Maanta ayaa la filayaa in gudiga FEIT uu dhaariyo xildhibaanadaGudiga Doorashooyinka Soomaaliya ee Heer Federal ayaa fasaxay laba ka mid ah saddexdii kursi ee beerlamaanka ee deegaan doorashadoodu ahayd Koonfur Galbeed.
War saxaafadeed muuqaal ah oo ka soo baxay gudiga ayaa laga sheegay in wafdi uu hogaaminayay gudoomiyaha gudiga Muuse Geelle ay gaareen magaalada Baydhabo si ay u xaliyaan tabashada reer Koonfur galbeed.
War saxaafadeedka ayaa lagu yiri: "Maanta waxaan la kulanay odayaashii dhaqanka kuraastii buuqu ka taagnaa, bulshada rayidka ah iyo maamulka qaybo ka mid ah. Baaritaan aan ku sameynay gudiga SEIT dukumiintiyadii ay gacanta ku hayeen, waxaa noo soo baxday, kursiga Hop 103 iyo kursiga Hop 204 in ay fasaxan yihiin wixii hadda ka danbeeya, oo wax buuq ah uusan ka taagnayn, halka uu wali hakisan yahay kursiga Hop 154".
Gudiga ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ee deegaan doorashaduudu tahay Koonfur Galbeed ay qaadan doonaan shahaadada xildhibaanimada, sidoo kalana ay ka qayb gali doonaan munaasabadda dhaarinta xildhibaanada oo la filayo in ay biri ka dhacdo xerada afisyooni.
Maxay arintaan ka yiraahdeen xildhibaanada Koonfur Galbeed? Xildhibaan cabdalla Xuseyn Cali oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay Koonfur Galbeed, afhayeena u ah dhamaan xubnaha baarlamaanka ee ay isku deegaan doorashada yihiin oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go'aanka ka soo baxay gudiga doorashooyinka.
Waxaan weydiinay su'aal ahayd, ma ka qayb galeysaan dhaarinta xubnaha baarlamaanka ee maanta la filayo in ay ka dhacdo xerada afisyooni? Waxa uu ku jawaabay : "Haa, waan ka qayb galeynaa dhaarinta xildhibaanada ee la isugu yeeray maanta, waan tageynaa, dhaartaasna waan ka qayb galeynaa".
Labada kursi ee aan ilaa iyo hadda la fasixin waxaa doorashadooda ku soo baxay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdi iyo taliyihii hore ee nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Gudigu waxay iclaamiyeen in lagu celin doona doorashada kursiga ay ku soo baxday xildhibaan Sareedo.
Horey xildhibaanada Koonfur Galbeed waxay u diideen in ay qaataan shaadada xildhibaanimada iyo sidoo kale in ay ka qayb galaan munaasabadda lagu dhaarinayo xildhibaanada. Balse dhawr maalin ka hor waxaa magaalada Baydhabo gaaray wafdi uu hugaaminayay madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cadi Kaariye oo iclaamiyay in uu ka qayb qaadanayo xalinta khilaafka ka dhashay hakinta kuraasta. XIldhibaan Cabdalla waxa uu noo sheegay in wadahadaladii uu galay wafdigaas ay wax wayn katareen xalinta khilaafka.
No comments:
Post a Comment