https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: George Bush: Sidee looga jawaabay hadalkii ka soo fakaday Bush ee ku saabsanaa Ciraaq
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Friday, May 20, 2022

George Bush: Sidee looga jawaabay hadalkii ka soo fakaday Bush ee ku saabsanaa Ciraaq


Former US President George W Bush pays tribute to the positive impact of immigrants on the country.

Madaxweynihii hore ee waddanka Mareykanka George W. Bush ayaa wajahaya dhaleecayn ballaaran kaddib markii uu si aan ku talogal ahayn Vladimir Putin ugu cambaareeyay weerarka lagu qaaday "Ciraaq", isagoo markii dambe hadalkiisa saxay oo sheegay inuu ula jeeday Ukraine.

"Natiijada ayaa ah in markii aanay gudaha Ruushka ka jirin cid eegta oo isu dheelli tirta [talaabooyinka dowladda], iyo marka go'aanka hal nin lagu qaado dagaal ballaaran oo aanan cudurdaar lahayn oo gardarro ah kaas oo lagu galay Ciraaq - waxaan ula jeedaa Ukraine," ayuu Bush yiri habeenkii Arbacadii mar uu khudbad ka jeedinayay xaruntiisa madaxweyne ee Dallas, ee gobolka Texas, halkaas oo uu uga hadlayay muhiimadda ay leedahay doorashada caddaaladda ah.

75-jirkan hore madaxweynaha uga soo noqday waddanka Mareykanka ayaa si kaftan ah khaladka ka dhacay ugu eedeeyay da'diisa, oo intuu madaxa ruxay isagoo doonaya inuu khaladka uu sameeyay saxo ayuu ka qoslisiiyay dadkii khudbaddiisa daawanayay.

"Ciraaq xitaa waa sidaas oo kale - sikastaba oo uu xaal ahaadaba," ayuu ku daray, ka hor inta uusan arrintaba ka gudbin isagoon wax sharraxaad ah ka bixin

Mr Bush waxa uu madaxweyne ka ahaa Mareykanka markii dagaalka uu Mareykanku hoggaaminayay lagu qaaday dalka Ciraaq sanadkii 2003-dii, waxaana waddankaas lagu eedeynayay inuu haystay hubka wax gumaada, inkastoo aan laga helin.

Falcelinta barta Twitterka

Dad badan oo ka mid ah kuwa isticmaala barta Twitterka ayaa si wayn uga falceliyay hadalka uu jeediyay madaxweynihii hore ee waddanka Mareykanka George W. Bush, dadkaas oo isugu jiray kuwa aad u dhaliilayay, kuwa ka maadaysanayay iyo kuwa u cudurdaarayayba.

Hasayeeshee waxaannu halkan idinkugu soo gudbinaynaa qaar ka mid ah kuwii dhaliiyay iyo kuwo ka maadaysanayayba.

Marisa Kabas oo barteeda Twitterka ay dad badan ku xiran yihiin ayaa iyadoo ka falcelinaysa hadalka George W. Bush waxa ay sheegtay in haddii ay jirto wax ay u sheegi laheyd wiilkeeda 17-jirka ah ay u sheegi laheyd in Bush ay 17 sanadood ku qaadatay inuu qirto in sabab la'aan uu ku weerraray Ciraaq.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

John Fegulsang oo ah jilaa dadka madadaaliya ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in George W. Bush uusan hadalkaas ka fakan balse qirtay wixii uu hore u sameeyay.

Ka bood Twitter boggan, 2

Dhammaadka Twitter boggan, 2

Qof kale ayaa isna ku doodaya in George W. Bush uu ku dhiiraday wax dadka kale ay ku dhiirran waayeen. Aad baanan ugu faraxsanahay in haatan arrintaas la aqbalay.

Ka bood Twitter boggan, 3

Dhammaadka Twitter boggan, 3

Qof ka mid ah dadka isticmaala barta Twitterka ayaa arrinta cirka galiyay oo sheegay in Bush uu qirtay dambiyadii dagaal ee uu gaystay, arrintaas oo isaga la ah wax lagu kaftamo.

No comments: