https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Friday, April 15, 2022

Recommended Recipe for you:

Notify your neighbour when your mower needs attention

Cabdirashiid Janan: "Waxaan ka aamusi waayay meyd-garaaca lagu hayo dadka gobolka Gedo"

Janan

Wasiirkii hore ee amniga maamul-goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa markii ugu horreysay muddo kadddib la hadlay warbaahinta, waxaana arrimaha uu ka hadlay ka mid ah doorashada dalka ka socota.

Cabdirashiid Janan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay inuu taageersan yahay go'aankii shalay ka soo baxay Guddiga Doorashada Heer Federaal ee ahaa in doorashada 16-ka kursi ee yaalla Garbahaarrey isla markaana in muddo ahba lagu muransanaa haatan loo wareejinayo deegaan doorashada labaad oo ah degmada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo."Gobolka Gedo arrin nasiib darro ah ayaa ku dhacday, waxaana u arkaa khilaafka hadda jira midna waa mid sharci wato, midna waa mid sharci darro ah. Marka dabcan midka sharciga wato ayaan is leeyahay umadda Soomaaliyeed iyo dadka reer Gedo-ba inay u hiilliyaan uuna dhaqan geli doono, saas ayaan rajeynayaa insha allah," ayuu yiri.Go'aanka guddiga doorashada ayaa waxaa so dhoweeyay maamulka Jubaland, hase yeeshee waxaa ka soo horjeestay guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed oo ku adkeystay in meel aan Garbahaarrey ahayn aysan doorasho ka dhici karin."Aniga waxaan rabaa ninka ragga ah ee Ceelwaaq doorasho ku qabanaya. Annagu sharci baan qabbaan u nahay, sharciga haddii lagu xad gudbay cid aan qabban u nahay ma jirto, doorashadeennana waan qabsaneynaa, iyadoo xor iyo xalaal ah ayaan qabsaneynaa, cid aan magacn uga nahayna ma laha." Ayuu yiri Buulle Gareed oo BBC-da u warramayay.Cabdirashiid Janan ayaa sheegay inay habboon tahay in arrinta doorashada loo daayo cidda ku shaqada leh sida uu sheegay. "Ra'iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa doorashada dalka u xil saarnaa, waxaa jiray guddiyo heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Dabcan marka guddiyadaas iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha iyo dowlad goboleedka Jubaland madaxdeeda wixii ay isku racaaan baa sharci noqonaya," ayuu yiri.

  • Maxaa keenay inuu hadda soo hadlo?
Janan

Cabdirashiid Janan oo in muddo ahba ka aamusnaa arrimaha doorashada ee dalka ka socda ayaa sheegay in sababta haatan ku kalliftay inuu hadlo ay tahay, inuu ka aamusi waayay muranka kuraasta Garbahaarrey, oo sida uu sheegay uu filayay in odayaasha gobolka ay ka hadli doonaan oo xal laga gaari doono. Horta shakhsiyan aniga nin siyaasi ah oo Soomaaliyeed ayaan ahay, qaddiyad baana leeyahay, deegaan ayaana ka soo jeedaa. Soomaali 4.5 ayay wax ku qeybsatay, dhinac ahaanna federaal waaye oo dowlad goboleedyo ayuu dalka leeyahay oo wax lagu qeybsaday. Aniga gobolkaas ay ka maqan tahay matalaadda xildhibaannadaas ayaan ka soo jeedaa, ee dadkaas shacabka ah oo la jahwareeriyay, oo maamulkii sharciga oo ay lahaayeenna lagu tuntay oo la xoogay askarta nabad-sugidda ahna loo dhiibay.Waxaa iga hadashiiyay xilligaan inaan arkay dadkii gobolkaas ka soo jeeday, muddo badan waa dhibbanaayeen ee haatan la meyd-garaacayo, waxaana ii muuqan waayay cid kale oo ama dhaqan ah ama siyaasad ah oo damiir yeelata oo arrintaas ka hadasha," ayuu yiri Janan. Waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Jubaland oo ka dhashay doorashadii madaxtinnimada dalkaas, oo sanadkii 2019 dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaam. Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018-kii, Cabdirishiid Janan oo markaas ahaa wasiirka amniga maamulkaas oo la hadlayay saraakiisha ciidamada ee maamulkaas wuxuu dowladda federaalka ah ku eedeeyay in ay faragalin ku hayso maamulkooda, wuxuuna ka digay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan ciddii kusoo xad gudubta.Meesha la yiraahdo Baydhabo doorashaa ka socota, waxa ka jirana waad ogtihiin, baabuur dad laga soo hormariyo, 20 wasiir oo la isku soo daro. Anagana doorasho ayaan u soconaa, qof kii raba in uu doorasho galo waxaan ogolnahay isaga oo nabad ah, oo shaqsi ah in uu garoonkaas kasoo dego, ma dhibaateyneyno, xaq buu leeyahay", ayuu yiri Janan.Wuxuu intaa ku daray: "Laakiin waxa dadka qaarkiis lagula dhaqmayo ciddii nagula dhaqanta awood baan u leennahay in aan garoonka ka celinno".Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bishii Augst ee sanadkii 2019-kii, shaacisay inay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan). Dowladdu waxay sheegtay in Cabdirashiid Janan loo haysto "dambiyo culus" oo uu galay. Tan iyo xlligaas, hal mar ayaa maxkamad la horgeeyay.Cabdirashiid Janan ayaa hadda muddo sanad ah ku sugan magaalada Muqdisho. Bishii March ee sanadkii hore ayuu ka degay magaalada Muqdisho kaddib sida uu sheegay wada hadal dhex maray isaga iyo dowladda, hase yeeshee dowladda federaalka ayaa sheegtay inuu is soo dhiibay.

JananWareysi uu xilligaas siiyay BBC, ayaa Cabdirashiid Janan wuxuu ku yiri: "Dawladda Soomaaliya waxaan ku heshiinay in khilaafkii la af-jaro, laga heshiiyo shacabka Soomaaliyeed na loo turo."

"Dawladnimada ummada Soomaaliyeed mudo ka maqnayd oo furaheedii hadda la helay, laga wada shaqeeyo sida qaranimadeedii iyo sharafteedii loo soo celin lahaa, khilaafkana la xiro." Ayuu yidhi Janan oo hadalkiisu u ekaa in heshiis uu la galay dowladda.

Wuxuu tilmaamay in dowladda ay muddaba dooneysay in la xalliyo khilaafka. Wuxuu yidhi "xaqiiqiyan mudo dheer oo sannad ka badan waxay dawladda dhexe u taagnayd in arrintaan la xaliyo, arintaas iyada ahna maanta ayuu Ilaahay suurto geliyey".

Wednesday, April 13, 2022

Recommended Recipe for you:

Quickly create events in a Google Calendar

Maxay xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed ka yiraahdeen go'aankii FEIT

Astaanta FEITMaanta ayaa la filayaa in gudiga FEIT uu dhaariyo xildhibaanada

Gudiga Doorashooyinka Soomaaliya ee Heer Federal ayaa fasaxay laba ka mid ah saddexdii kursi ee beerlamaanka ee deegaan doorashadoodu ahayd Koonfur Galbeed.

War saxaafadeed muuqaal ah oo ka soo baxay gudiga ayaa laga sheegay in wafdi uu hogaaminayay gudoomiyaha gudiga Muuse Geelle ay gaareen magaalada Baydhabo si ay u xaliyaan tabashada reer Koonfur galbeed.

War saxaafadeedka ayaa lagu yiri: "Maanta waxaan la kulanay odayaashii dhaqanka kuraastii buuqu ka taagnaa, bulshada rayidka ah iyo maamulka qaybo ka mid ah. Baaritaan aan ku sameynay gudiga SEIT dukumiintiyadii ay gacanta ku hayeen, waxaa noo soo baxday, kursiga Hop 103 iyo kursiga Hop 204 in ay fasaxan yihiin wixii hadda ka danbeeya, oo wax buuq ah uusan ka taagnayn, halka uu wali hakisan yahay kursiga Hop 154".

Gudiga ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ee deegaan doorashaduudu tahay Koonfur Galbeed ay qaadan doonaan shahaadada xildhibaanimada, sidoo kalana ay ka qayb gali doonaan munaasabadda dhaarinta xildhibaanada oo la filayo in ay biri ka dhacdo xerada afisyooni.

Maxay arintaan ka yiraahdeen xildhibaanada Koonfur Galbeed?                                                                                              Xildhibaan cabdalla Xuseyn Cali oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay Koonfur Galbeed, afhayeena u ah dhamaan xubnaha baarlamaanka ee ay isku deegaan doorashada yihiin oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go'aanka ka soo baxay gudiga doorashooyinka.

Waxaan weydiinay su'aal ahayd, ma ka qayb galeysaan dhaarinta xubnaha baarlamaanka ee maanta la filayo in ay ka dhacdo xerada afisyooni? Waxa uu ku jawaabay : "Haa, waan ka qayb galeynaa dhaarinta xildhibaanada ee la isugu yeeray maanta, waan tageynaa, dhaartaasna waan ka qayb galeynaa".

Labada kursi ee aan ilaa iyo hadda la fasixin waxaa doorashadooda ku soo baxay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdi iyo taliyihii hore ee nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Gudigu waxay iclaamiyeen in lagu celin doona doorashada kursiga ay ku soo baxday xildhibaan Sareedo.

Horey xildhibaanada Koonfur Galbeed waxay u diideen in ay qaataan shaadada xildhibaanimada iyo sidoo kale in ay ka qayb galaan munaasabadda lagu dhaarinayo xildhibaanada. Balse dhawr maalin ka hor waxaa magaalada Baydhabo gaaray wafdi uu hugaaminayay madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cadi Kaariye oo iclaamiyay in uu ka qayb qaadanayo xalinta khilaafka ka dhashay hakinta kuraasta. XIldhibaan Cabdalla waxa uu noo sheegay in wadahadaladii uu galay wafdigaas ay wax wayn katareen xalinta khilaafka.

Monday, April 11, 2022

Recommended Recipe for you:

Add Todoist to your lifestyle analytics with Welltory

Recommended Recipe for you:

Automatically have the texts you receive on your Android phone sent to your email

Maxaa ka jira in Abiy Axmed uu ciidamo Soomaali ah u adeegsanayo dagaalka Oromada?

Dagaal ayaa la sheegayaa inuu ka socdo gobolka ugu bulshada badan dalka Itoobiya ee Oromia, kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Ciidamada Xoreynta Oromo (OLA), taas oo sii xoojineysa walaaca laga qabo amniga sii xumaanaya ee koofurta dalkaas.
Dagaal sokeeye oo 17 bilood ka socday waqooyiga Itoobiya ayaa daaha ka qaaday musiibo bini'aadannimo oo aad u ba'an oo ay kumannaan qof ku dhinteen, malaayiin kalena ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.
Maamulka gobolka Oromia ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay qaadeen weerarro muddo bil ah socday oo ka dhan ah Xoogagga Xoreynta Oromada halka kooxda OLA dhankeeda ay sheegtay in ay guulo ka gaartay dagaalladaasi.
Afhayeenka kooxda Odaa Tarbii ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ciidamada ammaanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dariska la ah la geeyay Oromia si ay gacan uga geystaan dagaalka.
Dhaqaatiirta gaajaysa oo raashiinka gargaarka safaf u galaya
Debretsion Gebremichael: Ninka magaciisu ku xardhan yahay colaadda Itoobiya
Maraykanka oo war cusub ka soo saaray dagaalka Itoobiya
Hase yeeshee, waxaa eedeeyntaasi gaashaanka u daruuray sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Soomaalida oo la hadlay BBC-da, oo la yirahdo Abdikadr Rashid, laakin waxa uu sheegay in ciidamada gobolkiisa ay geli karaan Oromia haddii loo yeero.
Xabbad-joojin bini'aadannimo oo ay ku heshiiyeen ciidamada Tigrayga iyo dawladda oo bishii hore lagu dhawaaqay ayaa loo arkay tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjarayo dagaalka sokeeye ee waqooyiga. Balse iyadoo gargaarka la sii marsiinayo gobolka Tigray aanu dabooli karin baahida gobolka, ayaa haddana waxaa jira eedeymo ah in la xannibay gargaarka.
Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan dagaallada ka socda koofurta dalka iyo inay sii murjiyaan dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa bini'aadannimo ee dalka Itoobiya uu wajahayo.
Halkee ayay iska arkeen Oromada iyo Abiy Axmed?
Markii Abiy Axmed uu noqday ra'iisul wasaaraha Itoobiya afar sano kahor, qowmiyadda Oromada ayaa dareemay in xaaladdooda ay is beddeli doonto.
Qof ka mid ah ayuu ahaa - wuu fahmayay carada qowmiyadda ugu tirada badan dalkaas kuwaas oo dibadbaxyo ballaaran gudaha dalkaas ku qabtay kahor inta uusan is casilin ninkii xilka kaga horreeyay.
Wuxuu ogaa waxa ay la micno tahay isdhaafka gacmahooda oo caan ka noqday cayaarihii olombikada ee Rio Olympics markii orod yahanka Feyisa Lilesa uu sidaas sameeyay.
"Dad badan ayaa u arkayay Abiy inuu yahay Messiah-ga,"cusub sida uu sheegay Merera Gudina, oo ah guddoomiyaha Kongareeska Federaalka Oromo ee mucaaradka ah (OFC).
Inta badan Oromada ayaa gudaha dalkooda ku dareema inay yihiin muwaaddiniin heerka labaad ah, iyagoo sidoo kale dareemay in lagu ceebeeyay dhaqankooda.
Inta badan Oromada ayaa ku nool gobolka Oromia, iyadoo dalkaasi uu u kala qeybsan yahay gobollo qabaa'ileed. Haddana Addis Ababa, oo ah caasimadda Itoobiya, oo uu ku hareereysan yahay Oromia, Qaar ka mid ah Oromada ayaa sheegay in lagu ceebeeyay inay ku hadlaan Afaan Oromoo marka ay joogaan meelaha ay bulshadu isugu timaaddo, xitaa gudaha baska.
Feyisa Lilesa oo muujinaya astaanta gacmaha la is dhaafiyo ee caanka ka noqday cayaarihii Olimbikada 2016
Waxay sido kale dareemeen in dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaanba la gacan bidixeeyay.
Waa kuma ninka laf dhuun gashay ku noqday Abiy Axmed ee hadda xabsiga laga soo daayay?
Balse Abiy ma noqon sidii ay filayeen Oromada, isagoo bilaabay inuu xirxiro siyaasiyiin badan oo qowmiyadda Oromada ka soo jeeda, waxaana ka mid ah Jawaar Maxamed.
Jawaar, oo sidoo kale siyaasi ah, ayaa bishii July ee sanadkii 2020 lala xiray dhowr ruux oo kale, kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen rabshado daba socday dilkii loo geystay fannaankii Oromada u dhashay ee lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa.
Mr Jawaar ayaa horay maxkamadda ugu sheegay in kiiskooda oo dhan uu yahay mid siyaasad salka ku haya, ujeeddada kaliya ee laga leeyahayna ay tahay sidii looga hor istaagi lahaa isaga inuu u tartamo xafiis dowladeed marka la gaaro doorashada lagu wado inay Itoobiya ka dhacdo bisha June ee sanadkan.
Muddo kaddib bishii January ee sanadkan waxay Itoobiya sheegtay in ay xabsiga ka sii deynayso Jawar Mohammed oo ah mucaarad caan ah iyo sidoo kale saraakiil sare oo ka tirsan Jabhadda Xoraynta Tigrayga (TPLF) oo xabsiga loo taxaabay ka dib dagaalkii sokeeye ee ka dhacay waqooyiga dalkaasi, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda

Wax ka ogow cuntadii Nabi Nuux uu jeclaa oo bisha Muxarram laga cuno Turkiga

عاشوراء

Inkastoo digirta nooca chickpeas iyo digirta kaleba aysan caadi ahaan ahayn wax lau daro macmacaanka, haddana waxay aasaas u yihiin mid ka mid ah cunnooyinka ugu qadiimsan - dadka qaarna waxayba leeyihiin, mid ka mid ah kuwa ugu dhadhanka macaan - adduunka.Weriyaha BBC-da qeybta safarka ayaa tiri, waxay ahayd maalin ka mid ah bisha January oo qabow uu jiray oo aan ku sugnaa Istanbul, Turkiga, waxaana wax iga qanciya ka dhex eegayay Göreme, oo ah dukaan qaddiimi ah oo lau iibiyo macmacaanka kuna yaalla degmada Kurtuluş. Waxaa lagu yaqaannaa macmacaanka foornada lagu sameeyo iyo kuwa caanaha laga sameeyo, dukaankan wuxuu sidoo kale iibiyaa mid ka mid ah cunnooyinka macmacaan ee ugu qadiimsanuwii uu bani'aadamku isticmaali jiray: waxaana loo yaqaannaa Ashur (Ashura).Sida laga soo xigtay taariikhda Islaamka, cuntadan Ashura- oo aalaaba loogu yeero "Macmacaankii Nuux" - waa cunto la cuno xilliyada xafladaha waxaana la sheegay inay caan ku ahaayeen qoyskii Nabi Nuux kaddib markii uu ka badbaaday Daadadkii Waaweynaa uuna degay Buurta Ararat, oo maanta loo yaqaanno dhul-xudduudeedkawaqooyi-bari ee Turkiga.Waxyaabaha gaarka u ah cuntadaan ayaa waxaa ka mid ah inay ka kooban tahay dhowr noocoo digir ah, khudaar iyo loos.Marka la sameeyo waa macaan. Marka ay kulushahay waa mishaari oo kale, marka la qaboojiyana waa sida labaniyad oo kale.Marka laga reebo inay tahay mid ka mid ah cunnooyinka ugu qadiimsan dunida, Ashura waxay leedahay barako diimeed waxaana manata laga cunaa Anatolia, oo ah dhulka uu ka kooban yahay Turkiga casriga ah.

Semer Torun, oo ah tifaftiraha Vogue iyo wargeyska GQ Turkey, ayaa maqaal ay ku qortay wargeyska Food waxay ku tiri: "Ashura waxay Carabiga la micno tahay 10 waxaana loo yaqaannaa tobanka bisha Muxarram, oo ah bisha ugu horreysa tirsiga Islaamiga ah. Cuntadan macmacaanka toddobaadkaas ayaa guryaha lagu kariyaa waxaana loo qeybiyaa saaxiibbada, waxayna muujineysaa jaceyl." Torun ayaa sheegtay in Ashura "ay tahay cuntada ugu qadiimsan dunida.

رغم أن هناك عددًا لا يُحصى من وصفات عاشوراء، إلا أن المكونات الشائعة تشمل الحمص والفاصولياء والحبوب والمكسرات والفاكهةAshura waxay ka kooban tahay dhowr nooc oo digir ah, loos, sabiib iyo khudaar"Taariikhdan waxay muhiim u tahay Muslimiinta Shiicada ah - waxayna sidoo kale muhiim u tahay Calawiyiinta iyo Bektashi - sababtoo ah waxay astaan u tahay shahiihdnimadii Xuseen, wiilka uu awoowaha u yahay Nabi Muxamad NNKH, taas oo sababtay in Shiicada iyo Sunniyiintu ay ku kala qeybsamaan Islaamka," ayay tiri Torun.Gudaha Turkiga iyo dibaddaba, waxaa jira siyaabo kala duwan oo loo sameeyo Ashura. Cuntadan caadiyan khudrad un ayay ka kooban tahay oo hilib kuma jiro, waxaana ka buuxda nafaqo, waxayna aad ugu fiican tahay xilliyada qaboobaha sabbatoo ah waa cunto caafimaad leh oo ku dherjineysa.Maqaalkeeda ay u qortay wargeyska New Lines, Suna Cagaptay, oo taariikhda ka dhigtay Jaamacada Bahçeşehir ee Istanbul, ayaa waxay ku sharraxeysaa sida cuntadan ay sidoo kale u gaartay Giriigga iyo Armenia, iyo sida ay ugu faafeyso Bariga Dhexe iyo Yurub iyadoo isbeddel lagu sameeyay qaabka loo kariyo.Markii aan ahaa toddoba jir, waxana u maleyn jiray in cuntadan keliya ay cunaan Calawiyiinta. Markaan soo weynaaday ayaan ogaaday in Sunnigu ay sidoo kale sameystaan," ayay tiri Cagaptay.
خلال شهر محرم، تُطهى عاشوراء في المنازل وتوزع على الأصدقاء والجيرانInta lagu jiro bisha Muxarram, Ashura ayaa la kariyaa waxaana loo qeybiyaa deriska

Waxaan weydiiyay Cagaptay inay dib u milicsato khibraddeedii iyo tan qoyskeeda ee Ashura, waxayna sheegtay in hooyadeed ay cuntadan ka sameyn jirtay ugu yaraan siddeed waxyaabood (qamadi, sokor, sabiib, labo nooc oo digir ah, biyo, qorfe iyo loos). Waxay ahayd mid lala wadaago deriska oo caafimaad fiican leh xiriir wanaagsanna dhex digeysa deriska.

Aad ayay u adkeyd in laga hadlo cuntadan, maaddaama cuntadan ay leedahay taariikh fog iyo dhaqan ka duwan cunnooyinka kale. Sababtaas darteed ayaan u go'aansaday inaan marka hore aado Goreme, oo ah meel qadiimi ah oo ku taalla Kortuloš, oo ah deegaan xadka Giriigga ku yaalla oo taariikh fog leh, waxaana weli ku nool bulsho ka soo jeedda Armenia, Giriigga iyo Yahuud.

Milkiilaha dukaanka Ilhan Yalcin, ayaa sheegay in qaabka uu dukaanku u sameeyo Ashura, ay tahay sidii uu awowgii u sameyn jiray.

Maqaayadaha qaar ayaa bisha Muxarram sameeya cuntadan, waxaana laga yaabaa in xilliyada kale aan aad looga cunin Turkiga, sida ay sheegtay Torun.

يبيع غوريم، وهو متجر حلويات قديم في إسطنبول، وصفة بسيطة من عاشوراء تعتمد على حساء أرميني بارد

XIGASHADA SAWIRKA,PAUL OSTERLUND

Qoraalka sawirka,

Göreme, waa dukaan qadiimi ah oo ku yaalla Istanbul, kaas oo lagu iibiyo Ashura

Qoraalka Muuqaalka,

Meheradaha cuntada iyo Dhalinyarada Baraha bulshada.

Wararkii ugu Danbeeyey Shiinaha oo Gantaalo Ku Daabulaya Yurub meesha uu...