar haday cadaatay in uusan gumaysigu quusanin ilaa laga gaadhayo xiliga ay awoodiisu ku egtahay waxaa u dajisan qorsheyaal aan gabidhac lahayn oo xidhiidh ah wuxuuna cosobsadaa kolba adeege uu ka astaystay bulshada uu gumaysto oo uu ku badalo kii uu horey u dilooday inta uu kani u raranyahayna wuxuu sii sahamiyaa kii uu ku badali lahaa balse qaababka uu wax u kasbado ma aha wax mutaxan oo lawada fahmi karo wuxuuna ku dhex qarsoonyahay qoqobaha iyo xayndaabka uu ku kala ooday dareenka dadka uu gumaysto,

Hadaba inta uu dulmi jiro waxaa jira diidmo diidmadaasna waxaa ka dhasha sidaan xusay halagnka hubaysan ee dhulka Ogadeenya ka socday mudada dheer in ay guushiisu raagto qadarta eebbe ka sokow waxaa sabab u ah Dareen Habawga aan kor ku sheegay oo ay soomaalidu ka midaysantahay waxaana kow ka ah iyadoon fursad la siinin inta isu xil qaantay in ay dhiigooda umada gobanimo ugu iibiyaan dhanqaryna aan laga daynin.

Sidaas si lamid ah ayaa ka muuqata kacdoonki Soomaaliya ka bilowda kadib markay Itoobiyaanka damacooda la jiidheen Jamhuuriyadii xorta ahayd iyagoo kaashanaya siyaasiyiinta dareen hawabwsan waxaana cad inuu cadawgu adeegsanayo tabwalba oo uu ku furfurayo xoogaga ka soo horjeeda arintan oo ka mid ah midhaha gumaysigu uu beertay ee cimrigiisa sii dheeraya ayaa aha fursada ugu weyn uguna qaalisan ee ay umada la gumaystaayi cadawgeeda siiso, wakhtigii ay ahayd in cadawga lagu wajaho waxaa lagu lumiyaa is garab orod iyo eedayn lala dabo taaganyahay cidii in wax walaba lagu taageero gol duleelo kasta oo ay leeyihiina la qariyo mudnayd dadka sidaas yeelaya badan koodna siday ila tahay qasdigoodu waa in ay wax wanaajiyaan balse xiligan adag waxay umadu kaga bixi kartaa in dhaliil kasta oo jirta lagu qiimeeyo duruufta iyo waaqica.

Waxaa ii muuqda dhib Soomaalida dhamaanteed taabtay oo guri walba gaadhay hadaad u fiirsato dhulalka ay Soomaalidu dagto waxaad dareemaysaa sida ay dadkani isa sudhanta u yihiin,tusaale Soomaalida Ogaadeenya waxaa mudo dheer haystay gumaysiga guunka ah ee aan arxan u galaynin Jamhuuriyadii Soomaaliya waxay burbursantahay ku dhawaad 20 sano Jabuuti iyo NFD waxa ku haawaday garabkoodii ay ka dugsanayeen cadaw iyo nacaba waxaa ku soo banaanaaday tusmadii Qaranka Soomaaliyyeed kaga gufaysnaa waxayna la daalaa dhacayaan qaxoontiga alanba'a ah ee soo miciin bidaya waxaa intaas u dheer dadaalada ay ugaleen in mar uun dib loo soo celiyo Soomaalinimadii garab laanata ay ka baxaan iyo sida aysan waanadu ugu duxaynin dadka Soomaaliyeed ee ay dawlad la'aantu caadiga la noqotay.

Waxaakale oo murugo leh dhalinta maalin iyo habeen ku le'anaysa badweynta iyagoo hortooda isaga dhaqaayaya kolkay waayeen wax kale oo ay nafta ku maaweeliyaan iskuna biimeeyay meel ay og yihiin khatarta ay kala kulmayaan sidoo kale Soomaalida qurbaha ku butaacday waxay kala kulmeen dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo ruuxii dheehdaa uu qalbi jab ka qaadayo.

Intaasoo xaaladood oo ay sii dheertahay barokicinta, kufsiga, gawraca, iyo boobka hantidooda oo ay Soomaalida Ogaadeenya kali ku hayeen ayay hada lawadaagaan in badan oo kamid ah Soomaalidii xorta ahaan jirtay.arimahan aan sheegay oo ay kawada dhalanayso uur ku taalo aan damiirku is ilowsiin karin dadka Soomaaliyeed badankood way danqaysaa balse waxyar oo aan macno badan ku fadhiyin ayaa ku gudban lagana hor marinayaa xalkii umadan lagu bad baadin lahaa waana meeshaas meesha la dhaafi la'yahay ee aan u idhi Dareen Habaw bal u fiirso Siyaasiyiinta,Culimada Aqoonyahanka iyo Hogaamiyeyaasha dhaqanka oo intuba ah meeshii masiirku ka unkami lahaa waxay mashquul ku wada yihiin dhaliil aan ahadan la asxaynin mana jiro mid midka kale u tanaasuli kara.

Waxaan ugu dambaysiinayaa cod dheerna aan ku lalinayaa Soomaaliyeey Itoobiya waa inoo cadaw inoo nacab inama kala jecla waxaana ka go;an in Soomaaliya iyo Ogaadeenya ay noqdaan kililka 5aad iyo 6aad tabari meel ay dhigtaba ku talagalka Itoobiya waa sidaas oo la hubo haday taag weydana xeelad ayay isticmaali oo marnaba laagma sugayo inta ay dadka Soomaaliyeed sidan u yaalaan in ay faraha kala baxdo waxayna maanta ku hawalnathay in ay samaysmaan kooxo magacyo badan wata oo marka dambe u xuubsiibta qabiil qabiil iyo in dib loogu noqdo 1991 waxaan u malaynayaa in arintaas laga wada dharagsanyahay balse uu Dareenku habawsanyahay oo uu dhinac kale u fikirayo .

Saturday, June 15, 2024

Where do drugs come from in Mogadishu?

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay aad ugu siyaaday magaalada Muqdisho goobaha lagu cuno daroogada noocyadeeda kala duwan, waxaana maanta gudaha dalka laga heli karaa inta badan noocwalbo oo daroogo ah ee dunida inteeda kale taalo. Wadanka waxaa ay daroogada ku timaadaa 2 nooc, mid lasoo dhoofiyo iyo mid gudaha dalka lagu beero, cilmi baaristaan waxa ay xooga saareysaa mida gudaha lagu beero iyo halka ama goobaha lagu beero. Cilmi baaristaan waxaa sameeye Ustaad Abdulrazak Mohamed Ahmed, waxa uuna ku soo helay natiijo muhiim ah oo daaha ka qaadeyso halka ay kayimaadaan daroogada iyo Xashiishka lugu cuno Muqdisho. Waxa uu ku bilaabay cilmi baaristiisii sidaan: Baaris kooban oo aan ku sameeyay xashiishka Muqdisho ayaan ku ogaaday arimaha soo socda: BEERISTA Xashiishka laga cabbo Muqdisho waxaa inta badan lagu beeraa tuulada Tugaareey (Bariga Jowhar) iyo Aagga Shalambood, Jannaale, Balcad iyo Afgooye. sidoo kale waxaa jira guryo ku yaaal Muqdisho oo lagu tacbbo daroogadan. DAABULKA: Daroogada xashiishka waxaa lagu soo daabulaa baabuur caasiyaal (HOMEY) ah iyada oo jawaanno lagu soo cabbeeyo isla markaaana afka hore ee jawaanka la saaro qudaarta reexaanta iyo kabsarta si loogu ekeysiiyo qudaar. SUUQYADA XASHIISHKA: Xashiishka waxaa loo iib geeyaa gudaha dalka inkasta oo beri dhexdaas ah lagu qabtay badda Somaliya dooni sidda daroogo taas qiyaastii debeadda loo dhoofin lahaa. QAYBINTA & IIBINTA: Xashiishka waxaa lagu dejiyaa guryo ku yaal Muqdisho kadibna waxaa loo qaybiyaa goobaha lagu iibiyo oo ku yaal Fagax, Kaaraan, miijiska suuqbacad, Afar irdoodka xamarweyne, km4, Zope, Tabelaha Sh. Ibrahim, Weydow, Beerta jaadka & meelo kale. TIRADA DADKA CUNA XASHIISHKA: Lama hayo numberka dadka xashiishka caba ee muqdisho waxaase la aaminsanyahay in ay isticmaalaan ugu yaraan 150 kun oo qof kuwaaas oo isugu jira rag iyo dumar iyo da’da 20-65 sano. MUXUU DAREEMAA QOFKA XASHIISHKA CABA? 1. Cabsi in la fahmo. 2. Khayaali iyo been iska dhaadhicin. 3. Rabitaan uu rabo inuu xado waxyaalo qiimo liita sida kabaha iwm. SIDA LOOLA DAGAALI KARO: 1. In la ciqaabo qolada abuurta. 2. in shaqo loo abuuro dhalinyarada. 3. In la dhiso xabsi u gooni ah dadka qaba aafada daroogada. 4. in wacyigelin baaahsan laga sameeyo waxyeelada daroogada. 5. in ciqaab aad u adag la marsiiyo cid kasta oo ka ganacsata xashiishka.

please iam requesting to share and register this expertoption

https://eo.shortlify.com/452083709