https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df
Saturday, January 22, 2022
Soomaaliya oo sanadkan dalal kale uga kor martay awoodda militariga
Soomaaliya oo sanadkan dalal kale uga kor martay awoodda militariga
Mareykanka ayaa wali kaalinta 1-aad uga jira dalalka ugu awoodda badan caalamka
Mareykanka ayaa wali kaalinta 1-aad uga jira dalalka ugu awoodda badan caalamka
Majalladda online-ka ah ee Global Fire Power ayaa dhawaan soo saartay liiska ay sanad walba ku soo bandhigto xogta ku saabsan awoodda militeri ee dalalka caalamka, Soomaaliya ayaana u muuqata in sanadkan 2022-ka ay sameysay isbaddal.
Marka si guud loo eego, waxaa sidii caadada ahaydba liiska oo ka kooban 140 waddan ugu sarreeya Mareykanka, halka ay ku xigaan dalalka Ruushka iyo Shiinaha.
Ilaa laga gaarayo tobanka kaalmood ee ugu horreeya waxaa ugu sii xiga Hindiya, Japan, Kuuriyada Koonfureed, Faransiiska, Britain, Pakistan iyo Brazil.
Tobanka kaalmood ee ugu horreeya isbaddalka kaliya ee ka jira waa in Pakistan ay sanadkan ka dul martay Brazil oo sanadkii hore ka horreysay.
Waxaa kale oo xusid mudan in awoodda militari ee Turkiga uu sanadkan hoos u dhac ku yimid marka la eego liiskan, waxaana ka hor maray labo dal oo uu ka sarreyn jiray oo kala ah Masar iyo Talyaaniga.
Sidaas awgeed, halkii uu Turkiga kaalinta 11-aad ku jiray sanadkii 2021-kii, hadda waxa uu soo galay kaalinta 13-aad.
Turkiga ayaa sanadkan ka hoor maray kaalinta 11-aad ee uu ku jiray 2021-kii
XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
Qoraalka sawirka,
Turkiga ayaa sanadkan ka hoor maray kaalinta 11-aad ee uu ku jiray 2021-kii
Dhanka kale, Israa'iil oo kaalinta 20-aad ku jirtay sanadkii lasoo dhaafay ayaa hadda noqotay kaalinta 18-aad, waxaana baddashay oo booskeeda 20-ka gashay Saudi Arabia oo kasoo dagtay kaalinta 17-aad oo ay horay ugu jirtay.
Soomaaliya oo booska 138-aad fadhisa ayaa ka kor martay waddamada Kosovo iyo Bhutan oo ku kala jira kaalmaha 139-aad iyo 140-aad.
Markii hore Soomaaliya waxay meesha ugu hooseysa uga jirtay liiska caalamka. Muddo dheer ayay sanadk kasta Soomaaliya ahayd dalka ugu hooseeya liiska, oo ahaa 140 waddan. Waxaase muuqata in hadda ay horumar sii sameyneyso. dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Mareykanka iyo Qadar ayaa ka qeyb qaata dhismaha militariga Soomaaliya iyo tababartkoodaba.
Hase ahaatee marka la eego dhinaca qaaradda Afrika, Soomaaliya waxay u muuqataa inay sameysay hoos u dhac, iyadoo ka hoos martay waddanka Liberia oo ay liiska uga horreysay sanadkii 2021-kii.
36 waddan oo Afrika looga xusay liiska ayay meesha ugu dambeysa kasoo gashay Soomaaliya, inkastoo liiska caalamka ay uga korreyso dalal kale.
Tobanka waddan ee hoggaaminaya awoodda militari ee Afrika ayaa sidoo kale qaarkood ay sameeyeen isbadallo.
Militeriga Masar ayaa ugu sarreeya dhinaca Afrika
XIGASHADA SAWIRKA,EGYPT MINISTRY OF DEFENCE
Qoraalka sawirka,
Militeriga Masar ayaa ugu sarreeya dhinaca Afrika
Masar ayaan wali laga taabanin kaalinta koowaad, balse Koonfur Afrika ayaa soo ciriirsatay kaalinta labaad, halkii ay sanadkii hore ku jirtay kaalinta saddexaad, iyadoo hadda booska ka qaadatay Aljeeriya.
Sidoo kale Suudaan ayaa booska 9-aad kala baxday Tunisia oo hadda ah waddanka 10-aad.
Tobanka waddanka ee ugu awoodda badan Afrika iyo sida ay isugu xigaan
Masar
Koonfur Afrika
Aljeeriya
Nigeria
Morocco
Itoobiya
Angola
Liibiya
Suudaan
Tuniisiya
Sidan ayay u kala horreeyaan waddamada kale ee Afrika.
11- Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo
12- Kenya
13- Chad
14- Zambia
15- Uganda
16- Zimbabwe
17- Ghana
18- Mali
19- Suudaanta Koonfureed
20- Cameroon
21- Niger
22- Botswana
23- Ivory Coast
24- Tanzania
25- Mozambique
26- Jamhuuriyadda Kongo
27- Eritrea
28- Muritaaniya
29- Namibia
30- Madagascar
31- Burkina Faso
32- Gabon
33- Afrikada Dhexe
34- Sierra Leone
35- Liberia
36- Soomaaliya
Isbarbardhigga awoodda militari ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya
Muxuu Mareykanka shirkadahan militari ugu daray diiwaanka madow?
Soomaaliya imisa waddan oo Afrikaan ah ayey ka awood badan tahay?
2px presentational grey line
Waa sidee awoodda militeri ee Soomaaliya 2022?
Militeriga Soomaaliya waxaa tababarrada ugu badan siiya Turkiga
XIGASHADA SAWIRKA,ANADOLU AGENCY
Qoraalka sawirka,
Militeriga Soomaaliya waxaa tababarrada ugu badan siiya Turkiga
Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada adduunka, oo ka kooban 140 dal.
Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,094,640.
Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,781,767 ruux, oo u dhigma 23.0%, oo ka mid ah shacabka guud.
1,669,060 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.
Sanad kasta tirada dadka ay da'dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 120,946qof.
Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.
Awoodda Ciidanka Cirka - Soomaaliya
Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.
Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.
Awoodda Ciidamada Dhulka - Soomaaliya
Ciidan Soomaali ah oo tababaranaya
XIGASHADA SAWIRKA,WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA EE TURKIGA
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment