https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Friday, May 20, 2022

DEG DEG Xasan Shiiq Oo Albaabada Ka Xirtay Axmed Madoobe, Qilaafka Cidda...

Daawo Dood Iyo falanqayn Khatrata Uu Wajahayo Xassan Sheeq Iyo Dabannadi...

George Bush: Sidee looga jawaabay hadalkii ka soo fakaday Bush ee ku saabsanaa Ciraaq


Former US President George W Bush pays tribute to the positive impact of immigrants on the country.

Madaxweynihii hore ee waddanka Mareykanka George W. Bush ayaa wajahaya dhaleecayn ballaaran kaddib markii uu si aan ku talogal ahayn Vladimir Putin ugu cambaareeyay weerarka lagu qaaday "Ciraaq", isagoo markii dambe hadalkiisa saxay oo sheegay inuu ula jeeday Ukraine.

"Natiijada ayaa ah in markii aanay gudaha Ruushka ka jirin cid eegta oo isu dheelli tirta [talaabooyinka dowladda], iyo marka go'aanka hal nin lagu qaado dagaal ballaaran oo aanan cudurdaar lahayn oo gardarro ah kaas oo lagu galay Ciraaq - waxaan ula jeedaa Ukraine," ayuu Bush yiri habeenkii Arbacadii mar uu khudbad ka jeedinayay xaruntiisa madaxweyne ee Dallas, ee gobolka Texas, halkaas oo uu uga hadlayay muhiimadda ay leedahay doorashada caddaaladda ah.

75-jirkan hore madaxweynaha uga soo noqday waddanka Mareykanka ayaa si kaftan ah khaladka ka dhacay ugu eedeeyay da'diisa, oo intuu madaxa ruxay isagoo doonaya inuu khaladka uu sameeyay saxo ayuu ka qoslisiiyay dadkii khudbaddiisa daawanayay.

"Ciraaq xitaa waa sidaas oo kale - sikastaba oo uu xaal ahaadaba," ayuu ku daray, ka hor inta uusan arrintaba ka gudbin isagoon wax sharraxaad ah ka bixin

Mr Bush waxa uu madaxweyne ka ahaa Mareykanka markii dagaalka uu Mareykanku hoggaaminayay lagu qaaday dalka Ciraaq sanadkii 2003-dii, waxaana waddankaas lagu eedeynayay inuu haystay hubka wax gumaada, inkastoo aan laga helin.

Falcelinta barta Twitterka

Dad badan oo ka mid ah kuwa isticmaala barta Twitterka ayaa si wayn uga falceliyay hadalka uu jeediyay madaxweynihii hore ee waddanka Mareykanka George W. Bush, dadkaas oo isugu jiray kuwa aad u dhaliilayay, kuwa ka maadaysanayay iyo kuwa u cudurdaarayayba.

Hasayeeshee waxaannu halkan idinkugu soo gudbinaynaa qaar ka mid ah kuwii dhaliiyay iyo kuwo ka maadaysanayayba.

Marisa Kabas oo barteeda Twitterka ay dad badan ku xiran yihiin ayaa iyadoo ka falcelinaysa hadalka George W. Bush waxa ay sheegtay in haddii ay jirto wax ay u sheegi laheyd wiilkeeda 17-jirka ah ay u sheegi laheyd in Bush ay 17 sanadood ku qaadatay inuu qirto in sabab la'aan uu ku weerraray Ciraaq.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

John Fegulsang oo ah jilaa dadka madadaaliya ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in George W. Bush uusan hadalkaas ka fakan balse qirtay wixii uu hore u sameeyay.

Ka bood Twitter boggan, 2

Dhammaadka Twitter boggan, 2

Qof kale ayaa isna ku doodaya in George W. Bush uu ku dhiiraday wax dadka kale ay ku dhiirran waayeen. Aad baanan ugu faraxsanahay in haatan arrintaas la aqbalay.

Ka bood Twitter boggan, 3

Dhammaadka Twitter boggan, 3

Qof ka mid ah dadka isticmaala barta Twitterka ayaa arrinta cirka galiyay oo sheegay in Bush uu qirtay dambiyadii dagaal ee uu gaystay, arrintaas oo isaga la ah wax lagu kaftamo.

MI5: BBC-da oo daabacday warbixin ku saabsan nin sirdoon ah oo muddo laga hor taagnaa

MI5: BBC-da oo daabacday warbixin ku saabsan nin sirdoon ah oo muddo laga hor taagnaa


Digniin: Muuqaalkan waxaa ku jira sawirro naxdin leh

Nin jaajuus ah oo ka tirsan hay'adda sirdoonka gudaha ee dalka Ingiriiska - oo magaceeda loo soo gaabiyo MI5 - ayaa awooddiisa shaqada u adeegsaday si uu ugu argagixisyo haweeney saaxiibtiis ah, isagoo kaddibna dibadda u aaday si uu shaqadiisa basaasnimada usii wato xilli uu baaritaan ku socday.

BBC-da ayaa ogaatay xogtan oo ay dabagal ku samaysay.

Muuqaal la helay ayaa muujinaya ninkaas oo haweeneyda ugu hanjabaya inuu dilo, waxa uuna ku weeraray baangad.

Ninkan oo ajnabi ah magaciisa lama xusi karo, inkastoo caddeymo loo hayo in uu halis ku yahay dumarka, maadaama ay dowladdu maxkamad ku dacwaysay BBC-da si ay uga hor istaagto in la daabaco xogta.

Caddeymaha ayaa muujinaya in uu jaajuuskaas yahay xagjir ka tirsan garabka midig-fog, horayna u sameeyay waxyaabo qalalaase ah.

Kiis adag oo maxkamadda ka dhacay ayay shirkadda BBC-da ku doodday in haweenku ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan magaca iyo aqoonsigan ninkan, taasina ay dad kale ka ilaalinayso dhibaato soo gaarta.

Balse waxaa lagu guulaystay oo keliya in la iska celiyo isku daygii ay dowladdu ku doonaysay in lagu hor istaago daabicidda sheekadan.

Short presentational grey line

Beth, oo ah muwaadinad u dhalatay Britain ayaa ninkan basaaska ah kula kulantay barnaamij online ah oo lagu haasaawo. Lamaanaha ayaa gaaray ilaa heer ay si wadajir ah isula dagaan guri ku yaalla UK.

Markii hore, sida ay sheegtay, waxa uu ahaa "nin aad u fiican". Waxay u muuqdeen in ay meelo badan isku dabeecad ka yihiin.

Balse muddo kaddib, waxaa la ogaaday inuu yahay nin fikir xagjirnimo ah aaminsan, aadna u jecel qalalaasaha.

Beth - oo magaceeda dhabta ah uusan sidaas ahayn - ayaa sheegtay inuu u gaystay xadgudub galmo, dhibaato xoog lehna uu ku hayay.

Waxa ay sheegtay in uu awooddiisa shaqo ee laamaha amniga Britain u adeegsaday inuu ku cabsi geliyo iyada.

"Si buuxda ayuu ii xukumayay. Anigu waxaan ahaa qof ka duwan sida aan hadda ahay," ayay tiri.

Markii uu xiriirkooda isu baddalay mid qallafsan oo tacaddi ah, Beth caafimaadka maskaxdeeda ayaa xumaaday.

Waxa uu keensaday hub, waxa uuna ku khasbay in ay daawato muuqaallo ay kooxo argagixiso ah soo duubeen oo ku saabsan dad la dilayo, sida ay sheegtay.

Markii hore waxa uu ka qariyay magaciisa dhabta ah. Baaritaan ay BBC-du samaysay ayaa lagu ogaaday in ninka oo magaciisa aan u adeegsanayno xarafka "X" uu dhowr sano lasoo shaqeeyay hay'adda sirdoonka ee MI5.

Mid ka mid ah muuqaalada la helay ayaa laga arkayaa ninka sirdoonka ah oo Beth ku weeraraya baangad.

A sequence of the victim's mobile phone images shows her being attacked by the man with a machete (blurred)Beth telefoonkeeda muuqaal uga duubtay weerarka

X codkiisa ayaa muuqaalka laga maqlayaa isagoo sheegaya in uu dili doono gabadha, kaddib qolka ayuu ka baxayaa waxa uuna soo laabanayaa isagoo baangad wata - baangaddii ayuuna markaas kaddib madaxa ka saarayaa.

Marka ay u sheegto in muuqaalkan la gaarsiin karo booliska, X waxa uu bilaabayaa inuu weeraro isagoo hub gacanta ku haysta. Muuqaalka ayaa go'aya iyadoo qaylinaysa.

Waxaa haweeneyda u suurta gashay in ay iska dhiciso, balse saacado kaddib ayuu mar kale ku soo weeraray mindi, isagoo isku dayay in uu qoorta ka jaro. Waxa ay sheegtay in ay gacanta ka qaniintay si ay isga celiso.

Booliska ayaa tagay gurigooda marka uu weerarkaas dhacay kaddib, balse baaritaanka BBC-da ayaa muujinaya in tallaabada booliska ay ku dheehnaayeen arrimo aad u culus.

X waa la xiray, waxaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu weeraray Beth, maxkamad ayuuna kasoo muuqday.

MI5's London headquarters

Xarunta dhexe ee MI5 ay kuleeyihiin London

Hase yeeshee markii maxkamadda la geeyay, dacwad oogeyaashu waxay iska laaleen kiiskiisa.

Beth waxay sheegtay in X uu kusoo laabtay guriga uuna sii waday tacaddiga uu kula dhaqmayay.

Boolisku xog dhammaystiran kama aysan qaadanin Beth mana aysan ka qaadanin muuqaalka muujinaya in weerar loo gaystay.

Lamanaahan muddo dheer kuma aysan nagaanin wadajir. X ayaa Beth ka saaray guriga, isagana waxa uu baxay xilli uu ku socday baaritaan.

Mar ay boolisku baareen guriga uu weerarka baangadda ka dhacay, waxay heleen qalab muujinaya xagjirnimo - oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in X uu yahay Nazi (dadka aaminsan fikirka yuhuud nacaybka ah).

BBC-da ayaa aragtay caddaymo ay hayaan booliska, sida buug uu qoray X oo uu kaga hadlay dilka "yuhuudda". Waxa uu sidoo kale wax ka qoray inuu dilo Beth.

Saraakiisha booliska maxaliga ah ayaa wacay waaxda la dagaallanka argagixisada, kuwaasoo markii ay goobta tageen la wareegay qalab kala duwan.

Baaritaan ku saabsan argagixisannimo ayaa lagu bilaabay X balse waxa uu UK ka tagay isagoo wali baaritaankaas lagu wado.

Dhowr isbuuc kaddib bixitaankiisa, Beth waxaa ku dhacay xanuun dhanka dhimirka ah, isbitaal ayaana la dhigay.


  • Woman who spoke to the BBC - face disguised in darkness

Intii ay isbitaalka ku jirtay, qaar ka mid ah alaabteedii ay la wareegeen laanta la dagaallanka argagixisada ayaa loo soo celiyay qoyskeeda, waxaana halkaas geeyay nin aan magaciisa iyo aqoonsigiisa sheegin.

Qoysku waxay qiyaaseen in uu yahay qof ay isla shaqeeyaan X. Beth iyo qoyskeedaba ma aysan ka war qabin inuu socday baaritaan ku saabsan argagixisannimo.

Markii Beth isbitaalka laga soo saaray waxay cabasho u gudbisay booliska maxaliga ah, waxayna waydiisay sababta loo joojiyay kiiska, sababta loo qaatay alaabteeda iyo sababta uu qof aan la aqoonin usoo celiyay.

Boolsika ayaa hal sano ku qaatay inay waraysi ka qaadaan haweeneydan, waxayna ugu dambayn u sheegeen in aysan jirin wax la eego maadaama wax walba horay loo baaray. Taasi run ma ahayn.

Inta ay socotay cabashada ay Beth u gudbisay booliska, waxaa loo sheegay in boolisku aysan wax xog ah ka haynin la wareegista alaabteeda, balse ay ka war heleen in alaab la qaaday loona celiyay X.

Saraakiisha booliska u hadlay waxay sheegeen in aysan iyagu qaadin qalabka, baaritaankodana u adeegsanin, wax macluumaad ahna aysan ka haynin arrintaas".

Taasi run ma aha, maadaama boolisku markii ay walaac dareemeen ay durbadiiba waceen laanta la dagaallanka argagixisada.

Sidoo kale run ma aha sheegashada booliska ee ku saabsan in alaabta loo celiyay X - sababtoo ah alaabtaas waxaa loo geeyay hay'adda MI5.

BBC-da ayaa heshay xog sheegeysa in X markii uu dalka ka baxay uu tagay dibadda islamarkiina uu ka shaqo billaabay hay'ad sirdoon oo ajnabi ah.

Sirdoonka Mareykanka: Kuuriyada Koonfureed oo tarxiishay labo basaas oo ka socday Joe Biden

Sirdoonka Mareykanka: Kuuriyada Koonfureed oo tarxiishay labo basaas oo ka socday Joe Biden

US President Joe Biden disembarks from Air Force One during his arrival at Osan Air Base in Pyeongtaek, South Korea

Labo nin oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa la saaray diyaarad dib ugu celisay dalkooda kaddib markii ay ku lug yeesheen "muran buuq dhaliyay" oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed.

Raggan - oo qayb ka ahaa wafdi hor dhac ah oo Madaxweyne Biden uga sii hor maray Kuuriyada Koonfureed oo uu dhawan booqasho ku tagayo - ayaa cabitaan u doonto baarar kala duwan oo khamriga lagu cabo, sida ay tabiyeen warbaahinta Mareykanka.

Mid ka mid ah labada xubnood ee ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay in uu muran gacan ka hadal watay la galay darawal Taksi oo maxali ah.

Ma jirin cid la qabtay ama loo xiray arrintaas balse booliska magaalada Seoul ayaa baaritaan ku sameeyay dhacdada.

"Hay'adda sirdoonku way ka war qabtaa in ay dhacdo aan shaqada ku saabsanayn ku lug yeesheen labo ka mid ah shaqaalaheeda, taasoo noqon karta ku xad gudub nidaam", ayuu yiri afhayeen u hadlay laanta Sirdoonka Mareykanka oo bayaan soo saaray.

