’
Sanadkii hore waxaa caan baxday kalmadda ah "Igaarkaygii Farxaanoow ka joog, dhiiqaa lugaha laguu galinooyaa", taas oo uu shir jaraa'id ka sheegay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasi ka mid ahaa madaxda mucaaradka.
Ma ahayn hadal kaftan iyo maad looga gol lahaa, wuxuu Xasan Sheekh ka hadlayay saraakiil ciidan oo lagu eedeynayay in ciidamada ay u horkaceen ku milanka siyaasadda.
Hadda Xasan waa madaxweynaha dalka, boqolka maalmood ee ugu horeeyana waxa laga filayaa in uu isbadel ku sameeyo hoggaanka ciidanka. Haddaba maxaa kala gudboon saraakiishii uu ku eedeynayay in ay siyaasadda ku milmeen, isagana maka baaqsan doonaa in ciidanka ay sidaasi noqdaan inta uu xukunka hayo?. Waxaan su'aalahaasi hordhignay qabiir dhanka amniga ah.
Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ayaa is weydinayaa suurtagalnimada in madaxweyne Xasan Sheekh uu dabagal ku sameyn doono taliyeyaashii ciidamada ee horraan siyaasadda ku milmay ama in kale? Xasan Sheekh wuxuu xilliggaas ka tirsanaa mucaaradka Soomaaliya, wuxuu kamid ahaa mas'uuliyiintii dhaliili jirtay dowladda Madaxweynaha xilka ka degayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xasan Sheekh oo horraan kamid ahaa mucaaradka Soomaaliyaa ayaa waxaa si weyn loo hadal hayay 'dignintii uu siiyay' , isaga oo si gaar ah ula hadlayay taliyaha haatan ee gobolka Banaadir Farxaan Qaaroole kaas oo markaas uun loo magacaabay xilkaas kadib markii taliyihii ka horeeyay Saadaq John uu kasoo horjeedsaday go'aamaddii muddo kororsiga.
Madaxweynaha cusub waxaa laga sugayaa marka uu soo dhiso xukuumaddiisa in uu soo magacaabo taliyeyaashaa ciidamada qaar sida ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda.
'Ciidamadii horey siyaasadda ugu milmay'
Samiira Qeyd oo ka faaloota amniga gobolka ayaa BBC u sheegtay in madaxweyna cusub uusan wax dabagal ah ku sameyn dooniin saraakiishii ciidamada ee la sheegay in siyaasadda ay ku dhex milmeen.
"Uma maleynayo in ciidamada wax laga qaadi doono, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbaddiisa ku sheegay aarsi ma jiri doono, waxyaabo dabaglkooda muhiim ma ahan, hadda waxaa loo baahan yahay in la isku keeno dadkii kala tegay marka hore waa in soo dhiso xukuumaddiisa markaas baa taliyeyaasha wax laga baddali karaa"
Waxay intaas ku dartay in taliyeyaasha ciidamada aanan dusha laga saari karin wax eed ah maadama ay qaateen amarka madaxdooda.
"Taliyeyaashii hore uma maleyn maayo in eeda dusha laga saari karo, waxay ahaayeen ciidan amar la siiyay oo qaatay amarkii madaxdooda, ma umaleynayo in dabogal dheeraad ah lagu sameyn doono ciidamadii siyaasadda ku milmay waa in ciidamada isbaddal lagu sameeyo, xuquuqdana la dhowraa"
"Madaxweynaha la doortay qofka uu soo magacaabo waxay ku xiran tahay madaxweynaha dhaqankiisa hadduu isaga ciidanka u isticmaalo in uu Shabaab kula dagaallamo in uu waddanka ku xoreeyo ama in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada, isaga dhaqankiisa ayaa laga arki doonaa laakiin hadduu ciidamada u isticmaalo siyaasadda dhaqankiisana haddii ay sidaas noqoto, waa suurtagal qofka la magacaabo in uu qaato amarka madaxda magacaawday" ayay tiri Samiira.
Dib u habeynta ciidamada
Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey uga hadlay arrimaha ciidanka ayaa sheegay in ciidamada qaar aysan lahayn sharci ay ku dhisanyihiin iyo waxyaabo kala xadeeya, loona baahanyahay dib u habayn badan.
Qeybo badan oo kamid ah deegaannada dalka waxaa gacanta ku haya ururka Al Shabaab, mar kasta waxaa weeraro iyo qaraxyo ay geystaan Shabaab. dalka waxaa ku sugan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuwaas oo ilaaliya goobaha muhiimka ee dowladda, sida Tendhaha Afisyoone oo ay doorashada ka dhacday.
Samiira Qeyd waxay qabtaa in shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha ay tahay dib u habeynta ciidamada.
"Dib u habeynta ciidamada oo muddo labo sano aan wax laga qaban, waa in uu dib u habeyntii bilaabo si uu kooxdii joogtay uu kala kaashado wixii la qabtay oo uu ogaado wixii laga qaban laha..waxaan u maleynayaa in dib u habeynta ciidamada ay tahay shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha cusub"
Xurguftii Imaaraaadka iyo Qatar iyo guusha Xasan Sheekh
Madaxweynaha cusub waxaa horyaalla caqabaddan, waxaana laga doonayo in uu wax ka qabto amni darrada ka jirta dalka.
Ciidamada Soomaaliya ayaan wali si buuxda gacanta ugu dhigin amniga
XIGASHADA SAWIRKA, SONNA
Qoraalka sawirka,
Ciidamada Soomaaliya ayaan wali si buuxda gacanta ugu dhigin amniga
Dalalka beesha caalamka waxay dowladda Soomaaliya ka taakuleeyaan dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya.
Britain ayaa magaalada Baybdho ka bilowday barnaamij ay ku tababareyso ciidammada qaranka Soomaaliya.
Maraykanka wuxuu tababarayaa oo uu qalabaynayaa ciidmada Danab halka Turkiga uu isagana wado tababaridda sarakiisha ciidanka soomaliya.
Madaxweynahan cusub waxaa hor taalla shaqadan si loo helo ciidamo qaran oo si buuxda ula wareego gacan ku heynta amniga Soomaaliya, taasoo waddada u xaarta in hawolgalka ATMIS la soo gabgabeeya.
Saraakiisha xildhibaanada noqday
Saraakiishii ciidamada amniga intooda badan ee lagu eedeynayay ku milanka siyaasadda iyo hawlgalada siyaasadda la xiriira ayaa ku biiray baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Taliyeyaasha qaar sida taliyaha NISA iyo kan Asluubta ayaa sidoo kale ku biiray baarlamaanka, waxaana hadda Xasan Sheekh laga sugayaa in uu mas'uuliyiin cusub u magacaabo hay'adahaasi.
Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Saalax Almuwallad.
Safiirka oo guddoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa ayaa sidoo kale, ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka labada dal ee walaalaha ah.
Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta si rasmi ah uga furmay imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada.
7,589 Ardey ayaa guud ahaan koonfur galbeed sanadkan u fariisaneysa imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad, waxaana furitaanka imtxaanka ka qeyb galay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlmaanka Koonfur Galbeed , wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada, Agaasimha Guud ee Wasaaradda, hawl wadeeno iyo agaasime waaxeedyo ka socda wasaaradda waxbarashada.
Mas’uuliyiintii madasha furitaanka imtixaanka ka hadlay ayaa sheegay in dadaal xooggan ku bixinayaan sidii ardayda kaalmaha hore gala ku heli lahaayeen waxbarasho lacag la’aan oo dugsiga sare ah.
Itoobiya oo maxkamad soo taagtay sarkaal sare oo kasoo horjeesatay ABIY
Addis Ababa (timajilicnews Online) Jeneraal caan ah oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo dhaliili jiray xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Jimcihii kasoo muuqday maxkamadda, kadib markii toddobaadkan la xiray, sida ay sheegtay xaaskiisa, xilli la xir-xirayay qaar ka mid ah dadka u ololeeya siyaasadda qowmiyadda Amxaarada.
Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa ahaa taliyaha ciidanka Axmaarada ilaa bishii February markaas oo xilka laga xayuubiyay, iyada oo aan la sheegin sababta. Ciidamada Axmaarada ayaa taageerayay ciidamada federaalka ee Abiy ee kasoo horjeeda xoogaggii kacdoonka waday ee waqooyiga Tigray markii uu dagaalku ka qarxay halkaas sanadkii 2020.
Axaddii hore, Tefera ayaa waraysi uu siiyay TV waxa uu ku naqdiyay istiraatijiyada Abiy ee ka dhanka ah kooxda TPLF, isagoo sidoo kale ku eedeeyay xubnaha Axmaarada ee ka tirsan xisbiga talada haya ee raysal wasaaraha in lagu dhiirrageliyay lacag.
Menen Haile, oo ah xaaska Tefera, ayaa sheegtay in lagu hayay xabsiga muddo toban maalmood ah.
“Boolisku waxay sheegeen inay hunsan yihiin inuu ka shaqaynayo inuu si xoog ah u burburiyo nidaamka dastuuriga ah,” ayay u sheegtay Reuters.
Tefera ayaa lagu xiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Isniintii, Menen ayaa sidaas yidhi.Dhinaca kale, shan weriye oo ka tirsan warbaahinta maxalliga ah ee Ashara, ayaa sidoo kale la xiray Khamiistii, sida uu saaxiibkood u sheegay Reuters.
“Dadka kaxaystay suxufiyiinta waxay ku labisnaayeen dharka ciidamada gaarka ah ee Axmaarada, Booliiska Axmaarada iyo ciidamada ka hortaga rabshadaha, markii ay qabteen waxaan ku dhex dhuumanayay musqul” ayuu yiri taliyaha oo intaa ku daray inay xireen xafiisyadii Ashara ee magaalada Bahir Dar. Saraakiisha Axmaarada, militariga iyo booliiska ayaan wax hadal ah ka bixin dhacdooyinka.
Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababar ay ugu qaaday dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta banaanbax ka dhigay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Banaan-baxaas oo lagu taageeray doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Madaxweynaha looga codsaday inuu deg deg uga jawaabo dhibka heysta waalidiintaan dhalinyaradu ka maqan tahay.
Qaar ka mid ah hooyooyinkii warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in hoyaad ay ka quusteen, balse hadda ay farxeen markii uu guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u balan qaaday in shaqada koowaad ee uu qabanayo hadii uu guuleysto ay tahay soo celinta dhalinyaradii loo qaaday Eritrea.
“Madaxweyne marka hore hambalyo, laba sano iyo bar ayey sii maqan yihiin wiilasheenii, waxaan nahay waalidiin dhiban, waxaan maanta kaa rabnaa in shaqada koowaad aad ka dhigto inaad dalka ku soo celiso wixii ka nool, waan kugu faraxnay markii lagu doortay oo waxaan heysanay balan-qaadkaagii hore,” ayey yiri mid ka mid ah waalidiintii Guriceel kula hadlay warbaahinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay balan qaaday in dhalinyaradaas oo la sheegay in qaarkood ay galeen dagaalkii Itoobiya uu shaqada koowaad ka dhigaayo dib u soo celintooda, markii la doorto, taas oo hadda looga fadhiyo.
Sanadkii 2019-kii ayaa dalka laga daabulay dhalinyaradaas oo ilaa hadda aan faahfaahin laga bixin nidaamka loo qaaday, balse waxaa la sheegay in lagu siray in dalka Qatar tababar iyo shaqo loo geynayo, laakiin Eritrea loo dhigay, welina ma jirto cid warbixintooda dadka la wadaagtay.
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu duhurnimadii maanta ka dhacay xaafad ka mid ah degmada Dharkiinle.
Qaraxaasi ayaa wararku intaasi ku darayaan in lala beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan.
Weli si rasmi ah looma xaqiijin nooca uu ahaa qaraxa, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu ahaa miino dhulka lagu aasay.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay wariyayaasha in siyaasigan uu ka soo baxayay Masaajid uu kusoo tukaday salaadda khudbadda Jimcaha xilliga qaraxa lala beegsaday.wariyaha channelkeena ayaa la xiriirray saraakiisha booliska si ay faahfaahin uga hesho qaraxa, balse weli nooma suurtagalin inay ka jawaabaan.
Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine waxa isa soo taraya saamaynta uu dunida ku yeeshay, waxaana dalalka Finland iyo Sweden ay maalmahanba si weyn u raajicinayay inay ka mid noqdaan isbahaysiga NATO, iyadoo Ruushku uu diidan yahay inay ka mid noqdaan.
Warbixin arintan ku saabsan waxa magaalada London noogu soo diyaariyay wariyaha timajilicnews ee London sadiq Abdulqadir sa,eed
Haddii aad siddeed saacadood ku dhawaad gaadhi u kaxaysato waqooyiga Moscow, waxaad iman doontaa magaalo ya oo la yidhaahdo Russko-Vysotskoye.
Ma jiraan wax weyn oo halkan lagu arko, marka laga reebo beertii digaagga iyo kaniisadda lagu soo koobay burburka dagaalkii labaad ee aduunka.
Laakiin waxaa jira hal shay oo magaaladan ka jira oo si gaar ah indhaha u soo jiidaya: xarunta wax iibsiga ee deegaanka.
Dmitry Skurikhin ayaa iska leh dhismahan - waana inaad aragto waxa uu ku sameeyay xagga hore ee dhismihiisa. Waraaqo waaweyn ayuu ku sawiray "Nabadda Ukrayn, Xoriyadda Ruushka!" Rinjiga casaanka ah wuxuu ku taxay magacyada magaalooyinka Yukreeniyaan ee ay weerareen ciidamada Ruushka.Mariupol, Bucha, Kherson, Chernihiv, iyo kuwo kale oo badan.
"Waxaan u maleynayay in tani ay tahay hab wanaagsan oo lagu helo macluumaadka halkas ka jira," Dmitry ayaa BBC-da u sheegay.
"Sababtoo ah dhowrkii toddobaad ee ugu horreeyay dagaalkan, dadkeennu ma garaneyn waxa dhacaya, waxay u maleeyeen in nooc ka mid ah howlgal gaar ah oo lagu doonayay in dadka balwadda leh looga saaro dowladda Ukraine, ma aysan ogeyn in Ruushku uu duqeynayo Ukrain iyo magaalooyinkeda." Dmitry ayaa xitaa saqafka sare ee dukaankiisa u rogay calan weyn oo huruud iyo buluug ah oo Yukreeniyaan ah.
Intii aannu la joognay waxa uu ku daray magacyadii magalooyinka ku qornaa meesha magacyo hor leh.
Borodyanka, Odesa, Irpin… qoraalka magaalaooyinks rinjiga xaddhaafka ee ku qoran ayaa hoos uga dareeraya darbiga, taas oo ka dhiig cas, gudbinaysana farriin cad.
Dmitry wuu ogyahay in waxa uu samaynayo aanay khatar la'aan ahayn. Ruushka mudaaharaadyada dadwaynaha ayaa inta badan ku dhamaada dacwad-ku qaadid ama hanjabaad ama labadaba.
Qof ayaa mar hore albaabkiisa ku xardhay "khaa'in" Waxayna booliisku sameeyeen inay soo booqdaan. Ka dib waxaa lagu ganaaxay inuu sumcadda ka dilay ciidamada qalabka sida ee Ruushka.
Dmitry se waa mid aan waxaas u joojinayn.
"iskama fadhiyi karin aniga oo aan xaaladdan wxba ka qaban karin. kolkaa arrintani waa dareen gudeed oo igu jira, kas oo aan ku qeexayto waxa aan dareemayo"
Kremlin-ka waxa ay jecel yihiin in uu u muujiyaan in madaxweyne Vladimir Putin uu yahay hoggaamiye ay taageerayaan dadkiisa.
"Haddii aad waydiiso dadka halkan jooga, ma waxay taageersan yihiin dagaal u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, oo lagu duqeeyo magaalooyinka, oo lagu daro dhammaan cawaaqibka sida saboolnimada iyo gaajada, waxay odhan lahaayeen: 'Ma waalan tahay?!'" Dmitry ayaa yidhi.
Bannaanka xarunta wax-ka-iibsiga, waxaan ku weydiinnay dadka ag maraya sida ay u arkaan mudaaharaadyada rinjiga ah ee Dmitry.
"Waxa ay ahayd in uu sawirro ku sawiro, sidani waa doqonniimo" ayuu yidhi qof ka mid ah dadkii.
Qofka ku xiga ee aan weydiinno waxa uu noqday Dmitry, macallinkiisii maaddada bayoolijiga ee dugsiga 87 jir ah.
"Ma jiro qof doonaya dagaal, weli waxaan xusuustaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka," ayay tiri Maria Nikolaevena. "Laakin wax walba aad bay u wanaagsan tahay in la yidhaahdo dooni mayno dagaal. Waxaa laga yaabaa in dawladeenu si fiican u garanayso taas."
"Waxa uu xaq u leeyahay in uu ra'yigiisa dhiibto," ayuu yidhi nin dhallinyaro ah oo la yiraahdo Anton. "Anigana waxaan ka walwalsanahay, sidoo kale, arrimaha Ukraine, sababtoo ah weerarrada, bamgaraynta waddan deris ah ah waa wax la yaab ay tahay in la sameeyo."
Dmitry Skurikhin wuu ogyahay in rinji uusan keenayn nabad.
Laakiin haddii mudaaharaadkiisu uu dadka magaalada ku nool ka dhigo mid u soo joogadaan, ka fikiraan, xitaa su'aal iska weydiiyaan waxa dhacaya - wuxuu rumaysan yahay - inay qiimo leedahay.
Balse dhaqaalaha dalkaas ayaa waxaa sanadahan dambe curyaamiyay cunaqabateyno iyo cimilada oo aad u kulul abaarana ay ka dhaheen.
Xiritaanka xudduudaha dalkaas iyo xayiraadda adag ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay.
XIGASHADA SAWIRKA,KCTV
Kuuriyada Waqooyi ma heshaa caawinaad?
Kuuriyada Waqooyi ayaa ku gacan seyrtay daawooyin uu Shiinuhu sameeyay, sanadkii hore, waxayna sheegtay in sidoo kale ay diidday caawinaad kale oo loo soo marsiiyay barnaamijka qeybsiga tallaalka ee Covax.
Kuuriyada Koofureed ayaa sidoo kale sheegtay inaysan wax jawaab ah ka helin caawinaaddii daawo iyo shaqaale ee ay u fidisay dhiggeeda Waqooyiga.
Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay inay dhowaan saddex diyaaradood oo daawooyin soo qaada u dirtay Shenyang oo Shiinaha ka tirsan.
Dawooyinkan kuma jiraan kuwa ka hortaga xanuunka safmarka ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, balse ay "diyaar u ahayd inay la shaqeyso Kuuriyada Waqooyi… gacanna ku siiso la dagaallanka coronavirus".