https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df
Monday, January 24, 2022
Richar Marcinko: Kumuu ahaa ninkii abaabulay dilka Usaama Bin Laadin madaxweynaha Mareykankana 'bambo ugu xiray diyaaradda'? Richard Marcinko iyo Usaama Bin Laadin
Richar Marcinko: Kumuu ahaa ninkii abaabulay dilka Usaama Bin Laadin madaxweynaha Mareykankana 'bambo ugu xiray diyaaradda'?
Richard Marcinko iyo Usaama Bin Laadin
Richard Marcinko iyo Usaama Bin Laadin
Dad badan aqoon dheeraad ah uma aysan lahayn Richar Marcinko oo ka mid ahaan jiray rug caddaayada militeriga Mareykanka, oo shaqooyinkii uu soo fuliyay ay ka mid ahayd abaabulka howlgalkii lagu dilay Usaama bin Laadin. Balse intaas kuma ekeyn waxyaabihii uu sameeyay.
Marcinko ayaa dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ee 2021-kii geeriyooday isaga oo 81 jir. Taariikhda waxa uu ku galay taariikhda ciidanka Maraykanka in uu ahaa ninkii asaasay, islamarkaasna tabobaray unugta ciidamada Navy Seal loo yaqaanno, gaar ahaan Unugta lixaad ee samaysay hawlgalkii lagu dilay hoggaamiyihii Al Qaacidda Usaama Bin Laadin.
Waxa uu ka qeyb qaatay dagaalkii Vietnamn, isaga oo heley wax ka badan 30 billadood oo abaalmarin ah.
Qaabkiisa hoggaamineed ee go'aan adeyga ayaa la sheegay in ay keentay in guulo badan laga gaaro hawlgalo la sameeyay. Balse dadka wax dhaliila qaar ayaa ku eedeeyay in uu abuuray dhaqan arxan darro ah oo ka jiray ciidanka dhexdiisa.
Mar ayaa jirtay oo dacwad wax is dabomarin ah lagu furey, isaga oo xabsiga la dhigay muddo kooban.
Waxa uu hormuud ka ahaa dajinta qorshaha argagaxiso la dirirka ee Maraykanka.
Richar Marcinko waxa uu ku dhashay Lansford, sanadkii 1940-kii, halkaas oo ah magaalo yar oo ku taala gobolka Pennysylvania. Waalidkiis waxa ay ahaayeen muhaajiriin ka yimid dalka Slovakia iyo Herzogovina, iyada oo dhammaan raggii qoyskooda ka tirsanaa ay ahaayeen kuwo ka shaqeeya godadka macdanta.
Muxuu Osama Bin Laden saaxiibkiis ka doonay Afghanistan? Maraykanka oo ku daray Bin Laden wiilkiisa liiska argagixisada
Maraykanka oo ku daray Bin Laden wiilkiisa liiska argagixisada
Toddobo arrimood oo laga bartay dardaarankii Cusaama Bin Laden
Mar uu hadlay ayuu sheegay in xitaa raggaasi qoyskiisa ka tirsan aysan awoodin in ay iibsadaan kabo.
Buug uu qorey ayuu ku sheegay in markii uu Vietnam ka dagaallamayay madaxiisa la dul dhigay lacag badan oo abaalmarin ah qofkii soo dila, isaga oo wareysi uu siiyay Majalladda People ku sheegay in dowladda Maraykanka ay ka hor istaagi jirtay in uu laayo dad badan maadaamaa uu dhanka dagaalka ku fiicnaa.
Markii uu dhacay afduubkii shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Tehran 1980-kii, waxaa madax looga dhigay unugtan cusub ee Lixaad, taas oo uu isaga tabobaray, si ay u samayso hawlgal soo furasho ah.
Waxa uu buuggiisa ku sheegay in marka unugtiisa ay tagaan meelaha baararka qamriga in si ula kac ah ay dagaal gacan ka hadal ah u kicin jireen, sababtoo ah wuxuu aaminsanaa in isu hiilinta xubnaha unugta ay muhiim u ahayd wadajirkooda.
Militariga Maraykanka ayaa mar kale u xilsaaray in uu asaaso unug lagu magacaabo Red Cell, taas oo ujeedku ahaa in ay tijaabiso heerka sugnaanta amniga ee goobaha ciidamada iyo dowladda Maraykanka.
Diyaaradda Madaxweynaha ee air Force One
XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
Qoraalka sawirka,
Diyaaradda Madaxweynaha ee air Force One
Waxa uu ku guuleystay in uu bambaanooyin ku rakibo Diyaaradda Madaxweynaha ee air Force One isaga oo aysan cidi ogaanin, sidoo kale wuxuu u dhacay xarunta Hubka Nuyuukleerka Maraykanka.
Wuxuu ka rusqeystay ciidanka sanadkii 1989-kii, isaga oo qorey buugga The Rogue Warrior, kaas oo laga iibsaday malaayiin xabbo. Kaas oo xitaa laga sameeyay barnaamijka ciyaaraha internetka oo isla magacaas leh 2009-kii.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment