https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: 12 April 2022: Maxaa dhici doona 12-ka April, maxaase loo hadal hayaa?
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Monday, April 11, 2022

12 April 2022: Maxaa dhici doona 12-ka April, maxaase loo hadal hayaa?

12 April 2022: Maxaa dhici doona 12-ka April, maxaase loo hadal hayaa?

Ciidanka Xoogga Dalka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa sanad walba laga xusaa 12-ka April, oo ah oo ah markii la aasaasay ciidammada Xoogga Dalka. Diyaargarow ballaaran ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada qaar, waxayna dadka qaar sheegayaan in xuska maalintan ay ka duwan tahay kuwii hore, marka la eego sida loo hadal hayo iyo fiyaargarowga xooggan ee arrintaa la xiriira. Berri oo Talaado ah ayaa la filayaa in loo dabbaal dego 62-guuradii ka soo wareegatay markii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaase la is weydiinayaa maalin noocee ah ayay noqon doontaa, maaddaama aad loo hadal hayo.Siyaasiyiin ayaa ka hadlay xuska maalintan waxaana ka mid ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo sheegay in su'aal ay ka taagan tahay sababta keentay in diyaar garow ballaaran loo galo maalintan.Marka hore waxaan u hambalyeyneynaa Ciidanka Xoogga Dalka munaasaadda 12-ka April oo ah maalintii la aasaasay, laakiin waxay su'aal ka taagan tahay maxaa iyadoo saddex sano aan la dabaal degin, haddii la dabaal degaayana Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed lagu dabaal dego wasaaradda gaashaandhigga ay tahay meesha lagu dabaal dego, maxaa keenay in la yiraahdo magaalada dhan ayaa la xirayaa dabaal deg weyn ayaa la dhigayaa, iyadoo aan ognahay in dalka ay abaaro ka jiraan oo bil Ramadaan a tahay dadna aysan heysna wax ay ku afuraan lagu bixiyo malaayiin doollar." Ayuu yiri.

Sidoo kale Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo ka hadlay ayaa sheegay in la siyaasadeynayo dabaaldegga 12-ka April. "Waa la diidayaa, qaar baa waxay leeyihiin hala joojiyo, oo iyaga yaa siiyay awooddaas? in la diido xuska maalintan waxaan u arkaa qaran diidnimo. Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa kuwa ilaaliya dastuurka iyo xudduudaha, cirka, dhulka iyo badda,"ayuu yiri.

Wuxuu intaas raaciyay in hadda ay dib u soo dhismayaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo qalabeysan ayna hoggaaminayaan dhallinyaro wax u soo bartay dalka, isagoo sidoo kalena hambalyo u diray ciidanka.

Maxaa keenay hadal heynta maalintan?

Ciidanka Xoogga Dalka

Ciidanka Xoogga Dalka Baraha bulshada Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan looga hadal hayaa xuska 12-ka April, hadal heyntan ayaana ka dhalatay kaddib markii warar iska hor imaanaya ay ka soo baxeen xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo xafiiska Ciidamada Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ATMIS, kuwaas oo ku saabsanaa sugidda ammaanka Xerada Xalane oo munaasabadaha dowladda ay ka dhacaan iyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

ATMIS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 10-16-ka bishan April gebi ahaanba la xiri doono Xerada Xalane lana joojin doono duullimaadyadii ka imaanayay Nairobi. Sababta ayay ku sheegeen inay tahay mid ammaan oo looga hortagayo suurtogalnimada ah in weerarro argagixiso ay dhacaan.

"Xiriddan waa mid tallaabo ka hortag oo caadi ah taas oo howlgalka uu sameyn jiray tan iyo sanadkii 2007 si looga hortago isku dayada ay argagixisadu ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan ammaanka xerada xilli ay jiraan khatarro sare oo dhanka amaanka ah, xilliyo dabaaldeg iyo dhaqdhqaaqyo sare oo dhanka dowladda amaba saaxiibbada ah," ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday ATMIS.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in xiritaankii ugu dambeeyay ee xerada ay dhacday 17-kii December 2021 ilaa 8-ddii January 2022.

Iyadoo 14-ka bisha ay tahay maalinta lagu ballamay dhaarinta xildhibananada cusub ee Golaha Shacabka, ayaa waxay dad is weydiiyeen sida ay suurtogal ku noqon karto maaddaama la xirayo Xerada Xalane oo ah halka ay ka dhici lahayd. Hase yeeshee, Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 14-ka bishan la dhaarin doono xildhibaannada labada aqal, islamarkaasna uusan waxbo iska badelin jadwalkii uu dajiyay Guddiga Doorashada Federaalka.

Maxay dowladdu ka tiri?

Ciidanka Xoogga Dalka

Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, Janaraal Cabaas Amiin CaliTaliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, Janaraal Cabaas Amiin Cali, ayaa sheegay in dabaaldegga 62 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidammada diiradda lagu saari doono arrimaha ammaanka.Waxaan caddaynaynaa oo aan umadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu u dabaaldegi rabo maalintiisa oo ah 12-ka Abriil.Waxaan nahay dadkii dhiiggooda u huraayay dalka, ujeedo kale oo aan wadankarno ma jirto, in cadaw aan la dagaallano mid gude iyo mid dibadba ayaa naloo aasaasay oo naloo dhisay. Ayuu yiri Janaraal Cabbaas.

Maxay mucaaradku ka yiraahdeen     Golaha Midowga Murashaxiinta oo maanta warsaxaafadeed soo saaray ayaa hambaly u diray Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo sheegay in xuska 12-ka April uu yahay maalin weyn oo ay tahay in ay ummadda Soomaaliyeed ay u dabbaaldegto, waxayse so saareen soo jeedinno.Haddaba Golaha oo xeerinaya xaaladda abaaraha iyo sicir bararka dalka ka taagan, xilliga xasaasiga ah ee uu dalku marayo iyo dhaqanka lagu yaqaannay madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ee awood iyo ciidan adeegsiga ahaa, waxa uu soo jeedinayaa in;

"Hantida iyo qarashka lagu bixinayo dabbaaldegga badankeed loo weeciyo taakulaynta dadka tabaaleysan ee la daalaa dhacaya afur la'aanta bisha barakeysan ee Ramadaan."

Ciidanka Xoogga Dalka

Waxaa caado ahayd in sanad walba Soomaaliya laga xusbo maalintan 12-ka April, hase yeeshee sanadihii 2020 iyo 2021 ayaa la baajiyay dabaaldegga maalintan sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee coronavirus. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay amarkii lagu joojiyey isu imaatinka bulshada, cabsi laga qabo faafidda Corona.

Taariikhda Ciidamada Xoogga Dalka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa la aasaasay sanadkii 12-kii April 1960-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya qaadatay xornimadeeda.Ciidanka ayaa soo maray marxalado kala duwan, iyadoo mar lagu magacaabi jiray Libaaxyada Afrika. Ciidamada oo ka kooban ciidanka dhulka, cirka iyo badda, ayaa waxaa lagu aasaasay tiro kooban.

Ciidamada xoogga dalka waxaa lagu aasaasay siddeed horin oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya, halkii horin waxaa lagu qiyaasaa 100-120 askari. Dagaalkii 1977 ay la galeen Itoobiya ayaa ahaa dagaalkii ugu horreeyay ee dal deris ah ay la galaan.

Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka waxaa ka mid ahaa janaraal Daa'uud Cabdulle Xirsi, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, Cali Samatar, janaraal Salaad Gabeyre iyo madaxweynihii hpre ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Burburkii dalka kaddib waxaa la sheegay in dhibka ugu weyn uu soo gaaray ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo waayay taageero dowladeed.

No comments: