https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Saturday, January 22, 2022

Boobka doorashada soomaaliya ka socda

Xiisadda Ukraine: Kaalmada 'gumaca iyo baaruudda' ee uu Maraykanka u direy Kyiv

Xiisadda Ukraine: Kaalmada 'gumaca iyo baaruudda' ee uu Maraykanka u direy Kyiv Kaalmada 'gumaca iyo baaruudda' ah Kaalmo milateri oo gaaraysa 90 tan ayaa Maraykanka waxa uu gaarsiiyay Ukraine, xilli ay meel adag marayso xiisadda dalkaas kala dhaxaysa Ruushka oo ciidamo badan geeyay xuduudda labada waddan. Waa gargaarkii ugu horreeyay ee ay Washington intii muddo ah gaarsiiso Ukraine, waxaana kama mid ah rasaas loogu talagay "difaaca furimaha hore". Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken uu todobaadkan booqasho ku tegay Kyiv, isagoo digniin culus u diray Ruushka oo laga cabsi qabo inuu gudaha u galo Ukraine. Xukuumadda Moscow ayaa beenisay inuu jiro qorshe ay ku weerarrayso ama ku qabsaneyso Ukraine. XAYEYSIIN Madaxweyne Biden ayaa bishii December ansixiyay kaalmo dhanka ammaanka ah oo gaaraysa 200 oo milyan oo dollar, taasoo uu dalkiisa siinayo Ukraine. Putin oo sheegay hal arrin oo looga baaqsan karo dagaal dhexmara Ruushka iyo NATO Putin oo sheegay in uusan xiriirka u jarayn Ukraine Safaaradda Maraykanka ee Kyiv ayaa sheegtay in shixnadda hubka ah ay muujinayso "sida Maraykanka ay uga go'an tahay in Ukraine ay difaacato madax bannaanideeda." "Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa in kaalmo noocaan ah uu gaarsiiyo ciidamada Ukraine ee doonaya inay dalkooda ka difaacaan duulaanka Ruushka," ayaa lagu sheegay qoraal ay Facebook soo dhigtay safaaradda. Wasiirka gaashaandhigga Ukraine, Oleksiy Reznikov, ayaa Maraykanka uga mahadceliyay kaalmada milateri. Kaalmada ayaa Kyiv gaartay saacado uun kamid markii wasiiradda arrimaha dibedda ee Ruushka iyo Maraykanka ay wadahadal ka yeesheen xaaladda Ukraine iyo sidii looga hortagi lahaa dagaal dhaca. Ruushka ayaa sanadkii 2014 gobolka Crimea xoog uga qabsaday Ukraine. Tan iyo waagaas, ku dhawaad 14,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaallo u dhexeeya ciidamada Ukraine iyo fallaago gacan ka helaya Ruushka. Gaashaanbuurta NATO ayaa ka digtay in dagaal culus uu ka qarxi karo soohdinta Ruushka iyo Ukraine, xilli xukuumadda Moscow ay ciidan lagu qiyaasay boqol kun oo askari geysay aaggaas. Madaxweyne Putin ayaa hordhigay dalalka Galbeedka dalabaad ku aaddan xiisadda Ukraine oo ay kamid tahay in dalkaas uusan ka biiri karin NATO. Waxa uu doonayaa in NATO ay joojiso dhoola-tuska milateri iyo hubka ay geyso bariga Yurub oo uu u arko arrimo khatar ku ah ammaanka dalkiisa Ruushka.

Wararkii ugu Danbeeyey Turkiga oo Soo Galay Dagaalka Ruushka & Reer Galb...

Soomaaliya oo sanadkan dalal kale uga kor martay awoodda militariga

Soomaaliya oo sanadkan dalal kale uga kor martay awoodda militariga Mareykanka ayaa wali kaalinta 1-aad uga jira dalalka ugu awoodda badan caalamka Mareykanka ayaa wali kaalinta 1-aad uga jira dalalka ugu awoodda badan caalamka Majalladda online-ka ah ee Global Fire Power ayaa dhawaan soo saartay liiska ay sanad walba ku soo bandhigto xogta ku saabsan awoodda militeri ee dalalka caalamka, Soomaaliya ayaana u muuqata in sanadkan 2022-ka ay sameysay isbaddal. Marka si guud loo eego, waxaa sidii caadada ahaydba liiska oo ka kooban 140 waddan ugu sarreeya Mareykanka, halka ay ku xigaan dalalka Ruushka iyo Shiinaha. Ilaa laga gaarayo tobanka kaalmood ee ugu horreeya waxaa ugu sii xiga Hindiya, Japan, Kuuriyada Koonfureed, Faransiiska, Britain, Pakistan iyo Brazil. Tobanka kaalmood ee ugu horreeya isbaddalka kaliya ee ka jira waa in Pakistan ay sanadkan ka dul martay Brazil oo sanadkii hore ka horreysay. Waxaa kale oo xusid mudan in awoodda militari ee Turkiga uu sanadkan hoos u dhac ku yimid marka la eego liiskan, waxaana ka hor maray labo dal oo uu ka sarreyn jiray oo kala ah Masar iyo Talyaaniga. Sidaas awgeed, halkii uu Turkiga kaalinta 11-aad ku jiray sanadkii 2021-kii, hadda waxa uu soo galay kaalinta 13-aad. Turkiga ayaa sanadkan ka hoor maray kaalinta 11-aad ee uu ku jiray 2021-kii XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Qoraalka sawirka, Turkiga ayaa sanadkan ka hoor maray kaalinta 11-aad ee uu ku jiray 2021-kii Dhanka kale, Israa'iil oo kaalinta 20-aad ku jirtay sanadkii lasoo dhaafay ayaa hadda noqotay kaalinta 18-aad, waxaana baddashay oo booskeeda 20-ka gashay Saudi Arabia oo kasoo dagtay kaalinta 17-aad oo ay horay ugu jirtay. Soomaaliya oo booska 138-aad fadhisa ayaa ka kor martay waddamada Kosovo iyo Bhutan oo ku kala jira kaalmaha 139-aad iyo 140-aad. Markii hore Soomaaliya waxay meesha ugu hooseysa uga jirtay liiska caalamka. Muddo dheer ayay sanadk kasta Soomaaliya ahayd dalka ugu hooseeya liiska, oo ahaa 140 waddan. Waxaase muuqata in hadda ay horumar sii sameyneyso. dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Mareykanka iyo Qadar ayaa ka qeyb qaata dhismaha militariga Soomaaliya iyo tababartkoodaba. Hase ahaatee marka la eego dhinaca qaaradda Afrika, Soomaaliya waxay u muuqataa inay sameysay hoos u dhac, iyadoo ka hoos martay waddanka Liberia oo ay liiska uga horreysay sanadkii 2021-kii. 36 waddan oo Afrika looga xusay liiska ayay meesha ugu dambeysa kasoo gashay Soomaaliya, inkastoo liiska caalamka ay uga korreyso dalal kale. Tobanka waddan ee hoggaaminaya awoodda militari ee Afrika ayaa sidoo kale qaarkood ay sameeyeen isbadallo. Militeriga Masar ayaa ugu sarreeya dhinaca Afrika XIGASHADA SAWIRKA,EGYPT MINISTRY OF DEFENCE Qoraalka sawirka, Militeriga Masar ayaa ugu sarreeya dhinaca Afrika Masar ayaan wali laga taabanin kaalinta koowaad, balse Koonfur Afrika ayaa soo ciriirsatay kaalinta labaad, halkii ay sanadkii hore ku jirtay kaalinta saddexaad, iyadoo hadda booska ka qaadatay Aljeeriya. Sidoo kale Suudaan ayaa booska 9-aad kala baxday Tunisia oo hadda ah waddanka 10-aad. Tobanka waddanka ee ugu awoodda badan Afrika iyo sida ay isugu xigaan Masar Koonfur Afrika Aljeeriya Nigeria Morocco Itoobiya Angola Liibiya Suudaan Tuniisiya Sidan ayay u kala horreeyaan waddamada kale ee Afrika. 11- Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo 12- Kenya 13- Chad 14- Zambia 15- Uganda 16- Zimbabwe 17- Ghana 18- Mali 19- Suudaanta Koonfureed 20- Cameroon 21- Niger 22- Botswana 23- Ivory Coast 24- Tanzania 25- Mozambique 26- Jamhuuriyadda Kongo 27- Eritrea 28- Muritaaniya 29- Namibia 30- Madagascar 31- Burkina Faso 32- Gabon 33- Afrikada Dhexe 34- Sierra Leone 35- Liberia 36- Soomaaliya Isbarbardhigga awoodda militari ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya Muxuu Mareykanka shirkadahan militari ugu daray diiwaanka madow? Soomaaliya imisa waddan oo Afrikaan ah ayey ka awood badan tahay? 2px presentational grey line Waa sidee awoodda militeri ee Soomaaliya 2022? Militeriga Soomaaliya waxaa tababarrada ugu badan siiya Turkiga XIGASHADA SAWIRKA,ANADOLU AGENCY Qoraalka sawirka, Militeriga Soomaaliya waxaa tababarrada ugu badan siiya Turkiga Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada adduunka, oo ka kooban 140 dal. Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,094,640. Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,781,767 ruux, oo u dhigma 23.0%, oo ka mid ah shacabka guud. 1,669,060 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka. Sanad kasta tirada dadka ay da'dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 120,946qof. Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya. Awoodda Ciidanka Cirka - Soomaaliya Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka. Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona. Awoodda Ciidamada Dhulka - Soomaaliya Ciidan Soomaali ah oo tababaranaya XIGASHADA SAWIRKA,WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA EE TURKIGA

Friday, January 21, 2022

Kenya oo ka hadashay aqoonsiga Somaliland

Kenya oo ka hadashay aqoonsiga Somaliland WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA KENYA , Muuse Biixi waxaa mar uu booqasho ku tegay Kenya soo dhoweeyay xubin sare oo ka tirsan dowladda Kenya, Ababu Namwamba. Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta aqoonsiga Somaliland, kaddib dooddii baarlamaanka UK ay dhowaan ka yeesheen arrintaas. Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan. Omamo ayaa sidoo kale waxay kaga hadashay xiisadda Itoobiya. Waxay sheegtay in Kenya aysan illaawin Itoobiya, oo ay sii wadi doonto inay si hoose ula xaajooto, una adeegsato diblomaasiyad jilicsan si loo soo afjaro xiisadda ka taagan dalka deriskeeda ah. Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres uu BBC-da u sheegay in xaaladda Itoobiya ay beesha caalamka ku adkaatay inay xalliyaan, iyadoo xukuumadda Addis Ababa ay si joogto ah uga dhega adeygtay waxa uu ugu yeeray farogelinta shisheeye. XAYEYSIIN Waxay wasiirka sheegtay in Kenya ay rumeysan tahay awoodda ay Itoobiya u leedahay inay is faham gaaraan, isla markaana inkastoo ay waqti qaadaneyso, haddana siyaasiyiinta xabsiga laga soo daayay ay muujineyso in xoogaa horumar ah la gaaray. Waxay intaas ku dartay in Kenya ay Itoobiya kala hadleysay baahid aloo qabo wada xaajood qaran, xabbad-joojin iyo in dadka la gaarsiiyo gargaar bani'adaannimo. Ictiraaf: Maxaa la isu barbardhigayaa Somaliland iyo Bangladesh? Baarlamaanka UK ma waxa uu aqoonsan rabaa Somaliland? Madaxweynaha Somaliland codsaday in hal milyan oo qof ay saxiixaan dalab New York la geynayo Somaliland XIGASHADA SAWIRKA, . Qoraalka sawirka, Xildhibaan Gavin Williamson oo dooddan aqoonsiga Somaliland geeyay baarlamaanka Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkan gudhiisa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland. Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaannada iska taageen qaddiyadda Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac. Xildhibaannada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka hor keenay mooshinka ka doodidda aqoonsiga Soomliland. Gavin ayaa waxaa uu baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda, isaga oo arrimo badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland. Muusa Biixi waxaa soo dhoweeyay xubin sare oo ka tirsan maamulka kenya, Ababu Namwamba. XIGASHADA SAWIRKA, WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA KENYA Qoraalka sawirka, Muusa Biixi waxaa soo dhoweeyay xubin sare oo ka tirsan maamulka kenya, Ababu Namwamba. Bishii December ee sanadkii 2020 ayay ahayd markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya. Muuse Biixi ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo sheegay inay ka wada hadleen danaha ay wadaagaan. Booqashada Muuse Biixi waxay ku soo aadday xilli uu aad u sii xumaanayay xiriirka Kenya iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya. 29-kii bishii la soo dhaafay ee novemberNovember ee isla sanadkaas, war qoraal ahaa oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyay Nairobi looga yeeray Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliya na lagu amray in uu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dowladdiisa. "Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa go'aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda qaran, kaddib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland," ayaa lagu sheegay qoraalkaas. Kenya ayaa beenisay in farogelin ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Somaliland ayaa 30 sano ka hor ku dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale, balse tan iyo xilligaasi ma aysan helin aqoonsi caalami ah.

sidee soomaaliya uga badbaadey kala qaybintii lala damacsanaa in lagu sameeyo

soomaliland oo dagaal la galaysa shiinaha

Wednesday, January 19, 2022

20 January 2022


via IFTTT

RUUXII AKHRISTA SUURADA AL IKHLASS IYO AAYATUL KURSIYI JANADA AYAA GURI LOOGA DHISAA


via IFTTT

xiisada ukrain:joe biden ayaa sheegaya inuu umalaynayo in putin uu weerari doono Ukrain

Xiisadda Ukraine: Joe Biden ayaa sheegaya inuu u maleynayo in Putin uu weerari doono Ukraine

Hogaamiyaasha Ruushka iyo Mareykanka oo khadka teleefonka ku wada hadlay

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Hogaamiyaasha Ruushka iyo Mareykanka oo khadka teleefonka ku wada hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shegay inuu u badinayo Ruushka inuu weeraro Ukraine, balse wuxuu ka digay inuu Mareykanka uu ka bixinayo jawaab uu Ruushka ka soo kabsan.

Biden wuxuu sheegay inuu Viladmir Putin uu la kulmayo cunaqabateyn abidkii aan soo marin hadduu uu Ukraine weerar ku soo qaado.

Dowladda Ukraine oo xiisaddaasi xuddun u ah dhankeeda waxay sheegtay Ruushka inuu cabsi gelin ku hayo, iyada oo ku baaqday in la sameeyo dadaal kasta oo diblumaasiyadeed si dagaal loo baajiyo.

Xiisadda ka dhalatay ciidamada tirada badan ee uu Ruushka ku soo daabulayo xuduuda Ukrain ayaa cirka isku sii shareereysay maalmihii u dambeeyay.XAYEYSIIN

Shir jaraa'id oo ku xusayay sanad guuradii ka soo wareegtay markii uu xilka qabtay ayuu , Mr Biden waxaa uu ku hanjabay in haddii Vladimir Putin uu weerar ku qaado Ukraine uu ku soo rogi dono cunaqabatayn aysan waligood mid la mid ah arag.

Madaxwayne Biden ayaa intaa ku daray in hogaamiyayaasha gaashaanburta Nato ay ku mideysan yahiin baahida loo qabo in ay tallaabo qaadaan haddii Ruushka uu weeraro Ukraine.

"Fikradda ah iney NATO midoobi doonin - Igama gadmeyso, waxaan la hadlay hogaamiyeyaasha ugu muhiimsan NATO. Waxaan yeelannay shirkii Nato ee looga hadlayay Ruushka, iyo kulamma kale. Marka waxaan filaya inaan arki doonno Ruushka oo lagula xisaabtamayo haddii uu weerar soo qaado taas oo ku xirnaan doonto tallaabada uu qaado."

"Waxay ku xirnaan doontaa sida ay wax u dhacaan, balse haddii ay dhab ahaantii sidaa sameeyaan oo ay adeegsadaan ciidamada ay xadka Ukraine soo dhoobeen waxay noqon doontaa musibo Ruushka ku timid, waa haddii ay isku dayaan iney Ukrine qabsadaan. Xulafada iyo saaxibbadeenadaba waxay diyaar u yihiin inay qasaaro iyo waxyeello la taaban karo u geystaan Ruushka iyo dhaqaalahiisaba."

Dadka rajada leh ee reer Yurub ayaa saadaalinaya in ururka uu ku heshiin doono cunaqabatayn suurtagal ah marka la gaaro 24-ka Janaayo, ka dib kulanka soo socda ee wasiirrada arrimaha dibadda, laakiin taasi waa ka fog tahay dammaanad qaadka.

Tiro ka mid ah wadamada Miwowga Yurub ayaa ka walaacsan saameynta ay cunaqabataynta Ruushka ku yeelaneyso dhaqaalaha dalalkooda.

Hase yeeshee madaxwaynaha dalka Mareykanka Jeo Biden ayaa sidoo kale sheegay in Ruushku uusan awoodin in uu Yurub ugu hanjabo in uu gaaska ka jari doono.

"Qof kastaa wuxuu ka hadlayaa sida Ruushku u maamulo tamarta Yurub ay isticmaasho. Bal qiyaas waxa dhacaya? Lacagta ay ka helaan tamarta ay Yurub u dhoofiyaan waxay uga dhigantahay 45% dhaqaalaha Ruushka. Uma arko in ay tahay saameyn hal dhinac ah. Balse haddii ay gooyaan, waxay la mid tahay hooyaday hadalki ay i oran jirtay: sanka ayaan kaa qaniina si aad wejigaaga ii tusto."

Madaxwayne Biden oo la waydiiyay su'aal ahayd waxa uu filayo in uu yahay qorshaha Vladimir Putin ayaa ku jawaabay.

"Waxaan u maleynayaa inuusan weli rabin inuu qarxo dagaal buuxa. Miyaan u qaataa inta awoddiisa ah inuu ku tijaabin doono awoodda reer Galbeedka, tan Maraykanka iyo tan gaashaanbuurta NATO? Haa, waxaan filayaa inuu taa sameyn doono. Laakiin waxaan filayaa inuu wax badan uu ku bixin doono oo uu hadda uu u maleyneyn inuu qiima intaa le'eg ay ugu kacayayso, waxaanna filayaa inuu ka shallayn doono haddii uu sidaa sameeyo."

Moscow ayaa beenisay in ay qorsheynayso in ay weerar ku qaado dalka Ukraine, balse waxa ay ciidamo badan soo dhoobtay xudduuda labada dal.

Ciidamo lagu qiyaasay 100,000 oo askari ayaa ku sugan mel u dhaw xuduuda labada dal.

Ciidamada kaydka ah ee Ukraine ayaa ka qayb qaatay dhoolatus bishii December iyadoo xiisada kala dhaxaysa Ruushka ay cirka isku sii shareereyso

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Qoraalka sawirka,

Ciidamada kaydka ah ee Ukraine ayaa ka qayb qaatay dhoolatus bishii December iyadoo xiisada kala dhaxaysa Ruushka ay cirka isku sii shareereyso

Dhanka kale Isniintii, xoghayaha difaaca ee Ingiriiska Ben Wallace ayaa ku dhawaaqay in Britain ay siineyso Ukraine gantaalada riddada gaaban ee lidka taangiyada si ay isuga difaacdo. Waxa uu sheegay in koox yar oo ka tirsan ciidamada Britain ay sidoo kale bixin doonaan tababaro.

Mr Wallace ayaa mar sii horeysay uga digay Moscow in ay jiri doonto "cawaaqib" ka dhalan tallaaba kasta oo Ruushku u qaado dhanka Ukraine. Britain waxay u taagan tahay inay ka hortagto oo ay istaagto" cagajuglaynta", si kasta oo uu khilaafka u fogaado. ayuu yiri,

Xukuumadda Washington waxay ku adkaysanaysaa in uusan jirin wakhti badan oo la lumiyo tallaabo deg-deg ahna la qaado.

Kremlin-ka ayaa meesha ka saaray sheegashada Washington waxa uuna ku tilmaamay "mid aan sal lahayn".

Reer galbeedku haatan waxa ay isku dayayaan inay ka hortagaan waxa iman kara ama tallaabada xigta ee Ruushka qaadi karo

maxay soomaali u noqotay dal ugu hawada wanaagsan