https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: Qarax lala beegsaday siyaasi Cabdullaahi Sheekh Xasan oo Muqdisho ka dhacay
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Friday, May 20, 2022

Qarax lala beegsaday siyaasi Cabdullaahi Sheekh Xasan oo Muqdisho ka dhacay

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu duhurnimadii maanta ka dhacay xaafad ka mid ah degmada Dharkiinle.

Qaraxaasi ayaa wararku intaasi ku darayaan in lala beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin nooca uu ahaa qaraxa, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu ahaa miino dhulka lagu aasay.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay wariyayaasha in siyaasigan uu ka soo baxayay Masaajid uu kusoo tukaday salaadda khudbadda Jimcaha xilliga qaraxa lala beegsaday.wariyaha channelkeena ayaa la xiriirray saraakiisha booliska si ay faahfaahin uga hesho qaraxa, balse weli nooma suurtagalin inay ka jawaabaan.

No comments: