https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df
Tuesday, January 25, 2022
Maqaal: Nabadeynta Soomaaliya ma waxay ku xirantahay wadahadal lala galo Al Shabaab?
Al Shabaab ayaa weeraro ka geystaa gudaha Soomaaliya
,
Al Shabaab ayaa weeraro ka geystaa gudaha Soomaaliya
Wargeys lagu magacaabo War On Rocks ayaa qoray maqaal uu ku eegayo suurtagalnimada in Al Shabaab lala galo heshiis nabadeed, waxaana uu soo xigtay Jason Harting oo dhawaan la shaqeynayay howlgalka miltariga Mareykanka ee Soomaaliya.
Maqaalka wargeyska ayaa mid kamid ah cinwaanadiisa laga dhigay 'soo afjaridda dagaalka sokeeye ayaa ka saameyn badan la dagaalanka argagixisada'.
Hoggaamiyeyaasha waxay dagaalka ka dhaxlaan saddex arrimood oo kala ah, in guul kama dambeys ah laga gaaro dagaalka, in la gaaro heshiis nabadeed ama in dagaalka uu sii socdo.
Tan iyo markii uu dhacay weerarkii 11-kii September ee laga geystay Mareykanka, waxaa hoos u dhacay wadahadallada nabadeed si dhagaha looga fureysto ururada lagu tiriyay inay yihiin argagixiso.
Waxaa la sheegaa in Al Shabaab ay dhaqaale xooggan ka heshaa canshuuraha ay ka qaadaan ganacsatada gudaha, waana urur adkeysi badan marka la fiiriyo khasaaraha kasoo gaaray weerarada uu Mareykanka ka wado Soomaaliya.
Wariye katirsan BBC-da oo qaati ka taagan Al Shabaab
Itoobiya: weerar Al-shabaab ay ka fulin lahayeen Addis Ababa ayaan fashilinnay
Qarax lala eegtay kulan lagu taageerayay Ra’isulwasaaraha Itoobiya
"In lasoo afjaro dagaalka Soomaaliya waxay ku xirantahay in heshiis nabadeed lala galo Al Shabaab, balse weerarada ka dhanka Shabaab waxay horseedi karaan khasaaro" sida ay u arkaan khuburro u dhuun daloola arrimaha Soomaaliya.
Dhabbaha xiga
"Waxaa suurtagal ah in aan anigu ahay qofkii ugu horreyay ee soo jeediyyo in wadahadallo lala yeesho Al Shabaab, balse daraasad la sameeyay ayaa muujineysa in taageerada ku saabsan arrintaas ay xitaa ka dhex jirto shacabka Soomaaliyeed, waxaana fikraddaas looga hadlay kulamo siyaasadeed oo ka dhacay Muqdisho oo ay ka qeyb galeen aqoonyahanno", ayuu yidhi Jason Harting, oo ah ninka uu wargeysku soo xigtay.
Arrinta aanan lagu soo hadal qaadin kulanka waxay ahayd qaabkii loo mari lahaa wadahadallada.
Inkasta oo ay Al Shabaab dhibaato kala kulantay saraakiil sar sare iyo dagaallameyaal ka goostay, haddana kooxdu si furan uma oggola inay wada xaajood gasho, waxaana laga yaabaa inay gabi ahaanba ku gacan seyraan isku day noocaas ah.
Hase ahaatee, sii joogitaanka ciidamada Amisom iyo cadaadiska Milatariga Mareykanka ee sii xoogeysanaya ayaa baddali kara fikirka Al-shabaab ee ku aaddan in miiska wadahadalka la isugu yimaado.
Ciidammada Soomaaliya
Ciidammada Soomaaliya
Al-Shabaab waligood looguma yaboohin in haddii ay dagaalka soo afjaraan jagooyin laga siin doono dowladda. Waxay kooxdu wajaheysaa xaalado adag, iyadoo laga dilay hoggaamiyeyaal sar sare oo lafdhabar u ahaa, weli waxaa macquul ah inay soo dhaweeyaan natiijo noocaas ah.
Dowladda Soomaaliya iyo ururrada bulshada rayidka ayaa laga doonayaa inay go'aan ka gaaraan sidii wada xaajood loola geli ururka Al Shabaab, si loo soo afjaro dhibaatooyinka dagaallada sokeeye ay geysteen. In la joojiyo dagaallada Soomaaliya waxaa loo baahan yahay in la gaaro heshiisyo nabadeed si Shabaab kaalin weyn mustaqbalka looga siiyo dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii lasoo dhaaafay xabsiga dhigtay Afahayeenkii hore ee Al Shabaab Sheeikh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur xilli uu kamid ahaa musharrixiintii ka qeyb galeysay dooraashadii maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Xiritaanka Roobow kaddib, waxaa hadda meesha ka baxday kalsoonida ay ku qabi karaan dowladda Soomaaliya hoggaamiyeyaal ka tirsan Al Shabaab oo hadda damacsan inay ka soo goostaan ururkaas.
Waxay arrintani u muuqataa in dowladda Soomaaliya ay muujisay in hoggaamiyeyaashi horey uga tirsanaa Al Shabaab aanan loo ogoleyn inay ka qeyb qaataan siyaasadda dalka.
"Dowladda waxaa la gudboon inay sii dayso Roobow isla markaasna loo oggolaado inuu dhex galo bulshadiisa", ayuu yidhi Mr Harting .
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment