https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df
Monday, January 24, 2022
Xaalad kacsan: Maraykanka ma waxa uu Ruushka kula dagaallami rabaa Ukraine?
Ciidanka Maraykanka
Ku dhawaad 8,500 oo askarta Maraykanka ah una diyaarsan dagaal, ayaa ku jira heegan sare, xilli ay meel adag gaartay xiisadda Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon.
Warkan ayaa ku soo beegmay xilli Ruushka uu beeniyay inuu tallaabo milateri ka qaadi rabo Ukraine, inkastoo uu 100,000 oo askari geeyay xuduudda labada waddan.
Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa in wadahadal telefoonka ah uu la yeesho xulafadiisa Yurub, si isku aragti ay uga noqdaan duulaanka laga cabsi qabo inuu qaado Ruushka.
Pentagon-ka ayaa sheegay in weli aan go'aan laga gaarin in ciidamadaas loo diro Yurub.
"Waxaa go'aan noocaas ah la qaadan doonaa haddii ay ku talo-bixiso NATO ama ay isbedasho xaaladda Ukraine," ayuu yiri afhayeenka Pentagon, John Kirby.
Dalal kamid ah NATO sida Denmark, Spain, Bulgaria iyo Netherlands ayaa diyaarado dagaal iyo maraakiib u diray bariga Yurub si ay u xoojiyaan difaaca gobolkaas.
Putin oo sheegay hal arrin oo looga baaqsan karo dagaal dhexmara Ruushka iyo NATO
Mareykanka 'oo ay suuragal tahay inuu hub u diro' Ukraine
Maraykanka ayaa dhawaan kaalmo milateri u diray dalka Ukraine.
Safaaradda Maraykanka ee Kyiv ayaa sheegtay in shixnadda hubka ah ay muujinayso "sida Maraykanka ay uga go'an tahay in Ukraine ay difaacato madax bannaanideeda."
"Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa in kaalmo noocaan ah uu gaarsiiyo ciidamada Ukraine ee doonaya inay dalkooda ka difaacaan duulaanka Ruushka," ayaa lagu sheegay qoraal ay Facebook soo dhigtay safaaradda.
Wasiirka gaashaandhigga Ukraine, Oleksiy Reznikov, ayaa Maraykanka uga mahadceliyay kaalmada milateri.
Kaalmada ayaa Kyiv gaartay saacado uun kamid markii wasiiradda arrimaha dibedda ee Ruushka iyo Maraykanka ay wadahadal ka yeesheen xaaladda Ukraine iyo sidii looga hortagi lahaa dagaal dhaca.
Blinken iyo Lavrov
XIGASHADA SAWIRKA, REUTERS
Ruushka ayaa sanadkii 2014 gobolka Crimea xoog uga qabsaday Ukraine. Tan iyo waagaas, ku dhawaad 14,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaallo u dhexeeya ciidamada Ukraine iyo fallaago gacan ka helaya Ruushka.
Gaashaanbuurta NATO ayaa ka digtay in dagaal culus uu ka qarxi karo soohdinta Ruushka iyo Ukraine, xilli xukuumadda Moscow ay ciidan lagu qiyaasay boqol kun oo askari geysay aaggaas.
Madaxweyne Putin ayaa hordhigay dalalka Galbeedka dalabaad ku aaddan xiisadda Ukraine oo ay kamid tahay in dalkaas uusan ka biiri karin NATO.
Waxa uu doonayaa in NATO ay joojiso dhoola-tuska milateri iyo hubka ay geyso bariga Yurub oo uu u arko arrimo khatar ku ah ammaanka dalkiisa Ruushka.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment