Monday, April 11, 2022
Maxaa ka jira in Abiy Axmed uu ciidamo Soomaali ah u adeegsanayo dagaalka Oromada?
Wax ka ogow cuntadii Nabi Nuux uu jeclaa oo bisha Muxarram laga cuno Turkiga

Inkastoo digirta nooca chickpeas iyo digirta kaleba aysan caadi ahaan ahayn wax lau daro macmacaanka, haddana waxay aasaas u yihiin mid ka mid ah cunnooyinka ugu qadiimsan - dadka qaarna waxayba leeyihiin, mid ka mid ah kuwa ugu dhadhanka macaan - adduunka.Weriyaha BBC-da qeybta safarka ayaa tiri, waxay ahayd maalin ka mid ah bisha January oo qabow uu jiray oo aan ku sugnaa Istanbul, Turkiga, waxaana wax iga qanciya ka dhex eegayay Göreme, oo ah dukaan qaddiimi ah oo lau iibiyo macmacaanka kuna yaalla degmada Kurtuluş. Waxaa lagu yaqaannaa macmacaanka foornada lagu sameeyo iyo kuwa caanaha laga sameeyo, dukaankan wuxuu sidoo kale iibiyaa mid ka mid ah cunnooyinka macmacaan ee ugu qadiimsanuwii uu bani'aadamku isticmaali jiray: waxaana loo yaqaannaa Ashur (Ashura).Sida laga soo xigtay taariikhda Islaamka, cuntadan Ashura- oo aalaaba loogu yeero "Macmacaankii Nuux" - waa cunto la cuno xilliyada xafladaha waxaana la sheegay inay caan ku ahaayeen qoyskii Nabi Nuux kaddib markii uu ka badbaaday Daadadkii Waaweynaa uuna degay Buurta Ararat, oo maanta loo yaqaanno dhul-xudduudeedkawaqooyi-bari ee Turkiga.Waxyaabaha gaarka u ah cuntadaan ayaa waxaa ka mid ah inay ka kooban tahay dhowr noocoo digir ah, khudaar iyo loos.Marka la sameeyo waa macaan. Marka ay kulushahay waa mishaari oo kale, marka la qaboojiyana waa sida labaniyad oo kale.Marka laga reebo inay tahay mid ka mid ah cunnooyinka ugu qadiimsan dunida, Ashura waxay leedahay barako diimeed waxaana manata laga cunaa Anatolia, oo ah dhulka uu ka kooban yahay Turkiga casriga ah.
Semer Torun, oo ah tifaftiraha Vogue iyo wargeyska GQ Turkey, ayaa maqaal ay ku qortay wargeyska Food waxay ku tiri: "Ashura waxay Carabiga la micno tahay 10 waxaana loo yaqaannaa tobanka bisha Muxarram, oo ah bisha ugu horreysa tirsiga Islaamiga ah. Cuntadan macmacaanka toddobaadkaas ayaa guryaha lagu kariyaa waxaana loo qeybiyaa saaxiibbada, waxayna muujineysaa jaceyl." Torun ayaa sheegtay in Ashura "ay tahay cuntada ugu qadiimsan dunida.
Ashura waxay ka kooban tahay dhowr nooc oo digir ah, loos, sabiib iyo khudaar"Taariikhdan waxay muhiim u tahay Muslimiinta Shiicada ah - waxayna sidoo kale muhiim u tahay Calawiyiinta iyo Bektashi - sababtoo ah waxay astaan u tahay shahiihdnimadii Xuseen, wiilka uu awoowaha u yahay Nabi Muxamad NNKH, taas oo sababtay in Shiicada iyo Sunniyiintu ay ku kala qeybsamaan Islaamka," ayay tiri Torun.Gudaha Turkiga iyo dibaddaba, waxaa jira siyaabo kala duwan oo loo sameeyo Ashura. Cuntadan caadiyan khudrad un ayay ka kooban tahay oo hilib kuma jiro, waxaana ka buuxda nafaqo, waxayna aad ugu fiican tahay xilliyada qaboobaha sabbatoo ah waa cunto caafimaad leh oo ku dherjineysa.Maqaalkeeda ay u qortay wargeyska New Lines, Suna Cagaptay, oo taariikhda ka dhigtay Jaamacada Bahçeşehir ee Istanbul, ayaa waxay ku sharraxeysaa sida cuntadan ay sidoo kale u gaartay Giriigga iyo Armenia, iyo sida ay ugu faafeyso Bariga Dhexe iyo Yurub iyadoo isbeddel lagu sameeyay qaabka loo kariyo.Markii aan ahaa toddoba jir, waxana u maleyn jiray in cuntadan keliya ay cunaan Calawiyiinta. Markaan soo weynaaday ayaan ogaaday in Sunnigu ay sidoo kale sameystaan," ayay tiri Cagaptay.
Inta lagu jiro bisha Muxarram, Ashura ayaa la kariyaa waxaana loo qeybiyaa deriskaWaxaan weydiiyay Cagaptay inay dib u milicsato khibraddeedii iyo tan qoyskeeda ee Ashura, waxayna sheegtay in hooyadeed ay cuntadan ka sameyn jirtay ugu yaraan siddeed waxyaabood (qamadi, sokor, sabiib, labo nooc oo digir ah, biyo, qorfe iyo loos). Waxay ahayd mid lala wadaago deriska oo caafimaad fiican leh xiriir wanaagsanna dhex digeysa deriska.
Aad ayay u adkeyd in laga hadlo cuntadan, maaddaama cuntadan ay leedahay taariikh fog iyo dhaqan ka duwan cunnooyinka kale. Sababtaas darteed ayaan u go'aansaday inaan marka hore aado Goreme, oo ah meel qadiimi ah oo ku taalla Kortuloš, oo ah deegaan xadka Giriigga ku yaalla oo taariikh fog leh, waxaana weli ku nool bulsho ka soo jeedda Armenia, Giriigga iyo Yahuud.
Milkiilaha dukaanka Ilhan Yalcin, ayaa sheegay in qaabka uu dukaanku u sameeyo Ashura, ay tahay sidii uu awowgii u sameyn jiray.
Maqaayadaha qaar ayaa bisha Muxarram sameeya cuntadan, waxaana laga yaabaa in xilliyada kale aan aad looga cunin Turkiga, sida ay sheegtay Torun.

XIGASHADA SAWIRKA,PAUL OSTERLUND
Göreme, waa dukaan qadiimi ah oo ku yaalla Istanbul, kaas oo lagu iibiyo Ashura
Meheradaha cuntada iyo Dhalinyarada Baraha bulshada.
12 April 2022: Maxaa dhici doona 12-ka April, maxaase loo hadal hayaa?
12 April 2022: Maxaa dhici doona 12-ka April, maxaase loo hadal hayaa?

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa sanad walba laga xusaa 12-ka April, oo ah oo ah markii la aasaasay ciidammada Xoogga Dalka. Diyaargarow ballaaran ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada qaar, waxayna dadka qaar sheegayaan in xuska maalintan ay ka duwan tahay kuwii hore, marka la eego sida loo hadal hayo iyo fiyaargarowga xooggan ee arrintaa la xiriira. Berri oo Talaado ah ayaa la filayaa in loo dabbaal dego 62-guuradii ka soo wareegatay markii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaase la is weydiinayaa maalin noocee ah ayay noqon doontaa, maaddaama aad loo hadal hayo.Siyaasiyiin ayaa ka hadlay xuska maalintan waxaana ka mid ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo sheegay in su'aal ay ka taagan tahay sababta keentay in diyaar garow ballaaran loo galo maalintan.Marka hore waxaan u hambalyeyneynaa Ciidanka Xoogga Dalka munaasaadda 12-ka April oo ah maalintii la aasaasay, laakiin waxay su'aal ka taagan tahay maxaa iyadoo saddex sano aan la dabaal degin, haddii la dabaal degaayana Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed lagu dabaal dego wasaaradda gaashaandhigga ay tahay meesha lagu dabaal dego, maxaa keenay in la yiraahdo magaalada dhan ayaa la xirayaa dabaal deg weyn ayaa la dhigayaa, iyadoo aan ognahay in dalka ay abaaro ka jiraan oo bil Ramadaan a tahay dadna aysan heysna wax ay ku afuraan lagu bixiyo malaayiin doollar." Ayuu yiri.
Sidoo kale Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo ka hadlay ayaa sheegay in la siyaasadeynayo dabaaldegga 12-ka April. "Waa la diidayaa, qaar baa waxay leeyihiin hala joojiyo, oo iyaga yaa siiyay awooddaas? in la diido xuska maalintan waxaan u arkaa qaran diidnimo. Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa kuwa ilaaliya dastuurka iyo xudduudaha, cirka, dhulka iyo badda,"ayuu yiri.
Wuxuu intaas raaciyay in hadda ay dib u soo dhismayaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo qalabeysan ayna hoggaaminayaan dhallinyaro wax u soo bartay dalka, isagoo sidoo kalena hambalyo u diray ciidanka.
Maxaa keenay hadal heynta maalintan?

Ciidanka Xoogga Dalka Baraha bulshada Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan looga hadal hayaa xuska 12-ka April, hadal heyntan ayaana ka dhalatay kaddib markii warar iska hor imaanaya ay ka soo baxeen xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo xafiiska Ciidamada Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ATMIS, kuwaas oo ku saabsanaa sugidda ammaanka Xerada Xalane oo munaasabadaha dowladda ay ka dhacaan iyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.
ATMIS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 10-16-ka bishan April gebi ahaanba la xiri doono Xerada Xalane lana joojin doono duullimaadyadii ka imaanayay Nairobi. Sababta ayay ku sheegeen inay tahay mid ammaan oo looga hortagayo suurtogalnimada ah in weerarro argagixiso ay dhacaan.
"Xiriddan waa mid tallaabo ka hortag oo caadi ah taas oo howlgalka uu sameyn jiray tan iyo sanadkii 2007 si looga hortago isku dayada ay argagixisadu ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan ammaanka xerada xilli ay jiraan khatarro sare oo dhanka amaanka ah, xilliyo dabaaldeg iyo dhaqdhqaaqyo sare oo dhanka dowladda amaba saaxiibbada ah," ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday ATMIS.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in xiritaankii ugu dambeeyay ee xerada ay dhacday 17-kii December 2021 ilaa 8-ddii January 2022.
Iyadoo 14-ka bisha ay tahay maalinta lagu ballamay dhaarinta xildhibananada cusub ee Golaha Shacabka, ayaa waxay dad is weydiiyeen sida ay suurtogal ku noqon karto maaddaama la xirayo Xerada Xalane oo ah halka ay ka dhici lahayd. Hase yeeshee, Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 14-ka bishan la dhaarin doono xildhibaannada labada aqal, islamarkaasna uusan waxbo iska badelin jadwalkii uu dajiyay Guddiga Doorashada Federaalka.
Maxay dowladdu ka tiri?

Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, Janaraal Cabaas Amiin CaliTaliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, Janaraal Cabaas Amiin Cali, ayaa sheegay in dabaaldegga 62 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidammada diiradda lagu saari doono arrimaha ammaanka.Waxaan caddaynaynaa oo aan umadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu u dabaaldegi rabo maalintiisa oo ah 12-ka Abriil.Waxaan nahay dadkii dhiiggooda u huraayay dalka, ujeedo kale oo aan wadankarno ma jirto, in cadaw aan la dagaallano mid gude iyo mid dibadba ayaa naloo aasaasay oo naloo dhisay. Ayuu yiri Janaraal Cabbaas.
Maxay mucaaradku ka yiraahdeen Golaha Midowga Murashaxiinta oo maanta warsaxaafadeed soo saaray ayaa hambaly u diray Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo sheegay in xuska 12-ka April uu yahay maalin weyn oo ay tahay in ay ummadda Soomaaliyeed ay u dabbaaldegto, waxayse so saareen soo jeedinno.Haddaba Golaha oo xeerinaya xaaladda abaaraha iyo sicir bararka dalka ka taagan, xilliga xasaasiga ah ee uu dalku marayo iyo dhaqanka lagu yaqaannay madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ee awood iyo ciidan adeegsiga ahaa, waxa uu soo jeedinayaa in;
"Hantida iyo qarashka lagu bixinayo dabbaaldegga badankeed loo weeciyo taakulaynta dadka tabaaleysan ee la daalaa dhacaya afur la'aanta bisha barakeysan ee Ramadaan."

Waxaa caado ahayd in sanad walba Soomaaliya laga xusbo maalintan 12-ka April, hase yeeshee sanadihii 2020 iyo 2021 ayaa la baajiyay dabaaldegga maalintan sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee coronavirus. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay amarkii lagu joojiyey isu imaatinka bulshada, cabsi laga qabo faafidda Corona.
Taariikhda Ciidamada Xoogga Dalka
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa la aasaasay sanadkii 12-kii April 1960-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya qaadatay xornimadeeda.Ciidanka ayaa soo maray marxalado kala duwan, iyadoo mar lagu magacaabi jiray Libaaxyada Afrika. Ciidamada oo ka kooban ciidanka dhulka, cirka iyo badda, ayaa waxaa lagu aasaasay tiro kooban.
Ciidamada xoogga dalka waxaa lagu aasaasay siddeed horin oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya, halkii horin waxaa lagu qiyaasaa 100-120 askari. Dagaalkii 1977 ay la galeen Itoobiya ayaa ahaa dagaalkii ugu horreeyay ee dal deris ah ay la galaan.
Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka waxaa ka mid ahaa janaraal Daa'uud Cabdulle Xirsi, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, Cali Samatar, janaraal Salaad Gabeyre iyo madaxweynihii hpre ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Burburkii dalka kaddib waxaa la sheegay in dhibka ugu weyn uu soo gaaray ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo waayay taageero dowladeed.