https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df
Sunday, January 23, 2022
Go’aanka golaha wasiiradda ee ONLF iyo Falcelin degdeg ah oo ka dhalatay
Go’aanka golaha wasiiradda ee ONLF iyo Falcelin degdeg ah oo ka dhalatay
Rooble iyo Qalbi dhagax oo Nairobi ku kulmay
Rooble iyo Qalbi dhagax oo Nairobi ku kulmay
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cumar ayaa soo dhoweeyay go'aan maanta ay gaareen golaha wasiiradda Soomaaliya, kaas oo looga noqday go'aan 2017-kii ay gaareen golihii wasiiradda ee Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre.
Mustafe ayaa sidoo kale soo dhoweeyay in golaha ay ka xunyihiin in 'gacan cadaw la galiyay Cabdikariim Qalbi Dhagax.
Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in go'aankii golaha wasiiradda 2017-kii uu ahaa mid argagax galiyay shacabka deegaanka.
Dhanka kale Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge ayaa BBC-dau sheegay in ay soo dhoweeynayaan go'aanka Golaha Wasiiradda.
XAYEYSIIN
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Nairobi kula kulmay Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax, 13-kii Agoosto 2021-kii, sawirkaas oo dhaliyay hadal hayn badan oo dhanka baraha bulshada ah.
Kullankiisa Ra'iisul Wasaare Rooble ee Nairobi, waxay ka dhigan tahay in markii ugu horreysay uu la kulmay masuul xil sare ka haya dowladda, tan iyo markii la soo daayay.
kulankii maanta ee golaha wasiiradda
kulankii maanta ee golaha wasiiradda
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kal hore diiday go'aankii golaha wasiiradda ee 2017-kii, iyada oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajana uu BBC-da u sheegay in uu waafaqsanyahay go'aankii baarlamaanka ee diidmada ahaa.
Kulankii golaha wasiiradda ee dhacay maanta oo ah 23-da Janaayo, 2022-da ayaa sidoo kale lagu go'aamiyay in ay qalad ahayn talaabadii Itoobiya loogu dhiibay Qalbi Dhagax sida uu warbaahinta u sheegay wasiiru dowladda xafiiska Ra'isulwasaaraha Cabdixakiim Ashkir.
Sidee wax u dhaceen ?
Sida lagu qoray wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA sanadkii 2017-kii , Guddiga baarlamaanka ee kiiska Qalbi Dhagax baaray wuxuu sheegay in "Jabhadda ONLF aan loo aqoonsan in ay tahay urur argagixiso balse sidoo kalena la tix galiyo siyaasadda dalka ee ku salaysan in aan aqoonsi iyo gabaad, midna la siin ururada hubaysan ee ka soo horjeeda nabadgaliyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada deriska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale."
Jabhadda ONLF oo 20 sano kaddib gaartay Jigjiga
Wiilkii badbaadiyay gudoomiyaha ONLF oo hadda dib ula kulmay
ONLF oo isaga baxday doorashada Itoobiya
Xildhibaan Cali Yusuf (Cali Xoosh), gudoomiyaha guddiga baaritaanka sameeyay ayaa tilmaamay in "ay u soo baxday baaris ka dib in ONLF uusan caalamka u aqoonsanayn, aysanna ahayn urur argagixiso, maadaama aysan ku jirin diiwaanka argagixisada caalamiga ah."
Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya bishii Sebtembar 2017-kii ayaa lagu sheegay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhsi ku howlanaa "falal lidi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab."
Wasiirka warfaafinta Yariisow oo ka hadlay dhiibista Qaabi dhagax
''Golaha Wasiirrada waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhex waday geyiga Soomaaliya iyo mandiqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab'', ayaa lagu yiri dhambaalka ka soo baxay dowladda, horraantii bishii Sebtembar.
Waa Kuma Qalbi Dhagax ?
Qalbi Dhagax waxa uu muddo dheer ka mid ahaa jabhadda ONLF, xilal kala duwan ayuuna kasoo qabtay, xilkii ugu dambeeyey ee uu ka hayay waxa uu ahaa hoggaanka arrimaha gudaha iyo xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ugu awoodda badan jabhadda sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan ONLF.
Sidaasi darteed wuxuu noqonayaa xubinkii ugu sarreeyay ee ONLF ka tirsan oo u gacangala Itoobiya, balse ma ahan kan kaliya ee Soomaaliya gudaheeda inta laga qabto loo wareejiyo Itoobiya.
Ilaa 5 sargaal oo kale oo sarsare ayaa 20kii sano ee lasoo dhaafay laga qabtay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo laga qabtay magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacayo iyo Guriceel sida ay sheegeen ONLF. Waxaa sidoo kale jirey dad jabhadan ka tirsanaa balse aanan wax mas'uuliyad haynin jabhadan oo iyagana la dhiibay.
Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayay jabhadda xaqiijisey in uu ka mid ahaan jirey ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, isaga oo sannadkii 1984-tii ku dhaawacmay magaalada Galdogob dagaal Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray.
Maxay tahay ONLF ?
•Waa jabhad la asaasay sannadkii 1984tii oo sheegta inay u halganta xaqa ismaamulista ama madaxbannaanida dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho.
•Jabhadda Xoreynta Ogaden ayaa waxa ay muddo dheer la dagaalamaysay dowladda Itoobiya, waxaana jira weeraro badan oo dowladda Itoobiya ay ku eedeysay jabhadan.
•Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la wiiqay awooddii ONLF ee gudaha.
•Waxaa jabhadda guddoomiye ka ah Cabdiraxmaan Sheekh Maadeey oo horey u ahaan jirey taliyihii ciidammada badda Soomaaliya,
•Sannadihii dhawaa waxa ay dirir u dhaxaysay ciidamadda jabhadda iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,
•ONLF oo muddo dheer dagaal kula jirtay Itoobiya ayaa sanado ka hor heshiis la gashay Itoobiya, waxana loo diiwaangaliyay in ay noqoto xisbi siyaasadeed, inkasta oo aysan ka qeybgalin doorashooyinkii labada heer ee dhowaan dhacay.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment