https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: Daawo: Waalidiin dibadbax dhigay oo Xasan Sheekh ka codsaday fulinta balan uu ka qaaday
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Friday, May 20, 2022

Daawo: Waalidiin dibadbax dhigay oo Xasan Sheekh ka codsaday fulinta balan uu ka qaaday

Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababar ay ugu qaaday dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta banaanbax ka dhigay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Qaar ka mid ah hooyooyinkii warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in hoyaad ay ka quusteen, balse hadda ay farxeen markii uu guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u balan qaaday in shaqada koowaad ee uu qabanayo hadii uu guuleysto ay tahay soo celinta dhalinyaradii loo qaaday Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay balan qaaday in dhalinyaradaas oo la sheegay in qaarkood ay galeen dagaalkii Itoobiya uu shaqada koowaad ka dhigaayo dib u soo celintooda, markii la doorto, taas oo hadda looga fadhiyo.

Hoos ka daawo codsiga waalidiinta

No comments: