https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Tuesday, December 10, 2024

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

 

Maxamed Axmed Amiir.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa goordhow xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana Duqii magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana la magacaabay mas’uul cusub.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Maxamed Axmed Amiir.

Duqa cusun ayaa ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta, sida lagu sheegay warbixinta dowladda.

“Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.”

No comments: