Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta xafiiska ku wareejiyay madaxweynaha cusub ee la doortay, Xasan Sheekh Maxamuud. Laakiin dad badan waxay iswaydiinayaan tallaabada xigta ee uu qaadi doono Farmaajo.
Balse waxaa muuqata in dhegta loo taagayo mustaqbalka madaxweynihii hore iyo waxyaabaha hadda la gudboon, maadaama uu maanTa si rasmi ah xil wareejin u sameeyay.
Haddaba kuwani waa afar arrimood oo ka mid ah waxyaabaha sida gaarka ah looga dhowrayo.
Xaguu dagayaa?
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee ay su'aashu ka taagan tahay waa halka uu saldhig ka dhiganayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Tan iyo markii ay doorashada soo idlaatay, waxaa socday qabanqaabada lagu diyaarinayay guriga uu dagayo madaxweynaha ka tagay xilka.
Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi, ayaa warfidiyeenka u xaqiijiyay in madaxweynihii hore uu dagi doono dalka gudihiisa, dibaddana uusan u soconin.
Inkastoo aan faahfaahin buuxda laga heynin, waxaa lasoo tebiyay in Farmaajo uu kireystay guri ku yaalla waddada u dhaxaysa isgoyska KM4 iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle. Aaggan oo dadka qaar u yaqaanaan aagga qadka cagaaran, halkaas oo ay degenyihiin madaxdii hore ee dalka iyo kuwa hadda jooga qaarkood. Waa goob amnigeeda adagyahay, dadka caadiga ahna aysan galaangal u lahayn.
Xitaa qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah waxay shaaciyeen in guriga cusub ee Farmaajo uu horay u dagganaan jiray Madaxweyne dowlad goboleedyada ka mid ah.
Dhulkan oo ka sokeeya garoonka ayaa waxaa qeyb ka mid ah ku ooli jirey mac-hadkii tabobarka farsamada gacanta ee Jarmalka, balse sanadihii burburka kadib waxaa daganaa dad barokacayaal ah, kuwaas oo laga kiciyay xilligii dowladda ka horeysay tan Farmaajo.
Filashada taageerayaashiisa
Ka hor inta uusan Farmaajo noqonin Madaxweynaha Soomaaliya iyo markii xilka loo doortay kaddibba waxaa muuqday taageero xoog leh oo uu ku leeyahay shacabka Soomaalida.
Su'aalaha ay dadka la dhacsan fikirka iyo maamulka Farmaajo iswaydiinayaan waxaa ka mid ah nooca ay yihiin barnaamijyada uu ugu talogalay, maadaama uu hadda kasoo faraxashay shaqadii mashquulka badnayd ee hoggaaminta qaranka.
Ugu yaraan waxaa laga dhowrayaa in uu shaaciyo tallaabadiisa siyaasadeed ee xigta, ilaa haddana ma muuqdo wax qorshe ah oo ku aaddan in uu dalka ka baxayo.
Waxaase la xasuustaa in toban sano ka hor markii laga wareejiyay xilka Ra'iisul Wasaaraha, inta uusan madaxweyne noqonin, uu durbadiiba aaday qurbaha. Balse hadda maadaamaa uu dalka degayo, waxaa durba taageerayaashiisa ay is weeydiinayaan qaabka madaxweynihii hore uu u jihayn doono iyo barnaamijyada ay ka filan doonaan.
Xildhibaannimo
Sida ku xusan dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya, qof walba oo noqda madaxweyne rasmi ah oo aan kumeel gaar ahayn waxa uu xaq u yeelanayaa inuu xubin joogto ah ka noqdo baarlamaanka federaalka, gaar ahaan Golaha Shacabka. Xubintaasi oo ah xubin sharafeed.
Cid kasta ayaa hadda filan karta in Farmaajo uu kasoo muuqdo hoolka shirarka ee Baarlamaanka, si la mid ah xildhibaannada kale lasoo doortay. Waxaa xusid mudan in baarlamaanka ay ku jiraan illaa 110 xildhibaan oo isaga taageersan, lana dhacsan qaab hoggaamintiisa.
Madaxweynaha hadda la doortay, Xasan Sheekh Maxamuud, oo horay mar kale xilka usoo qabtay ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa xildhibaanka kaliya ee haystay kursiga joogtada ah ee baarlamaanka.
Kan waxaa lagu tilmaami karaa qodobka ugu wayn ee sharraxaaddiisa laga sugayo Farmaajo.
Habeenkii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii xilka madaxweynaha ee uu ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud, Farmaajo waxa uu goobta ka sheegay in uu Alle u baryayo madaxweynaha cusub si uu howsha ugu fududeeyo, isagana uu la shaqayn doono.
Maalmihii xigayba waxa uu madaxweynaha baddalay kusoo dhaweeyay xafiiska madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Durbana waxaa muuqday in ay soo idlaatay xiisaddii siyaasadeed ee labada mas'uul horay uga dhaxaysay
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qudhiisa ayaa khudbaddii uu maanta ka jeediyay xil wareejinta kusoo hadal qaaday isla mowduucan. Waxa uu u muuqday inuu taageerayaashiisa ugu baaqayay inay la saftaan dowladda cusub.
"Shacabka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo taageerada ay i siiyeen shantii sano iyo sida dhow ee walaaltinnimada leh ee ay noola shaqeeyeen. Waxaana rabaa inaan la dardaarmo oo aan ku dhaho waa inaad la shaqaysaan madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud.
"Doorashadii way dhammaatay, hadda waxaa la galayaa waqti shaqo, shaqada uu hayo madaxweynuhuna wuxuu u qabanayaa umadda Soomaaliyeed, sidaas darteed, aan ku garab galno, u midowno, ku taageerno, maxaa yeelay waxaan nahay dal kasoo kabanaya burbur aad u qota dheer," ayaa ka mid ahaa erayada uu kusoo gabogabeeyay khudbaddiisa.
Shirkadda Google ayaa sheegtay in xafiiskeeda ku yaalla dalka Ruushka uu awoodi waayay inuuiska bixiyo mushaharaadkii shaqaalaha iyo lacagihii ku baxayey alaabooyinka uu adeega ku bixiyo, waxaana shirkaddu ay sheegtay inay haatan xeraynayso in xafiiskaasi uu kacay ama uu musalafay.
Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in shirkaddan laga leeyahay dalka Maraykanka ee Google xafiiskeeda Ruushku, inuu qoraal u gudbiyey xafiiska diiwaanka qaranka ee Ruushka, kaas oo ay ku caddaynayso in shirkaddaasi ay gebi ahaanba kacday ama musalaftay.
Shirkadda Google ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in sababta ugu wacan in xafiiskeeda Ruushku inuu kaco inay ahayd, ka dib markii maamulka dalka Ruushku uu la wareegay lacagohoodii u yaallay bangiga, waxaana taasi keentay inaan la sii wadi Karin shaqadii ay ka hayeen dalkaas, gaar ahaan inay bixiyaan musharaadka shaqaalaha iyo bixinta kharashiyaadka kale.
Shirkadda Google oo hore u joojisay hawlihii ganacsi ee ay ka wadday dalka Ruushka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto adeegyadeeda bilaashka ah gaar ahaan dhinaca baadhista macluumaadka, Youtube, Gmail, Google Maps iyo weliba barnaamijkooda dhinaca mobile-ada iyo computers-ka Andriod.
’
Sanadkii hore waxaa caan baxday kalmadda ah "Igaarkaygii Farxaanoow ka joog, dhiiqaa lugaha laguu galinooyaa", taas oo uu shir jaraa'id ka sheegay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasi ka mid ahaa madaxda mucaaradka.
Ma ahayn hadal kaftan iyo maad looga gol lahaa, wuxuu Xasan Sheekh ka hadlayay saraakiil ciidan oo lagu eedeynayay in ciidamada ay u horkaceen ku milanka siyaasadda.
Hadda Xasan waa madaxweynaha dalka, boqolka maalmood ee ugu horeeyana waxa laga filayaa in uu isbadel ku sameeyo hoggaanka ciidanka. Haddaba maxaa kala gudboon saraakiishii uu ku eedeynayay in ay siyaasadda ku milmeen, isagana maka baaqsan doonaa in ciidanka ay sidaasi noqdaan inta uu xukunka hayo?. Waxaan su'aalahaasi hordhignay qabiir dhanka amniga ah.
Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ayaa is weydinayaa suurtagalnimada in madaxweyne Xasan Sheekh uu dabagal ku sameyn doono taliyeyaashii ciidamada ee horraan siyaasadda ku milmay ama in kale? Xasan Sheekh wuxuu xilliggaas ka tirsanaa mucaaradka Soomaaliya, wuxuu kamid ahaa mas'uuliyiintii dhaliili jirtay dowladda Madaxweynaha xilka ka degayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xasan Sheekh oo horraan kamid ahaa mucaaradka Soomaaliyaa ayaa waxaa si weyn loo hadal hayay 'dignintii uu siiyay' , isaga oo si gaar ah ula hadlayay taliyaha haatan ee gobolka Banaadir Farxaan Qaaroole kaas oo markaas uun loo magacaabay xilkaas kadib markii taliyihii ka horeeyay Saadaq John uu kasoo horjeedsaday go'aamaddii muddo kororsiga.
Madaxweynaha cusub waxaa laga sugayaa marka uu soo dhiso xukuumaddiisa in uu soo magacaabo taliyeyaashaa ciidamada qaar sida ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda.
'Ciidamadii horey siyaasadda ugu milmay'
Samiira Qeyd oo ka faaloota amniga gobolka ayaa BBC u sheegtay in madaxweyna cusub uusan wax dabagal ah ku sameyn dooniin saraakiishii ciidamada ee la sheegay in siyaasadda ay ku dhex milmeen.
"Uma maleynayo in ciidamada wax laga qaadi doono, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbaddiisa ku sheegay aarsi ma jiri doono, waxyaabo dabaglkooda muhiim ma ahan, hadda waxaa loo baahan yahay in la isku keeno dadkii kala tegay marka hore waa in soo dhiso xukuumaddiisa markaas baa taliyeyaasha wax laga baddali karaa"
Waxay intaas ku dartay in taliyeyaasha ciidamada aanan dusha laga saari karin wax eed ah maadama ay qaateen amarka madaxdooda.
"Taliyeyaashii hore uma maleyn maayo in eeda dusha laga saari karo, waxay ahaayeen ciidan amar la siiyay oo qaatay amarkii madaxdooda, ma umaleynayo in dabogal dheeraad ah lagu sameyn doono ciidamadii siyaasadda ku milmay waa in ciidamada isbaddal lagu sameeyo, xuquuqdana la dhowraa"
"Madaxweynaha la doortay qofka uu soo magacaabo waxay ku xiran tahay madaxweynaha dhaqankiisa hadduu isaga ciidanka u isticmaalo in uu Shabaab kula dagaallamo in uu waddanka ku xoreeyo ama in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada, isaga dhaqankiisa ayaa laga arki doonaa laakiin hadduu ciidamada u isticmaalo siyaasadda dhaqankiisana haddii ay sidaas noqoto, waa suurtagal qofka la magacaabo in uu qaato amarka madaxda magacaawday" ayay tiri Samiira.
Dib u habeynta ciidamada
Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey uga hadlay arrimaha ciidanka ayaa sheegay in ciidamada qaar aysan lahayn sharci ay ku dhisanyihiin iyo waxyaabo kala xadeeya, loona baahanyahay dib u habayn badan.
Qeybo badan oo kamid ah deegaannada dalka waxaa gacanta ku haya ururka Al Shabaab, mar kasta waxaa weeraro iyo qaraxyo ay geystaan Shabaab. dalka waxaa ku sugan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuwaas oo ilaaliya goobaha muhiimka ee dowladda, sida Tendhaha Afisyoone oo ay doorashada ka dhacday.
Samiira Qeyd waxay qabtaa in shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha ay tahay dib u habeynta ciidamada.
"Dib u habeynta ciidamada oo muddo labo sano aan wax laga qaban, waa in uu dib u habeyntii bilaabo si uu kooxdii joogtay uu kala kaashado wixii la qabtay oo uu ogaado wixii laga qaban laha..waxaan u maleynayaa in dib u habeynta ciidamada ay tahay shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha cusub"
Xurguftii Imaaraaadka iyo Qatar iyo guusha Xasan Sheekh
Madaxweynaha cusub waxaa horyaalla caqabaddan, waxaana laga doonayo in uu wax ka qabto amni darrada ka jirta dalka.
Ciidamada Soomaaliya ayaan wali si buuxda gacanta ugu dhigin amniga
XIGASHADA SAWIRKA, SONNA
Qoraalka sawirka,
Ciidamada Soomaaliya ayaan wali si buuxda gacanta ugu dhigin amniga
Dalalka beesha caalamka waxay dowladda Soomaaliya ka taakuleeyaan dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya.
Britain ayaa magaalada Baybdho ka bilowday barnaamij ay ku tababareyso ciidammada qaranka Soomaaliya.
Maraykanka wuxuu tababarayaa oo uu qalabaynayaa ciidmada Danab halka Turkiga uu isagana wado tababaridda sarakiisha ciidanka soomaliya.
Madaxweynahan cusub waxaa hor taalla shaqadan si loo helo ciidamo qaran oo si buuxda ula wareego gacan ku heynta amniga Soomaaliya, taasoo waddada u xaarta in hawolgalka ATMIS la soo gabgabeeya.
Saraakiisha xildhibaanada noqday
Saraakiishii ciidamada amniga intooda badan ee lagu eedeynayay ku milanka siyaasadda iyo hawlgalada siyaasadda la xiriira ayaa ku biiray baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Taliyeyaasha qaar sida taliyaha NISA iyo kan Asluubta ayaa sidoo kale ku biiray baarlamaanka, waxaana hadda Xasan Sheekh laga sugayaa in uu mas'uuliyiin cusub u magacaabo hay'adahaasi.
Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Saalax Almuwallad.
Safiirka oo guddoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa ayaa sidoo kale, ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka labada dal ee walaalaha ah.
Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta si rasmi ah uga furmay imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada.
7,589 Ardey ayaa guud ahaan koonfur galbeed sanadkan u fariisaneysa imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad, waxaana furitaanka imtxaanka ka qeyb galay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlmaanka Koonfur Galbeed , wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada, Agaasimha Guud ee Wasaaradda, hawl wadeeno iyo agaasime waaxeedyo ka socda wasaaradda waxbarashada.
Mas’uuliyiintii madasha furitaanka imtixaanka ka hadlay ayaa sheegay in dadaal xooggan ku bixinayaan sidii ardayda kaalmaha hore gala ku heli lahaayeen waxbarasho lacag la’aan oo dugsiga sare ah.