
Kuuriyada Waqooyi ayaa la daalaa dhaceysa xanuunka coronavirus, iyadoo bulshada dalkaas aan laga tallaalin xanuunka, isla markaana aysan oollin daawo waxtar leh.
Dadka ayaa lagula talinayaa inay isticmaalaan daawo-dhaqameed sida shaah dhir leh iyo inay ku luqluqdaan biyo cusbo leh.
Horraantii sanadkii 2020, dalkaas ayaa xiray xadka si uusan ugu soo gudbin cudurka.
Dowladda ayaa diidday caawinaad caafimaad oo dibadda uga timaadda.
Waxaanu la soconnay warbaahinta dowladda, oo dadka kula talineysay waxyaabo kala duwan oo lagula tacaalo waxa ay ugu yeereen "qandho".
Shaah dhir leh
Dadka aan aadka u xanuunsan, ayaa wargeyska xisbiga talada dalkaas haya ee Rodong Sinmun wuxuu kula talinayaa inay cabaan shaah leh dhir sida sanjabiisha.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa soo muuqday isagoo xiray af-xir been abuur ah
Shaaha ayaa laga yaabaa inuu xoogaa wax ka taro calaamadaha Covid, sida xanuunka dhuunta iyo qufaca, iyo inuu fuuq celin u sameeyo bukaannada.
Blase ma ahan daawada cudurka laftiisa.
Isla waxtarkaas ayaana laga heli karaa cabitaan walba oo kulul - inkastoo sanjabiishu ay faa'iido intaas ka badan yeelan karto.
Ku luqluqashada biyo cusbo leh
Warbaahinta dowladda ayaa dhowaan wareysi ka qaadday lammaane dadka kula talinaya inay ku luqluqdaan biyo cusbo leh dharaar iyo habeen.
Kumannaan tan oo cusbo ah ayaa la geeyay caasimadda Pyongyang si loogu sameeyo biyo cusbo leh, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Daraasadaha qaar ayaa sheegaya in ku luqluqashada biyo cusbo leh ay qeyb ka qaadan karaan la dagaallanka caabuqyada sababa hargabka.
Balse caddeymo badan lagama hayo inay wax ka taraan hoor u dhigidda faafitaanka Covid.

Ciidanka ayaa lagu amray inay dawooyin qeybiyaan
Covid ayaa laga qaadaa in hawada laga nuugo dhibco yaryar oo fayraska wada kuwaas oo ku dhaca sanka iyo afka, sidaas darteed ku luqluqashada biyo cusbo leh waxay keliya gaartaa afka.
Mar haddii uu qofku fayraska qaadana, wuxuu degdeg ugu faafaa xubnaha, halkaas oo aysan luqluqashadu gaari karin.
Xanuun baab'iyeyaal iyo qallajiyeyaal
Telefishinka dowladda ayaa bukaannada kula taliyay inay isticmaalaan xanuun baabi'yeyaal sida ibuprofen iyo amoxicillin iyo qallajiyeyaal kale.
Ibuprofen (iyo paracetamol) ayaa hoos u dhigi kara heerkulka isla markaana yareyn kara calaamadaha sida madax xanuun amaba dhuun xanuun balse kama takhalusaan fayraska.
Qallajiyeyaasha loogu talo galay inay dilaan bakteeriyada ee aan wax ka tarin fayrasyada, lagulama talinayo dadka.

Xanuun baani'iyeyaashu kama takhalusaan fayraska
Hannaanka caafimaadka oo liita
Hannaanka caafimaadka Kuuriyada Waqooyi ayaa loo qaabeeyay inuu daryeel caafimaad oo bilaash ah siiyo dadka.
Balse dhaqaalaha dalkaas ayaa waxaa sanadahan dambe curyaamiyay cunaqabateyno iyo cimilada oo aad u kulul abaarana ay ka dhaheen.
Xiritaanka xudduudaha dalkaas iyo xayiraadda adag ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay.

XIGASHADA SAWIRKA,KCTV
Kuuriyada Waqooyi ma heshaa caawinaad?
Kuuriyada Waqooyi ayaa ku gacan seyrtay daawooyin uu Shiinuhu sameeyay, sanadkii hore, waxayna sheegtay in sidoo kale ay diidday caawinaad kale oo loo soo marsiiyay barnaamijka qeybsiga tallaalka ee Covax.
Kuuriyada Koofureed ayaa sidoo kale sheegtay inaysan wax jawaab ah ka helin caawinaaddii daawo iyo shaqaale ee ay u fidisay dhiggeeda Waqooyiga.
Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay inay dhowaan saddex diyaaradood oo daawooyin soo qaada u dirtay Shenyang oo Shiinaha ka tirsan.
Dawooyinkan kuma jiraan kuwa ka hortaga xanuunka safmarka ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, balse ay "diyaar u ahayd inay la shaqeyso Kuuriyada Waqooyi… gacanna ku siiso la dagaallanka coronavirus".
No comments:
Post a Comment