https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Monday, January 24, 2022

DEG DEG Xukuumadda Somaaliya oo qaadatay go'aan ka farxiyay shacabka Som...

Wararkii ugu Danbeeyey Maraykanka oo Qabtay MArkab Qaraxyo Ka Buuxaan & ...

DAAWO Shacabka Muqdisho oo Si Kulul Uga Hadlay Arinta Rooble iyo Qalbi D...

Richar Marcinko: Kumuu ahaa ninkii abaabulay dilka Usaama Bin Laadin madaxweynaha Mareykankana 'bambo ugu xiray diyaaradda'? Richard Marcinko iyo Usaama Bin Laadin

Richar Marcinko: Kumuu ahaa ninkii abaabulay dilka Usaama Bin Laadin madaxweynaha Mareykankana 'bambo ugu xiray diyaaradda'? Richard Marcinko iyo Usaama Bin Laadin Richard Marcinko iyo Usaama Bin Laadin Dad badan aqoon dheeraad ah uma aysan lahayn Richar Marcinko oo ka mid ahaan jiray rug caddaayada militeriga Mareykanka, oo shaqooyinkii uu soo fuliyay ay ka mid ahayd abaabulka howlgalkii lagu dilay Usaama bin Laadin. Balse intaas kuma ekeyn waxyaabihii uu sameeyay. Marcinko ayaa dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ee 2021-kii geeriyooday isaga oo 81 jir. Taariikhda waxa uu ku galay taariikhda ciidanka Maraykanka in uu ahaa ninkii asaasay, islamarkaasna tabobaray unugta ciidamada Navy Seal loo yaqaanno, gaar ahaan Unugta lixaad ee samaysay hawlgalkii lagu dilay hoggaamiyihii Al Qaacidda Usaama Bin Laadin. Waxa uu ka qeyb qaatay dagaalkii Vietnamn, isaga oo heley wax ka badan 30 billadood oo abaalmarin ah. Qaabkiisa hoggaamineed ee go'aan adeyga ayaa la sheegay in ay keentay in guulo badan laga gaaro hawlgalo la sameeyay. Balse dadka wax dhaliila qaar ayaa ku eedeeyay in uu abuuray dhaqan arxan darro ah oo ka jiray ciidanka dhexdiisa. Mar ayaa jirtay oo dacwad wax is dabomarin ah lagu furey, isaga oo xabsiga la dhigay muddo kooban. Waxa uu hormuud ka ahaa dajinta qorshaha argagaxiso la dirirka ee Maraykanka. Richar Marcinko waxa uu ku dhashay Lansford, sanadkii 1940-kii, halkaas oo ah magaalo yar oo ku taala gobolka Pennysylvania. Waalidkiis waxa ay ahaayeen muhaajiriin ka yimid dalka Slovakia iyo Herzogovina, iyada oo dhammaan raggii qoyskooda ka tirsanaa ay ahaayeen kuwo ka shaqeeya godadka macdanta. Muxuu Osama Bin Laden saaxiibkiis ka doonay Afghanistan? Maraykanka oo ku daray Bin Laden wiilkiisa liiska argagixisada Maraykanka oo ku daray Bin Laden wiilkiisa liiska argagixisada Toddobo arrimood oo laga bartay dardaarankii Cusaama Bin Laden Mar uu hadlay ayuu sheegay in xitaa raggaasi qoyskiisa ka tirsan aysan awoodin in ay iibsadaan kabo. Buug uu qorey ayuu ku sheegay in markii uu Vietnam ka dagaallamayay madaxiisa la dul dhigay lacag badan oo abaalmarin ah qofkii soo dila, isaga oo wareysi uu siiyay Majalladda People ku sheegay in dowladda Maraykanka ay ka hor istaagi jirtay in uu laayo dad badan maadaamaa uu dhanka dagaalka ku fiicnaa. Markii uu dhacay afduubkii shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Tehran 1980-kii, waxaa madax looga dhigay unugtan cusub ee Lixaad, taas oo uu isaga tabobaray, si ay u samayso hawlgal soo furasho ah. Waxa uu buuggiisa ku sheegay in marka unugtiisa ay tagaan meelaha baararka qamriga in si ula kac ah ay dagaal gacan ka hadal ah u kicin jireen, sababtoo ah wuxuu aaminsanaa in isu hiilinta xubnaha unugta ay muhiim u ahayd wadajirkooda. Militariga Maraykanka ayaa mar kale u xilsaaray in uu asaaso unug lagu magacaabo Red Cell, taas oo ujeedku ahaa in ay tijaabiso heerka sugnaanta amniga ee goobaha ciidamada iyo dowladda Maraykanka. Diyaaradda Madaxweynaha ee air Force One XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Qoraalka sawirka, Diyaaradda Madaxweynaha ee air Force One Waxa uu ku guuleystay in uu bambaanooyin ku rakibo Diyaaradda Madaxweynaha ee air Force One isaga oo aysan cidi ogaanin, sidoo kale wuxuu u dhacay xarunta Hubka Nuyuukleerka Maraykanka. Wuxuu ka rusqeystay ciidanka sanadkii 1989-kii, isaga oo qorey buugga The Rogue Warrior, kaas oo laga iibsaday malaayiin xabbo. Kaas oo xitaa laga sameeyay barnaamijka ciyaaraha internetka oo isla magacaas leh 2009-kii.

Wararkii ugu Danbeeyey Arimaha Fashilka & Boobka Kadhacay Doorashada Pun...

Sunday, January 23, 2022

XOGTA RW Rooble oo ku fashilmay Iskudaygii ugu Weynaa oo Ka Dhana MD Far...

XOGTA Qaxoonti Yemen iyo Suuriya ee Muqdisho"Inta Soomaaliya Noo Qabatay...

DEG DEG Gaari Qarax Laga Soo Buuxiyay oo Hada Lagu Qabtay Magaalada iyo ...

Caqabadaha Waa weyn ee Somaliland ka hor taagan inay Goosato | Maxaa Xii...

Saameynta Itoobiya iyo Kenya ee arrimaha ictiraaf raadinta Somaliland

mu
0FSXcLQwf0fOAe25GA3_c0Rcw=s259" style="display: block; padding: 1em 0; text-align: center; ">
uqdo Saameynta Itoobiya iyo Kenya ee arrimaha ictiraaf raadinta Somaliland , . Baarlamaanka UK ayaa yeeshay dood ku saabsan Ictiraafka Jamhuuriyadda Iskeed Madax Baaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Xildhibaanka doodda horkeenay baarlamaanka UK ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay ku mudan tahay Somaliland in la ictiraafo. Isaga oo ku dooday in 30-kii sano ee ugu dambeysay ay Sooomalinad ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan. Dhanka kale Dowladda UK ayaa caddeysay Mowqifkeeda ku aaddan Somaliland. Wasiiro dowlaha UK u qaabilsan Yurub oo dhanka dowladda u hadlayay islamarkana ku sugnaa aqalka baarlamaanka ayaa dhankiisa su'aalo laga waydiiyay mowqifka dowladda ee ku wahajhan soomaaliland. Chris Heaton-Harris ayaa sheegay in mowqifka UK uu yahay in ay dhiirigalinayaan in qaddiyadda Soomaaliland ay ka wadahadlaan madaxda Muqdisho iyo Hargeysa."Mowqifka dowladda UK ay arrintan ka qabto wuxuu aha mid joogta ah waxna iskama badalin,waxaan muddo dheer dhiirragelineynay wadahadallad ay arrintan ka yeeshaan mas'uuliyiinta labada dhinac ee Muqdisho iyo Hargeysa xiriirka mustqbalka labada dhinac ka dhaxeyn karo, waana sidii wadeynaa inaan sidaa sameyn" ayu yiri Mr Harris. Dhanka kale Vicky Ford oo ah Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dwoladda Ingiriiska ayaa iyaduna ka hadashay doodda Aqoonsiga Somaliland waxaa ayna sheegtay in mowqifka UK ee ku wajahan uu yahay mid cad islamarkana ay dowladda federaalka iyo Somaaliland ay u taallo in mustaqbalkooda ay ka arrinsadaan . Saameyn nooce ah ayay dalalka Kenya iyo Itoobiya ku yeellan karaan arrimaha murugsan ee Soomaaliya iyo Somaliland? Kenya Kenya iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa sannadadii ugu dambeeyay waxaa ka dhexeey khilaaf aad u xooggan oo salka ku hayay arrimaha diblomaasiyadda. Kenya oo taas ka faa'iideysanaya ayaa waxay xoogga saartay inay soo dhaweysato Somaliland oo dhacdadii ugu dambeysay waxay ahayd markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanida ee Soomaaliland si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi. Dhanka kale Bishii Diseembar ee sannadkii 2020-ka Raila Odinga oo markaasi ahaa Ergaygii gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa Midowga ugu baaqay in la dedejiyo hannaanka aqoonsiga Somaliland loogu aqoonsanayo dal si buuxda u madaxbannaan. Raila ayaa sheegay hadalkaasi ka dib markii uu la kulmay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo markaasi booqasho laba maalmood ah ku yimid Kenya. Isagoo markaasi ka hadlayay xarunta Villa Rosa Kempinski ee magaalada Nairobi, ayuu sheegay in aysan suurtagal ahayn in mar kale la isku keeno Soomaaliya iyo Somaliland. "Midowga Africa waxa ay u baahan yahay in uu ku baraarugo xaqiiqada ah in aanay mar dambe suurtogal ahayn in la isu keeno labadan dal, oo loo aqoonsado laba dal oo kala duwan," ayuu Raila markaasi yiri. Itoobiya Dowladda Itoobiya ayaan inta badan ka hadlin qaddiyadda gooni isu taagga ee Soomaaliland inkastoo magaalada Addis Ababa ay Somaliland ku leedahay qunsul matala. Madaxweyne Muuse Biixi oo bbooqasho ku tegay xarunta warshadaha ee Hawassa Waxaa xusid mudan in madaxweyne Muuse Biixi uu shalay ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Addis Ababa iyo Hawaase. Booqashada ayaa waxaa madaxweynaha Somaliland ku wehliy madaxweynaha gobolka Sidama, Desta Ledamo, wasiirka maaliyadda, Axmed Shide, wasiirka arrimaha dibadda, Ambassador Redwan Hussein, guddoomiyaha guddiga maalgashiga Lissie Neme iyo madax kale oo ka tirsan dawladda. Hase yeeshee bartamihii sannadkii 2019-kii Itoobiya ayaa ka hadashay qoraal lagu arkay bogga intarnet-ka ee wasaaraddeeda arrimaha dibedda, kaas oo Somaliland iyo Puntland lagu daray liiska dalalka ay matalaad diblumaasiyadeed ku leeyihiin. Itoobiya waxay sheegtay inay aqoonsan tahay madaxbanaanida Soomaaliya. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa BBC u sheegay in "Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya". "Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed", ayuu markaasi sheegay afhayeenka. "Boggeena arrimo badan ayaa ka waana eegeynaa", ayuu hadalkiisa ku daray. Farmaajo iyo Abiy Danjire Ciid Bedel oo ahaan jiray safiirka Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay oo markaasi la hadlay BBC-da ayaa sheegay, "Siyaasaddan waa siyaasad ka horeysay Dr Abiy Axmed. Siyaasaddan waxaa dajisay dowladdi Meles Zenawi. Siyaasaddeedi ku wajahnayd Soomaaliyana waxay ahayd iney Soomaaliya kala qaybiso, inteeda badanan Itoobiya lagu daro, inta soo hartana ama Kenya lagu daro ama wixii kale ee laga sameyn karo laga sameeyo." Khariidaddaas hore ayaa meesha ka saaraysay Soomaaliya, balse waxaa la soo reebay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland. Waxaa ka sii horreysay khariirad ay Itoobiya Soomaaliya meesha kaga saartay, taas oo iyadana muran badan dhalisay.

world 2 Germany vs France Part 1 ..

world war 2 Germany vs Ruushka /YouTubevi...

Go’aanka golaha wasiiradda ee ONLF iyo Falcelin degdeg ah oo ka dhalatay

Go’aanka golaha wasiiradda ee ONLF iyo Falcelin degdeg ah oo ka dhalatay Rooble iyo Qalbi dhagax oo Nairobi ku kulmay Rooble iyo Qalbi dhagax oo Nairobi ku kulmay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cumar ayaa soo dhoweeyay go'aan maanta ay gaareen golaha wasiiradda Soomaaliya, kaas oo looga noqday go'aan 2017-kii ay gaareen golihii wasiiradda ee Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre. Mustafe ayaa sidoo kale soo dhoweeyay in golaha ay ka xunyihiin in 'gacan cadaw la galiyay Cabdikariim Qalbi Dhagax. Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in go'aankii golaha wasiiradda 2017-kii uu ahaa mid argagax galiyay shacabka deegaanka. Dhanka kale Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge ayaa BBC-dau sheegay in ay soo dhoweeynayaan go'aanka Golaha Wasiiradda. XAYEYSIIN Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Nairobi kula kulmay Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax, 13-kii Agoosto 2021-kii, sawirkaas oo dhaliyay hadal hayn badan oo dhanka baraha bulshada ah. Kullankiisa Ra'iisul Wasaare Rooble ee Nairobi, waxay ka dhigan tahay in markii ugu horreysay uu la kulmay masuul xil sare ka haya dowladda, tan iyo markii la soo daayay. kulankii maanta ee golaha wasiiradda kulankii maanta ee golaha wasiiradda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kal hore diiday go'aankii golaha wasiiradda ee 2017-kii, iyada oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajana uu BBC-da u sheegay in uu waafaqsanyahay go'aankii baarlamaanka ee diidmada ahaa. Kulankii golaha wasiiradda ee dhacay maanta oo ah 23-da Janaayo, 2022-da ayaa sidoo kale lagu go'aamiyay in ay qalad ahayn talaabadii Itoobiya loogu dhiibay Qalbi Dhagax sida uu warbaahinta u sheegay wasiiru dowladda xafiiska Ra'isulwasaaraha Cabdixakiim Ashkir. Sidee wax u dhaceen ? Sida lagu qoray wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA sanadkii 2017-kii , Guddiga baarlamaanka ee kiiska Qalbi Dhagax baaray wuxuu sheegay in "Jabhadda ONLF aan loo aqoonsan in ay tahay urur argagixiso balse sidoo kalena la tix galiyo siyaasadda dalka ee ku salaysan in aan aqoonsi iyo gabaad, midna la siin ururada hubaysan ee ka soo horjeeda nabadgaliyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada deriska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale." Jabhadda ONLF oo 20 sano kaddib gaartay Jigjiga Wiilkii badbaadiyay gudoomiyaha ONLF oo hadda dib ula kulmay ONLF oo isaga baxday doorashada Itoobiya Xildhibaan Cali Yusuf (Cali Xoosh), gudoomiyaha guddiga baaritaanka sameeyay ayaa tilmaamay in "ay u soo baxday baaris ka dib in ONLF uusan caalamka u aqoonsanayn, aysanna ahayn urur argagixiso, maadaama aysan ku jirin diiwaanka argagixisada caalamiga ah." Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya bishii Sebtembar 2017-kii ayaa lagu sheegay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhsi ku howlanaa "falal lidi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab." Wasiirka warfaafinta Yariisow oo ka hadlay dhiibista Qaabi dhagax ''Golaha Wasiirrada waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhex waday geyiga Soomaaliya iyo mandiqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab'', ayaa lagu yiri dhambaalka ka soo baxay dowladda, horraantii bishii Sebtembar. Waa Kuma Qalbi Dhagax ? Qalbi Dhagax waxa uu muddo dheer ka mid ahaa jabhadda ONLF, xilal kala duwan ayuuna kasoo qabtay, xilkii ugu dambeeyey ee uu ka hayay waxa uu ahaa hoggaanka arrimaha gudaha iyo xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ugu awoodda badan jabhadda sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan ONLF. Sidaasi darteed wuxuu noqonayaa xubinkii ugu sarreeyay ee ONLF ka tirsan oo u gacangala Itoobiya, balse ma ahan kan kaliya ee Soomaaliya gudaheeda inta laga qabto loo wareejiyo Itoobiya. Ilaa 5 sargaal oo kale oo sarsare ayaa 20kii sano ee lasoo dhaafay laga qabtay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo laga qabtay magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacayo iyo Guriceel sida ay sheegeen ONLF. Waxaa sidoo kale jirey dad jabhadan ka tirsanaa balse aanan wax mas'uuliyad haynin jabhadan oo iyagana la dhiibay. Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayay jabhadda xaqiijisey in uu ka mid ahaan jirey ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, isaga oo sannadkii 1984-tii ku dhaawacmay magaalada Galdogob dagaal Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray. Maxay tahay ONLF ? •Waa jabhad la asaasay sannadkii 1984tii oo sheegta inay u halganta xaqa ismaamulista ama madaxbannaanida dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho. •Jabhadda Xoreynta Ogaden ayaa waxa ay muddo dheer la dagaalamaysay dowladda Itoobiya, waxaana jira weeraro badan oo dowladda Itoobiya ay ku eedeysay jabhadan. •Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la wiiqay awooddii ONLF ee gudaha. •Waxaa jabhadda guddoomiye ka ah Cabdiraxmaan Sheekh Maadeey oo horey u ahaan jirey taliyihii ciidammada badda Soomaaliya, •Sannadihii dhawaa waxa ay dirir u dhaxaysay ciidamadda jabhadda iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, •ONLF oo muddo dheer dagaal kula jirtay Itoobiya ayaa sanado ka hor heshiis la gashay Itoobiya, waxana loo diiwaangaliyay in ay noqoto xisbi siyaasadeed, inkasta oo aysan ka qeybgalin doorashooyinkii labada heer ee dhowaan dhacay.