https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: Cabdirashiid Janan: "Waxaan ka aamusi waayay meyd-garaaca lagu hayo dadka gobolka Gedo"
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Friday, April 15, 2022

Cabdirashiid Janan: "Waxaan ka aamusi waayay meyd-garaaca lagu hayo dadka gobolka Gedo"

Janan

Wasiirkii hore ee amniga maamul-goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa markii ugu horreysay muddo kadddib la hadlay warbaahinta, waxaana arrimaha uu ka hadlay ka mid ah doorashada dalka ka socota.

Cabdirashiid Janan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay inuu taageersan yahay go'aankii shalay ka soo baxay Guddiga Doorashada Heer Federaal ee ahaa in doorashada 16-ka kursi ee yaalla Garbahaarrey isla markaana in muddo ahba lagu muransanaa haatan loo wareejinayo deegaan doorashada labaad oo ah degmada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo."Gobolka Gedo arrin nasiib darro ah ayaa ku dhacday, waxaana u arkaa khilaafka hadda jira midna waa mid sharci wato, midna waa mid sharci darro ah. Marka dabcan midka sharciga wato ayaan is leeyahay umadda Soomaaliyeed iyo dadka reer Gedo-ba inay u hiilliyaan uuna dhaqan geli doono, saas ayaan rajeynayaa insha allah," ayuu yiri.Go'aanka guddiga doorashada ayaa waxaa so dhoweeyay maamulka Jubaland, hase yeeshee waxaa ka soo horjeestay guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed oo ku adkeystay in meel aan Garbahaarrey ahayn aysan doorasho ka dhici karin."Aniga waxaan rabaa ninka ragga ah ee Ceelwaaq doorasho ku qabanaya. Annagu sharci baan qabbaan u nahay, sharciga haddii lagu xad gudbay cid aan qabban u nahay ma jirto, doorashadeennana waan qabsaneynaa, iyadoo xor iyo xalaal ah ayaan qabsaneynaa, cid aan magacn uga nahayna ma laha." Ayuu yiri Buulle Gareed oo BBC-da u warramayay.Cabdirashiid Janan ayaa sheegay inay habboon tahay in arrinta doorashada loo daayo cidda ku shaqada leh sida uu sheegay. "Ra'iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa doorashada dalka u xil saarnaa, waxaa jiray guddiyo heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Dabcan marka guddiyadaas iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha iyo dowlad goboleedka Jubaland madaxdeeda wixii ay isku racaaan baa sharci noqonaya," ayuu yiri.

  • Maxaa keenay inuu hadda soo hadlo?
Janan

Cabdirashiid Janan oo in muddo ahba ka aamusnaa arrimaha doorashada ee dalka ka socda ayaa sheegay in sababta haatan ku kalliftay inuu hadlo ay tahay, inuu ka aamusi waayay muranka kuraasta Garbahaarrey, oo sida uu sheegay uu filayay in odayaasha gobolka ay ka hadli doonaan oo xal laga gaari doono. Horta shakhsiyan aniga nin siyaasi ah oo Soomaaliyeed ayaan ahay, qaddiyad baana leeyahay, deegaan ayaana ka soo jeedaa. Soomaali 4.5 ayay wax ku qeybsatay, dhinac ahaanna federaal waaye oo dowlad goboleedyo ayuu dalka leeyahay oo wax lagu qeybsaday. Aniga gobolkaas ay ka maqan tahay matalaadda xildhibaannadaas ayaan ka soo jeedaa, ee dadkaas shacabka ah oo la jahwareeriyay, oo maamulkii sharciga oo ay lahaayeenna lagu tuntay oo la xoogay askarta nabad-sugidda ahna loo dhiibay.Waxaa iga hadashiiyay xilligaan inaan arkay dadkii gobolkaas ka soo jeeday, muddo badan waa dhibbanaayeen ee haatan la meyd-garaacayo, waxaana ii muuqan waayay cid kale oo ama dhaqan ah ama siyaasad ah oo damiir yeelata oo arrintaas ka hadasha," ayuu yiri Janan. Waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Jubaland oo ka dhashay doorashadii madaxtinnimada dalkaas, oo sanadkii 2019 dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaam. Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018-kii, Cabdirishiid Janan oo markaas ahaa wasiirka amniga maamulkaas oo la hadlayay saraakiisha ciidamada ee maamulkaas wuxuu dowladda federaalka ah ku eedeeyay in ay faragalin ku hayso maamulkooda, wuxuuna ka digay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan ciddii kusoo xad gudubta.Meesha la yiraahdo Baydhabo doorashaa ka socota, waxa ka jirana waad ogtihiin, baabuur dad laga soo hormariyo, 20 wasiir oo la isku soo daro. Anagana doorasho ayaan u soconaa, qof kii raba in uu doorasho galo waxaan ogolnahay isaga oo nabad ah, oo shaqsi ah in uu garoonkaas kasoo dego, ma dhibaateyneyno, xaq buu leeyahay", ayuu yiri Janan.Wuxuu intaa ku daray: "Laakiin waxa dadka qaarkiis lagula dhaqmayo ciddii nagula dhaqanta awood baan u leennahay in aan garoonka ka celinno".Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bishii Augst ee sanadkii 2019-kii, shaacisay inay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan). Dowladdu waxay sheegtay in Cabdirashiid Janan loo haysto "dambiyo culus" oo uu galay. Tan iyo xlligaas, hal mar ayaa maxkamad la horgeeyay.Cabdirashiid Janan ayaa hadda muddo sanad ah ku sugan magaalada Muqdisho. Bishii March ee sanadkii hore ayuu ka degay magaalada Muqdisho kaddib sida uu sheegay wada hadal dhex maray isaga iyo dowladda, hase yeeshee dowladda federaalka ayaa sheegtay inuu is soo dhiibay.

JananWareysi uu xilligaas siiyay BBC, ayaa Cabdirashiid Janan wuxuu ku yiri: "Dawladda Soomaaliya waxaan ku heshiinay in khilaafkii la af-jaro, laga heshiiyo shacabka Soomaaliyeed na loo turo."

"Dawladnimada ummada Soomaaliyeed mudo ka maqnayd oo furaheedii hadda la helay, laga wada shaqeeyo sida qaranimadeedii iyo sharafteedii loo soo celin lahaa, khilaafkana la xiro." Ayuu yidhi Janan oo hadalkiisu u ekaa in heshiis uu la galay dowladda.

Wuxuu tilmaamay in dowladda ay muddaba dooneysay in la xalliyo khilaafka. Wuxuu yidhi "xaqiiqiyan mudo dheer oo sannad ka badan waxay dawladda dhexe u taagnayd in arrintaan la xaliyo, arintaas iyada ahna maanta ayuu Ilaahay suurto geliyey".

No comments: