https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Saturday, May 21, 2022

Maxaa keenay inuu 'kaco' xafiiskii shirkadda Google ee dalka Ruushku?

Shirkadda Google ayaa sheegtay in xafiiskeeda ku yaalla dalka Ruushka uu awoodi waayay inuuiska bixiyo mushaharaadkii shaqaalaha iyo lacagihii ku baxayey alaabooyinka uu adeega ku bixiyo, waxaana shirkaddu ay sheegtay inay haatan xeraynayso in xafiiskaasi uu kacay ama uu musalafay.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in shirkaddan laga leeyahay dalka Maraykanka ee Google xafiiskeeda Ruushku, inuu qoraal u gudbiyey xafiiska diiwaanka qaranka ee Ruushka, kaas oo ay ku caddaynayso in shirkaddaasi ay gebi ahaanba kacday ama musalaftay.

Shirkadda Google ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in sababta ugu wacan in xafiiskeeda Ruushku inuu kaco inay ahayd, ka dib markii maamulka dalka Ruushku uu la wareegay lacagohoodii u yaallay bangiga, waxaana taasi keentay inaan la sii wadi Karin shaqadii ay ka hayeen dalkaas, gaar ahaan inay bixiyaan musharaadka shaqaalaha iyo bixinta kharashiyaadka kale.

Shirkadda Google oo hore u joojisay hawlihii ganacsi ee ay ka wadday dalka Ruushka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto adeegyadeeda bilaashka ah gaar ahaan dhinaca baadhista macluumaadka, Youtube, Gmail, Google Maps iyo weliba barnaamijkooda dhinaca mobile-ada iyo computers-ka Andriod.

Recommended Recipe for you:

[ACC] Lock computer (Dropbox)

Xasan Sheekh iyo taliyeyaashii uu ku yiri ‘dhiiqo ayaa lugaha la idiin galinayaa

’ Sanadkii hore waxaa caan baxday kalmadda ah "Igaarkaygii Farxaanoow ka joog, dhiiqaa lugaha laguu galinooyaa", taas oo uu shir jaraa'id ka sheegay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasi ka mid ahaa madaxda mucaaradka. Ma ahayn hadal kaftan iyo maad looga gol lahaa, wuxuu Xasan Sheekh ka hadlayay saraakiil ciidan oo lagu eedeynayay in ciidamada ay u horkaceen ku milanka siyaasadda. Hadda Xasan waa madaxweynaha dalka, boqolka maalmood ee ugu horeeyana waxa laga filayaa in uu isbadel ku sameeyo hoggaanka ciidanka. Haddaba maxaa kala gudboon saraakiishii uu ku eedeynayay in ay siyaasadda ku milmeen, isagana maka baaqsan doonaa in ciidanka ay sidaasi noqdaan inta uu xukunka hayo?. Waxaan su'aalahaasi hordhignay qabiir dhanka amniga ah. Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ayaa is weydinayaa suurtagalnimada in madaxweyne Xasan Sheekh uu dabagal ku sameyn doono taliyeyaashii ciidamada ee horraan siyaasadda ku milmay ama in kale? Xasan Sheekh wuxuu xilliggaas ka tirsanaa mucaaradka Soomaaliya, wuxuu kamid ahaa mas'uuliyiintii dhaliili jirtay dowladda Madaxweynaha xilka ka degayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xasan Sheekh oo horraan kamid ahaa mucaaradka Soomaaliyaa ayaa waxaa si weyn loo hadal hayay 'dignintii uu siiyay' , isaga oo si gaar ah ula hadlayay taliyaha haatan ee gobolka Banaadir Farxaan Qaaroole kaas oo markaas uun loo magacaabay xilkaas kadib markii taliyihii ka horeeyay Saadaq John uu kasoo horjeedsaday go'aamaddii muddo kororsiga. Madaxweynaha cusub waxaa laga sugayaa marka uu soo dhiso xukuumaddiisa in uu soo magacaabo taliyeyaashaa ciidamada qaar sida ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda. 'Ciidamadii horey siyaasadda ugu milmay' Samiira Qeyd oo ka faaloota amniga gobolka ayaa BBC u sheegtay in madaxweyna cusub uusan wax dabagal ah ku sameyn dooniin saraakiishii ciidamada ee la sheegay in siyaasadda ay ku dhex milmeen. "Uma maleynayo in ciidamada wax laga qaadi doono, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbaddiisa ku sheegay aarsi ma jiri doono, waxyaabo dabaglkooda muhiim ma ahan, hadda waxaa loo baahan yahay in la isku keeno dadkii kala tegay marka hore waa in soo dhiso xukuumaddiisa markaas baa taliyeyaasha wax laga baddali karaa" Waxay intaas ku dartay in taliyeyaasha ciidamada aanan dusha laga saari karin wax eed ah maadama ay qaateen amarka madaxdooda. "Taliyeyaashii hore uma maleyn maayo in eeda dusha laga saari karo, waxay ahaayeen ciidan amar la siiyay oo qaatay amarkii madaxdooda, ma umaleynayo in dabogal dheeraad ah lagu sameyn doono ciidamadii siyaasadda ku milmay waa in ciidamada isbaddal lagu sameeyo, xuquuqdana la dhowraa" "Madaxweynaha la doortay qofka uu soo magacaabo waxay ku xiran tahay madaxweynaha dhaqankiisa hadduu isaga ciidanka u isticmaalo in uu Shabaab kula dagaallamo in uu waddanka ku xoreeyo ama in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada, isaga dhaqankiisa ayaa laga arki doonaa laakiin hadduu ciidamada u isticmaalo siyaasadda dhaqankiisana haddii ay sidaas noqoto, waa suurtagal qofka la magacaabo in uu qaato amarka madaxda magacaawday" ayay tiri Samiira. Dib u habeynta ciidamada Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey uga hadlay arrimaha ciidanka ayaa sheegay in ciidamada qaar aysan lahayn sharci ay ku dhisanyihiin iyo waxyaabo kala xadeeya, loona baahanyahay dib u habayn badan. Qeybo badan oo kamid ah deegaannada dalka waxaa gacanta ku haya ururka Al Shabaab, mar kasta waxaa weeraro iyo qaraxyo ay geystaan Shabaab. dalka waxaa ku sugan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuwaas oo ilaaliya goobaha muhiimka ee dowladda, sida Tendhaha Afisyoone oo ay doorashada ka dhacday. Samiira Qeyd waxay qabtaa in shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha ay tahay dib u habeynta ciidamada. "Dib u habeynta ciidamada oo muddo labo sano aan wax laga qaban, waa in uu dib u habeyntii bilaabo si uu kooxdii joogtay uu kala kaashado wixii la qabtay oo uu ogaado wixii laga qaban laha..waxaan u maleynayaa in dib u habeynta ciidamada ay tahay shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha cusub" Xurguftii Imaaraaadka iyo Qatar iyo guusha Xasan Sheekh Madaxweynaha cusub waxaa horyaalla caqabaddan, waxaana laga doonayo in uu wax ka qabto amni darrada ka jirta dalka. Ciidamada Soomaaliya ayaan wali si buuxda gacanta ugu dhigin amniga XIGASHADA SAWIRKA, SONNA Qoraalka sawirka, Ciidamada Soomaaliya ayaan wali si buuxda gacanta ugu dhigin amniga Dalalka beesha caalamka waxay dowladda Soomaaliya ka taakuleeyaan dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya. Britain ayaa magaalada Baybdho ka bilowday barnaamij ay ku tababareyso ciidammada qaranka Soomaaliya. Maraykanka wuxuu tababarayaa oo uu qalabaynayaa ciidmada Danab halka Turkiga uu isagana wado tababaridda sarakiisha ciidanka soomaliya. Madaxweynahan cusub waxaa hor taalla shaqadan si loo helo ciidamo qaran oo si buuxda ula wareego gacan ku heynta amniga Soomaaliya, taasoo waddada u xaarta in hawolgalka ATMIS la soo gabgabeeya. Saraakiisha xildhibaanada noqday Saraakiishii ciidamada amniga intooda badan ee lagu eedeynayay ku milanka siyaasadda iyo hawlgalada siyaasadda la xiriira ayaa ku biiray baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. Taliyeyaasha qaar sida taliyaha NISA iyo kan Asluubta ayaa sidoo kale ku biiray baarlamaanka, waxaana hadda Xasan Sheekh laga sugayaa in uu mas'uuliyiin cusub u magacaabo hay'adahaasi.

Wararkii ugu Danbeeyey Waxyaabaha Ay Kaqoreen Warbaahinta Reer Galbeedka...

Guddoomiyaha Aqalka sare iyo safiirka Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal+Sawirro

 Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Saalax Almuwallad.

Safiirka oo guddoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa ayaa sidoo kale, ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Taliyaha cusub ee qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay+Sawirro

Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow) oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Cusub ee Qeybta 60aad ayaa maanta si rasmi ah xilka Taliyaha ugula wareegey Taliyihii hore Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeyo guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow oo kamid noqday Xildhibaanada 11aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana Munaasabadda Xil wareejinta ka soo qeyb galey Saraakiisha Ciidanka Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ardayda Koonfur Galbeed oo u fariistay imtixaanka shahaadiga ah+Sawirro


Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta si rasmi ah uga furmay imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada.

7,589 Ardey ayaa guud ahaan koonfur galbeed sanadkan u fariisaneysa imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad, waxaana furitaanka imtxaanka ka qeyb galay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlmaanka Koonfur Galbeed , wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada, Agaasimha Guud ee Wasaaradda, hawl wadeeno iyo agaasime waaxeedyo ka socda wasaaradda waxbarashada.

Mas’uuliyiintii madasha furitaanka imtixaanka ka hadlay ayaa sheegay in dadaal xooggan ku bixinayaan sidii ardayda kaalmaha hore gala ku heli lahaayeen waxbarasho lacag la’aan oo dugsiga sare ah.

Itoobiya oo maxkamad soo taagtay sarkaal sare oo kasoo horjeesatay ABIY

Addis Ababa (timajilicnews Online) Jeneraal caan ah oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo dhaliili jiray xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Jimcihii kasoo muuqday maxkamadda, kadib markii toddobaadkan la xiray, sida ay sheegtay xaaskiisa, xilli la xir-xirayay qaar ka mid ah dadka u ololeeya siyaasadda qowmiyadda Amxaarada.

Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa ahaa taliyaha ciidanka Axmaarada ilaa bishii February markaas oo xilka laga xayuubiyay, iyada oo aan la sheegin sababta. Ciidamada Axmaarada ayaa taageerayay ciidamada federaalka ee Abiy ee kasoo horjeeda xoogaggii kacdoonka waday ee waqooyiga Tigray markii uu dagaalku ka qarxay halkaas sanadkii 2020.

Axaddii hore, Tefera ayaa waraysi uu siiyay TV waxa uu ku naqdiyay istiraatijiyada Abiy ee ka dhanka ah kooxda TPLF, isagoo sidoo kale ku eedeeyay xubnaha Axmaarada ee ka tirsan xisbiga talada haya ee raysal wasaaraha in lagu dhiirrageliyay lacag.

“Boolisku waxay sheegeen inay hunsan yihiin inuu ka shaqaynayo inuu si xoog ah u burburiyo nidaamka dastuuriga ah,” ayay u sheegtay Reuters.

Tefera ayaa lagu xiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Isniintii, Menen ayaa sidaas yidhi.Dhinaca kale, shan weriye oo ka tirsan warbaahinta maxalliga ah ee Ashara, ayaa sidoo kale la xiray Khamiistii, sida uu saaxiibkood u sheegay Reuters.

“Dadka kaxaystay suxufiyiinta waxay ku labisnaayeen dharka ciidamada gaarka ah ee Axmaarada, Booliiska Axmaarada iyo ciidamada ka hortaga rabshadaha, markii ay qabteen waxaan ku dhex dhuumanayay musqul” ayuu yiri taliyaha oo intaa ku daray inay xireen xafiisyadii Ashara ee magaalada Bahir Dar. Saraakiisha Axmaarada, militariga iyo booliiska ayaan wax hadal ah ka bixin dhacdooyinka.