https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Wednesday, January 26, 2022

Shir weynaha Garsoorka dalka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shir weynaha Garsoorka dalka oo maanta ka furmaya Muqdisho BUURTINLE(TIMAJILICNEWS)-Shirka sannadkeedka Garsoorka Dalka oo sannadkii afaraad la qabanayo ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyada oo ay ka qeybgalayaan dhamaan bahda Garsoorka dalka. Furitaanka Shiraka ayaa waxaa ka qeeyb galay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxa looga hadlaa guulaha uu gaaray Garsoorka dalka iyo gaabisyada uu sameeyay sanadkii la soo dhaafay.

Britain oo Ruushka ugu hanjabtay cunaqabateeyn

Britain oo Ruushka ugu hanjabtay cunaqabateeynBurtinlw(timajilicnews)-Ka dib markii Ruushku uu xadka Ukraine ka bilaabay dhoolatus milatari, ayuu Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ugu hanjabay Moscow cunaqabatayn aan hore loo arag haddu arrinkaas ka baaqsan waayo. Boris Johnson ayaa intaa ku daray in dalkiisu uu Isha ku hayo dhammaan Talabooyinka daan daansiga ah ee uu waddo Ruushka, taana ay keeni doonto in cunaqabatayn dhaqaale lagu soo rogo Xukuumadda Ruushka. Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa sidoo kale caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu mar kale la hadlo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, si uu ugu digo daandaansiga ka dhanka ah Ukraine.

Tuesday, January 25, 2022

Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland oo maanta qabanaya doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka









Published from Blogger Prime Android AppDowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland oo maanta qabanaya doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka
BUURTINLE(TIMAJILICNEWS)-Guddiyada hirgelinta doorashooyinka Maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa  lagu wadaa in Maanta ay ku qabtaan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Kismaayo doorashada Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kuraasta la dooranayo ayaa horay loogu diiwaangeliyay Xubnihii ku tartami lahaa, waxaana Galmudug ay qabaneysa doorashada 7-kuris kuwaas oo horay guddigu u shaaciyay.

Jubbaland ayaa iyana dhankooda lagu wada in maanta ay qabtaan doorashada saddex kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BFS waxan soconayo qaban qaabada loogu jiro jiri doorashada

Dowlad goboleedyada dalka ayaa ayaa waxa ka soconayo dar-dar galinta arrimaha doorashooyinka ,iyadoona shalay Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo lagu qabtay doorashada Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Masar & itoobiya ee Biyo Xidheenka Wabi...

Wararkii ugu Danbeeyey Dhaqaalaha Soomaaliya oo Guul Laga Gaadhay & Horu...

Ma waxaa la afuufey buunkii dagaalkii saddexaad ee aduunka?

Ma waxaa la afuufey buunkii dagaalkii saddexaad ee aduunka?

Ciidamada Maeykanka oo heegan sare la galiyay

XIGASHADA SAWIRKA,AFP/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Ciidamada Maeykanka oo heegan sare la galiyay

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jirto "midnimo buuxda" oo ay madaxda Yurub kala leeyihiin ciidamada Ruushka ee ka socda xadka uu la wadaago Ukraine.

Intii lagu guda jiray wadahadaladii xasaasiga ahaa ee Isniintii, quwadaha reer galbeedku waxay ku heshiiyeen "cunaqabatayn aan horay loo arag" oo ka dhan ah Ruushka haddii uu duullaan ku qaado Ukraine.

Maraykanka ayaa sidoo kale heegan galiyay 8,500 oo askari, taasoo uu Ruushku sheegay in ay "walaac weyn ku abuurtay".

Ruushka ayaa beeniyay in uu qorsheynayo duullaan uu ku qaado dalka Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee ilaa 100,000 oo askari oo Ruush ah ayaa la geeyay xadka uu Ruushka la wadaago dalka Ukraine.

Ku biirista Maraykanka iyo UK wadahadaladii Isniintii waxaa sidoo kale ka qeyb galay hogaamiyayaasha dalalka Fransiiska, Jarmalka, Taliyaaniga, Poland iyo Midowga Yurub.

Xoghayaha guud ee Nato, Jens Stoltenberg ayaa sidoo kale khadka taleefoonka ugu qeyb galay wadahadaladaasi.

"Kulan aad iyo aad u wanaagsan ayaan la yeeshay dhammaan madaxda Yurub," ayuu yiri Mr Biden.

Afhayeen hadlay shirka ka dib ayaa sheegay in hogaamiyayaasha "ay isku raaceen muhiimada ay leedahay in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa cadaawadda sii kordheysa ee Ruushka".

Haddii duullaan kale oo Ruushku ku galo Ukraine uu dhaco, waxay ku heshiiyeen in "isbahaysigu ay soo saaraan jawaabo aargoosi degdeg ah oo ay ku jiraan cunaqabatayn aan horay loo arag".

Taangiyada Rushka oo dhoolatus sameynaya

XIGASHADA SAWIRKA,RUSSIAN DEFENCE MINISTRY

Qoraalka sawirka,

Taangiyada Rushka oo dhoolatus sameynaya

Isniintii, ra'iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ka digay in warar sirdoon ay muujinayaan in Ruushka uu qorsheynayo weerar ku wajahan caasimadda Ukraine ee Kyiv islamarkana UK ayaa billowday inay la baxdo qaar ka mid ah shaqaalaha safaaradda ay ku leedahay halkaas.

Mareykanka ayaa isna qaaday tillaabo la mid ah, isagoo ku amray ehelada shaqaalaha safaaradda inay isaga baxaan.

Qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah gaashaanburta Nato oo ay ku jiraan Denmark, Spain, France iyo Netherlands ayaa durba qorsheynaya inay diyaarado dagaal iyo maraakiib dagaal u diraan bariga Yurub si ay u xoojiyaan difaaca gobolka.

Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka ayaa sheegaya in ay u arkaan Nato khatar dhanka ammaanka ah, waxayna dalbanayaan dammaanad qaad sharci ah oo ah in isbahaysigu aanu isku sii ballaarin doonin bariga, oo ay ku jirto dalka deriska la ah ee Ukraine.

Muddo bilooyiin ah dalka Ukraine waxay diyaarinayeen ciidan difaac dhulkeed oo mutadawiciin ah.

Ruushka ayaa horey u qabsaday dhulka Ukraine, ka dib markii uu la wareegay gobolka Crimea sanadkii 2014-kii.

Ka dib markii ciidamada Ruushka ay la wareegeen gacan ku haynta, Crimea waxay qabteen afti ay shacabka gobolkaasi ugu biireen Ruushka, aftidaasi oo reer galbeedka iyo Ukraine ay ku tilmaameen sharci darro.

Maqaal: Nabadeynta Soomaaliya ma waxay ku xirantahay wadahadal lala galo Al Shabaab?

Al Shabaab ayaa weeraro ka geystaa gudaha Soomaaliya , Al Shabaab ayaa weeraro ka geystaa gudaha Soomaaliya Wargeys lagu magacaabo War On Rocks ayaa qoray maqaal uu ku eegayo suurtagalnimada in Al Shabaab lala galo heshiis nabadeed, waxaana uu soo xigtay Jason Harting oo dhawaan la shaqeynayay howlgalka miltariga Mareykanka ee Soomaaliya. Maqaalka wargeyska ayaa mid kamid ah cinwaanadiisa laga dhigay 'soo afjaridda dagaalka sokeeye ayaa ka saameyn badan la dagaalanka argagixisada'. Hoggaamiyeyaasha waxay dagaalka ka dhaxlaan saddex arrimood oo kala ah, in guul kama dambeys ah laga gaaro dagaalka, in la gaaro heshiis nabadeed ama in dagaalka uu sii socdo. Tan iyo markii uu dhacay weerarkii 11-kii September ee laga geystay Mareykanka, waxaa hoos u dhacay wadahadallada nabadeed si dhagaha looga fureysto ururada lagu tiriyay inay yihiin argagixiso. Waxaa la sheegaa in Al Shabaab ay dhaqaale xooggan ka heshaa canshuuraha ay ka qaadaan ganacsatada gudaha, waana urur adkeysi badan marka la fiiriyo khasaaraha kasoo gaaray weerarada uu Mareykanka ka wado Soomaaliya. Wariye katirsan BBC-da oo qaati ka taagan Al Shabaab Itoobiya: weerar Al-shabaab ay ka fulin lahayeen Addis Ababa ayaan fashilinnay Qarax lala eegtay kulan lagu taageerayay Ra’isulwasaaraha Itoobiya "In lasoo afjaro dagaalka Soomaaliya waxay ku xirantahay in heshiis nabadeed lala galo Al Shabaab, balse weerarada ka dhanka Shabaab waxay horseedi karaan khasaaro" sida ay u arkaan khuburro u dhuun daloola arrimaha Soomaaliya. Dhabbaha xiga "Waxaa suurtagal ah in aan anigu ahay qofkii ugu horreyay ee soo jeediyyo in wadahadallo lala yeesho Al Shabaab, balse daraasad la sameeyay ayaa muujineysa in taageerada ku saabsan arrintaas ay xitaa ka dhex jirto shacabka Soomaaliyeed, waxaana fikraddaas looga hadlay kulamo siyaasadeed oo ka dhacay Muqdisho oo ay ka qeyb galeen aqoonyahanno", ayuu yidhi Jason Harting, oo ah ninka uu wargeysku soo xigtay. Arrinta aanan lagu soo hadal qaadin kulanka waxay ahayd qaabkii loo mari lahaa wadahadallada. Inkasta oo ay Al Shabaab dhibaato kala kulantay saraakiil sar sare iyo dagaallameyaal ka goostay, haddana kooxdu si furan uma oggola inay wada xaajood gasho, waxaana laga yaabaa inay gabi ahaanba ku gacan seyraan isku day noocaas ah. Hase ahaatee, sii joogitaanka ciidamada Amisom iyo cadaadiska Milatariga Mareykanka ee sii xoogeysanaya ayaa baddali kara fikirka Al-shabaab ee ku aaddan in miiska wadahadalka la isugu yimaado. Ciidammada Soomaaliya Ciidammada Soomaaliya Al-Shabaab waligood looguma yaboohin in haddii ay dagaalka soo afjaraan jagooyin laga siin doono dowladda. Waxay kooxdu wajaheysaa xaalado adag, iyadoo laga dilay hoggaamiyeyaal sar sare oo lafdhabar u ahaa, weli waxaa macquul ah inay soo dhaweeyaan natiijo noocaas ah. Dowladda Soomaaliya iyo ururrada bulshada rayidka ayaa laga doonayaa inay go'aan ka gaaraan sidii wada xaajood loola geli ururka Al Shabaab, si loo soo afjaro dhibaatooyinka dagaallada sokeeye ay geysteen. In la joojiyo dagaallada Soomaaliya waxaa loo baahan yahay in la gaaro heshiisyo nabadeed si Shabaab kaalin weyn mustaqbalka looga siiyo dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii lasoo dhaaafay xabsiga dhigtay Afahayeenkii hore ee Al Shabaab Sheeikh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur xilli uu kamid ahaa musharrixiintii ka qeyb galeysay dooraashadii maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Xiritaanka Roobow kaddib, waxaa hadda meesha ka baxday kalsoonida ay ku qabi karaan dowladda Soomaaliya hoggaamiyeyaal ka tirsan Al Shabaab oo hadda damacsan inay ka soo goostaan ururkaas. Waxay arrintani u muuqataa in dowladda Soomaaliya ay muujisay in hoggaamiyeyaashi horey uga tirsanaa Al Shabaab aanan loo ogoleyn inay ka qeyb qaataan siyaasadda dalka. "Dowladda waxaa la gudboon inay sii dayso Roobow isla markaasna loo oggolaado inuu dhex galo bulshadiisa", ayuu yidhi Mr Harting .

assalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu

>assalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu waxaan hawada idiin soo marinayaa nabad galyo is xushmayn shaqo wacan mashquul umadooo dhan dan u ah intaas kadib walaalayaal waxaan maqaalkaan idiinku soo gudbinayaa maqaal aad iyo aad aaad uga heshaan dareentaana meesha nala ka haysto ha noqoto soomaali caade qaata ah iyo ajnabi iskaga kaa dhiagaya inuu daacad kuu yahay walaalayaal soomaaliyeey soomaaliya waxay kutaal meel istaraatiiji ah ha noqoto bad ama dhul dhulka soomaaliya waa dhul wayn baaxad wayna leh gumeystayaal ayaa na qaybsaday waxaa loo qaybshay shan qaybood qayb waxaa lagu daray itoobiya qaybna waxaa ;lagu daray kenya djibouti waxaa la siiyey xorriyad ayadoo la ogyahay inta ay le,egtahay dhul ahaan iyo shacab ahaan waana waxaan gaarayn shacabkeedu 1 milyan taas marka laga soo tago qiyaas marka waxa saas loo sameeyey oo ay gaaladu u siisay xorriyada iyo inay noqoto dowlad yacnii waxaa laga dagaalamayaa iney midoobaan oo awood yeeshaan ka dibna ay qabsadaan africa ama geeska africa dowlad adag ayey soomaaliya lahayd dowladaas oo ahayd dowladii milatariga ahyd ee jaalle maxamed siyaad barre dowladani sida aan aaminsanahay soomaali ma soo marin sidaan u adag oo u xoog badan horayna uma soo marin dhicideedii ka dibna maba dhiucin oo waatan aan illaa hada aan heshiin la.a nahay umada soomaaliyeed waa umad karti leh oo adkaysi badan shacabka soomaaliuyeed waxay u qaxeen caalamka meelkasta oo ay tagaan waxay ka noqdaan umad jirta ayaan dhaweyd waxaan daawanayey barafisoor suudaani ah oo ka hadlaya soomaaliada ku nool qurbaha wuxuu yiri soomaalida meelkasta oo aan maray waxaan kula kulmay soomaali wuxuu dhahay waa umada kaliya ee ku nool qurbaha oo leh jaaliyad ama markis waliba wuxuu ku daray xataa imaamada masaajidada waa soomaali wuxuu dhahay taariikhdu markay gaarto 2030 dadka soomaalidu africa ayagaa hogaam,in doona soomaliya ganacsi ahaan iyo millitari ahaan dhaqaale ahaan marka walaalayaal aqoonyahandii aan soomaalida ahayn ayaa sidaan faalo uga bixinayee maxaa helay aqoon yahanadeenii waxaan kale oo aan akhristay majallad ka soo baxda dalka kuwayd barafisoor ka hadlaya awooda soomaalida ee sloo socota wuxuu dhahay jaziirada {siqoodara} waxaa qabsan doona ciidamo soomaali ah marka walaalayaal sidaan ayaa lagaaga cabsanayaa adna isma ogid saamiaynta leedahay ama yeelan doontid waxaan idiin rajeynayaa akhrin fiican akhrisku waa fiicanyahay ee hala akhristo waxaa qoray: barafisoor Abdikhadar mohamed

Galmudug aya shaacisay afar ka mid ah kuraasta barlamaanka oo lagu qaban doono dhuuso mareeb

Galmudug ayaa shaacisay afar ka mid ah kuraasta baarlamanka oo lagu soo lagu qaban doono Dhuusamareeb

(BUURTINLE  TIMAJILICNEWS)-Guddiga maamulka doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyay liiska guddiga soo xulaya 4 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooran doono Dhuusamareeb.
Published from Blogger Prime Android App

wasaarada caafimaadka soomaaliya oo kulan cilmi baaris ku qabanaysa Garoowe



Published from Blogger Prime Android AppWasaaradda caafimaadka 

Soomaaliya oo kulan cilmi-baaris ah ku qabanaysa Garoowe

Shirkan oo noqon doona mid sanadle ah ayaa wejigiisa koobaad waxa uu ka dhici doonaa maagalada Garoowe taariikhdu marka ay tahay 30 Janaayo-1 Feebaraayo 2022.

Machadka Caafimaadka Qaranka oo ka duulaya fursad siinta Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed iyo wax soosaarka Cilmiyeed ee aqoonyahanka iyo mihnadlayaasha Caafimaadka heerarkooda kala duwan ayaa u guntaday inuu abuuro Madal noqonaysa tii ugu horeeyay oo nuuceeda ah.

Madashan ayaa fursad gooniya siin doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wax ka qora qaybaha kaladuwan ee Caafimaadka guud oo runtii ah meelaha ugu muhiimsan ee dalkeenu ka liitay mudadii aan burburka ku jirnay.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa waxay si u mahadceliyen Ururka Caafimaadka Adduunka, Wakaaladda Caafimaadka guud ee dalka Sweden (Public Health Agency of Sweden) iyo Joornaalka Arrimaha Caafimaadka ee  (SHAJ).

Doorashada Sagaal kursi ee xildhibaanada Golaha shacabka somaliland oo maanta ka bilaabatay moqdisho

Doorashada sagaal kursi ee xildhibaannada golaha shacabka Soomaali-Land oo maanta ka billaabatay Muqdisho

Khadra Maxamuud Raage ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop 247ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Axmed Suge ayaa isna ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop 245 ee golaha shacabka BJFS, iyadoo ay weli socoto inta ka harsan doorashada kuraasta golaha shacabka ee Gobollada waqooyi ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Monday, January 24, 2022

Xaalad kacsan: Maraykanka ma waxa uu Ruushka kula dagaallami rabaa Ukraine? Ciidanka Maraykanka Ku dhawaad 8,500 oo askarta Maraykanka ah una diyaarsan dagaal, ayaa ku jira heegan sare, xilli ay meel adag gaartay xiisadda Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon. Warkan ayaa ku soo beegmay xilli Ruushka uu beeniyay inuu tallaabo milateri ka qaadi rabo Ukraine, inkastoo uu 100,000 oo askari geeyay xuduudda labada waddan. Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa in wadahadal telefoonka ah uu la yeesho xulafadiisa Yurub, si isku aragti ay uga noqdaan duulaanka laga cabsi qabo inuu qaado Ruushka. Pentagon-ka ayaa sheegay in weli aan go'aan laga gaarin in ciidamadaas loo diro Yurub. "Waxaa go'aan noocaas ah la qaadan doonaa haddii ay ku talo-bixiso NATO ama ay isbedasho xaaladda Ukraine," ayuu yiri afhayeenka Pentagon, John Kirby. Dalal kamid ah NATO sida Denmark, Spain, Bulgaria iyo Netherlands ayaa diyaarado dagaal iyo maraakiib u diray bariga Yurub si ay u xoojiyaan difaaca gobolkaas. Putin oo sheegay hal arrin oo looga baaqsan karo dagaal dhexmara Ruushka iyo NATO Mareykanka 'oo ay suuragal tahay inuu hub u diro' Ukraine Maraykanka ayaa dhawaan kaalmo milateri u diray dalka Ukraine. Safaaradda Maraykanka ee Kyiv ayaa sheegtay in shixnadda hubka ah ay muujinayso "sida Maraykanka ay uga go'an tahay in Ukraine ay difaacato madax bannaanideeda." "Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa in kaalmo noocaan ah uu gaarsiiyo ciidamada Ukraine ee doonaya inay dalkooda ka difaacaan duulaanka Ruushka," ayaa lagu sheegay qoraal ay Facebook soo dhigtay safaaradda. Wasiirka gaashaandhigga Ukraine, Oleksiy Reznikov, ayaa Maraykanka uga mahadceliyay kaalmada milateri. Kaalmada ayaa Kyiv gaartay saacado uun kamid markii wasiiradda arrimaha dibedda ee Ruushka iyo Maraykanka ay wadahadal ka yeesheen xaaladda Ukraine iyo sidii looga hortagi lahaa dagaal dhaca. Blinken iyo Lavrov XIGASHADA SAWIRKA, REUTERS Ruushka ayaa sanadkii 2014 gobolka Crimea xoog uga qabsaday Ukraine. Tan iyo waagaas, ku dhawaad 14,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaallo u dhexeeya ciidamada Ukraine iyo fallaago gacan ka helaya Ruushka. Gaashaanbuurta NATO ayaa ka digtay in dagaal culus uu ka qarxi karo soohdinta Ruushka iyo Ukraine, xilli xukuumadda Moscow ay ciidan lagu qiyaasay boqol kun oo askari geysay aaggaas. Madaxweyne Putin ayaa hordhigay dalalka Galbeedka dalabaad ku aaddan xiisadda Ukraine oo ay kamid tahay in dalkaas uusan ka biiri karin NATO. Waxa uu doonayaa in NATO ay joojiso dhoola-tuska milateri iyo hubka ay geyso bariga Yurub oo uu u arko arrimo khatar ku ah ammaanka dalkiisa Ruushka.

DEG DEG Xukuumadda Somaaliya oo qaadatay go'aan ka farxiyay shacabka Som...