nagala xiriir haddii wax caawin ku darsanaysid Email: raaadyare@gmail.com
tell: 00252907784206
Thursday, July 4, 2024
I am showing the world that it is here is a school that looks at the structure as it is and there are about 150 students studying and they are in the middle of it. Please we ask that we be helped because of humanity and Islam.
Dhiirigelin ay ka heshay saaxibadeed shaqada, qof dumar ah ayaa madax ka ah xarunta dhaqan celinta naafada ee Muqdisho

Xaliima Maxamed Cabdulle waa kalkaaliso caafimaad sare oo aqoon u leh ku daweynta hab duugmo iyo jimicsiga xubnaha naafoobay waana agaasimaha xarunta dhaqan celinta naafada ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed Muqdisho. ©Mari A. Mørtvedt/Norwegian Red Cross

Xaliima Maxamed Cabdulle, agaasimaha xarunta Dhaqan celinta naafada Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed Muqdisho halkaas oo bukaanada ku bartaan sida loo isticmaalo gacmaha iyo lugaha macmalka ah oo cusub. ©Mari A. Mørtvedt/Norwegian Red Cross

Dhammaadkii sanadkii 2016-kii Nasra Cali (5) waxaa ku dhacay qalal keenay dhaawac maskaxeed hadda waa markii ugu horeysay oo ay soconeyso. In ka badan 30 sano, xarunta dhaqan celinta naafada Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed Muqdisho bukaanada waxay siiyeen daweyn dhanka jirka ah. ©Mari A. Mørtvedt/Norwegian Red Cross
Saturday, June 29, 2024
Ethiopia, we are telling you that the country you are invading is the country that occupied a lot of land from you in 1977 until the Soviet Union supported you, Cuba, South Yemen and Libya. now they are ready to take over somali state
soomaaliya waa dal xor ah soomaaliya waxay leedahay shacab fur furan oo dhinac walba ka dhisan
shacabka soomaaliyeed waa dad har iyo habeen soo jeeda aanan la khiyaani karin
itoobiya iyo soomaaliya waxaa ay isaga horyimaadeen milliteri ahaan waxaana laga gaaray guul taariikhi ah
ka dib markii la arkay in shacabkii soomaaliyeed ay guul gaareen ayaa waxaa dhacday in itoobiya qayla dhaan u dirsato ruushka kuuba yementa koonfureed iyo liibiya ayagoo si toos ah dagaalka ugu soo biiray
ka dibna ay soomaaliya ku khasbanaatay iney ka baxdo dhulkii markii hore laga qabsaday
marka itoobiya waxay ku doodaa iney iyadu guul gaartay balse arinku sidaa ma ahan
dadku waa dadkii wadankuna waa wadankii 1977 markasta oo ay itoobiya ku fakarto duulaan ka dhan ah soomaaliya waxaa uga soo horeeya xinjiro iyo in ay maydad faraha ku qaataan
nama qabsan karaan nama maamuli karaan isku diin ma nihin isku dhaqan ma nihin
itoobiya tabarteeda ayaa la tusayaa dadka dhahaya waa dowlad lalama dagaalami karo itoobiya waa been
tusaale ahaan waxaa hada dagaal ka socdaa israaiil iyo xamaas sidaad ogtihiin waa cududa bariga dhexe waxa haystana waad aragtaan in ay horey u socon la,yihiin
waxaan saadaalinayaa hadii dagaal uu dhaco dhexmara soomaaliya iyo itoobiya gobolada naga maqan ayaan ka qabsanaynaa
Sunday, June 23, 2024
It is never important in your life that you spend a lot of time on social media every day
Marnaba muhiim uma ahan Noloshaada in aad Maaalin walbo waqti fara badan ku lumiso baraha bulshada hadana aadan wax uun ka akhrin Buug amaba Xitaa maqaal yar kaas oo aad wax uun ka faaiidi laheyd!
Maqaal lagu daabacay Majaladda Isbaanish ka ah ee lagu magacaabo Azsalud ayaa Qoraaga lagu magacaabo Bernat Caprispina Waxa uu ku dhahay Akhrisku waa howl u muhiim ah Nolol
Maalmeedkeena.
Khubarada wax darso waxa ay ku talinayaan in qeybyar oo waqtigeena kamid ah oo
aan ku qarashgareeyo wax aan xiiseyneeno, taas oo aan joogteyno in ay na jecleesiin doonto wax akhrinta.
Hadaba waxaa halkaan ku soo gudbineynaa 12 Qodob oo muhiim u ah wax akhriska waxaana lagu ogaaday Cilmi baaris lagu sameeyay Sayniska Casriga ah:
1. Nasiino: Wax Akhrisku waa hiwaayad Cajiib ah, Cilmi baaris lasameeye ayaa sheegeysa in Qofku haduu 10 daqiiqo si dagan wax u
akhriyo in Murqaha jirku dareemi doonaan nasiino sidookale waxa ay u fiicantahay Wadnaha, wax akhriska waxaa loo tixgaliyaa in uu yahay mid u fiican Werwerka. 2. Hurdo La’aanta: Sida badan qaarkeen waaba arkeen in markii uu qofku wax akhrinaayo uu Gam’o, Cilmi baaris ayaa ku talineysa in Wax akhrisku uu u fiicanyahay Hurdo la’aanta, Sidookale marka uu Qof wax Akhrinaayo waxa uu ka
fogaadaa in uu kafikiro Dhibaatooyinka Maalinlaha ah. 3. Fahamka Dadka kale: Cilmi Baaris laga sameeye Cilmi Nafsiga ayaa waxa ay sheegeysaa dadka sida joogtada ah wax u akhriyo in ay dadka kale u Fahmaan si fudud, sidookale in ay yihiin Dad aad u naxariis badan. 4. Dabacsanaanta: In aad hesho Neuroplasticity taas oo macnaheedu yahay Awooda ay Neerfaha isugu badalaan ayaa ah mid aad u muhiim ah waana wax laga helo wax Akhrinta, dadka wax akhriyo ayaa inta badan waxa ay helaanCaqli badan, Maskaxdoodana waxaa ku soo aruuro Fikrado farabadan, sidookale waxa ay awoodaan in ay xaliyaan dhibaatooyinka ka jiro hareerahooda. 5. Xasuus Kicinta: Qodobkaan oo sidhaw ulaxariiro Qodobki kahoreeye ayaa waxa uu dhiiragalinayaa in wax akhrisku muhiim yahay, waxa uu sidookale kugu dhiiro galinayaa in aad hadaba bilaawdo wax akhrin, Cilmi Baaris ayaa ku talineysa in joogteynta wax akhrinta ay tababar muhiim ah utahay maskaxda sidookale in ay qofka gaarsiin karto heer aad u
sareeyo, Qofka joogteeyo Wax Akhrinta waxa uu helaa Xasuus dagdag ah iyo Sameynta Fiirogaar ah. 6. Qani kanaqasho Dhanka Erayada ah: Waa hubaal hadii aad wax badan akhriso, kuna Akhriso luuqado kala duwan in aad heli doonto erayo cusub marwalbo, hadii aad joogteysana waxaa Qani ka noqon doontaa xaga Erayada. 7.Guul Dhanka Xirfadda ah: Shaki kuma jiro in uu Xariir kadhaxeeyo wax akhrinta iyo guulaha dhanka Xirfada ah, Maamulayaal badn oo ka howlgala shirkado waaweyn ayaa
aaminsan in Wax akhrintu ay qeyb weyn ka qaadatay guulahooda. 8. Horumar Dhanka Caqliga ah: Waxaa shaki la’aan ah in Akhriska badan uu Qofka kadhigo mid aad u Caqli badan Maxaa yeelay Akhriska waxa uu kor u qaadaa shaqada Maskaxda, Sida jirkuba ugu koro wax cunida ayay maskaxduna ugu kortaa wax Akhrinta badan. 9. Kordhinta Nolosha Qofka: Tan macnaheedu Ma ahan in hadii aad wax Akhriso ay sanado badan kuu kordhi doonaan ee waa in aad dadka kale ee kula midka ah
aad ka horeyn doonto marwalbo uu akhriskaagu bato, taaso oo lamicno ah in aad ogaato waxbadan oo aysan dadka kula midka ah ogeyn. 10. Cilmi: Barashada ugu wanaagsan ee uu Qofku sameeyo waa Wax akhrinta, Isha ugu wanaagsan ee uu qofka cilmihga kahelo waa Akhriska Faraha badan, sidookale tan waxa ay meesha ka saareysaa shakigii ah in ay adagtay in wax labarto. 11. Ka Faaiideysasho Dhanka Waqtiga ah: Waayadaan danbe Dadka waqtiga ugu badan waxa ay kulumiyaan Safarka, hadii
uu safarkaaga Qaadanaayo Xitaa 15 Daqiiqo, Wax uun Aqri, Markaas waxaa ka faaiideysatay Waqtigii yaraay sidoo kale waxaad ogaatay wax cusub oo horay kaaga maqnaay. 12. Horumar Dhanka Khiyaaliga ah: Cilmi baaris Saynis ah ayaa sheegeysa in Wax akhrisku uu furo maskaxda, Sidookale horumar xoogan ayay sameeyan dadka jecel waxyaabaha Khiyaaliga ah marka ay akhrinayaan buugaagta ka hadlo khiyaaliga.
Tuesday, June 18, 2024
ETHIOPIA'S DESIRE FOR THE SOMALIA SEA AND THE PREPARATION OF THE SOMALI PEOPLE.
SIDAAN ARAGNAY WAXAA NALA GUDBOONINAAN KA DAGAALLANO OO AAN KA DOORANO GEERI SABABTOO ah
annaga waan tagaynaa sii joogi mayno waxaa naga haraya waa jiilka nagu xiga marka waa inaan
jiilka naga haraya aan gobanimo uga tagnaa si ayaguna ilmahooda sidaasoo uga tagaan xorriyad
iyo gobanimo
itooboya maanta kuma fakarin baddeena sheegato iyada oo ay kumaqantahay dhul dhan 337,450 km iskuweer ah
waana waali ay kaga go,i karaan soomaali galbeed
itoobiya kumanyaal sano ayey ku taameysey iney badeheena xoog ku qaadato
balse hadba marka ay isku dayaan iney soo ruuqaansadaan dhanka soomaaliya
waxaa hor israagayey xoolo dhaqato ayagoo dabada uga dhacayey ciidamada itooiya
maanta oo uu raysal wasaare ka yahay ABII AXMED damacii itoobiya waxaa uu keenay banaanka
ayagoo siyaasiyiinta itoobiya qaar ku sheegeen inuu fashiliyey damacii qarsoonaa itoobiya
qaar kalena ay ku sheegeen inuu itoobiya bad u soodhiciyey
Monday, June 17, 2024
the madness and dream of Ethiopia and the sleep of Somalia
Kolka hore waxaan salamaya umada Soomaaliyeed inteeda wanaaga iyo Soomaalinimada jecel guud ahaan waxaanan Ilahay ka rajaynayaa in uu umada Soomaaliyeed meel ay joogtaba dhibka ka saaro una soo celiyo haybadii iyo sumcadii ay dunida ku lahaayeen,ha ahaato Soomalida Ogaadeenya lagu dulaynayo ama ahaato tii xorta ahaan jirtay oo aan maanta wax badan ku dhaamin kuwii gumaysiga ku hoos jiray.Intaa dabadeed waxaa maanta ii suntan Maqaalkan aan ugu wan qalay Damaca Itoobiya iyo Dareen habawga Soomaalida,
Waxaanan gogol uga dhiagyaa bal in aan ifiyo aqoonta aan u leeyahay gumaysiga Itoobiya, xadgudubka aan kala go'a lahayn ee uu ku hayo shacbka Ogaadeenya iyo sida uu aniag ii saameeyay.Waxaan ka mid ahay da'da lagu anqariyay khadhaadhka gumaysiga iyo colaada raagtay ee joogtada ah ee ka dhalatay Damaca Abasiiniyiinta boobka iyo boolyashada ku caan baxay iyo Shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo waligood diidan in ay ogolaadaan muquunsiga, waxaan ka mid ahay dadka ku hadal bartay erayo ka dhan ah dulmiga iyo awood sheegashada oo muujinaya diidmo iyo go'aan qaadasho aan xornimo mooyee jawaab kale loo haynin waxaan ku garaad iyo caqli yeeshay mayd goglan iyo dhiig sida laagaha u duraabaya waxaa maskaxdayda ka buuxda xusuu aan marnaba iga maydhmin oo dul taagan dhacdooyin xanuun badan igu reebay oo isugu jira kuwo aan u soo joogay iyo kuwo aan taariikh ahaan u dhaxlay, dhacdooyinkaas oo qaarkood ay ka dhaceen Soomaalida dhexdeeda waxay igu leeyhihiin saamayn aan la qiyaasi karin waxaana daqiiqad walba i danqata boog aan bogsanin oo ila da'ah.
Sidaas awgeed maankayga iyo uurkayga kama baxo ku hamiga iyo baadi goobka aan ugu jiro in xal waara loo helo arimaha aan ka sheekeeyay ee raadka weyna igu leh waxaa ubaal ah in ay dadbadani ila qabaan u hanqal taaga iyo ku hawlanaanta sidii loo gaadhi lahaa madasha gobanimada waxaan iyana igu fududayn oo igu culus kudhaadashada jinsiga Soomaaliga ah gaar ahaan inta ila aragtida ah waana dhab in aan aad u jeclahay midnimo iyo wada jir Soomaali oo dhan ay wadaagto waxaanan si aad ah ugu hanweynahay in uu rabitaankaygu guulaysan doono Insha allaah,sidoo kale waxaan jeclahay in ay dadyawga Geeska Afrika ku dhaqani wadaagaan dariswanaag nabad iyo horumar iyadoo qolo waliba si xor ah aayaheeda ugu madax banaantahay laysna xaq dhawrayo.
Waxaan si kooban u guud maray una muujiyay sooyaalkayga nolosha adag u badan waanan garwaaqsanahay in ay waajib igu tahay in aan Illahay ku mahadiyo,waxaan liqayaa wax badan oo aan nolashayad kula kulmay iyo waxa laabtayda ka hugmaya waxaanan ogahay waxbadan oo aan jeclahay in uu ay dad badani tabayaan hortayna looga dhaartay dadbadan oo ay labada waalid ee aniga i dhalay iyo labadoodii waalid ka mid yihiin oo intuba sidayda oo kale aysan ku caano dhamin nolosha caadiiga ah oo ay dadku si iskumid ah ugu baahanyihiin waxaana shacabka Ogaadeenya laga xayuubiyay xoriyada ay xaqa u leeyihiin ee lala soo dhasho llahayna uu Aadamaha gudoonsiiyay iyadoon cidna cid looga wakiil dhigin.
Arimahani waxay qasab ka dhigeen in loo hawl galo ka gun gaadhsita yoolka looga guurayo noloshan xaalufka iyo oolinka ah ee ay la dariska yihiin shacbka Ogaadeenya waxaana si xidhiidh ah u socda halgan hubaysan oo lagu doonayo xoriyada ay Ogaadeenya u oomantahay wuxuuna weerar iyo difaac u dhexeeyaa Isticmaarka dhiigyacabnimada ku barbaaray oo haysta gardaro kalkaalyo dulmiga ugu garbeeya iyo diidmo qayaxan oo ay kala hor jeedaan jiilal kala dambeeyay oo ka soo dhex baxay shacabka lihiinta iyo tayada badan ee Ogaadeenya isuna qori dhiibay waxaana ilaa eegga socda halgan soo jireen ah oo aan wax xoriyad kayar ku hakanaynin.
Sida taariikhda laga bartay gumaysigu wuxuu leeyahay u jeedo fog oo uu marwalba cusboonaysiiyo wuxuu ku dadaalaa in uu dayr ku wareejiyo damaciisa iyo laacdin dheeridiisa wuxuuuna bulashada uu gumaysto u kala sameeyaa qoqobe uu ku kala ilaaliyo kuna kala qaybiyo maskaxdooda, maalkooda iyo muruqooda wuxuuna kala dagaalamaa in ay xoogooda mideeyaan kadibna ay iskaga faydaan xanuunka, dulmiga iyo boobka uu ku hayo bulshada uu ka dul baxaay.
Geeska Afrika qalalaasha ka bixi waayay waxaa la ogyahay in aan Itoobiya lala wadaagin waxaa kale oo xaqiiqo ah in aysan maranba ka qancaynin yoolkeeda in loo awood sheegto mooyee,damaca waalan iyo hungiriga aan indhuhu la soconin waa wax ay Itoobiyaanku ka simanyihiin oo ay dhaqan u leeyihiin sikasta oo ay qoomiyado kala jaad jaad ah u yihiin isuna neceb yihiina waxay ka midaysanyihiin dhul boobka kamana dhargaan dhiiga dadka doonistooduna kuma eka dhulka ay gumaystaan ee Ogaadeenya waxayna aaminasnyihiin in ay iyagu asal ahaan leeyihin gabi ahaanba dhulka Soomaalidu dagto waligoodna way ku taamayeen in ay calankooda ka taagaan wayna u rumawday riyadii mudada dheer ay naawilayeen Soomaali oo dhana waxaa maseeyay isku sina u bah dilaya askar Tigeer ah oo aan xabada iyo kutumashada xuquuqda mooyee caqli kale lahayn.
Isticmaarku sida la ogyahay umada uu gumaysto wuxuu ku beeraa fikirkiisa waxaana xambaara kuwo uu ku rabaystay khidadiisa iyo xeeshiisa u aasan una laylaymay oo uu dhiigooda xulay iyaguna isu haysta in ay sidii caadiga ahayd u fikirayaan waxayna u sahlaan in uu darbi walba ku jabiyo iygaoo marwalba dadkooda u looga waraabaha waxna aan ula hadhin oo dabada iska maray aakhirkana wuxuu abaal uga dhigaa in uu gawraco ama uu god ku rido,gumaysigu marka uu gacanayrihiisa sidaas u bahdilo ee uu meel ku hubsado maxaa xiga?
Mar haday cadaatay in uusan gumaysigu quusanin ilaa laga gaadhayo xiliga ay awoodiisu ku egtahay waxaa u dajisan qorsheyaal aan gabidhac lahayn oo xidhiidh ah wuxuuna cosobsadaa kolba adeege uu ka astaystay bulshada uu gumaysto oo uu ku badalo kii uu horey u dilooday inta uu kani u raranyahayna wuxuu sii sahamiyaa kii uu ku badali lahaa balse qaababka uu wax u kasbado ma aha wax mutaxan oo lawada fahmi karo wuxuuna ku dhex qarsoonyahay qoqobaha iyo xayndaabka uu ku kala ooday dareenka dadka uu gumaysto,
Hadaba inta uu dulmi jiro waxaa jira diidmo diidmadaasna waxaa ka dhasha sidaan xusay halagnka hubaysan ee dhulka Ogadeenya ka socday mudada dheer in ay guushiisu raagto qadarta eebbe ka sokow waxaa sabab u ah Dareen Habawga aan kor ku sheegay oo ay soomaalidu ka midaysantahay waxaana kow ka ah iyadoon fursad la siinin inta isu xil qaantay in ay dhiigooda umada gobanimo ugu iibiyaan dhanqaryna aan laga daynin.
Sidaas si lamid ah ayaa ka muuqata kacdoonki Soomaaliya ka bilowda kadib markay Itoobiyaanka damacooda la jiidheen Jamhuuriyadii xorta ahayd iyagoo kaashanaya siyaasiyiinta dareen hawabwsan waxaana cad inuu cadawgu adeegsanayo tabwalba oo uu ku furfurayo xoogaga ka soo horjeeda arintan oo ka mid ah midhaha gumaysigu uu beertay ee cimrigiisa sii dheeraya ayaa aha fursada ugu weyn uguna qaalisan ee ay umada la gumaystaayi cadawgeeda siiso, wakhtigii ay ahayd in cadawga lagu wajaho waxaa lagu lumiyaa is garab orod iyo eedayn lala dabo taaganyahay cidii in wax walaba lagu taageero gol duleelo kasta oo ay leeyihiina la qariyo mudnayd dadka sidaas yeelaya badan koodna siday ila tahay qasdigoodu waa in ay wax wanaajiyaan balse xiligan adag waxay umadu kaga bixi kartaa in dhaliil kasta oo jirta lagu qiimeeyo duruufta iyo waaqica.
Waxaa ii muuqda dhib Soomaalida dhamaanteed taabtay oo guri walba gaadhay hadaad u fiirsato dhulalka ay Soomaalidu dagto waxaad dareemaysaa sida ay dadkani isa sudhanta u yihiin,tusaale Soomaalida Ogaadeenya waxaa mudo dheer haystay gumaysiga guunka ah ee aan arxan u galaynin Jamhuuriyadii Soomaaliya waxay burbursantahay ku dhawaad 20 sano Jabuuti iyo NFD waxa ku haawaday garabkoodii ay ka dugsanayeen cadaw iyo nacaba waxaa ku soo banaanaaday tusmadii Qaranka Soomaaliyyeed kaga gufaysnaa waxayna la daalaa dhacayaan qaxoontiga alanba'a ah ee soo miciin bidaya waxaa intaas u dheer dadaalada ay ugaleen in mar uun dib loo soo celiyo Soomaalinimadii garab laanata ay ka baxaan iyo sida aysan waanadu ugu duxaynin dadka Soomaaliyeed ee ay dawlad la'aantu caadiga la noqotay.
Waxaakale oo murugo leh dhalinta maalin iyo habeen ku le'anaysa badweynta iyagoo hortooda isaga dhaqaayaya kolkay waayeen wax kale oo ay nafta ku maaweeliyaan iskuna biimeeyay meel ay og yihiin khatarta ay kala kulmayaan sidoo kale Soomaalida qurbaha ku butaacday waxay kala kulmeen dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo ruuxii dheehdaa uu qalbi jab ka qaadayo.
Intaasoo xaaladood oo ay sii dheertahay barokicinta, kufsiga, gawraca, iyo boobka hantidooda oo ay Soomaalida Ogaadeenya kali ku hayeen ayay hada lawadaagaan in badan oo kamid ah Soomaalidii xorta ahaan jirtay.arimahan aan sheegay oo ay kawada dhalanayso uur ku taalo aan damiirku is ilowsiin karin dadka Soomaaliyeed badankood way danqaysaa balse waxyar oo aan macno badan ku fadhiyin ayaa ku gudban lagana hor marinayaa xalkii umadan lagu bad baadin lahaa waana meeshaas meesha la dhaafi la'yahay ee aan u idhi Dareen Habaw bal u fiirso Siyaasiyiinta,Culimada Aqoonyahanka iyo Hogaamiyeyaasha dhaqanka oo intuba ah meeshii masiirku ka unkami lahaa waxay mashquul ku wada yihiin dhaliil aan ahadan la asxaynin mana jiro mid midka kale u tanaasuli kara.
Waxaan ugu dambaysiinayaa cod dheerna aan ku lalinayaa Soomaaliyeey Itoobiya waa inoo cadaw inoo nacab inama kala jecla waxaana ka go;an in Soomaaliya iyo Ogaadeenya ay noqdaan kililka 5aad iyo 6aad tabari meel ay dhigtaba ku talagalka Itoobiya waa sidaas oo la hubo haday taag weydana xeelad ayay isticmaali oo marnaba laagma sugayo inta ay dadka Soomaaliyeed sidan u yaalaan in ay faraha kala baxdo waxayna maanta ku hawalnathay in ay samaysmaan kooxo magacyo badan wata oo marka dambe u xuubsiibta qabiil qabiil iyo in dib loogu noqdo 1991 waxaan u malaynayaa in arintaas laga wada dharagsanyahay balse uu Dareenku habawsanyahay oo uu dhinac kale u fikirayo .
Saturday, June 15, 2024
Where do drugs come from in Mogadishu?
Thursday, May 16, 2024
environmental pollution How to protect the environment and the best ideas to protect the environment
Xornimadii Soomaaliya: Lix dhacdo iyo 60 kii sanno ee la soo dhaafay
- Cabdinaasir Saxansoxo
- BBC Somali, Nairobi

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Waxaa aad looga sheekeeyaa halgankii laga soo maray xornimada, balse weli maka fakartay kii loo galay in dhidibada loo aaso, lana xajisto madaxbannaanidii la heley iyo ka shaqaysiinta nidaamka dowladnimo.
Halganka xornimada doonka kaliya ma ahan in ay gumeystayaashii dalka ka tagaan, ee wuxuu ahaa in la yagleelo dowladnimo mug leh oo wax ka badesha nolosha shacab weynaha.
Lixdankii sanno ee ay Soomaaliya xornimada haysatay waxaa hayaanka geediga hadba caynaanka u dhuujinayay ama u dabcinayay dhacdooyin waaweyn, oo aan ka xusi karno lix saamayntooda kaliya aanan taariikhda ku xardhanayn ee sidoo kale yeeshay raadad aanan ka tirmi doonin nolosha jiilal badan.
1. Dilkii madaxweyne Cabdirashid iyo Curashadii kacaanka
Sagaal sano oo kaliya ka dib xoriyaddii, markii ay Soomaaliya ku naaloonaysay xasilooni siyaasadeed oo ku dhisan nidaam dimoqoraadi ah oo sanduuqa lagu kala boxo, waxaa dhacay wax lama filaan ah, kaas oo ah dilkii magaalada Laascaano loogu geystay madaxweynihii Soomaaliya Cabdirishiid Cali Sharma'arke.

Hal tacshiirad oo ka dhacday gobolka Sool ayaa gilgishay guud ahaan geyiga Soomaalida, waxayna afgembi u riddey xukunkii rayidka ahaa ee dalka ka jiray.
Axmed Cabdi Laangare wuxuu ahaa ku xigeenka duqa magaalada Laas Caanood xilliga madaxweynaha la dilayay 16-kii bishii October ee sannadkii 1969-kii, wuxuuna arkayay sidii ay wax u dhaceen.
Axmed waxa uu sheegay in ay horeyba ay usii jirtay hadal-haynta in madaxweynaha lagu dili karo Laascaanood, wuxuuna yiri: "Markii uu soo dagay, dadkii soo dhoweynayayna uu salaamay, markii odayaashii uu la kulmay, waxaa la weeydiiyay, 'Cabdirishiidoow ma waxaa lagugu yiri Laascaanood baa lagugu dilayaa?', wuxuuna ku jawaabay, 'Illaahbaa wax dila, haddii ay taydii tahay, nin kalaa i badelaya".
Axmed Laangare oo hadda nool ayaa sidoo kale sharaxay qaabkii uu dilka u dhacay, wuxuuna yiri: "Markii aan soo aadnay dhankii gurigii martida, askariga waxa uu taagnaa albaabka guriga, markii madaxweynaha uu gaariga ka soo dagay ayuu rasaasta ku furey. Askari madaxweynaha la socday ayaa qoriga kula dhagay, wuxuuna ninkii ku qeyliyay weey igaga fakatay, weey igaga fakatay".
"Kaliya madaxweynaha lama dilin, ee sidoo kale waxa ay u egtahay in xitaa la tirtiray raadkii dambigii weynaa ee dhacay", sida uu ku doodayo Dr Saadaq Eenoow oo qoraalo taariikheed ka sameeyay dilkii madaxweynaha.
Wuxuu sheegay in saddex nin oo mid xeer illaaliyihii guud yahay, Garyaqaan Cabdi Faarax Baashane, nin booliis ah, Gaashaanle Xirsi Cusmaan Keenadiid iyo nin ka tirsanaa laantii dabagalka dambiyada xilligaas ee Gaashaanle Dhexe Faarax Sugule, in raggaas labo ka mid ah siyaabo kala duwan oo shaki leh ay u dhinteen, midna uu xabsiga ku raagay muddo dheer.

XIGASHADA SAWIRKA,SOMALI ARCHIVE
Koox saraakiil ciidan ah oo malaha eeganayay xukunka, ayaa ka faa'ideystay dilka qaarijinta ah, waxayna si aan dhiig ku daadan kula wareegeen hoggaankii dalka. Taas oo ahayd dhacdo kale oo ku sidkan dilka madaxweynaha, balse yeelatay raad muddo dheer sii jiraya oo saameeyay jiritaanka dalnimo ee Soomaaliya.
Hase yeeshee, Jeneraal Maxamed Nuur Galaal wuxuu qabaa in Maxamed Siyaad Barre uu "sii qorsheynayay afgembiga", islamarkaana isaga qudhiisa ay arrintaas isku qabteen, ka dibna Baydhabo loo badeley si ciqaab ah.
Ciidamada oo ka mid ah tiirarka uu dal ku taagyahay, kuwaas oo ka difaacayay dhul, badda iyo hawadaba, ayaysan ciddina u qaadan in 'dalka waddo qaldan ku hoggaamin doonaan', sidaas daraadeedna waxay heleen taageero aad u xoog badan, iyada oo 10-kii sanno ee ugu horeeyey xukunka ciidanka uu ahaa mid hagaagsan intiisa badan, horumar culusna gaaray.
2. Qoristii Far-Soomaaliga
Mid ka mid ah guulihii ugu weynayd ee dhidibada u aastay dowladnimo Soomaaliyeed oo dhuuxa iyo xididada u dhaadhacday ayaa ahayd markii dowladdii kacaankii ay ku dhaqaaqday tallaabo horey loo arag oo ahayd in la qoro farta, laguna baahiyo dalka sannadkii 1974-tii.

XIGASHADA SAWIRKA,SOMALI ARCHIVE
Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, waxa uu ka mid yahay aqoonyahanada Soomaalida. Mar aan sidaas u fogeyna dalka wuxuu ka noqday wasiirka waxbarashada, waxa uu BBC-da u sharxay muhiimadda qorista farta ay ku lahayd Qaranimada Soomaaliya.
"Wuxuu leeyahay faa'iido iyo qasaaro intuba. Haddii Af-Soomaaliga la qorey wuxuu keenay faa'iido badan oo ah in wax badan ay kaydsameen. Luuqadiina waa la cilmiyeeyay, Soomaalidana waxay ku faantaa ama tiraahdaa Afrikada Madoow marka la fiiriyo dhammaantood cid luuqadooda qoratay ma jirto, oo aan ka ahayn dalka aan dariska nahay ee Itoobiya iyo Soomaaliya", ayuu yiri.

"Balse su'aasha waxay tahay intee in la'eg baa loo tabaabushaystay, awood intee la'eg baa la haystay. Marka in aad soo saarto kumannaan arday oo aadan shaqo u haynin, meelihii kale ee ay shaqada ka raadsan lahaayeene aysan baran tacliintoodii waa dhib," ayuu intaasi kusii daray.
3. Dagaalkii 1977 ee Itoobiya
Soomaalida waxay muddo dheer aaminsanayd in xornimada aysan dhamaystirmin, illaa ay jiraan gobollo Soomaaliyeed oo maqan, kuwaas oo ku hoos jirey dowlado kale, dareenkaas ayaa ugu dambeyntii horseeday in mid ka mid ah dagaaladii ugu waaweynaa ee Afrika soo maray uu dhex maro Soomaaliya iyo Itoobiya sannadkii 1977.
Wixii ku bilowday dhaqdhaqaaq jabhad oo xornimo-u-dood ah oo markii dambe guulo la taaban karo soo hoyisay, wuxuuna isu badelay dagaal caalami ah oo ay ka qeybgaleen dowladdo badan oo ay ka midyihiin quwadihii markaas adduunka ugu xoogga badnaa.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Duulaankii Soomaaliya ay ku qaadday gobolka Ogaden (Soomaali Galbeed) wuxuu noqday dhaan-dabangaale la gaari waayay.
Balse taas oo kaliya ma aysan horseedin jabka sida uu qabo Cali Cabdulle Fiixiye (Cali Shucaac) oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii jabhadda Soomaali Galbeed. "Ciidanka waxaa ku jiray rag inqilaab maleegayay," ayuu yiri.
"Anagiibaa nala qabqabtay, madaxdeenii jabhadda Soomaali Galbeed. Ciidankii jabhadda ahaana waa la qeybiyay, reer-reer baa loo kala saaray, ciidanka xoogga laftiisii ayaa sii qeybsamay, dharbaaxo xun baa nagu dhacday. Xaggana xabashibaa na garaacaysay, dhanka kalena ciidankii xoogga dalka ayaa la jalaafaynayay", ayuu hadalka ku sii daray.
"Niman aan raali ka ahayn in waddanka la qabto oo saraakiil Soomaali ah ayaa ragga leynayay, xirxirayay. Rasaas markaan weeydiisano biyo ayay na siinayeen, marka aan biyo weeydiisanana rasaas ayay inoo keenayeen", Ayuu yiri Cali Shucaac.
Cali shucaac wuxuu sheegay in isaga iyo hoggaamiyeyaashii jabhadda lagu xirey xabsiga Labaatan Jiroow ee Baydhabo agtiisa ah, oo sidoo kale lala soo xirey odayaashii dhaqanka. Wuxuu intaas ku daray in sannad iyo badh ka dib ay ogaadeen in ciidankii Soomaaliya ay dib uga soo baxeen deegaankii balaarnaa ee ay dagaalka ku qabsadeen.
Dad badan ayaa ku doodaya in jabkii dagaalkaas ka dhashay uu markii dambe horseeday burburka dowladnimo ee Soomaaliya maadaamaa ay abuurmeen jabhaddo lid ku ah dowladdii dhexe.
4. Burburkii dowladda iyo Dagaaladii Sokeeye
Taariikhda markii ay ahayd 1988-dii waxaa qeybo ka mid ah dalka ka biloowday dagaalo ay soo qaadeen jabhaddo ka soo aasaasmay gudaha Itoobiya.
Xasaradaha waxa ay ku badnaayeen gobolada Waqooyi ee dalka, oo hadda ah Somaliland, halkaas oo markii ugu horeysay ay duqeeyeen diyaarado ka kacay gudaha dalka.
Jabhadihiis Waqooyiga waxay doonayeen in ay Soomaaliya ka go'aan oo dal gaar ah ay noqdaan. Waxaana taas barbarsocday jabhado kale oo dhanka Koonfurta ka dagaallamayay.

XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Balse dhacdadii ugu weynayd ee xilliyadaas waxay ahayd markii madaxweynihii awoodda badnaa ee dowladdii militariga Maxamed Siyaad Barre uu caasimadda isaga baxay Bishii January, sannadkii 1991-dii, sidaasna ay ku burburtay dowladdii dhexe Soomaaliya.
Dad badan ayaa u dabaal dagay dhicitaanka dowladdii Siyaad Barre, balse Soomaalida waxay markaliya is aragtay iyada oo subax qura ka soo toostay banaan cidlo ah, oo usii dheeryihiin dagaalo sokeeye oo dhibaatooyiin badan sababay,
Dhacdadan waxa ay noqotay dhaawac aan bogsoonayn muddo dheer, waxayna qaadatay kala bar lixdanka sano ee laga joogo xoriyadda, madaxbanaanidii iyo qaranimadii loo soo halgamay ee Soomaaliya, taas oo illaa hadda boogaheeda la dhayayo.
Waxay qaadatay 15 shir oo dib u heshiisiineed illaa inta lagu guuleysanayay dowladdii ugu horeysay oo kumeelgaar ah oo meel ka mid ah dalka timid.
Sidoo kale, Somaliland ayaa Bishii May ee 1991, noqotay dowlad iskeed isu taagtay in kastoo weli aysan helin aqoonsi dhab ah.
5. Shirkii Carte
Madaxweynihii markaas uun la doortay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sannadkii 1999-kii khudbad uu ka jeediyay shirka golaha loo dhanyahay ee Jamciiyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka sheegay in dalkiisa uu qabanayo shirweyne dib-u-heshiis oo gogol loogu fidinayo beelaha Soomaalida si ay usoo dhistaan dowlad loo dhanyahay.

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA
Wuxuu markii dambe shirkaas biloowday sannadkii xigay ee 2000 waxaana hal ku dhig looga dhigay "Tallo nin leh baa u galgasha, tolna waa u ergeeyaa". Waxaa ka qeybgashay illaa 2 kun oo ergo oo isugu tagay shirweynihii dastuur lagu ansixiyay, baarlamaan lagu soo xulay, kadibna madaxweyne loogu doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Hadal taariikhda galay oo uu Cabdiqaasim Jeediyay habeenkii la doortay ayuu Eebbe ku marqaati gashtay in lala qaaday mas'uuliyadda.
6. Kacdoonkii Maxaakiimta
Dhacdooyinka lama filaanada ahaa waxy ku badnaayeen Soomaaliya tan iyo markii ay xornimada qaadatay 60 sano ka hor, waxaana ka mid markii sannadkii 2006-dii ay sidii daadkii ay dalka maansheeyeen dhallinyaro diin-doon ah kuwaas oo shacabka taageero xooggan ka helayay.
Howlgalkii ay Muqdisho ka billaabeen Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya wuxuu ahaa mid isbaddal weyn ku sameeyay taariikhda Soomaaliya.
Waxay dagaal culus la galeen hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ee la aaminsanaa inuu taageeri jiray Mareykanka, iyagoo waqti kooban kula wareegay inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ayey Muqdisho nabad noqotay sannadkii 2006-dii, kaddib markii ay ciidamadii Midowga Maxkamadaha ku guuleysteen howlgalkoodii ay ujeeddadiisu ahayd in ay shareecada Islaamka ku xukumaan waddanka.

XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Hase ahaatee wax ka yar sannad kaddib waxaa billowday burburkoodii daba socday dagaalkii ay la galeen milatariga Itoobiya oo ahaa ajaaniibtii ugu horreeyay ee Soomaaliya soo galay si ay u taageeraan dowladdii uu hoggaaminayay, Alle ha u naxariistee, Cabdullaahi Yusuf Axmed..
Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen Jaamici), oo ah aqoonyahan falanqeeya arrimaha gobolka ayaa isagoo la hadlay BBC-da sharraxaya aasaaskii iyo tallaabada ay qaadeen maxkamadaha Islaamiga ah iyo wixii ay shacabka uga dhigneyd.
"Markii ay dhowr iyo toban sano taagneyd fowdo iyo dagaallo u dhaxeeya qabaa'ilada, waxaa soo baxay maxaakiimtii Islaamiga ahaa oo runtii ay jireen sababo ku kallifay kacdoonkooda."
"Shacabka oo u baahnaa xasilooni iyo nidaam ayaa aad usoo dhaweeyay - oo xitaa aad moodeyso in kacdoon shacab lagu soo dhaweeyay - sidaas ayeyna ugu suurtagelisay in ay ka adkaadaan nimankii dagaal oogeyaasha ahaa."
Wuxuu ku qeexay arrintaas "xaalad kala guur ah oo looga baxay dagaal beeleedyadii tooska ahaa, loona gudbay in koox koox la isaga soo horjeesto".

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ka warramay waxa ay taasi uga dhigneyd dowladnimadii Soomaaliya - xorriyadda kaddib - wuxuuna yiri: "Waxay ila tahay in taageerada ballaaran aan loo wada siinnin in lagu raacsanaa fikirkoodii diiniga ahaa laakiin dadka rayidka ah ay ku daaleen kala dambeyn la'aantii jirtay muddada dheer ayna u baahnaayeen cid ka difaacda burcadda dhiiggooda banneysatay.
"Hase yeeshee uma maleynayo in waxa markaas socday iyo taageerada shacabka ay salka ku heysay qarannimo iyo in dowlad Soomaaliyeed la yagleelo," ayuu yiri.
"Fikirka maxkamadaha islaamiga ah kuma dhisneyn waddaniyad, dadkii taageersanaana qaarkood waxay rabeen maamul islaami ah, halka qaar kalena ay u heellanaayeen oo kaliya in amni iyo xasilooni la helo. Taasina waxay sababtay in beesha caalamka ay arrintaas ka muujiso taxaddar weyn. Ugu dambeyntiina taasi ayaa sababtay in maxkamadihii meesha laga saaro."
Sanadkii 2007-dii ayay midowgii amxkamadaha Islaamiga ah looga adkaaday dagaalkii ay la galeen ciidamada Itoobiya iyo kuwii daacadda u ahaa ee dowladdii ku meel gaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Dagaalkaas wuxuu sababay in Muqdisho laga saaro ayna u firxadaan dhanka Jubbada Hoose. Waxay taasi dhalisay khilaaf cusub oo sababay in xubno sare oo ka mid ahaa Maxaakiimta ay u baxsadaan dalalka deriska ah.
Ururka Al-Shabaab oo sii jiray, balse garab militari u ahaa Maxaakiimta ayaa ka dib si rasmi ah u soo shaac baxay, wuxuuna dagaallo muqaawameyn ah ka billaabay Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.
Balse ugu dambeyn 2009-kii, shir ka dhacay dalka Jabuuti ayaa lagu gaaray heshiis horseeday in la dhiso dowlad uu madaxweyne ka noqday hoggaamiyihii midowga Maxakamadihii islaamiga ahaa ee markaas burburray, Shariif Sheekh Axmed.




















