https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Friday, June 3, 2022

Soomaaliya: Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal shuruud ku xiray wadahadal uu la galo Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu wadahadal la gali doono ururka Al-Shabaab marka uu ka adkaado kaddib. Wareysi uu siiyay Wargayska "the economist" ayuu uga hadlay qorshaha dowladdiisa ee ku aaddan sugidda amniga, xilli Al-Shabaab ay weerarro ka gaysato meelo kala duwan oo ka mid ah Soomaaliya, oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah. Al-Shabaab oo gacan-saar la leh ururka Al-Qaacidda ayaa sidoo kale maamusha qaybo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Dagaalka Al-Shabaab Waqtigii hore ee madaxweynennimada Xasan Sheekh Maxamuud, ka hor inta uusan xilka ku wareejinin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa Al-Shabaab dib looga qabsaday magaalooyin muhiim ah. Balse, madaxweynaha soo laabtay ayaa aaminsan in dagaalka uu halkiisa kasii socon doono, sida uu dhowr jeer ka sheegay fagaareyaasha. XIGASHADA SAWIRKA, VS "Inta badan degmooyinkii aan xoraynay dib ayay gacanta ugu galeen Al-Shabaab," ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku yiri wareysiga uu siiyay wargayska caalamiga ah. "Dowladdii hore wax qorshe ah uma aysan haysanin in ay la dagaallanto Al-Shabaab," ayuu yiri. Al-Shabaab ayaa la sheegaa in ay dhaqaale xoog leh ka qaadato ganacsatada Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamaa kooxda ugu taajirsan dhammaan kooxaha xulafada la ah ururka Al-Qaacidda. In muddo ahba waxaa la isla dhex marayay in kooxdan ay canshuuro ka qaadato ganacsatada maxalliga ah, sida ay shaaciyeen warbaahin uu ka mid yahay isla wargayska uu la hadlay madaxweynaha. Waxa ay sidoo kale leeyihiin maxkamado iyo maamullo u qaabbilsan adeegyada aasaasiga ah. "Al-Shabaab waxay dowlad ka dhex samaysatay dowlad kale," ayuu yiri Madaxweynaha. Dadkii loogu doonista badnaa caalamka ee Soomaaliya ku dhuuntay Hoggaamiyeyaashii Al-Shabaab ee Xilligii Osama tagay Afghanistan Wejiyada aan laga fileyn inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab XIGASHADA SAWIRKA, VS Khudbad uu ka jeediyay magaalada Dhuusamareeb oo uu booqasho ku joogo ayuu sidoo kale ku sheegay in shardiga kaliya ee ku xiran in lagu guulaysto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay in loo midoobo. "Hadafka dowladdeyda waa inaan ka shaqeyno wixii u dan ah dalkaan iyo dadkaan iyo diintooda. Waxa ugu horreeya ee dan u ah dadka - irsaaqadda uu qof walba cunayo Alle ayaa kafaalo qaadaye - waa in muwaadinka Soomaaliyeed uu gurigiisa nabad ku gam'o. Nimanka nabad-diidka ah ee dadka hoyaadka u diiday inaan dalkaan meel ka saarno ayaan rabnaa. Sida kaliya ee aan meel ku saari karnana waa inaan quluubteenna isku xirno oo aan hal dhinac kasoo wada jeesanno," ayuu yiri. Muxuu yahay qorshaha Xasan Sheekh Maxamuud? Dad badan waxay iswaydiinayaan waxa uu noqon karo qorshaha ay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud wax uga beddeli karto xaaladda amni ee Soomaaliya. Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo ah taliyihii hore ee ciidanka Danab ee uu Mareykanku tababaray, ayaa yiri: "Si looga guulaysto Al-Shabaab waa inay dowladdu uga adkaato tartanka dhinaca bixinta adeegga shacabka." Al-Shabaab madaxdooda waxay ku doodaan inay ujeeddadoodu tahay sidii ay dalka ugu soo rogi lahaayeen xukunka shareecada Islaamiga ah. Balse, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muxuu dhankiisa doonayaa? "Ujeeddadeennu waa inaan Al-Shabaab ula dagaalanno qaab ku dhisan fikir Islaami ah, oo aan tusno dadka in ay dowladdu difaacayso diintooda. Tanina micnaheedu waa in la billaabo dagaal aan loo kala harin," ayuu yiri. XIGASHADA SAWIRKA, AFP Hase yeeshee, dadka qaar waxay aaminsan yihiin in xalka waari kara uu yahay oo kaliya mid ku yimaada dhinaca wadaxaajoodka, oo ah in wadahadal lala galo Al-Shabaab. Markii hore Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xoogga saarayay in xubnaha Al-Shabaab lagu soo jiito in cafis loo fidiyo. Hadda waxa uu qirtay in dagaalku uu kusoo dhammaan karo miiska wadahadalka, laakiin taas aan wali la gaarin. Madaxweynaha ayaa doonaya in la billaabo dagaal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab. Ololihii dagaal ee ugu dambeeyay ee lala galo kooxdaas waxa uu dhacay sanadkii 2019-kii, xilligaas oo ay dalka ka arriminaysay dowladda uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo. Dowladda cusub ee uu hoggaanka u hayo Xasan Sheekh ayaa markan isku dayi doonta in Al-Shabaab lagu riixo dhinaca miyiga, kaddibna, sida uu qorshuhu yahay, ay billaaban karaa wadaxaajoodyada. Lamase oga muddada ay qaadan karto inay taas hirgasho. Kooxda kasoo horjeedda dowladda ayaa haysata ciidan iyo qalab militeri, marar badanna waxay weerarro ku ekeysay saldhigyada ciidamada awoodda badan ee Midowga Afrika iyo kuwa Mareykanka. Taas waxaa sii dheer in hoggaanka Al-Shabaab ay horay marar kala duwan ugu gacan sayreen inay wada-xaajood la galaan dowladda, iyagoo shuruud uga dhigayay in marka ugu horraysa ciidamada ajaanibta ah laga saaro Soomaaliya.

Why Russia attacking ukrain

The death greatest prophet Mohamed

Thursday, June 2, 2022

Ruushka OO lama filaan ah ku qabsaday Dalka Ukrain

Muxuu yahay gantaalka Ruushku ka argagaxay ee Mareykanku siinayo Ukraine?

Cago-jiid badan ka dib, dawladda Maraykanka ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay u diri doonto dalka Ukraine hub casri ah oo gantaallo ah, kaas oo la doonayo in lagu xoojiyo difaaca ciidamada Ukraine ee ku sugan gobolka Donbas oo ay si ba'an madaafiic ugu garaaceen ciidamada Ruushku. Hubkaan waxaa lagu magacaabaa M142 Himars, kaas oo ah unug guur-guura oo isku mar ridi kara gantaallo badan. Hubkani wuxuu isugu jiraa mid dhexdhexaad ah iyo kuwa riddada dheer, haddana waxaa lagu warramayaa in Aqalka Cad, uu ka gaabsaday inuu ansixiyo hubkaan, inkastoo codsiyo badan oo ka yimid Ukraine, cabsi laga qabo in loo isticmaalo dhulka Ruushka oo xaaladda dagaalku ka sii darto. "Waxaan rumaysanahay in Maraykanku uu si toos ah oo ula kac ah uu shidaal ugu shubay dab holcaya," ayuu yiri afhayeenka dawladda Ruushka Dmitry Peskov. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergei Ryabkov ayaa horey u sheegay in hubka cusub ee Mareykanka u dirayo dalka Ukraine uu keeni karo khatar hor leh oo ah in Mareykanku dagaal toos ah uu galay dagaal. "Wax kasta oo ah sahay hub ah waxay kordhinaysaa halista inuu dagaalka sii ballaarto," ayuu yiri Dmitry Peskov, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dawladda ee RIA. Baqdin Cabsida uu qabo Maraykanka ee ku saabsan sida Ruushku u qaadan karo soo dirida gantaalladan ayaa ahayd mid ay ku geedamantahay hubanti la'aan. Madaxweyne Joe Biden laftiisa ayaa isku dayay inuu sharaxo go'anakan sida uu daabacay dhawaan wargayska New York Times.Maqaalkan oo uu qoray Biden, ayaa waxa uu ku xaqiijiyay in aanay ujeedadu ahayn dalkiisa inuu colaad ka abuuro Ruushka, balse uu yahay in la xoojiyo awoodda milatari ee Kiv si loo fududeeyo xal dublamaasiyadeed oo xiisadda loo helo."Taasi waa sababta aan u go'aansaday inaan siino dadka reer Ukraine hub aad u horumarsan oo gantaallo ah iyo rasaas u oggolaanaysa inay si sax ah u garaacaan bartilmaameedyada muhiimka ah ee goobaha dagaalka ee gudaha Ukraine," ayuu yiri Biden. Peskov, ayaa dhankiisa, ku jawaabay:- "Sahayda noocan oo kale ah" aysan ku dhiirigelin kyiv inuu dib u bilaabo wadahadalka nabada wuxuuna muujiyay in Washington ay rabto inay "la dagaallanto Ruushka ".Biden ayaa intaa ku daray in go'aankaan uu qaatay kadib markii dowladda Ukraine ay u ballan qaadday in aan hubkana lagu bartilmaameedsan gudaha dhulka Ruushka." Ma doonayno in aan Ukraine u dirno nidaamka difaac oo lagu weerari karo Ruushka," ayuu hadalkiisa raaciyay. Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodomyr Zelensky, oo waraysi siinayay wargays laga leeyahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Newsmax, ayaa dhankiisa waxaa uu xaqiijiyay in ujeeda gantaalladaan ay tahay kaliya in loo isticmaalo difaac. "Dan kama lihin waxa ka dhacaya Ruushka. Kaliya waxaa na khuseeya waa dhulkeenna gudaha Ukraine," ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha Ukraine. Maxay yihiin Gantaalladu? Gantaalladan ayaa qayb ka ah xirmo cusub oo uu ku kacayo qarash gaaraya 700 milyan oo dollar oo Maraykanku ku taageerayo Ukraine - oo ah tii kow iyo tobnaad tan iyo markii duulaanku bilowday bishii Febaraayo - agabkaan waxaa sidoo kale ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtero, hubka lidka taangiyada, iyo baabuurta taatikada dagaalka iyo waliba agab kale oo dheeri ah. Gantaalladan casriga ah ayaa ah kuwo ay dalbanaysay Ukraine tan iyo markii uu dagaalka billowday. Hadafku waa in nidaamka M142 Himars loo arko mid ka mid ah kuwa ugu horumarsan uguna saxsan gantaallada riddada dheer ee adduunka in ka badan kuwa hadda ay isticmaalaan ciidamada Ruushka ama kuwii ay Ukraine horey u haysatay. Hal si oo Mareykanka uu ugu biiri karo dagaalka Ukraine Sida lagu sharaxay shabakadeeda Lockheed Martin, waa nooc la casriyeeyay, oo fudud, dabacsan oo ku rakiban nidaamka gantaalaha M270, oo la sameeyay 1970-meeyadii. Maraykanka ayaa sheegay in gantaalada uu siin doono Ukraine ay gaari karaan masaafo dhan 80 km, taas oo ka saaraysa xadiga madaafiicda loo adeegsado cadawga, isla markaana khatar ku ah, Ruushka. Gantaalada ayaa ah kuwo lagu hagayo GPS-ka waxayna siin doonaan ciidamada Ukraine qiyaas ahaan laba jibaar ka mid ah kuwa hagaya ee M777 ee ay hadda isticmaalaan. Sida laga soo xigtay Lockheed Martin, baabuurta qaada agabka difaaca waxay qaadi karaan culays dhan lix gantaal oo ah 227mm, inkasta oo ay sidoo kale qaadi karaan gantaallo kale oo ah nooca ATACMS, oo masaafo dhan 300km jaraya ,inkasta oo Maraykanku aanu kuwaas Ukraine gayn doonin. Si kasataba waxaa durba muuqanaya in Ruushku uu ka qaylinayo hubkaan casriga ah ee Mareykanku doonayo inuu ku caawiyo Ukraine oo Ruushku ku qaaday duullaan ka dhan ah horraantii sanadkan. Qaar ka mid ah falanqeeyaasha arrimahaan ayaa qaba in hubkaasi uu xaaladda dagaalka Ukraine uga sii dari karo taas oo Ruushka qudhiisu muujiyay kuna xusnay warbixintaan.