
Inkastoo digirta nooca chickpeas iyo digirta kaleba aysan caadi ahaan ahayn wax lau daro macmacaanka, haddana waxay aasaas u yihiin mid ka mid ah cunnooyinka ugu qadiimsan - dadka qaarna waxayba leeyihiin, mid ka mid ah kuwa ugu dhadhanka macaan - adduunka.Weriyaha BBC-da qeybta safarka ayaa tiri, waxay ahayd maalin ka mid ah bisha January oo qabow uu jiray oo aan ku sugnaa Istanbul, Turkiga, waxaana wax iga qanciya ka dhex eegayay Göreme, oo ah dukaan qaddiimi ah oo lau iibiyo macmacaanka kuna yaalla degmada Kurtuluş. Waxaa lagu yaqaannaa macmacaanka foornada lagu sameeyo iyo kuwa caanaha laga sameeyo, dukaankan wuxuu sidoo kale iibiyaa mid ka mid ah cunnooyinka macmacaan ee ugu qadiimsanuwii uu bani'aadamku isticmaali jiray: waxaana loo yaqaannaa Ashur (Ashura).Sida laga soo xigtay taariikhda Islaamka, cuntadan Ashura- oo aalaaba loogu yeero "Macmacaankii Nuux" - waa cunto la cuno xilliyada xafladaha waxaana la sheegay inay caan ku ahaayeen qoyskii Nabi Nuux kaddib markii uu ka badbaaday Daadadkii Waaweynaa uuna degay Buurta Ararat, oo maanta loo yaqaanno dhul-xudduudeedkawaqooyi-bari ee Turkiga.Waxyaabaha gaarka u ah cuntadaan ayaa waxaa ka mid ah inay ka kooban tahay dhowr noocoo digir ah, khudaar iyo loos.Marka la sameeyo waa macaan. Marka ay kulushahay waa mishaari oo kale, marka la qaboojiyana waa sida labaniyad oo kale.Marka laga reebo inay tahay mid ka mid ah cunnooyinka ugu qadiimsan dunida, Ashura waxay leedahay barako diimeed waxaana manata laga cunaa Anatolia, oo ah dhulka uu ka kooban yahay Turkiga casriga ah.
Semer Torun, oo ah tifaftiraha Vogue iyo wargeyska GQ Turkey, ayaa maqaal ay ku qortay wargeyska Food waxay ku tiri: "Ashura waxay Carabiga la micno tahay 10 waxaana loo yaqaannaa tobanka bisha Muxarram, oo ah bisha ugu horreysa tirsiga Islaamiga ah. Cuntadan macmacaanka toddobaadkaas ayaa guryaha lagu kariyaa waxaana loo qeybiyaa saaxiibbada, waxayna muujineysaa jaceyl." Torun ayaa sheegtay in Ashura "ay tahay cuntada ugu qadiimsan dunida.


Waxaan weydiiyay Cagaptay inay dib u milicsato khibraddeedii iyo tan qoyskeeda ee Ashura, waxayna sheegtay in hooyadeed ay cuntadan ka sameyn jirtay ugu yaraan siddeed waxyaabood (qamadi, sokor, sabiib, labo nooc oo digir ah, biyo, qorfe iyo loos). Waxay ahayd mid lala wadaago deriska oo caafimaad fiican leh xiriir wanaagsanna dhex digeysa deriska.
Aad ayay u adkeyd in laga hadlo cuntadan, maaddaama cuntadan ay leedahay taariikh fog iyo dhaqan ka duwan cunnooyinka kale. Sababtaas darteed ayaan u go'aansaday inaan marka hore aado Goreme, oo ah meel qadiimi ah oo ku taalla Kortuloš, oo ah deegaan xadka Giriigga ku yaalla oo taariikh fog leh, waxaana weli ku nool bulsho ka soo jeedda Armenia, Giriigga iyo Yahuud.
Milkiilaha dukaanka Ilhan Yalcin, ayaa sheegay in qaabka uu dukaanku u sameeyo Ashura, ay tahay sidii uu awowgii u sameyn jiray.
Maqaayadaha qaar ayaa bisha Muxarram sameeya cuntadan, waxaana laga yaabaa in xilliyada kale aan aad looga cunin Turkiga, sida ay sheegtay Torun.

XIGASHADA SAWIRKA,PAUL OSTERLUND
Göreme, waa dukaan qadiimi ah oo ku yaalla Istanbul, kaas oo lagu iibiyo Ashura
Meheradaha cuntada iyo Dhalinyarada Baraha bulshada.
No comments:
Post a Comment