https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: 2024
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Tuesday, December 10, 2024

Qaramada Midoobay oo ugu baaqday Israel in ay joojiso duqeymaha ay ka wado Suuriya

 

Qaramada Midoobay oo ugu baaqday Israel in ay joojiso duqeymaha ay ka wado Suuriya

Syria

Xigashada Sawirka,Reuters

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la joojiyo duqeymaha ay Israa’iil ka geysanayso guud ahaan dalka Suuriya. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Geir Pedersen, ayaa saxaafadda u sheegay in loo baahan yahay in weerarrada la joojiyo.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, Israa’iil waxay qaaday boqolaal weerar oo xagga cirka ah. Waxa ay sheegtay in ay isku dayayso in ay joojiso hubka galaya gacanta kuwa ay ku tilmaantay "xagjiriinta".

Warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaya in isku daygaas militariga ay ku doonayaan in lagu baabi’iyo ciidamada cirka ee Suuriya, iyo sidoo kale nidaamka difaaca hawada.

Axaddii, ciidamada Israel ayaa la wareegay gacan ku haynta aagga ka caagan ciidamda ee u dhexeeya labada dal. (Militarigu waxa ay meesha ka saareen wararka sheegaya in ay aad ugusii durkayaan, ilaa magaalo qiyaastii shan iyo labaatan kiilomitir u jirta Dimishiq.)

In Ka badan 100 rayid ah oo duqeyn lagu dilay dalka Sudan

 

In Ka badan 100 rayid ah oo duqeyn lagu dilay dalka Sudan

Sudan

Xigashada Sawirka,AFP

Milatariga Suudaan ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen weerar xagga cirka ah oo lagu qaaday suuq ku yaalla gobolka Darfur oo ay ku dhinteen in ka badan boqol qof.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ciidamada ku eedeeyay weerraro aan loo meel dayin, xilli ay sii xoojiyeen duqeymaha ay ka geysanayaan gobollada ay maamulaan maleeshiyaad ka tirsan Ciidamada Taageerada Degdega ah ee RSF.

Duqeyn ayaa maalintii Axadda lala beegsaday kaalin shidaal oo ku yaal caasimadda Khartoum. Ciidamada Suudaan ayaa beeniyay inay si ula kac ah u weerareen dad rayid ah.

In ka badan siddeed iyo toban bilood oo dagaal sokeeye ah ayaa waxa uu sababay dhibaata bini'aadannimo tii ugu weyneyd dunida, in ka badan kow iyo toban milyan oo qof ayaa xoog looga saaray guryahoodii.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

 

Maxamed Axmed Amiir.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa goordhow xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana Duqii magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana la magacaabay mas’uul cusub.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Maxamed Axmed Amiir.

Duqa cusun ayaa ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta, sida lagu sheegay warbixinta dowladda.

“Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.”

Sunday, December 8, 2024

Rasaas ayaa laga maqlaya Madaxtooyada Suuriya ee uu deggen yahay Bashaar Al-Asad,










 Rasaas ayaa laga maqlaya Madaxtooyada Suuriya ee uu deggen yahay Bashaar Al-Asad, xilli Dhaqdhaqaaqa Mucaaridka ee Sunniga ah ay ku siqayaan in ay la wareegaan caasimadda dalkaasi ee Dimishiq, iyaga oo maalmihii la soo dhaafay maamulka Al- Asad kala wareegey gobolladii u badnaa – Al Jazeera ayaa werisey.

Ruushka oo ah gacanta midig ee Al- Asad ayaa u soo jeediyey muwaadiniintiisa in ay isaga baxaan Dimishiq.

Safaaradda Ruushka ee ku taalla Dimishiq ayaa ku amartay inay muwaadiniinta Ruushka si deg deg ah uga baxaan Suuriya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS.

Xukumada Israa’iil ayaa ciidamo dheeraad ah geysay buuraha Golan Heights iyo xadka dhulka Suuriya, iyadoo la galiyay heegan buuxa ciidanka Israa’iil ee ku sugan dhulka la heysto ee xadka Suuriya, sabab la xiriirta inay Israa’iil aragtay calaamado muujinaya suragalnimada in la afgambiyo Bashaar Al-assad.

Sidoo kale Lubnaan, waxay ku dhawaaqday in la xiray xadka ay ka wadaagto Suuriya, kaddib markii ay halkaa ka dhaceen weerarro is xig xigay oo ay ka geysteen diyaaradaha Israa’iil.

Dhan ka kale Xoggaga kurdiyiinta Suuriya oo maamulka aagga labaad ee ugu ballaaran dhulka Suuriya ee bariga , ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay wada-hadal ay kula midoobayaan la galaan dhaqdhaqaaqa mucaaradka carabta ee ku jira duullanka ay xukunka uga riddayaan Bashaar Al-assad.

Sidoo kale, warbixinnadii u horreyay ayaa soo baxaya oo la xiriira ciidanka dimuqraadiga kurdiyiinta ee SDf oo gacanta ku haya bariga Suuriya , inay wada-hadal la furi doonaan Turkiga , si meesha looga saarayo khilaafka, tan oo haddii ay dhab noqoto ka dhigaysa Turkiga inuu ku gaaray howlgalka Carabta ay ka wadaan gudaha Suuriya natiijada uga sarreysa oo ah inuu heshiis la gaari karo kooxaha kurdiyiinta ee argagixisada uu u aqoonsanyahay.

Dhaqdhaqaaqyada mucaaradka Suuriya ayaa isku duba-riday xooggaga hubaysan ee koonfurta Suuriya ,kuwaasoo billaabay dagaal ka dhan ah nidaamka Assad, waxayna markiiba qabsadeen deegaanno ku teedsan xadka Jordan.

Video Player
00:00
00:39

Saturday, December 7, 2024

Mogadishu is the capital of the Republic of Somalia, located on the western shore of the Indian Ocean. It is a beautiful and attractive city, surrounded by the Indian Ocean on three sides.

 


Muqdisho  waa caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay seddex jiho.

Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladani la aas’aasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.

Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kannaalka Suwees) iyo Jaziiradda Carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.

Waxaa kaloo Taariikhyahanada isku qilaafeen magaca (Muqdisho) asal ahaan meesha uu kasoo jeedo, waxaa lasheegay in magaalada markeedi hore la dhihi jiray (Xamar) iyo magacyo kale oo lamid ah sida (Xamar weyne) xamar jab jab (Xamar Cade), xamar iyo xamar daye waxaa macquul ah in magacyadaas dhamaan magaalada loogu yeeri jiray waqtiyo kala duwan aay magaalada qadiimka ah aay soo martay, sida isbadalada xaga qaabka dhismaha , degaanka iyo siyaasadaba Qaar kamid ah taariikhyahanada ayaa waxey cadeeyeen magaca (XAMAR ) uu horeeyay , laakinse hadana waxaa aay isku qilaafeen micnaha Xamar , oo ah magac bulshadu aad u taqaan weliba dhanka suugaanta iyo maah maahyada , Soomaalida ilaa iyo waqtigaan aan ku jirno wey adeegsadaan magaca Xamar.

Maryan wali waxay la ildaran tahay jacayl uu ka maqan yahay aktarkii la

 Maryan wali waxay la ildaran tahay jacayl uu ka maqan yahay aktarkii la

jilayay waxayna wakhtigeeda badankiisa ku qadataa qolkeeda iyo fikirka iyo
aramida jacayl ee soo ridatay ayay la kici kari laadahay ilaahayow qof aan
waxab ogayn ha cadaabin ,halkan guurigooda dhexdiidsana waxaa lagu
bixinayaa iyada,iyadoon waxba laga waydiin ayuu abaheed iyo hoyadeed isku
raceen in la siiyo wiil aanay is garanayn xaataa anay isku dabeecad wada

noolanshiyo dhex mari Karin waayo waxa uu ku barbaaray Siciid wadanka uk
inta badan halkan waxan dhawr usbuuc ahayn muu iman jirin. Waxa soo
dhawaatay malintii balantu ahayd waxaanu abahed u sheegay Maryan
hoyadeed Cawo inay inta ka horaysa khamiista ka dhadhiciso inanta guurka
oo ay ka sii ogalaysiiso lakiin war uma hayo inay la sooco to mid hadii raga
oo dhan lasoo safo ay isaga uun qadan lahayd waxwal oo uu yahayba Maryan
hooyadeed oo sidii loo shegay yeelaysa ayaa ugu tagtay qolkeedi iyada oo iska
dhex fadhida waxaanay ku tidhi;
Maxaa ku helay eed lajiiftaa uun horta Waxba,
waxba hooyo!
Soo kac oo igu kaalay fadhiga soona dhakso arimo ayaa ii yaale
Marki ay intaas tidhi ayay dagdag u saro kacday ugana dabatagtay Maryan
niyadeeda marna may soo gashan guur iyo wax lamida toona lakiin
maskaxdeeda waxa ka dhex guuxayay Mustafe iyo siday ugu bahan tahay
qadar yar dabadiina waxay ka daba tagtay hooyadeed intii anay fadhiisan ayay
markiiba tidhi;
Hooyo maxaa cusub ee aan kuu qabtaa
Waxba ee soo fadhiiso arin baan kuu hayaaye
Wayaahay ee maxaa jira hooyo
Hooyo Maryaneey waxa lagaadhay xiligiii aanu ka fikiri lahayn
mustaqbalkaaga iyo ciddad la waadaagi doonto markaa hooyo aniga iyo
aaboba waxaanu kula jeclaanay wiil uu dhalay oday Maxamuud Cali oo
dibada ka yimid markaa hooyo khamiista ayuu ku soo donayaa ee sidaa ula
soco hana nagu didin hooyo oo duco naga qaado
Markii ay intaas tidhi ayay Maryan qaracantay oo ay hadli Kari wayday
iyadoo aad modid in ay beerka ka naxday sida ay u hadli Kari layd ayaa tidhi
Maa nigaa la isoo donayaa…!

Haa ee hanagu didin hooyo
Maya maya maya!! Anigu Nin anan garanayn wax uu yahay ma guursanaayo
aniguna ma joogo xiligii lay doori lahaa qofka aanu nolosha wadagayno hooyo
ee iga daaya ma doonaye;
Maryan hooyadeed oo hadalka ku kulaylinaysa ayaa tidhi
Nayaa waan garanayaa waxa aad doonaysid inan yar oon nafitiisaba ku filnayn
ayaad doonaysaa inaad raacdo ma abahaa iyo familgina ayaad doonaysaa
inaad sharaftooda meel kaga dhacdo taasi suuro gal maaha,
Maryan oo naxsan ayaa tidhi
Hooyo sharaftiina meel kagama dhaacayo inan nooleeyo mooye lakiin Hooyo
hadaan anigu raali ku ahay in aan nolosha la qaybsado wiil aan aqaan wuxuu
gudi karo iyo wuxuu fali karaba maxaa ii didaaya ee I raacinaya nin anan
garanayn wax alle wax uu yahay hooyo lacag iyo dibadba waa laheelaa lakiin
sida lagu helo ayaa adag laba qof oo raali isku ah jecelna inay nolosha wada
wadagaan
Markii ay intaas tidhi ayay Maryan hooyadeed ka cadhootay sida Maryan
aanay u qarsanayn jacaylka Mustafe ee ay raalida ku tahay waxaanay ku tidhi
Anigu kuma garanaayo halkaad ku socoto ee caawa abahaa ha yimaado!!
Maryan talaa ku cadaatay waxaanay aad u ixtiraamtaa abaheed mana jecla in
ay hadalka ku celiso lakiin waxa kaga sii daran in uu abaheed arinkaa ula
yimaado iyo siday uga bixi lahayd waxaana la gaadhay habeenkii markii uu
abaheed soo hoyday ayay hooyadeed u sheegtay waxay Maryan kala kulantay
isagoon dhincna eegin ayuu Maryan oo qolkii ku dhex akhrisanaysa buug
jacayl ah inta uu ka gundhiyay gidaarka ka jaray kuna yidhi isagoo si adag ula
hadlaaya
Waan hayaa warkaaga inaad doonayso inaad sharaftayda dhulka la gasho oo
aad raacdid wiil aan waxba haysan oo aan naftiisaba ku filnayn oo aad diiday.

Talooyin Qaar ka mid ah -waxbarasho English

 Talooyin Qaar ka mid ah -waxbarasho English

Dunida, malaayiin dad ah ay isku dayayaan in ay wax ku bartaan Ingiriisi. Taas waxaa la samayn karaa siyaabo kala duwan: dugsiga, koorsooyinka in kooxaha la sheekaysanayo, laakiin waxaad baran kartaa afka ah oo u gaar ah.

About sida loo doorto habka ugu habboon ee wax-barashada, waxaan ku qoray blog dugsiga ee maqaalka «3 siyaabood ee caanka ah ee barashada af Ingiriisiga:. Dooran ugu fiican»
Shaqada Independent — arrin muhiim ah barashada English. Xitaa haddii aad samaynayso macallinka, weli waxaad u baahan tahay inaad dhexgalin mawduuc kasta oo dhan subtleties luqadda iyo iskaa. Waa adag tahay in la fahmo iyo in ay bartaan waano, ka dib markii baahida loo qabo in aad sameyso shaqada guriga ee Ingiriisi, arki mawduuca on iyaga u gaar ah si ay u badbaadin. Muhiimadda is-socodka ah ee barashada afku ay adag tahay in ay qiimayn.
Laakiin nasiib daro, qof kasta oo aan awoodin in ay ka qayb qaataan koorsooyin luuqadda bixiyo ama la Tababaraha shakhsi. Markaas waxaa u timid in ay gargaarka ee daraasadda madax banaan ee afka Ingiriiska.

The faa’iidada iyo khasaaraha ugu muhiimsan ee is-waxbarasho
Faa’iidooyinka ugu weyni ay yihiin kuwa soo socda:
Waa raqiis ah. Waxaad ka iibsan kartaa ama lacag la’aan ah buugga, podcast iyo in ay ka fogaadaan kharash dheeraad ah.
Freedom of barashada aan xad.
Fursad inaad wax ka barato waqtiga la doonayo iyo xawaaraha aad rabtid.
Horumarinta ee dareen mas’uuliyadeed.
Dhaleeceyn No.
Laakiin sida had iyo jeer, kulli wanaagga waxaa had iyo jeer waa Daqsi ee saliidda,
Caajisnimo. Mararka qaar waxaa aad u adag in aad naftaada ku qasbi fadhiistaan oo ay bilowdo inay wax ku bartaan luqadda.
Eebihii nadagjiyay guri. Haddii aad rabto in lagu sheekeysto, waxaad noqon doontaa adag si ay u bartaan Ingiriisi on iyaga u gaar ah.
Maamul waqtiga aad. Xirfadaha maamulka Time lama wada laha, sidaa darteed waxaa jirta khatar ah oo laga badiyay xawaaraha waxbarashada.
La’aanta jawaab. Marka aad adigu baro naftaada si, qofna ma caawin doonaa naxwaha iyo ku dhawaaq. Waxaad masuul ka tahay tayada waxbarashada.

Si aad u ogaatid Ingiriisi on iyaga u gaar ah, waxaad u baahan tahay in ay ka mas’uul oo si fiican u maamulidda waqtiga.

Halka laga helo waxyi?
Marka aad baratid af on iyaga u gaar ah, waxaa aad u sahlan in ay ku lumen badda ilaha maanta laga heli karo. Dabcan, waad dhagaysan kartaa oo daawado barnaamijyada in English (sida BBC ama CNN ama hawlaha buugga. Laakiin meesha laga helo Ingiriisi ah, haddii aadan ku nool dal ay ka jirto taas oo uu yahay qaran ah? Waxaad u baahan tahay oo kaliya in si taxadar leh hareerahaaga fiiri. Ingiriisi waa nagu wareegsan oo dhan.
Movies ama video gaaban ee Ingiriisi hadda la heli karo si dhan. Haddii aad daawashada filim la subtitles, isku day in aad eegto ka fogaataan gaalada, ama si fudud ay indhahana isku qabtaan waqti ka waqti. Waxaad arki, waxa aad ku maqli? Dabcan, marka hore waa ay adkaan doontaa inaan garto ee dhagaysiga, laakiin haddii aad si joogto ah u qabtaan shaqooyinkan, natiijada aad ku farxi doonaa.
Kiniiniga, calaamadaha iyo qoraalada ku Ingiriisi, sidoo kale, meel walba: TV-ga, kombuyuutarka, gaadiidka iyo dhar. Inta badan waxaan kaliya oo aan iyaga aragto. Erayadan Waxaad ka akhrisan kartaa? Waad fahantaa hagida ku qoran Ingiriisi?
Naadiyada iyo muxaadarooyin in English laga yaabaa in laga heli karo magaalada. Soo ogow haddii uu jiro koox meesha isgaarsiinta ee Ingiriisi.
By jidkii, in magaalooyinka waaweyn inta badan loo abaabulo kulamo Couchsurfing
Inta badan, shirkado shisheeye kuu diyaarin siminaaro ama bandhigyo, daabacaan qoraalo in English. Haddii aad rabto in ay noqdaan barnaamijyada ka shaqeeya shirkad caalami ah, weydii barnaamijyada in waxbarasho ee Ingiriisi ee takhasuska this ee magaalada. Ee ha baqina!
Blogs, forums mowduuc, bulshada. network — waxan oo dhan ayaa sii wadi doona xiisaha barashada afka on iyaga u gaar ah.

Ujeeddooyinka iyo qiimaynta kartida aad
Baro Ingiriisi on iyaga u gaar ah waxay noqon kartaa mid xiiso leh, laakiin waa adag tahay. Waxaa inta badan waa ay adag tahay naftaada guubaabinayo marka aysan jirin mid la kuwaasoo si ay u wadaagaan guulaha aad. Aad u adag in la ogaado heerka ay hadda aqoon, gaar ahaan haddii aad u bartaan afka dalkooda.
Sidaa darteed waa muhiim inaad naftaada dhigay gool muddo dheer iyo muddada gaaban. Tusaale ahaan, muddo dheer goolka — noqotay imtixaanka caalami ah dhamaadka sannadka. Hadafka muddada gaaban la barto laga yaabaa in xusuusta gabayga ee Ingiriisi ama fahamka ah headlines gaar magazine dhamaadka bisha. Si kastaba, gool uu ahaado macquul ah. Haddii aad tahay beginner set macno gool: «Waxaan doonayaa inaan hadla Ingiriisi dhamaadka bisha.» Waa inaad si daacad ah naftaada, garan xoogga iyo daciifnimo. Qaab dhismeedka waqti ayaa sidoo kale muhiim ah. Haddii aadan dhigay, waxaa suurtagal ah in laga badiyo dhiirogelin.

Barashada inay sameeyaan?
Haddii aad go’aansato in la sameeyo iyaga u gaar ah, go’aan habka barashada Ingiriisiga. Waa in aan noqon adigoo arko culays.
Go’aan ku saabsan shaqada ku meel gaar ah. Haddii aad tahay «guumays habeenkii», ku hawlan fiidkii, haddii «shimbir hore» — oo aroortii. Si joogto ah u shaqeyn doonaan, doorbidayo maalin walba, waqti isku mid ah. Xitaa haddii aadan muddo dheer, laakiin joogto ah, waxa ay ku siin doona natiijo fiican cashar laba saac toddobaadkii hal mar ka badan.
The casharada ugu waxtarka badan ee 60 ama 90 daqiiqo maalintii. Fursada fasax shan ama toban daqiiqo ah. Time for xafididda erayada tixgalin mudan oo dheeraad ah. Wax yar kadib markii uu maray wax ka mid ah 10-15 casharada daqiiqadii soo noq-bartay.
Dooro inaad wax ka barato halka aad doonaa in aan la soo dhibtay inta lagu jiro fasalka meel raaxo leh oo iftiin fiican leh.
Ka fiirso oo dhan hawlo waxbarasho, hadalka, akhriska, qoraalka iyo dhagaysiga, ku salaysan oo dhan dareenka. Isticmaal dhagaysiga, aragga, xubnaha iyo gacmaha hadalka.

 

Weeraryahan iyo weeraryahanka kaliya

Waxaa muhiim ah in aysan joojin in luqadda Ingiriisiga, waxaa si joogto ah u fulin lahaayeen aqoontooda. Si tan loo sameeyo, waxaad u baahan tahay in si habboon u isticmaali markii lacag la’aan ah, tusaale ahaan, guriga jidkii, ama inta ay sugayaan. Xitaa hadii ay daqiiqo toban kaliya, ay horumar doonaa in aad faa’iido. Isku day inaad turjumi weedho la afka hooyo, hadli hore ee muraayad la idin ku lug saaxiibo ama qaraabo tababarka.
Dabcan, ku celi waxa dhacay. Kaliya kiiskan, aqoontaada xoogaysan doonaan.
Eekow xawaaraha aad rabtid, si tartiib tartiib ah uu soo dedejinayo, laakiin ha ku degdegin inaad wax cusub, tusaale ahaan, farsamo oo degdeg ah. Dhaqanka Racing iyo impermanence xun u saameyn karto natiijada.
Ha iloobin in aad isku wax walba oo la gaadhay. Rumeeya aad xooggaaga, ka dibna aad ka adkaan kasta «dushooda afka.»
Iyo, dabcan, xiiseynaya dhaqanka, taariikhda, dhaqaalaha iyo juqraafi ee dalka luqadda aad ku baraneyso. Waa mid aad u xiiso in is-barashada English.
In dunida maanta fursado badan oo ay wax ku bartaan Ingiriisi. Ugu dambeyntii, ma jiraan wax xaq buuxda ama si khalad ah loo sameeyo. Waa in aan raadiyo wax adiga kugu habboon tahay. Qiimee farsamooyinkaaga, waqtiga, taas oo ay tahay in aad wax ka barato, iyo, haddii aad wax ku filan si ay u doortaan habkan.
Haddii aadan waqti badan ama umeerin hubin leeyihiin macallinka khibrad leh oo ka mid ah dugsiga.
The xirfadaha shaqada madax banaan oo aad si kasta oo faa’iido leh. Ku raaxayso barashada Ingiriisiga iyo ha joojin hore ee wax caqabado. Haddaba waxaad isku mahadsanid doonaa si aad u adkaysiga. Waa si fiican si ay u fahmaan waxa aad ku maqli ama akhriska Ingiriiska.

Tuesday, December 3, 2024

syrian repels


 

syrian repels has intered city alepo afetr 8 years


 

Isku soo duub, CANQE micnaheedu waa dhereg, waa buux, waa ladnaan, waa nolol fiican.

 

Isku soo duub, CANQE micnaheedu waa dhereg, waa buux, waa ladnaan, waa nolol fiican. Gabyaa la odhan jiray Cali Tiriig waxa uu yidhi;

Waxaan lumiyo, waxan ku loofaro iyo waxaan ku laystaamo;

Waxa looxa iigu qoran inaan ladnaadeeye

Boqor ka mid ahaa qoysaskii xukumi jiray Masartii hore oo xabaashiisii looga tagey qalfoofkiisii oo sanduuqii ku jira; waxa laga helay madaxgashi dahab iyo ulo dahab iyo weel dahab. Boqorka waxa magaciisii oo dheer ka mid ahaa CNKH oo ah CANQE. Dahabkani muxuu dhereg muujiyey. kkkkkl

Ereyada hiirooqalfiyada (Hieroglyphics) ah ee ku bilaabma xarafka shibanaha ah ee C iyo kuwa u dhigma ee Soomaliga ah bal aan isu fiirino.

Masaaridii HoreIngiriisi (English)Soomaali
CForearm, hand cur,Curcur
CBTo resistCaabi
CBTo fearCabsi
CBTo contradictCeebay
CNKHProsperity, life happinessCiniq
CRWChild/childrenCaruur
CRSteps; stairsCarcar
CRTReed; stalk of plant reed for writingCaarada
CRTGoat, ram any horned animalAri (Cari)
CRYTTwo jawsCirid
CRStone of mountainsCorcor
CRTFlame, fireCarte
CRYLight, firey oneCarey
CRRWTGate, door, gatewayCarrawdii
CRBFlame burningCarrab
CRPill, grain, pelletCarro
CNDHClaw, nailCindhi (Cidi)
CNDHFat, greaseCandho
CNTHe who is well, sound firm, wealthy, prosperousCante; Caynte
CNBank, sideCan
CNCords, ropeCayn (Awrka) Cayn iyo Beyd
CNBeautiful, pleasant, splendid, delightfulCaan/Caano
CNWell, fountainCayn, Caynabo
CTLimb, member, pieceCad
CYTo cry loud, to speak loudCay
CDStrong, sound,Cudoon
CDFat, oilCidaad
CDNBeautyCaddaan
CMFistCumacun
CMTo eat, to devourCam/Camadh
CMCMFoulCamcami
CNTo repeat, to returnCeni/Celi
CMClayCamud
CDWWrongCadho
CGTClaw, HoofCagta
CQGoing in and out entrance and exitXaaqo/Qaaxo
CQTo destroyXaaq/Qaac
CQThose who go in and outQax/Qac
CQCQInvadeXaaq
CQTo be right proper correctXaq/Caq
CQEvenhanded, justXaq/Qac
CQA right lead, true guidanceAqoon/Caqaoon

Thursday, October 31, 2024

Important Announcement: Service Restrictions for Customers in Somalia

 


Important Announcement: Service Restrictions for Customers in Somalia

Dear SADIK ABDULKADIR SAID,

We regret to inform you that Perfect Money is currently unable to serve customers based in Somalia. As a result, all accounts registered to addresses in Somalia will be closed on November 25, 2024.

Here’s what will happen and what you need to do:

As of October 26, 2024, all Perfect Money accounts registered in Somalia will stop functioning, meaning you will no longer be able to deposit or use any funds. We strongly advise that you withdraw any remaining funds from your account before this date.

After October 26, 2024, you will still be able to withdraw your money, but please note that you will have 30 days to complete any withdrawals before your account is officially closed. Be sure to act promptly to avoid any inconvenience.

Effective immediately, Perfect Money will not accept new registrations from customers in Somalia and will also cease accepting documents issued in Belgium for the verification of new users.

This decision is due to complex regulatory changes that have made it increasingly difficult for us to operate in the region. We are committed to navigating these challenges, and as soon as a regulatory framework is established that allows us to resume operations in Somalia, we will promptly notify you.

Please use the services of our official exchangers to sell or exchange your remaining funds.

Thank you for your understanding and patience during this transition.

 

I acknowledge the announcement, proceed to my account


Friday, September 27, 2024

Who was the president of Syria who was shot in Brazil?

 

Kumuu ahaa madaxweynihii Suuriya ee Brazil lagu toogtay?

Adib Shishakli  Madaxweynihii Suuriya ee Brazil lagu dilay

Xigashada Sawirka,Facebook

Qoraalka sawirka,Adib Shishakli Madaxweynihii Suuriya ee Brazil lagu dilay

Maanta oo ah 27 bisha Sebtember waxaa 60 sano laga joogaa markii la dilay madaxweynihii hore ee Suuriya Adib Shishakli, kaas oo Brazil uu ku toogtay nin da’yar oo Suuriyaan ahaa laguna magacaabi jiray Nawaf Ghazaleh.

Haddaba kumu ahaa Shishakli, oo kaalin muuqata ka qaatay afgambiyadii isdaba jooga ahaa ee Suuriya ka dhacay bartamihii qarnigii labaatanaad?

Adib Shishakli waxa uu ku dhashay magaalada Hama ee dalka Suuriya sanadkii 1909-kii, waxa uu ka dhashay qoys Muslim Sunni ah asal ahaannna ka soo jeeda Turkiga. Suuriya waxay xilligaas ka mid ahayd boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Shishakli ayaa wax ku bartay dugsiga beeraha ee magaalada Salamiyah, ka dibna kuliyada militariga ee Homs ayuu galay. Markii uu qalin jabiyay, waxaa uu noqday sarkaal ka tirsan Ciidankii la oran jiray ciidanka Bari, kaas oo lagu aasaasay ogolaansho dowladda Faransiiska ka yimid ee Suuriya, waxaana arrintaas ay ahayd amar lagu soo rogay Suuriya iyo Lubnaan ka dib dagaalkii 1-aad ee Adduunka.

Waxa uu caan ku ahaa mucaaradnimadii uu kaga soo horjeeday dowladdii Faransiiska iyo wadaniyaddiisa, keentay inuu helo dalacsiin iyo in loo magacaabo xilal sar sare. Waxa uu ka goostay ciidamada bariga, waxa uuna hoggaamiye ka noqday kacdoon ka dhan ahaa faransiiska oo ku sugnaa Xama, iyadoo uu qabsaday qasrigii magaalada, balse waxaa lagu qasbay in uu is dhiibo ka dib markii ciidamada Britain oo taageerayay Faransiiska ay soo faragaliyeen xaaladda.

Haddaba, mihnaddiisa millatari ee ugu horreysay waxay ku soo beegantay halgankii Suuriya ee xornimada kaga qaadatay Faransiiska, kaasoo si rasmi ah loo gaaray sannadkii 1946-kii.

Marxaladan, Shishakli waxaa si weyn u saameeyay hab-fikirkii wadaninimada, sidaas darteed wuxuu ku biiray xisbigii shuuciga ahaa ee Suuriya, kaas oo uu aasaasay Antoun Saadeh.

Kor u kicii jago qabashadiisiii

Shishakli waxa uu ka qayb qaatay afgambigii uu hoggaaminayey Xusni Al-Sacim

Xigashada Sawirka,Facebook

Qoraalka sawirka,Shishakli waxa uu ka qayb qaatay afgambigii uu hoggaaminayey Xusni Al-Sacim

Ka dib ka bixitaankii ciidamada Faransiiska ee Suuriya, waxa uu ku biiray ciidan cusub oo xilligaas Suuriya laga aasaasay gaarahaan bishii Agoosto 1, 1945-tii.

Shishakli waxa uu ka gaaray ciidanka darajooyin kala duwan, waxaana uu ka qayb qaatay dagaalkii 1948-kii dhex maray Carabta iyo Israa’iil. Intii uu dagaalka socday waxa uu la kulmay abaanduulihii ciidanka Suuriya Xusni Al-Zaim, waxaana dhex maray xiriir saaxiibtinnimo.

Dagaalkaas waxa uu ku dhammaaday guul ay Israa’iil oo markaa dhawaan soo baxday ka heshay isbahaysi ay ku midaysan yihiin tiro dawlado Carbeed ah oo ay ku jirto Suuriya.

Jabkii dagaalku waxa uu Suuriya ku yeeshay saamayn siyaasadeed oo halis ahayd, taas oo keentay in aanay ku qancin heerkii siyaasadda iyo abuuristii jawi u bislaa markaa faragelin milatari oo dhanka siyaasadda ahaa.

Afgambigii ugu horreyay

Shishakli waxa uu ka qayb qaatay afgambigii uu hoggaaminayey Xusni Al-Sacim ee lagaga soo horjeeday Madaxweyne Shukri al-Quwatli bishii Maarso 29, 1949, al-Sacim waxa uu noqday Madaxweynaha Suuriya 26-kii Juuly ee sanadkaas.

Shishakli waxa uu daacad u ahaa hoggaamiyahaas ilaa markii dambe Antoun Saadeh u gacan geliyay Lubnaan, halkaas oo lagu toogtay.

Antoun Saadeh, hoggaamiyihii xisbiga shuuciga ah ee Suuriya, ayaa magangalyo siyaasadeed ka helay Suuriya dhexdhexaadin uu sameyay Shishakli kadib.

Shishakli markii uu ka soo horjeestay tallaabadii Saadeh loogu gacan geliyay Lubnaan, hoggaamiyihii Suuriya ayaa ka ceyriyay shaqada milatariga.

Afgambigii labaad

Shishakli waxa uu ku biiray saraakiishii mucaaradka ee uu hoggaaminayay Sami al-Hinnawi, waxa ayna ku guulaysteen in ay afgambiyaan sanadkii 1949-kii 14 bishii Ogoosto, hoggaamiyihii dalka, waxaana lagu fuliyay dil toogasho ah.

Al-Hanaawi waxa uu Shishakli ku soo celiyay shaqada milatariga waxana uu u magacaabay taliye guuto.

Waxaa la sheegay in Shishakli uu sitay shaarkii uu dhiigga ku daatay ee hoggaamiyaha markii la dilay kaddibna uu u dhiibay haweenaydii uu ka dhintay Antoun Saadeh.

Afgambigii saddexaad

Waxaa la sheegay in Shishakli uu ka soo horjeestay jihayntii al-Hinnawi iyo madaxa dawladda Hashim al-Atassi, kaas oo ujeedadiisu ahayd midnimada siyaasadeed ee Suuriya iyo Ciraaq, taas oo uu u arkayay inay tahay wax jira gacanta Ingiriiska.

Markii ay midnimadu u muuqatay inay suurtogal tahay Diisambar 1949, Shishakli waxa uu sameyay afgambi, isaga oo xiray al-Hinnawi kana eryay ciidankii isaga oo lagu eedeeyay sameynta shirqool ka dhan ahaa taliskii jamhuuriyadda.

Shishakli ayaa shaaca ka qaaday xilligaas in ujeedka afgambiga uu ahaa in uu ka sifeeyo dalka wax uu ku tilmaamay ciidankii dhagar-qabayaasha.

Shishakli ayaa markii hore u ogolaaday in qaab dhismeedka baarlamaanka Suuriya uu ahaado sidii uu ahaa, waxaana xilka sii hayaay madaxweyne Hashim al-Atassi.

Inqilaabkii Afraad iyo Madaxtooyada

.

Xigashada Sawirka,Facebook

28-kii Nufeembar 1951-kii, waxaa la dhisay Xukuumaddii Macruuf Al-Dawalibi, wuxuuna diiday inuu Wasaaradda Gaashaandhigga u dhiibo Fawzi Selu, sidii ay yeeli jireen kuwii isaga ka horreeyay. Shishakli ma haysan wax kale oo aan ka ahayn in uu afgambi sameeyo maalintii xigtay oo uu amray in la soo xiro al-Dawalibi.

Iyadoo la eegayo xaaladdan adag, Al-Atassi wuu iska casilay, Fawzi Selu waxaa loo magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Muddadaas Shishakli waxa uu kala diray xisbiyadii, waxaanu bilaabay dhaqdhaqaaqii xoraynta Carabta, kaas oo ku salaysnaa fikir wadaninimo iyo fikirkii xisbiga shuuciga ee Suuriya, ka dibna waxa uu isu bedelay xisbi siyaasadeed.

Sannadkii 1953-kii, waxa uu ku baaqay in la qabto doorashooyin baarlamaan, xilligaas oo dhaqdhaqaaqa xoreynta uu ku guuleystay lixdan kursi oo ka mid ah 82 kursi. Baarlamaanka cusub ayaa Shishakli u magacaabay xilka madaxweynaha iyadoo aan lala tartamin, isagoo helay 90% codadkii la dhiibtay, wuxuuna si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynaha Juuly 11, 1953.

Isbaheysiga Mucaaradka ku ahaa

Dawladdii Shishakli waxaa ka maqnaa dhammaan xisbiyadii kuwaas oo go’aansaday inay isaga tuuraan. Hashim al-Atassi waxa uu ku baaqay shir ka dhacay gurigiisa oo ku yiilay Homs bishii Ogoosto,1953, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen wakiilo ka kala socday dhinacyo kala duwan, kaas oo lagu go’aamiyay in aan la aqoonsan sharcinimada xukunka Shishakli.

Suldaan Pasha al-Atrash oo ahaa hogaamiyihii Druse ayaa taageeray go’aamadii kasoo baxay shirkaas, wuxuuna ku tilmaamay Shishakli inuu yahay kaligii-taliye ay waajib tahay inay Suuriyaanku xukunka ka tuuraan.

Waxaa sii xoogeystay khilaafkii, waxaana xabsiga loo taxaabay Michel Aflaq, Salah al-Bitar, iyo hoggaamiyaha xisbiga Hantiwadaaga Carabta, Akram al-Hawrani.

Shishakli waxa uu yiri hadal caan baxay oo ahaa: “Cadawgaygu waa sida abeeso oo kale, madaxiisu waxa uu joogaa Jabal al-Druse, calooshuna waxa ay ku taal Homs (xaruntii Haashim Al-Atassi), seyntiisuna waxaa ay taallaa Xalab oo markaa ahayd xaruunta Xisbiga dadweynaha.

Jabal al-Druse iyo jabhadii Xalab

Shishakli waxa uu billaabay cabburin iyo dhibaateynta dadkii ka soo horjeeday Jabal al-Druse, halkaas oo uu ku xiray Mansur al-Atrash, oo ahaa wiil uu dhalay Sultan pasha, kaas oo hogaaminayay mudaaharaadyo looga soo horjeedo xukunkiisa.

Ciidamada Shishakli ayaa awood u adeegsaday mudaaharaadayaashoo, waxayna arrintu isku bedeshay iska hor imaad hubeysan, iyadoo diyaarado dagaal ay duqeeyeen buurta iyo xaafadaha magaalada Sweida, taasoo sababtay dhimashada dad badan oo rayid ah.

Isla markaana waxaa Xalab ka bilowday bannaanbaxyo waaweyn oo isaga looga soo horjeedo, iyadoo koox saraakiil ah ay ku dhawaaqeen diidmo, waxayna la wareegeen dhismihii idaacadda ee halkaas ku yaallay, waxayna dalbanayeen in Shishakli uu is casilo. Waxaa si degdeg ah ugu biiray kooxo saraakiil ah oo ku suganeed Raqqa, Deir ez-Zor, Hasakah, Homs, Hama, Daraa, iyo Latakia, waxaana lagu dhawaaqay dhismaha Talisyada Waqooyi-Bari, Galbeedka iyo Bartamaha, kuwaas oo ka go'ay Taliskii Dimishiq. , waxayna diginin u direen Shishakli inuu dalka ka baxo.

Dilkii loo gaystay isagoo dibad joog ahaa

.

Xigashada Sawirka,Facebook

Waxaa la sheegay in inkasta oo ciidamadii daacadda u ahaa ay u suurtagashay in ay jebiyaan fallaagadii ka soo horjeeday, haddana Shishakli waxa uu go’aansaday in uu is casilo 25-kii Febraayo 1954-tii isaga oo u ambabaxay caasimadda Lubnaan ee Beyruut, halkaas uga sii gudbay Sucuudiga.

Suuriya gebi ahaanba ma aysan furin feelkii Shishakli, maadaama magaciisa uu soo muuqday 1956-kii markii la ogaaday shirqool afgambi oo lagu eedeeyay xisbiga shuuciga ee Suuriya iyo qaar ka mid ah saraakiishii dalka ee xilligaas. Doorka Shishakli ee uu ku lahaa ayaa la tilmaamay, inuu ahaa inuu sugayay afgambiga oo guulaysto si uu ugu laabto Dimishiq, laakiin shirqoolkii waa la kashifay.

Shishakli waxa uu Sucuudiga joogay ilaa 1957 ka hor inta aanu u wareegin Faransiiska. Seddex sano ka dib, waxa uu u kicitimay Brazil, halkaas oo uu tagay, 8 bishii April, sanadkii 1960-kii.

Shishakli waxa uu sannadihii ugu dambeeyay ku noolaa Brazil guri u dhow buundada Das River, waxaana dilay nin u dhashay Suuriya kana soo jeeday qoomiyadda al-Druse, oo lagu magacaabi jiray Nawaf Ghazaleh. Dilka ayaa dhacay 27, bishii Sebtembar, sanadkii 1964