Waxa uu sarkaalkani sheegay in labada nin ee shaqaalaha ahba loo diray fasax uu maamulka ka warqabo, maqnaanshahoodana uusan saamayn ku yeelan doonin safarka Mr Biden.

Socdaalka uu Madaxweynaha Mareykanka ku tagayo Seoul ayaa noqonaya lugta koowaad ee booqasho afar maalmood ah oo uu ku marayo dalal ka tirsan qaaradda Aasiya, xilli uu gobolkaas kusii kordhayo walaaca laga qabo awoodda militeri ee Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi.

  • Secret Service agent

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay warbaahinta ay BBC-da bah wadaagta yihiin ee Mareykanka ku taalla, CBS News, in labada xubnood ee sirdoonka ka tirsan - oo kala ah wakiil khaas ah iyo khabiir amni - loo diray dalkooda hooyo galabnimadii Jimcada ee maanta.

Waqtiga la tarxiilay ayaa ahaa qiyaastii hal saac ka hor inta uusan Madaxweyne Biden booqashadiisa rasmiga ah ku tegin caasimadda Kuuriyada Koonfureed.

Sida ay tebisay warbaahinta CBS, maamulka ayaa baaritaan ku samayn doona in raggan ay saqraan ahaayeen xilliga ay arrintu dhacaysay, halkii la baari lahaa dhacdada lafteeda.

Ma cadda sida uu ku billowday gacan ka hadalka dhex maray sirdoonka iyo ninka darawalka ah.

Labada xubnood ayaa marka uu dagaalku dhacayay ku sii noqonayay hoteelka ay daganaayeen ee Grand Hyatt.

Booliska maxaliga ah, ciidanka amniga hoteelka iyo labo qof oo kale ayaa la sheegay inay ku soo baxeen dhacdada.

Booliska Seoul ayaa baaritaan ku sameeyay mid ka mid ah shaqaalaha sirdoonka, iyagoo waraystay dhinacyada kale, balse waxay go'aansadeen in aysan xarig samaynin ama dacwad furin.

NATO: Xiisad cusub oo ka dhex bilaabatay Turkiga iyo labo waddan oo Yurub ka tirsan NATO: Xiisad cusub oo ka dhex bilaabatay Turkiga iyo labo waddan oo Yurub ka tirsan

NATO: Xiisad cusub oo ka dhex bilaabatay Turkiga iyo labo waddan oo Yurub ka tirsan NATO: Xiisad cusub oo ka dhex bilaabatay Turkiga iyo labo waddan oo Yurub ka tirsan

Erdogan

Dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine 24-kii bishii February waxa uu abuuray walaac ay dalalka qaarkood ka qabaan amnigooda, gaar ahaan waddamada ku yaalla qaaradda Yurub.

Suurtagalnimada in dagaalkan - oo ah kii ugu waynaa ee Yurub ka dhacay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka - uu ku fido waddamo kale ayaa dhalisay walwal amni oo soo food saaray dalalka aan xubnaha ka ahayn Isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ee NATO. Tan iyo markii Ukraine la weeraray, dalkii ugu horreeyay ee dalbada in uu Nato ku biiro waa Finland, oo xuduud dhirirkeedu yahay 1300 oo kiiloo mitir la wadaaga Ruushka. Finland waxa ay doonaysaa inay ka faa'iidaysato qodobka 5-aad ee gaashaanbuurta Nato oo ku saabsan sugidda amniga saaxiibbada. Sweden ayaa noqday dalka labaad ee soo raaca jidka uu maray waddanka ay deriska yihiin ee Finland, waxayna dowladda Sweden sidaas kusoo afjartay dhaqan u yaallay muddo 200 oo sano ah oo dhigaya inay dhexdhexaad ahaato.Tallaabada labadan dal waxaa loo arkaa mid taariikhi ah, Mareykanka ayaana durba ku dhawaaqay in uu si buuxda u taageersan yahay rabitaankooda.Hase yeeshee, Turkiga oo xubin muhiim ah ka ah NATO ayaa hor taagan in Finland iyo Sweden ay ka mid noqdaan Nato, taasoo xiisad cusub ka dhex abuurtay dhinacyada.

Madaxweynaha Finland, Sauli Niinisto iyo boqorka Sweden Carl Gustaf oo ku kulmay Stockholm

Madaxweynaha Finland, Sauli Niinisto iyo boqorka Sweden Carl Gustaf oo ku kulmay Stockholm Ujeeddada ay Ankara u diiddan tahay isku dayda labada dal ee reer Yurub waa in ay dalalkaas ka mid yihiin dowladaha taageera kooxaha PKK iyo YPG oo Turkiga looga arko ururro argagixiso ah.Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan ayaa si kulul uga hadlay mowduucan, isagoo sheegay "in uusan marnaba aqbali doonin in kooxo argagixiso ah ay qayb ka noqdaan Nato".Mowqifka Turkiga ayaa albaabka u furay xasarad cusub oo ka bilaabatay isbahaysiga Nato gudihiisa. Waxaase su'aalo la iska waydiinayaa sida ay dalalkan iyo xunbaha kale ee Nato arrinta uga dhaadhicin karaan Turkiga.

Muxuu Turkiga uga soo horjeestay rabitaanka Finland iyo Sweden?

Turkey oo Nato xubin ka ahaa tan iyo sanadkii 1952-kii waxa uu mar walba mowqif ka taagnaa isla markaana taageeri jiray hannaanka albaabka furan ee NATO, oo waddamo badan uu kusoo dhaweeyay. Xitaa xilligii uu socday Dagaalkii Qaboobaa ee dunida waxa uu aqbalay in isbahaysiga ay kusoo biiraan waddamo horay uga tirsanaan jiray Midowgii Soviet ee Ruushka, kuwaasoo kusoo qulqulay gaashaan buurta intii u dhaxaysay 1999-kii ilaa 2004-tii.

  • Mareykanka ayaa si buuxda u taageeray dalabka Finland iyo Sweden

Mareykanka ayaa si buuxda u taageeray dalabka Finland iyo Sweden Balse sababta uu u diiddan yahay isku dayda Sweden iyo Finland waa in labadan waddan ee reer Scandinavia aysan taageersanayn dagaalka uu Turkiga kula jiro kooxaha uu ugu yeero argagixisada iyo waliba in ay si buuxda u garab taagan yihiin jabhadda YPG ee ka dagaallanta waddanka Suuriya, qaybtana ka ah ururka PKK. Xukuumadda Ankara ayaa Finland iyo Sweden ku eedeysa inay marti geliyaan xubnaha PKK.Waxa uu Turkiga sidoo kale Sweden ku eedeeyaa in ay qalab militeri iyo dhaqaale ku caawiso dagaalyahannada kooxda YPG.

Isagoo taas ka aargoosanaya ayuu Turkigu ku gacan sayray dalab ay Sweden ku doonaysay in loo soo gacan geliyo 21 qof oo ay dambiyo u haysato, halka Finland uu u diiday inuu ku wareejiyo 12 oo ay doondoonayso.Labadan waddan ayaa horay Turkiga ugu soo rogay cunaqabatayn dhanka hubka ah kaddib markii ay Ankara billowday howlgalka militeri ee waqooyiga Suuriya sanadkii 2019-kii.

Gawraca Sweden | Burburka Yurub oo soo degdegaya | Waddadii Ukraine!

XOGTA Riyada Erdogan oo Rumowdey Turkiga Diyaaradaha Dagaalka Qarsoodiga...

XOGTA: Weerarka Cusub ee Turkiga lagu soo qaaday | Turkiga oo Laga Saara...

fanaanka cumar shooli oo maraykanka laga soo tarxiilayo

Mareykanka: Cumar Shoolli muxuu ka yiri qorshaha loogu musaafurinayo Soomaaliya? 13 Daqiiqadood ka hor Cumar Shooli XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cismaan Macaane oo loo yaqaannno Cumar Shoolli, ayaa walaac ka muujiyay in dalkii uu inta badan noloshiisa ku soo qaatay, carruur badanna uu ku dhalay laga tarxiilayo. "Waxaa xaqdarra ah anigoo Mareykanka shan carruur ah ku dhalay oo ku soo koray kuna soo barbaaray, noloshayda kala barna Mareykanka joogay, in carruurteyda la iga diro oo ay halkaas ku dayacmaan," ayuu Cumar Shoolli u sheegay weriyaha BBC Somali ee Mareykanka. Waxa uu sheegay in dacwaddiisa ay haatan meel wanaagsan marayso, oo uu u maqanyahay racfaan uu ka qaatay go'aan hore looga gaaray. Haddaba maxay tahay sababta keentay in Soomaaliya dib loogu celiyo? "2003 ayey aheyd markii aniga iyo wiil aan saaxiibbo nahay oo wata qaad ay booliska na istaajiyeen, booliska Mareykankana qaadka maandooriyayaasha ayuu ugu jiraa walow Soomaalida uu caadi u yahay, kaddibna maxkamadda ayaa nala geeyay," ayuu yiri Cumar Shoolli Fannaan Cumar Shoolli ayaa sheegay in hanjabaad joogta ah ay uga timaado ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya kuwaas oo farriimahooda ugu soo gudbiya baraha ay bulshada ku wada xiriiraan: "Dhowr jeer ayey isoo waceen [Shabaab] oo dhowr jeer ayey farriimo iisoo direen, oo baraha bulshada laga arki karo, dowladda Mareykankana way aragtay middaasi," ayuu yiri Shoolli. Bulshada Soomaalida ee ku nool waddanka Mareykanka ayuu ka codsaday inay gacan ka siiyaan in dowladda aanay tarxiilin maadama uu khatar ku wajihi karo dalkiisa haddii dib loogu celiyo. 'Dowladda Mareykanka ayaa I leh meeshaas laguma gayn karo' Waxa uu sharraxay sababta uu uga walwalyo in dib loogu celiyo dalkiisa hooyo "Waxaan uga walwalayaa dowladda Mareykanka ayaa i leh meeshaas laguma gayn karoo o ammaan kuma helaysid sababtoo ah caddaynta ayey arkeen." "Nin waddankiisa nacaayo ma jiro, aniga waddankeyga waan jeclahay oo shanta Soomaali ayaan ahay nin reer Xamar dhalad ah ayaan ahay," ayuu sii raaciyay. Shoolli ayaa u malaynaya in fankiisa uu gacan ka siiyay in dowladda Mareykanka aanay ku degdegin inay Soomaaliya u musaafuriso: "Sababtaas waxay aheyd inaan ahay nin fannaan ah oo Mareykanka ku soo koray, waxaan iskudayay inaan wax badan ka badelay fanka Soomaaliya." Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed ee qarka u saaran in Mareykanka laga tarxiilo Fannaanka caanka ah ee darbi jiifka ahaan jiray Dowladda Soomaaliya oo xil u magacawday fannaan ka soo cararay Somaliland Maxaa fannaanimada u dheer Faarax Murtiinle oodan ka filayn Fannaankan ayey dhibaato wayn weli ka haysataa go'aankii dawladda Maraykanku ku soo rogtay sanadkii 2008 dii, kaas oo ahaa in la tarxiilo kaddib
markii lagu qabtay qaad sida uu sheegay. Cumar ayaa bannaanka muddo sanada ah waxa uu ku joogay damaanad, wax uuna walwal ka muujiyay in dhawaan loo soo diri doono warqaddii lagu musaafurin lahaa. Cumar wuxuu ka soo cararay Soomaaliya sanadkii 1996 dii oo ay dagaalo ka socdeen, wuxuuna gaaray waddanka Maraykanka. Sanadkii 2008 dii ayaa lagu xiray gobolka Minnesota kadib markii lagu qabtay daroogo, halkaas oo uu ku xirnaa muddo labo sano ah. Cumar waa aabe leh xaas iyo caruur, sidoo kale walaalihiis iyo waalidkiis ayay wada dagan yihiin gobolka Minnesota. Wuxuu bilaabay shaqada fannaanimada sanadkii 2013 kii. Heesihiisa jacaylka ah ayaa markiiba uu ku magacwayn oo ku yeeshay Soomaalida Maraykanka iyo dunida kale jooga intaba. Cumar Shooli Waxyaabaha aadka loogu xasuusta waxaa ka mid ah, muuqaalka hees uu soo saaray 2015 kii taas oo ay ku jirtay gabar uu qaawan yahay qayb ka mid ah jirkeeda. Arrintaas ayaa hadal hayn badan ka dhexdhalisay baraha bulshada Soomaalida. Shooli hadda wuxuu doonayaa in dhaqdo reerkiisa, magaciisa uu wanaajiyo, dibna boorka uga jafo heesihiisa. "Waxaan rabaa ina ahalgamo, ma awooda inaan kala maqnaano xaaskeyga iyo caruurteyd," ayuu yiri Shoolli " Kama tagi karo nolosha kaliya ee aan aqoonay waligeey".

Faahfaahin ka soo baxaysa Khasaaro ka dhashay dab ka kacay suuq ku yaalla Muqdisho

Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab xalay ka kacay suuq ku yaalo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. dabka oo kacay abaaro sideedi fiidnimo ayaa soo gaaray ilaa saqdii dhaxe ee xaley. Goobo ganacsi oo kala duwan ayaa dabkaasi xalay ka kacay suuqa isgoyska Banaadir baabi'iyay . Cabdiqani dhaloole agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka banaadir ayaa sheegay in dabkan sidoo kale dhaawacyo uu ka soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha dab-damiska
"Qaar ka mid ah shaqaalihii ku mashquulsanaa inay dabka damiyaan aya adhaawacyo kala duwan oo fudfudud ay soo gaareen waana dhaawac la maareyn karo oo ma aha wax culeys keeni kara", ayuu yiri Mr Cabdiqani Xaawo Axmed Yuusuf oo suuqa gubtay ku lahayd Carwo ayaa BBC u sheegtay in hantidii halkaasi u taalay ay wax yar uga badbaaday. "Wax yar oo aan waxbo ahayn, dhar yar ayaan hadda meel geynay oo uga nimid , waana calalo yaryar oo meeshan hore yaallay gudaha lamaba galin waa bislaatay" ayay Tiri Ganacasatada ay wax un u badbaadeen ayaa ka walwalsanaa intii uu dabka socday in laga dhaco alaabta maadama xili habeen ah ay ahayd. Mid ka mid dadka ay dukaamada ka gubteen Maryan jaamac Aadan waxay u soo gurmaday labo walaalaheed ah oo carwooyin uga gubteen suuqa waxa ay sheegtay in intii uu dabku socday ay tuugo rabtay in ay suuqa boobaan ay soo weerareen. "Tuugo baangado, mindiyo iyo toorreeyo wadato ayaa na soo weerartay, dadkii soo gali lahaa xitaa iyaga ayay ka soo gali waayeen, haddii aysan ahayn ciidanka dowladda dadka ayya naga dili lahaayeen oo ay laayni lahaayeen," ayay tiri Maryan Suuqa Banaadir ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii balaaranay maadama ganacsata ay goobahooda ganacsi u furanyihiin ilaa habeenkii xili dambe halka suuqa bakaaraha intiisa badan la xiro maqribka markii lag gaaro taa oo keentay in ay helaan macaamiil aad u badan Maxamuud C/casiis BBC Muqdisho

Taalibaan oo amartay in haweenka Afgaanistaan ee taleefishinnada warka ka akhriya ay qasab tahay inay wajiga dataan

Taalibaan oo amartay in haweenka Afgaanistaan ee taleefishinnada warka ka akhriya ay qasab tahay inay wajiga dataan Haweenka barnaamijyada tebiya - oo uusan wajiga u dadnayn - ayaa noqday kuwo iska caadi ah sanadihii la soo dhaafay Taalibaan ayaa waxa ay haweenka barnaamijyada ka soo jeediya taleefishinnada Afgaanistaan iyo haweenka kalaba ku amreen inay wajiga dataan markii ay ka soo muuqanayaan shaashadaha. Warbaahinta ayaa waxaa loo sheegay in xeerkaasi uu dhaqangeliyo Arbacada, waxaa sidaasi BBCda laanteeda afka Pashto-ga u sheegay afhayeenka booliska arrimaha diinta. Xukunkaas ayaa waxa uu imanayaa laba todobaad kaddib markii dhammaan haweenka la amray inay indhashareer xirtaan markii ay joogaan meelaha ay dadku isugu yimaadaan amaba ay halis ugu jiraan in la ciqaabo. Xayiraadaha lagu soo rogayo haweenka ayaa la adkeeyay - oo waxaa laga mamnuucay inay safraan iyadoo uusan la socon muxram, iyadoo la xiray iskuullada sare ee ay gabdhaha wax ka dhigan jireen. Mid kamid ah weriyayaasha haweenka ah ee Afgaanistaan oo ka shaqeysa taleefishin maxali ah oo saldhiggiisu yahay magaalada Kabul, oo aanan doonayn in la magacaabo ayaa sheegtay inay la amakaagday warkaasi ay maqashay. "Waxa ay na saarayaan cadaadis aanan toos ahayn si aan u joojinno barnaamijyada aan taleefishinnada ka soo jeedinno," ayey u sheegtay BBCda. "Sideen war u akhrin karaa anigoo afka uu ii daboolan yahay? Ma garanayo wax aan sameeyo haatan - waa inaan shaqeeyaa, qoyskayga aniga ayaa u shaqeeya," ayey tiri. Xeerkan cusub ayaa waxa uu dhaqangalayaa laga bilaabo 21-ka May, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo soo xiganaysa afhayeenka wasaaradda Farista Wanaagga iyo Reebista Xumaanta Haweenka barnaamijyada soo jeediya ayaa waxa ay dib ugu soo laabteen warbaahinta Afgaanistaan ee Tolo News, iyadoo mid kamid ah ay wareysi ka qaaday xubin ka tirsan Taalibaan Afhayeenka ayaa xukunkaas ku tilmaamay "talo" - mana cadda waxa ku dhici doona qofkii amarkaas fulin waaya. "Sida ku cad xogta la soo gaarsiiyay Tolo News, amarka ayaa waxaa la gaarsiiyay dhammaan warbaahinta Afgaanistaan," warbaahintaas ayaa sidaasi tebisay. Daalibaan-ka oo amarro adag kusoo rogay goobaha timaha lagu jarto ee Afghanistan Maxay Taliban u mamnuucday lacagaha qalaad? Maxay Taliban u mamnuucday lacagaha qalaad? Ninkii Mareykanka u leyn jiray Taliban oo hadda u shaqeynaya Taliban Go'aanka ayaa si wayn waxaa loogu dhaleeceeyay barta Twitterka, iyadoo dad badan ay tallaabadaas ku tilmaameen qaab kale oo Taalibaan ay ku dhiirigelinayaan xagjirnimada. "Dunida waxaa la isdhaafsanayaa maskiga afka lagu daboosho si loogaga hortago cudurka Covid-19. Taalibaanna waxa ay qaybinaysaa maskiga afka lagu daboosho sida dadka loogaga hor istaago inay arkaan wajiyada haweenka weriyayaasha ah. Marka Taalibaan haweenka waxa ay u yihiin cudur." Qof dadka xuquuqda u ololeeya ah ayaa bartiisa Twitterka sidaasi ku qoray. Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee Shamshad ayaa waxa ay baraheeda bulshada soo dhigtay mid ka mid ah weriyayaasheeda barnaamijyada soo jeediya oo mask xiran, iyadoo sawirro noocaasi oo kale ahna ay dadka kula wadaagtay barahaasi. Waqtigii Taalibaan ay maamuli jireen Afgaanistaan 1990-meeyadii ayaa waxa ay haweenka ku qasbeen inay meelaha fagaaarooyinka ku xirtaan dharka burqada kaas oo jirka oo dhan qariya. Dhaqdhaqaaqaasi xagjirka Islaamiga ah ayaa waxaa awoodda loogaga tuuray duullaan uu horkacayay Mareykanka oo dalkaas lagu qaaday 2001, wixii markaas ka dambeeyayna waxaa la khafiifiyay xayiraado badan oo ay hore u soo rogeen. Haween ka soo muuqanaya taleefishinka oo wajigooda la arkayo ayaa waxa ay noqotay wax iska caadi ah. Hasayeeshee markii ay awoodda dib ula wareegeen Agoostadii la soo dhaafay, kaddib markii ay ciidammadii shisheeye halkaas isaga baxeen, ayaa Taalibaan waxa ay ka gaabsatay inay soo saarto shuruuc cusub oo la xiriirta waxa ay tahay in haweenku ay xirtaan. Taas waxa ay sare u qaadday rajada ah in Afgaanistaan ay markan ku maamuli doonaan qaab dabacsan. Burqaha ayaa waxaa dhaqangeliyay Taalibaan 1990-meeyadii illaa iyo haatanna haweenku waa ay xirtaan Haween badan ayaa waxa ay weli xirtaa burqada, hasayeeshee magaalooyinka waa wayn ayaa sidoo kale waxaa caadi ka ah inaad aragtid haween weli qamaar xiran. Sikasta oo uu xaal ahaadase, horraantii bishan May ayaa wasaaradda Farista Wanaagga iyo Reebista Xumaanta waxa ay ku dhawaaqday in dhammaan haweenka ay tahay inay wajigooda dadaan markii ay joogaan meelaha ay dadku isugu yimaadaan, waxaana ay tilmaantay in burqaha uu yahay dharka ugu wanaagsan oo arrintaas lagu hirgelin karo. Qofkii diida inuu amarkaas raaco waxa uu halis ugu jiraa inuu wajaho ciqaab adag. Dumarka ayaa waxaa ilaaliya ragga qaraabadooda ah Waa maxramkooda ama mas'uulkooda lab, qofkaas oo inta badan ah nin qaraabo dhow ah, kaas oo ku qasbanaan doona in uu ilaaliyo dharkooda, haddii kale waxay la kulmi karaan ciqaab. Waxaa loo yeeri karaa si ay u arkaan mas'uuliyiinta wasaaradda, oo ay suurtagal tahay in xitaa saddex maalmood la xiro ama maxkamad loo diro. Iyaga oo dareemaya culayska xad-dhaafka ah ee cusub, haweenka qaar ayaa khatar gelinaya ammaankooda si ay u hadlaan. Koox ku sugan Kabul ayaa toddobaadkan mudaaharaad ka dhigay amarka dharka, iyaga oo xiran dharka dhaqanka ee Afgaanistaan. "Sideeddii bil ee la soo dhaafay Taalibaan waxba nooma aysan qaban marka laga reebo ilaalinta lebiskeenna. Waxaa jira xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid dhaqaale, Taalibaanna ma xallinayaan arrimahan marka hore," ayay tiri Maryam oo mudaaharaadaysay. Haween ku sugan Afgaanistaan oo kor u haya qoraallo ay uga soo horjeedaan amarka Taalibaan ee ah inay wejiyada dabooshaan Haween ku sugan Afgaanistaan oo kor u haya qoraallo ay uga soo horjeedaan amarka Taalibaan ee ah inay wejiyada dabooshaan Qaar ka tirsan dibadbaxayaasha ayaa BBC-da u sheegay in markii ay isku dayeen in ay waddooyinka isugu soo baxaan Talaatadii ay ka hortageen saraakiisha Taalibaan. "Waxay igu kallifeen in aan meel tagnaado muddo labo saacadood ah. Waxay iga qaateen taleefanka-gacanta, waxay noogu hanjabeen in ay saldhigga na geyn doonaan," ayay tiri Haajira.